Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Xusuusta mise jirka?

W/Q: Gallad Gurxan
Falsafad 1
5.3k
·

2/12/2019

Xusuusta mise jirka?

Q ofku waxa uu qof ku yahay waa xogta uu xambaarsanyahay ee ku kaydsan
maskaxdiisa, sida xasuusta, aqoonta, qibrada…iwm. Aniga iyo adiga farqiga inoo
dhaxeeyaa waa in aynu ku kala duwannahy macluumaadka aynu xambaarsannahay,
tusaale; anigu waxaan aqaan dadyow goortii aan magacyadooda maqlo aan soo
xasuusto oo aan ka dhex baaro kaydka maskaxdayda, waxaan aqaan dhacdooyin isoo
maray. Adiguna sidoo kale, waxaad wadataa macluumaadkaaga kuu goonida ah.
Haddii macluumaadka ku kaydsan maskaxdayda inta lagu qaado cajalad, deetana
lagu shubo maskaxdaada oo laga sii nadiifiyay macluumaadkaagii kuu qaaska
ahaa, waxaa dhacaysa in aad adigu noqoto Gallad -magaca qoraha-. Qoyskaygii
ayaa qoyskaaga noqonaya, waxaad walaalo u arkaysaa walaalahay, marka lagu
yiraahdo war in aad Gallad tahay maxaa cadayn u ah, waxaad sheegaysaa wax aan
beri hore sameeyay illeen waxa aad waddaa kaydka macluumaadkaygiye.

Haddaba haddii aniga iyo adiga la inoo kala badalo xogta ku kaydsan
maskaxdeena, deetana aniga oo Gallad ah la doonayo in la i jirdilo ama la i
ciqaabo, ma waxaa la ciqaabayaa qolofka Gallad ee markaan xambaarsan
macluumaadka Cabdi ee ah qofkii macluumaadkiisa la igu shubay, mise waxaa la
ciqaabayaa Cabdiga xambaarsan macluumaadkaygii?

Inta aan noolahay waxa aan ku dambaabayo (dambi diimeedka) waa afkayga,
aragayga, adimahayga..iwm, kuwaas oo qeyb ka ah qolofka jirkayga. Insaanka
dhammaantii waa ay isku raacsan yihiin in dhimashada kadib jirkeennu uu
baaba’ayo oo ay quudanayaan cayayaan iyo noole kale si ay tamar uga dhigtaan.
Waxa kali ah ee dhimashada kadib samada loo qaadayo waa naf (sida ay aaminsan
yihiin (ahlu diinka), taasoo – inkastoo uusan caddayn sayniska – aysan kala
caddayn waxa ay tahay! Ma waxaan ku sheegnaa nafta in ay tahay xasuusteenii
iyo xogteenii mise waxaan ku sheegnaa in ay tahay wax kale?

Maalinta dadka dhintay lasoo saari doono (sida ay ahlu diinka qabaan), waxa
lasoo saarayo waa qalfoof cusub. Intii aan noolaa waxaa jirkayga soo maray
intaas oo unug oo isbadal ku dhacay, tusaale, unugyadda maqaarkayga intaas oo
million oo jeer ayay is badaleen, oo marba unugyo hor leh ayaa fuulayay
maqaarkayga, badalayayna kuwa dhintay oo daatay. Sidoo kale, cidiyaha ayaa
ayaguna intaas oo goor korayay mar walbana la gaabinayay, markaa maadaama ay
yihiin xubnahaasi kuwa aan ku dambaabo had iyo goor, waa in aan xasuusanaa in
ay ayagu mudanyihiin in la ciqaabo. Haddaba maalinta la isi soo saarayo, ma
waxa ay noqonaysaa in dhamaan wixii cidiyo ahaa ee aan iska guray la igusoo
xiro oo waliba isla ayagii ah oo aanan ahayn kuwa cusub, sidoo kale, dhammaan
wixii unug iga dhacay intii aan noolaa ee aan ku dambaabi jiray iyo kuwii ay
cayayaanku cuneen dhimashii kadib halkaasna lagu ciqaabo, mise qolof cusub
ayuu Alle inta samaysto una eg kayga ayuu xasuustayda galinayaa kadibna
ciqaabayaa oo uu jirdilayaa? Soo caddaalad darro noqon mayso in qolof cusub oo
aanan waxba galabsan loo ciqaabo, maxaad hadda kahor hebel ciddida ugu
xagatay, ayada oo ujeedka la leeyahay uu yahay in la ciqaabo uun xasuus?

Suuradda An-Nisaa, aayadda 56-aad, Alle sidatan ayuu ku leeyahay:-
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا سَوْفَ نُصْلِيهِمْ نَارًا كُلَّمَا
نَضِجَتْ جُلُودُهُم بَدَّلْنَٰهُمْ جُلُودًا غَيْرَهَا لِيَذُوقُواْ ٱلْعَذَابَ
ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَزِيزًا حَكِيمًا
“Kuwa ku kufriyay aayaadkeena , waxaan ku soli doonaa dab, markasta oo uu
bislaado maqaarkooduna, waxaan ugu badali doonaa maqaar (jidh) cusub, si ay u
dhadhamiyaan cadaabka, Alle waa mid weyn oo xikmad badan.”
Si cad ayuu Alle u muujinayaa in uu hadba maqaar cusub samaysan doono,
maqaarkaasna uu jirdili doono!

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...