Xuubka bikradu caddayn ma u yahay bikranimada gabadha?

S ida in badan oo idinka mid ah waxaan ku koray aaminsanaanta in hymenka
(xuubka bikrada) uu yahay caddayn bikranimo. Laakiin waxaa soo baxday in aan
dhammaanteen khaldanayn. Waxaan ogaanay waa in sheekada caanka ah ee la inooga
sheegay bikranimadda haweenka ay ku salaysan tahay labo khuraafaad. Sidaas oo
ay tahay runta dhabta ah ee bikronimada haweenka ma ahayn wax ka qarsoon
culumadda caafimaadka muddo gaaraysa boqolaal sano. Hase yeeshee, labadaan
khuraafaad waxay sii wadaaan inay nolosha ku adkeeyaan dumar badan oo ku nool
dunidda dacalladeeda.
Khuraafaadka koowaad wuxuu ku saabsan yahay dhiigga, wuxuu inoo sheegayaa in
xuubka/hymenka jabto ama dhiig baxdo marka ugu horraysa ee haweeney samayso
galmo (Vaginal sex) si kale haddii loo dhigo, haduusan gogosha dhiig ku daadan
marka u horreysa ee haweeney galmo samayso maahan mid bikro ah.
Khuraafaadka Labaad waa natiijo macquul ah oo ka dhalatay khuraafaadka
koowaad, maadaama loo malaynayo inuu xuubka jabayo oo uu dhiig baxayo dadku
sidoo kale waxay aaminsan yihiin inuu xuubku baaba’ayo galmadda koowaad oo
waxaa loo yaqanaa bikrojab.
Haddii taasi run ahaan lahayd waxaa awood loo yeelan lahaa ogaansha in gabadhu
tahay bikro ama inkale, waxa baaritaan lagu samaynayn lahaa xubnaha taranka
iyadoo la samaynayo baaritaanka bikradda (Virginity check)
Sidaa darteed kuwaasi waxay ahaayen labadii khuraafaadka ee ku salaysnaa:
bikraddu waa ay dhiig baxdaa iyo xuubka/hymenkuna wuu lumaa oo baaba’aa kadib
galmadda koowaad.
Hadda waxaa laga yabaa in ay u muuqato arrin yar oo qaar idinka mid ah is
waydiinayo maxaad ugu mashquulsan tahay maqaar yar oo kamid ah jirka haweenka?
Laakiin runtaa waxay tahay arintani waa mid aad uga ballaaran isfahan darro ka
dhalatay xuubkaas yar. Khuraafaadka ku saabsan xuubkaan ayaa ah mid noolaa oo
soo jiray qarniyo sababtoo ah waa mid ahmiyad dhaqan leh. Waxaa loo adeegsatay
sidii aalad awood badan leh taas oo lagu xakameeynayo galmadda dumarka.
Khuraafaadkan ayaa ka helaaysaa ku dhawaad dhaqan kasta, diin kasta iyo
taariikh kasta.
Meelo badan oo dunidda dacalladeeda ah haweenka aan bikroda ahayn ayaa la
kulma dhibaatoyin kala duwan: Sidda ceebayn, wax yeelayn, kiisaska ugu xun ee
loo gaysto ayaa ah dil sharafeed hadii aysan gogosha dhiig ku daadin habeenka
arooska. Haweenka qaar ayaa lagu khasbaa baaritaano bikronimo si ay u helaan
shaqo oo ay bulshadda sumcad ugu lahaadaan ama ay loo guursado.
Tusaale ahaan waddanka Indooniisiya, halkaas oo haweenka si nidaamsan loogu
sameeyo Virginity check marka aay galayaan qaar kamid ah adeegga milatariga.
Kacdoonkii Masar ee 2011, koox ka mid ah haweenka mudaharaadayay ayaa lagu
qasbay inay maraan kontorool bikro baarida/virginity check. Sidoo kale
Magaalada Oslo ee dalka Norway dhakhaatiirtu waxay baaritaanka bikradda ku
sameeyaan gabdho yar-yar oo kamida bulshooyinka laga tirada badan yahay ee
waddankaas ku nool si ay ugu xaqiijiyaan waalidiinta in carruurtoodu aysan
“Bikro jabin” oo waxa wax laga xumaado ah in liiska wadamada kale ee
dhaqankani ka jiro aanan maqaalkan ku soo koobi karin
Haween badan oo ku hoos nool meelaha khuraafaadyadaas ka shaqeeyaan ayaa aad
uga baqaya inay diidaan ku noolaanshaha sheeko-xariirta ku saabsan bikronimada
ama ay aad u adag tahay in ay ka madax-bannaadaan, sidaa darteed ayey waxay
sameyaan qalniinka dib u hagaajinta bikradda (Virginity quick fixes) si loo
hubiyo dhiig baxa habeenka koowaad. Taasi waxay noqon kartaa qalliinka
Plastic surgery -ga ah oo loo yaqaan Revirgination ; (kaas oo ah
dibudhiska bikranimada ama bikro celin) wuxuu noqon karaa xuub been ah oo
loogu talo galay dhiig bax taas oo kuu fududaynasa inaad ahaato gabar bikro ah
oo sharaf leh.
Tampon (Suufka dhiigga caadada laysaga dhawro)
Waxaa cabsi aad u wayn lagu beeray gabdhaha yaryar, cabsidaas oo ay ka qabaan
inay lumiyaan bikradooda haddii aay isticmaalaan tampon/tambooni (suufka
dhiigga caadada laysaga dhawro, siiba mid dhuuban oo xubinta taranka dumarka
la galiyo), ciyaaraan sports, baaskiil wadaan ama ay galmo sameyaan. Waxaa
yaraatay fursadahooda iyo xorriyadoodda, waa wakhtigaan joojin lahayn
khiyaamada bikrada. Waxaa la joogaa wakhtigii aan ka gudbi lahayn
khuraafaadkan mar iyo dhammaan. Sida ay shegeen ardayda caafimaadka,
shaqooyinka caafimaadka galmadda iyo qoraayaasha ku xeel-dheer arrimahaan dad
badan waxay u muuqdaan kuwo aaminsan in xuubka/hymenka yahay shaabad ku
daboolan xubinta taranka ee haweenka, oo waxaa loo yaqaan xuubka bikradda (The
virgin membrane) tanna waxaa lagu tilmaamaa wax jilicsan sidda bac khafiif oo
si fudud lagu burburin karo.
Laga yaabee in aad la yaaban tihiin sababta aan muuqaalka sare u soo qaatay,
dabcan sidaad aragtaanba waa giraan, marka hore bac ayaa afka kaga dahaaran
marka danbana way dillaacday bacda. Hadda, waa aay muuqata in wax ku dhaceen
giraanta sida ka muuqata muuqaalka daqiiqadda 5:10′, oo waa ay kala duwan
yihiin labadda jeer, shaabada/bacdda afka kaga daboolnayd waa ay jabtay, oo
waa ay adag tahay in lagu soo celiyo sideedii hore ilaa aan badalno bacda afka
kaga daboolan. Markaa haddii aan doonayno in aan hula-hoobkan kusamayno bikrad
celin wa ay fududahay. Waxa kaloo fudud inan dhahno maahan mid bikro ah.
Laakiin xuubka ayaa ah mid aad uga duwan giraanta ay afka kaga daboolan tahay
bac ama shaabad. Xaqiiq ahaan waxay u badan tahay in hymenka ay u ektahay
sidatan: Laastiig ama caag kala jiidmaya (The hymen is a rim of tissue at the
outer opening of the vagina) badanaa waxay leedahay qaab donut ama wareeg oo
leh daloolku dheellitiran, laakiin tani aad ayey u kala duwan tahay, oo
mararka qaarkood hymenka ayaa yeelan kara farofaro , waxay yeelan karaan dhowr
godad, ama waxay ka koobnaan kartaa lobs. Si kale haddii loo dhigo, hymenka
ayaa ku imaada dhowr nooc oo aad u kala duwan muuqaal ahaan, waana midda
adkeyneysa in la sameeyo baaritaanka bikradda.
Madaama aan hadda wax ka ogaanay Xaqiiq hymenka aan dib u eegno labadii
khuraafaad ee ahaa “Bikradu way dhiig baxdaa iyo hymenka wuu lumaa kadib
galmadda kowaad” Xaqiiqda ayaa ah hymenka maahan mid jabaya ama luma waa sidda
laastiig oo kale qaab shaqaynta oo waa mid kala jiidmaya. Hymenka ayaa yeesha
dabacsanan ama kala jiidma wakhtiga galmadda si uu xubinka taranka ragga ugu
baneeyo boos ku filan, laakiin saasi kama dhigayso hymenka mid baaba’ah oo
luma waxaa laga yabaa inuu waxyar u muuqdo si ka duwan sidiisi hore.
Hagaag, hadaba hadii wuu hymenka yahay sida laastiik kuma dhiig bixi doontid
galmadda kumana xirna inaad galmo horay usoo samaysay iyo in kale oo waa wax
aan macquul ahayn Laakiin hadiiba ay dhacdo in dhiig bax yimaado maahan mid ku
xiran bikro iyo bikro la’aan waa arrin khusaysa qaabka markaas galmadda loo
sameeyo. Halkaasna waxaa kusoo afjarmay khuraafaadkii kowaad.
Oo taasi waxay ku tusinaysaa in aadan baari karin hymenka si aad u ogaato
heerka bikranimadda waana arrin taakriikhda ku xusan inka badan boqol
sannadod. Hadii aan tusaale soo qaato, waxaa wax ka qortay dhakhtarad
Norwegian oo la oran jiray Dr. Marie Jeancet sanadkii 1906. Waxay
baaritaanka bikradda ku samaysay haweeney jirkeeda ka ganacsata baaritaanka
kadib waxaa soo baxday in xubinka taranka haweeneydaas uu lamid ahaa sida mid
gabar aan wali galmo samayn. Waxaan filayaa in taasi burin doonto arrintii
ahayd “hymenka ayaa luma/baaba’a kadib galmadda” Sax? Hadiiba uusan
haweeneydaas hymenka keedu wax yeeloobin.
Hymenka wuxuu ku yimaadaa noocyo iyo qaabab kala duwan wayna adagtahay sida
loo ogaado ama loo sameeyo baaritaanka bikrada. Sidoo kale maqnaanshaha
baarista bikradda waxaa lagu muujiyey daraasad lagu sameeyey 36 gabdhood oo
uur leh. Markay dhakhaatiirtu baarayeen hymenkooda, waxa kaliya ka heleen
astaaamo muujinaya gelitaanka xubinta taranka ragga (galmo) labo kamida 36
gabdhood. Taas oo macnaheedu yahay in la xaqiijin waayey in gabdhaha galmo
sameeyeen iyo in kale. Marka waa inaan dhammaanteen aqbalnaa in sidoo kale
khuraafaadkii labaad uu dhabarjab weyn ku dhacday oo uu halkaas ku banjaray.
Majiro qof inta haweeney labadeeda lugood inta u dhaxaysa eego sheegi kara
inay galmo hore u samaysay iyo in kale. Sida khuraafaadyo badankood,
khuraafaadka ku saabsan hymenka waa mid khiyaali ah oo ma ahan wax run ah.
Ma jiro shaabad bikro ah oo baaba’da galmada koowaad, sidoo kale, kala bar
gabdhaha si fudud ayey u galmoon karaan iyagoon dhiig baxaynin galmadda kowaad
. Waxaan jeclaan lahaa inaan dhihi karno waan tirtirnay khuraafaadkaas, wax
walba way hagaagi doonaan; ceebaynta , waxyeelada iyo dilalka ka lagu sameeyo
gabdhaha galmada sameeyey dhammaantood waa la wada baabi’in doonaa, laakiin
dabcan taasi ma ahan mid sahlan.
Cadaadiska jinsi ee haweenka wuxuu ka yimaadaa wax aad uga qoto dheer fahamka
khaldan ee ku saabsan xuubka bikrada. Waa arrin lug ku leh dhaqanka iyo
xakameynta diinta ee galmada dumarka. Taasna way adag tahay in la beddelo,
laakiin waa inaan isku daynaa. Ka dumar ahaan iyo anigoo ku hadlaya dhamaan
codka dumarka aan codkooda dhiiban karin ama khuraafaadkan madaxa loogu
shubay, waxaan rabnaa gabar kasta, waalid kasta , iyo nin kasta in ay ogaadaan
waxa uu xuubka bikrada yahay, iyo sida ay u shaqeyso. Waxaan rabnaa inay
ogaadaan xuubka bikrada loo adeegsan karin caddeyn bikro, sidaasna aan meesha
uga saari karno mid ka mid ah aaladaha ugu awoodda badan ee lagu xakameeyo
haween badan oo ku nool dunida dacalladeeda.
Ka dib markii aan kuu soo bandhigo qormadaan, waxaad isweydiin kartaa waxa
kale ee lagu caddayn karo bikradda. Maxaa yeelay haddii aanaan u adeegsan
karin xuubka bikrada inay daliil u tahay bikradnimada haweenka, markaa maxaan
isticmaali karnaa? Waxaan door bidaynaa inaan isticmaalno waxba!!!! Haddaad
runta rabto inaad ogaato haddii haweenay bikro tahay iyo in kale, Weydii
iyadda. Laakiin sida ay uga jawaabto su’aashaas waa doorashadeeda.
W/T: Dhudi Cigaal
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida