Yaa muslim ah?

D iinta islaamku bilowgeedii waxa ay ku asaasantay dad qof qof diinta u
soo gelayey oo ma ay jirin kooxo ama qabiilooyin isku mar nebiga isu dhiibey.
Qof kasta oo diinta galaa waxa uu ogaa sababta uu u galay oo uu macneyn karey,
waxa uuna ahaa qof ay isaga shakhsi ahaan uga soo go’day in uu nebiga ku raaco
arrinta cusub ee uu la yimid. Sidaas waxaa diinta loo gelayey toban sano iyo
dheeraad, waxa ayna dadka nebiga raacaa u samrayeen dhib kasta oo ay ka mutaan
arrinta ay qaadashadeeda u bareereen.
Iyada oo ay gelidda diinta islaamku sidaas tahay ayaa waxaa bilowday in ay
qabiilooyin diinta isku mar soo galaan iyada oo uusan shakhsiga diinta
qaadanayaa ugu bareerin kas iyo go’aan naftiisa ka soo go’ay ee ay qabiilku
diin aysan garanayn ku taageerayaan odayaal reerkooda ah oo ay u la muuqatay
in uu tolku diinta wada galo.
Dhaqankii uu islaamku ku socdey muddo toban sano ka badan markii la beddeley
waxaa soo baxay dhaqamo la jaanqaaday habkaas cusub, waxaana ka mid ahaa in ay
muslimiinta ka dhex abuurmeen kooxo loo bixiyey “Munaafiqiin” oo aysan
muslimiintu aqoon xilligii Maka la joogey ee dheeraa. Munaafiqiintu waxa ay
markiiba noqdeen awood ka daran dhammaan gaaladii kale oo nebiga iyo raggii
hore u rumeeyey wareeriyey.
Waxaa la wada og yahay xilligii ay nebiga geeridiisu soo dhowaatey in ay carab
badan oo ay muslimiintu ka adkaadeen ama baqay qabiil qabiil diinta u soo
galeen. Dadkii sidaas diinta u soo galay dhammaantood markii uu nebigu aakhiro
aadey diinta waa ay ka laabteen oo waxa ay yiraahdeen “Annagu Maxamed baannu
ka baqnay ee haddii uu dhintay carabtii la socotey taageeri mayno!”. Waa laga
wada dheregsan yahay dhibtii Abuukar ka qabsatay carabtii awal diinta koox
kooxda u soo galay, haddana isla koox kooxdii uga baxay.
Dadkii diinta qabiil qabiilka ama koox kooxda u soo galay markii uu nebigu
dhintay wax tayo ah ma ay yeelan oo maalintii uu nebigu xijaabtey ilaa ay
khilaafadii islaamku baaba’day waxaa muslimiinta hoggaaminayey firkii
Quraysheed ee uu asalkoodu ka soo jeedey dadkii diinta u qaatay qof iyo
aragtidiisa u gaarka ah. Iska daa carabtii dib ka timid ee kuwii Madiina loogu
tegey oo labo qabiil iyaga oo ah diinta soo galay wax tayo ah ma ay yeelan
geeridii nebiga ka gadaal oo wax aan jirin bay ka yihiin taariikhda
muslimiintii danbe oo dhan. Hummaaggii ay diinta ku taageereen oo is-huwanaa
bay markii hore magac ahaan u jireen, ka dibna hummaagga laftiisii baa
ciiryaamo noqday oo hal nin oo ka mid ah taariikhda laga heli mayo. Wixii
loollan muslimiinta dhex maray ama gaalo la la loollamay waxaa hagayey Qureysh
soocan.
Haddaba qofku in uu isaga oo go’aan qof ahaaneed leh mabda’ qaato iyo in uu
duufaan socota iska raacaa macne weyn bay ku ka la duwan yihiin. Haddii aynu
aragtida sidaas u salayno maanta dadka jooga hal koox baa muslimiin ka ah. Waa
dadka ku soo barbaaray bay’ado aan muslimiin ahayn oo ay dadka ku nooli
fakaraan, ka dibna diinta islaamka soo galay iyaga oo qeexi kara sababta ay
muslimiin u noqdeen. In dadka ay ka soo baxeen ay fakaraan waxa aan uga jeedaa
in aysan dadkaasi ku khaldamin afrikaan cawaan ah oo gaajaysan oo ay wadaaddo
sucuudiyaan ahi cunto ku muslimiyeen.
Bah weynta diinta awooweyaal ka soo dhaxlay haddii aynu gaar uga hadallo waxaa
la og yahay in ay dadka ugu liitaan kuwa wixii ay ku soo koreen iska difaacda,
waxyaalaha kalena ka qalooda iyaga oo aan innaba ka fakarin waxyaalaha la ka
la haystaa wax ay ku salaysan yihiin oo aan isweydiin dadka ka duwani sababta
ay u ka la geddisan yihiin. Dadka noocaas ahi in kasta oo ay aad u liitaan waa
tirada ugu badan ee aadamiga. Nin baa 80 sano lo’ caabudaya isaga oo aan
daqiiqad noloshiisa ka mid ah ka shakiyin in ay xaq tahay in uu sac caabudaa,
la yaabna ma uu laha oo waxa aynu sheegnay in ay dadku sidaas u badan yihiin.
Tirada sidaas ahi dadka waa 100% oo waxaa la hubaa dadka su’aalaha keenaa in
aysan dhammayn 0,001%.
Haddaba dadka badan ee maanta muslimiinta sheegtaa waxa ay la mid yihiin kuwii
sanabbada caabudayey ee uu nebigu ka soo dhex baxay oo ka qaloonayey aragti
kasta ee cusub oo aan ahayn in sanab la caabudo. Waxaa la wada og yahay
mushrikiintaasi daliisha ugu weyn ee ay diintooda ku daafacayeen in ay ahayd
in ay awooweyaashood ka soo gaareen iyo in ay rumaysan yihiin oo aan laga
maagi karin iyada oo dareenkooda la xaq dhawrayo. Dadka caalamka islaamka ku
barbaaray si kasta oo caqiidadooda loo eego waxa ay la summad iyo sinji yihiin
carabtii wathaniyiinta ahaa ee hore, mana ay rumayn islaamka ee waa ay iska
weheshadaan qalo ay ka qabaan dhaqamada kale darteed.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida