Yaa diidan cilmaaniyadda Soomaaliya?

I n diinta islaamka iyo dowladda la ka la saaro waxaa diiddan wadaaddada
Wahaabiya ee wadaaddada kale waa ay oggol yihiin. Dariiqooyinka iyo suufiyadu
wax shar ah ku ma hayaan soomaalida, laakiin dib baynu ka faallayn doonaa ka
la duwanaanta firqooyinka.
Wadaadkii ugu horreeyey ee soomaali ahaa ee sheegay in uu xukun u oomman yahay
waxa uu ahaa Maxamed Cabdulle Xasan, laakiin isagu ma uu sheegin in uu
shareeco iyo diin xukun ku raadinayo ee waxa uu sheegay in uu isagu soomaalida
xukumayo, ciddii in uu xukumo diiddana uu dilayo oo dhacayo oo caayayo.
Maxamed Cabdulle Xasan ma uu aamminsanayn in dadka diin lagu xukumo ee waxa uu
rumaysnaa in uu dadka xukumo nin keligitaliye ah oo laaya ciddii xukunkiisa
diidda. Waa isla fakraddii uu qabey Maxamed Siyaad Barre, waana aragti ay rag
badan oo caalamka soo maray qabeen.
Soomaalida waxaa xilli dheer diinta u qaabbilsanaa wadaaddo aan shar badnayn
oo muran badnayn. Wadaaddadaasi dadka talada siyaasadda haya ku ma ay qabsan
jirin oo hadba sida ay dadku yihiin bay wadaaddo ugu ahaayeen. Waxa ay
ahaayeen dhakhaatiir xoolaha iyo dadka diin ku daweeya. Waxa ay isu guurin
jireen labadii qof oo raba in ay diin isku guursadaan. Waxa ay qaadi jireen
heeso carabi ah oo nebiga iyo awliyada lagu ammaanayo oo aan cidna lagu
aflagaadhaynayn. Maalmaha ciidda waxa ay jeedin jireen hadallo aakhiro iyo
waxyaalo kale ku saabsan. Ma ay samayn jirin fawdada lagu magacaabo “Amarka
wanaagga iyo diiddidda xumaanta” oo ah in dad meel jooga la maago oo
fadqalallo bulshada lagu sameeyo. Waxa ay oggolaayeen heesaha iyo ciyaaraha
tiyaatarrada, dhaqanka ummaddana ma ay dhaleecayn jirin. Madaxda iyo
siyaasiyiinta la ma ay murmi jirin ee waxa ay u samayn jireen duco iyo
beloxijaab. Shareecadda waxa ay fiirin jireen markii xoolo la dhaxlayo iyo
markii dhibbaan ama dhaawacyo ay dad ka la gaaraan, laakiin dadka ku ma ay
khasbi jirin shareecadaas ee dadka ayaa u la tegi jirey. Waxaa laga yaabaa
intaas lafteeda in aan wadaaddo looga baahnayn oo dhaxalka iyo dhibbaannada ay
barlammaannadu sharci diinta ka fiican ka soo saaraan si aysan caddaalad darro
u dhicin oo casriga loo waafaqo.
Ummadda oo diintaaas nabadda iyo wanaagga ah haysata ayaa waxaa timid diin
kale oo muran iyo fawdo ah oo xataa laga murmayo sida ay dadku surweellada iyo
macawisaha u xirtaan iyo garka iyo shaarubbada ragga. Waxaa dumarka lagu soo
rogey in ay dhar ahaan u xirtaan kiishash madmadow oo quruxda haweenka lagu la
dirirayo, waxaana la sheegaa in ay diinta saxda ahi sheegtay in uu Eebbe qurux
badan yahay, quruxdana uu jecel yahay. Kiishashka dumarka loo geliyey aad bay
u foolxun yihiin. Waa diin fawda ah oo aan rag iyo dumar midna u oggolayn in
ay si qurux badan u lebbistaan.
Ragga waxaa lagu soo rogey in uu surweelkoodu canqawga ka sarreeyo oo uu kubka
joogo, waxaana la soo daliishadey in uu nebigu sidaas u lebbisan jirey!
Sidaasi waa foolxumo ee ma nebigii baa foolxumaa? Ma dumarkii nebiga ayaa
kiishash foolxun gashan jirey? Diintaas fawdada ahi waxa ay ku saabsan tahay
nolosha oo dhan oo dadku wax nefis ah heli mayaan, waxaana ugu daran in ay
Wahaabiyadu rabaan in waddamada caalamka oo dhan diintoodaas lagu mideeyo oo
uu dhammaantood xukumo carab sucuudiga joogaa! Ma ku la tahay in dalalka oo
dhan ay kooxdaasi qabsan karaan oo ay hoos geyn karaan wadaad sucuudiga jooga?
Waxa ay dadka u diideen in ay heeso qaadaan ama ay fan dhegaystaan. Halkan
lagu ma soo koobi karo waxyaalaha ay sheegeen ama ay sameeyeen, waxaana ka mid
ah in ay sharciga ay barlammaanku sameeyaan ku tilmaamaan “Munkar” ama wax
liita, oo ay rabaan in la waafajiyo kitaab Wahaabiya ah oo aysan carabtuba ku
dhaqmin. Waxa ay la dirireen wadaaddadii jiri jirey oo diinta deggan oo
khayrka ah hayey oo waxa ay gaarsiiyeen in ay mushrikiin ku tilmaameen. Meel
kasta oo uu qof iyaga ahi joogo waxaa ka socda muran iyo cay dadka lagu
maagayo in ay gaalo iyo faasiqiin yihiin, waxaana la daliishanayaa carabi
gaboobey oo aysan carabtuba casrigan haysan.
Haddaba waxaa la hubaa in aysan isqaadan karin diin Wahaabiya ah iyo dowladi
oo waxaa loo baahan yahay in la soo celiyo diintii khayrka ahayd oo aan
aflagaadhada iyo muranka ahayn. Waxaa loo baahan yahay in firqooyinkaas dadka
wareeriyey meel looga soo wada jeesto oo aan la ka la soocin kuwooda hubka
sita iyo kuwooda fawdada si kale u jilaya. Waxaa jira kuwo Wahaabiya ah oo
sheegta in aysan Ashabaab ahayn,[ laakiin waxa aannu ummadda u sheegaynaa in
ay isku ujeeddo yihiin iyaga iyo Ashabaab](https://kaashomaanka.com/maxay-
isku-diidan-yihiin-ururada-al-shabaab-iyo-al-ictisaam/). Firqooyinka diinta ee
fawdada wada waa in la ciribtiraa haddii la rabo horumar ummadeed. Wax kasta
oo ay ummadda geliyeen waa in dib looga sifeeyaa si loo soo celiyo soomaalidii
jiri jirey oo waddaniyiinta ahaa.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida