Xumaan iyo Samaan
Labada erey oo kor ku qoran wuxuu qof kastaa u malayn karaa in uu kala yaqaan,
isla markaas wuxuu moodi karaa in ay jiraan dad badan oo aan labadaas erey
kala garanayn. Kuwa uu qofku moodayo in aysan xumaanta iyo samaanta kala aqoon
laftoodu waxay u qabaan in aysan asaga xumaha iyo wanaaggu u kala soocnayn.
In xumaanta iyo samaanta isku si loo wada aqoodaa waa arrin aan suurtagal
ahayn, waxaana taas keenay in ay dadka garashadooda iyo dareenkoodu aad u kala
geeddisan yihiin, isla markaasna laga yaabo in ay ku kala duwan yihiin aqoonta
iyo sida ay u soo noolaadeen.
Bulshooyinka uu jahligu ku badan yahay ama ay dadku kooxaha waaweyn isugu
xiran yihiin waxaa ku yar in uu qofku oggolaado in ay jiraan dad aysan
xumaanta iyo samaanta isku aragti ka ahayn. Marka aynu leenahay ”Kooxo
waaweyn” waxaynu ka wadnaa qabiil ama wax kale oo uu qof kastaa xubinnimo
khasab ah kaga mid yahay, oo aan loo oggolayn in uu ka leexdo sida ay u
fakaraan ama ay u dhaqmaan. Waxaynu baaraynaa maskaxdeenna si aynu u ogaanno
bal in ay oggolaan karto in ay jiraan aragtiyo xumaanta iyo samaanta u kala
miira sida ay maskaxdeennu u kala shaandhayso.
Saddex hadal oo kala duwan oo Soomaaliya ku saabsan ayeynu qoraynaa, waxaana
malaha hadalladaas ku jira mid aynu xumaan u qabno iyo mid aynu samaan u
malaynayno. Waxaynu xumaanta iyo samaanta saddex hadal keli ah ugu cabbiraynaa
in aynu og nahay in ay soomaalidu xilligaan maskaxda ka rafaadsan yihiin, oo
ay saddexdaas oo qur ah ka heli karaan wanaag ay ku farxaan iyo xumaan ay ka
dudaan.
Waxaad saddexda hadal akhridaa adiga oo aan wanaag iyo xumaan midna
dareenkaaga gelin ee akhriste deggan ah. Luqad ahaan waxaynu saddexda hadal ku
wadaynaa af marmar ka duwan sida caadiga ah, oo aannu wax u cabbirno,
waxaynuna hadallada u kala hormarinaynaa hab aynaan ka faallaynayn, oo uu
hadalka ugu horreeyaa sidaan u bilaabanayo:
”Soomaalidu waa dad kulligood xigto isu ah, oo ay ka dhexeeyaan arrimo
waaweyn, kuwaas oo ay ka mid yihiin diinteenna raxmadda ah ee uu Rabbi inoo
soo dejiyey, afka soomaaliga oo ah luqad hodan ah oo qurux daban, dhaqanka
suubban ee soo jireenka ah ee aan lagu kala duwanayn, isu’egaanta aan
soomaalida sina loo kala aqoon midab ama muuqaal kale iyo deegaankooda yaabka
leh ee ay dhammaantood dhinaca isku hayaan. Waxaa intaas dheer ehelnimada uu
qofba qof u yahay abti, habaryar, adeer, eeddo, soddoh, dumaashi, oori,
saaxiibad iwm.
Soomaalida oo barwaaqo iyo bashbash ku jirta ayaa waxaa ku soo duuley
gumaysigii nacabka ahaa ee reer Yurub. Cadowgaas ka hor waxaa jirey gardarro
ay Xabashiyi soomaalida ku sameeyeen, waxaana faduushaas ay gaalomadowdu ku
dhiirradeen ka dhiidhiyey Imaam Axmed-Gurey oo jihaad islaami ah ula bareeray
cadowgaas ruugcaddaaga ah. Ilaahay falligiis waxaa halgankaas xaqa ahaa oo uu
Imaanku u istaagey lagu gaarey guulo taariikhi ah, oo aynu ilaa maanta ku
faanno, kuna faani doonno tan iyo maalinta Yowmulqiyaame.
Waxay dadka qaarkiis sheegsheegaan in uusan Ahmed-Gurey soomaali ahayn. Haddii
uu carab ahaa xataa sow innaguba carab ma aynu ahin? Soomaalidu waa carab,
waayo innaga iyo carabta bad yar ayaa inoo dhexaysa, oo waxaa laga yaabaa in
ay odayaashii aynu ka soo farcannay ahaayeen rag carab ah oo dabaasha si
fiican u yaqiin, oo dabaaljoogle kaga soo tallaabay badda cas. Waxaa laga
yaabaa in aynaan dabaal keli ah dalka ku imaan ee ay awooweyaasheen qaarkood
ka soo lugeeyeen afrikada woqooyi, sida Masar iyo Liibiya, waayo Suudaan iyo
Kenya waa afrikaan madow oo ilaahay baynu ka magangalnay. Carabtu labo ayey u
kala baxaan, oo waa qaar dubka ka cas iyo kuwo lidda ka cas. Marka innagu
waxaynu nahay carab oogada ka madow, laakiin haddii dhiiggeena la baaro casaan
baa ku jirta. In aynu carab madmadow nahay waxaa u daliil ah in uu Cumar Carte
Qaalib ayaan dhexdaas ah qalinka ku duugey in aynu carab silloon nahay.
Qalinkii uu arrintaas ku saxiixay wuxuu ahaa biire, oo cid saxiixaas tirtiri
kartaa ma ay jirto.
Haddii aynu gumaysigii fooshaxumaa ee reer Yurub dib ugu laabanno waxaa jihaad
hubaysan kala hor tegey Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Sayidku waa ninkii
diidey in uu canshuur dhiibo markii uu Saaxil ka soo degey. Saaxil waa magac
taariikhi ah oo ay magaalada dekedda leh ee Berbera leedahay. Halkaas ayuu
Sayidinaa Maxamed asaga oo xufkiisa iyo toobinkiisa sita aroor ama hardhexaad
ama gabbalgaab ka soo degey, wuxuuna ka dhaartay in uu shilin canshuur ah
dhiibo.
Sayid Maxamed
Cabdille (Sawir tusaalayn ah)
Waa marka uu baxay magaca ”Wadaad waalan” oo ay dabadeed kufaarta ama cadowga
soomaalidu Sayidka u yaqiinneen. Canshuurtaas uu Sayidku maamulkaas u diidey
waxay ahayd tallaabadii labaad oo ugu weyneyd jihaad geyiga soomaalida ka
dhaca. Dabcan waxaa jihaad dalka ka dhaca ugu horreeyey halgankii taariikhiga
ahaa ee Imaam Axmed-Gurey, waxaana labeeyey in uu Sayidku iska soo taagey in
uu gaal canshuur u dhiibo, oo uu dalkiisa canshuur ka siiyo nin meel fog kaga
soo duuley. Uurkiisa wax ku jirey Rabbi baa ku cilmi leh, laakiin innagu
daahirka ayeynu xukumaynaa, oo kolley canshuur lagama qaadin.
Taariikhda Sayidka lama soo koobi karo, laakiin waxaa jirey dad badan oo
gaaloraacyo ahaa. Waxaa dadkaas ugu darnaa Cali-Dhuux, oo ah nin ay
taariikhdiisu madow dahay, oo fidmowale ahaa. Cali saddex waxyaalood baa ceeb
ugu filnaa.
Midda kowaad waa in uu Sayidkii khilaafay, oo uu gaal caddaan ah dhinaca
saaray. Waxaa la wada og yahay in uusan Cali-Dhuux marna la sinnayn
halgamaagii waddaniga ahaa oo gabyaaga ahaa oo Daraawiish ammaanduulaha u
ahaa, oo Alle ha u naxariisto ee ahaa nin uu Sayidku aad iyo aad u jeclaa.
Asaga iyo Cali Aadan isku jilib bay ahaayeen, laakiin ilaahay baa na leh ee
Sayidku labadooda waa uu kala jeclaa, oo hadde nin kula col ah iyo nin aan
haba yaraato ee waxba kaa diidayn waa ay kala khayr roon yihiin.
Arrinta labaad oo Cali-Dhuux lagu xantaa waa in uu fidmowale weyn ahaa, oo uu
khilaafka Sayidkeenna ka sokow ahaa dirediraale ummadda dab ka dhexhurin
jirey.
Arrinta saddexaad oo ay dad badani Cali-Dhuux colooshooda xumaan ugu qaadeen,
ilaa maantana shiikh iyo shariif loola dagaallamaa waa in uu qabiilka si baas
oo uu qallooc ku jiro ugu dhaqamayey. Muslinka ilaahay waxay qabiilka ugu
dhaqmayeen in hadba qofkii kula jooga loogu faano, oo dadka kuu dhow iyo kuwa
kaleba lala ficiltamo oo loo gabgabyo iyo in qof kasta oo kuu gabya loo
jawaabo, oo jawaab keli ah laga fakaro ee aan shirqool kale hoos laga qoolin.
Bal maxaa asaga sidaas u diidey, oo sida dawladu calamo leh uu qabiilooyinka
xudduudo ugu kala yeelay? Nacaybka ninkaas loo qabaa wuxuuba keenay in ay
dawladdii danbe taariikhdiisa ka cagajiiddey, waayo joqoraafigiisu
madaxweynaha iyo magaciisii kama uu qoslin, wadaaddaduna waxay isla dhexmaraan
oo ay kutubaha ku arkeen in ay gabayadiisu fidmo yihiin, oo aan la dhegaysan
karin.
Sayidka dayuurad baa lagu weeraray, oo taasi waaba taariikh weyn oo uu asagu
lahaa.
Intaas haddii arrimaha Sayidka looga baxo waxaa jirey SYL, oo ay asaaseen 13
nin ama 14 nin hadba sidii loo yaqaan. Maxamed Siyaad bay qabiilooyinka qaar
SYL ku daraan, qaarna waa ay ka reebaan, waxaase iska fiican in aan odayga
raggiisa laga reebin.
Taallada
SYL
Nimankaasi waxay ahaayeen dad ummadda maanta joogta ka caqli badnaa, oo uu
Rabbi maskax waasac ku mannaystay. Garashadoodu waxay ahayd mid ka sarraysa
sida la moodayo, oo hadde waaba nimankii dadka u abaabuley in la isu kaashado
sidii xornimo loo heli lahaa, oo ummadda looga dulqaadi lahaa kufrigii
shisheeyaha ahaa, oo Yurub kaga soo duuley si uu diinteenna iyo dhaqankeeda u
dooriyo, oo uu hantideenna u xalaalaysto.
Haddii aysan SYL iyo raggii kale ee xaggaas iyo woqooyi ka halgamey guntiga
jihaad waddaninnimo dhiisha isaga dhigeen marna lama gaareen barwaaqada iyo
horumarka aynu maanta ku sugan nahay! Calanka aad aragteen raggaas ayaa sabab
u ahaa, wuxuuna gumaysigii caddaanku u guurey dhulalkii baas oo uu awal ka soo
kicitimay.
Sidaas ayaa lagu gaarey khayrkaas badan oo maanta 2003-11-04 dalkeenna ka
muuqda iyo calankaas xiddigta leh oo meel kasta ka babbanaya.
Waxaa jirey niman uu Soobbe ka mid ahaa oo gumaysiga la socdey. Waa nimankii
uu garaadkoodu siiyey in gumaysiga loo sii kaadiyo, oo aan maamulka lagu ordin
ee xoogaa wax la barto, si aan dabadeed loogu fashilmin xornimada aan
khibradda loo lahayn. Caqli-xumadaas lagama yeelin ee waxaa lagu dadaaley
sidii madaxweyne iyo ra’iisulwasaare soomaali ah loo samayn lahaa, oo dabadeed
wasiirro iyo wasiirro ku xigeenno loo dhisi lahaa, isla markaas hey’adaha
qaranka aynu innagu u xukumi lahayn.
Ilaahay idankiis horumarku Soomaaliya keli ah kuma uu egaanayo ee
walaaleheenna Ogaadenya iyo NFD labaduba waxay gaarayaan xornimadeenna oo
kale, waxayna helayaan dhammaan waxyaalaha aynu helnay oo kale, oo waxay ka
baxayaan baahida iyo colaadda”.
Haddii aad hadalkaas samaan ka dareentay waa laguugu hanbalyaynayaa, haddiise
uu xumaan kuula muuqdo waxaa foodda kugu soo haya kuwo kale oo aad dhoollaha
ka qosli doontid. Waa in niyadda lagu wada hayo in aysan hadalladu ku qornayn
luqaddii noo caadiga ahayd iyo dabcigayagii qoraalka. Hadalka labaad sidaan
ayuu u bilowday:
”Afrikada bari waxaa deggan dad ay soomaalidu ka mid yihiin, oo uu
muuqaalkoodu caddaynayo in ay kulligood isku dhiig yihiin. Waxaa kale oo in ay
dadkaasi isku asal yihiin muujinaya sida ay dhinaca isugu hayaan iyo sida ay
afafkoodu qaraabo u yihiin. Luqado badan oo aad qaraabo u ah ayey ka mid
yihiin afafka May iyo Maxaa oo ay soomaalidu ku hadlaan.
Qabiilooyinka soomaalida lama hubo in ay xagga dhalashada iska xigaan
qowmiyadaha kale oo ay isku degaanka iyo isku dhiigga yihiin, hase yeesho ee
waxaa la hubaa in ay soomaalida badankoodu isku af ku hadlaan. Xagga dhaqanka
lama hayo dhaqan soomaalida ka dhexeeya oo aan ahayn gudniinka gabdhaha, oo
laftiisu ah dhaqan ay dadyow kale soomaalida la wadaagaan, isla markaas ah
basarxumo loo midoobey.
Diinta islaamka soomaalida oo keli ahi ma leh, waxaana soo dejiyey Rabbi, oo
soomaalida waxaa la haysta dadyow ay Oromadu ka mid yihiin, oo adduunka
badankiisa ku firiqsan.
Diintu ma aha mabda’ qowmiyad ku dhisan ee waxaa jirrid u ah caqiido, waxaana
laamo u ah camal, oo muslimiinta ayey midaysaa ee qabiil iyo midab kuma ay
saabsana. Diinta islaamku xuduud dhulka kala goysa ma ay leh, ee waxaa loogu
talogalay in ay dadka oo dhammi wada qaataan.
Soomaalidu waayadii hore ma ay aqoon calan, xudduud, barlamaan, madaxweyne,
wasiirro, agaasimeyaal, maareeyeyaal, boolis, millateri, dawlad hoose,
bangiyo, hoteello, baasaboor, fiisooyin, laysin iyo iskuullo. Haddaba yaa
waxyaalahaas iyo arrimo kaleba soomaalida baray?
Gumaysigii adduunka qaybsaday ee reer Yurub ayaa dadyow badan waxyaalahaas
baray. Waxaa iska cad in uu gumaysigu dhib badan ka mutay sidii uu
xoolodhaqatadii soomaalida u fahamsiin lahaa maamulkaas casriga ahaa, oo ay
adduunka ku fidinayeen. Waxaa kale oo iska cad in ay soomaalidu u baahnaayeen
in la ilbixiyo oo wax la baro si ay mustaqbalka uga soo baxaan dad wax kala
garanaya oo maamulka iyo siyaasadda soomaalida gacanta ku dhigi kara.
Soomaalida waxaa markaas haystey jahli ku raagey iyo badownimo qoddodheer,
waxaana taas daliil u ah in uu Maxamed Cabdulle Xassan diidey canshuurtii uu
maamulkaas casriga ahi dadka ka qaadayey! Wuxuu dadkii canshuurta weydiiyey ku
yiri: ’Idinka yaa canshuur idinka qaaday markii aad halka timaaddeen?’.
Hadalkaas iyo dhaqankaasi waa arrimo caqliga iyo nadaamka labadaba ka fog.
Horta markii uu ingiriisku Berbera yimid ma maamul canshuur qaada ayaa ka
jirey? Midda labaad yaa eeddeeda leh in uu gumaysigu dalka iska soo galay oo
aan waxba la weydiin? Waxaa arrintaas eeddeeda iska lahaa soomaalida, waayo
inta uu mid kastaa waran iyo toorrey qaato ayuu midka u dhow geela ka
dhacayey, mana ay awoodin in ay maamul dalka difaaca oo ajnabiga iyo
soomaalida canshuuro ka qaata sameeyaan.
Hadalkaas uu Maxamed Cabdulle canshuurta ku diidey wuxuu muujinayaa in uu ahaa
nin badow ah, oo inta meel aan maamul lahayn ka dhoofay markii uu ku soo
laabtay fahmi waayey arrimaha maamulka casriga ah.
Meel kasta oo uu maamul shaqaynayaa ka jiro wuxuu qofka asluubka lihi u
hoggaansamaa qawaaniinta asaasiga ah sida canshuurta, dabadeedna waxii uu dood
ka qabo ayuu si anshax ah uga hadlaa, ee askeri dable ah oo canshuur guraya in
lala murmaa waa wax aan nadaam iyo caqli midna waafaqsanayn.
Weli dadka soomaalida ahi waxay u indhoxiran yihiin sidii Maxamed Cabdulle
Xassan, oo ma ay yaqaaniin nadaamka iyo kala danbaynta. Mid kastaa markii wax
qaynuun ama caqligal ah loo sheego ayuu sidii ninkaas qaylo aan xikmadaysnayn
bilaabaa, waana sababta uu dalkoodu u degi la’ yahay.
Meelihii ay ingiriiska iyo talyaannigu joogeen waxaa ka dhismay magaalooyinka
Soomaaliya ugu waaweyn, waxaana laga dhisay iskuullo badan, laakiin meelihii
ay qawlaysatada Maxamed Cabdulle qasayeen hal iskool lagama furin, isla
markaas cidina ma ay magaalayn. Arrintaasi waxay reebtay ciribdanbeed xun iyo
dhibaatooyin waaweyn oo ilaa maanta taagan.
Dadkii meelaha ay Daraawiishi joogtey ku dhaqnaa waxay ilaa maanta u kala
dhuuntaan labadii magaalomadax ee uu dalku yeeshay. In ay meelahaasi
magaalomadaxyo noqdaan waxaa sababay Daraawiish, waayo dhulkii ay joogeen
waxay ka dhigeen gelgelin cidlo ah, oo dadka lagu qasho.
Qalcadihii
daraawiishta ee Taleex
Lama soo koobi karo sida ay u kala horamareen dadkii gumaysiga la noolaa iyo
kuwii uu Maxamed Cabdulle ku adeegtey, waayo meelna aqoon iyo dhismo ayaa ka
socdey, meelna dhac iyo umulodoox!
Maxamed Cabdulle Xassan dawlad iyo horumar midna waxba kama uu aqoon, ee waxay
gabayo cay ah is dhaafsan jireen wiilal geeljire ah, oo aan diin iyo maaddi
midna aqoon, oo xoolohooda raacda. Waxaase run daacad ah waagaas ku hadlay
Cali Jaamac Haabiil, oo la moodo in uu danaha soomaalida asiibay, aanse laga
dhegaysan. Soomaalidu qofkii caqli, codkarnimo iyo run isku darsada waxay ugu
yeeraan ’Fidmowale’, waxayna ammaanaan qofka dhiiggooda daadiya, oo haadaan ka
tuura, wuxuuna Cali oo Maxamed la doodayaa yiri:
’Muslimnimo nin aan kugula socon, muuminimo khaas ah.
Gaal maxasta kuu korinayoo aad, magansataa dhaama’.
Haddii Daraawiish dalka lagu wareejiyo sidee bay u maamuli lahaayeen, maxayse
qaban lahaayeen?! Waxaa kooxdaas ugu aqoon roonaa Maxamed Cabdulle Xassan,
asaguna markii uu dalka ka tegey aqoon ma uu lahayn, wuxuuna maqnaa muddo yar.
Haddaba yaa maamulka soomaaliyeed qaban lahaa, doorashose ma ay dhici lahayd
mase waran baa rubadda la iska gelin lahaa?”
Hadalka saddexaad oo aynu maskaxdeenna ku carbinaynaa waa:
”Dhulka oo dhan Rabbi baa leh, dadka oo dhanna Rabbi baa leh, diintana Rabbi
baa leh. Haddaba saddexdaas mid kasta qaynuun islaami ah baa ka yaal. Dhulku
Rabbi xudduudo looma kala samayn karo, oo dawlado iyo waddanno looma kala leh,
laakiin qof ama kooxii beer ama guri waa ay yeelan karaan. Dadka lama kala
celin karo, oo dhamaantood waa in dacwada islaamka la gaarsiiyaa. Haddii ay
gaalo arrintaas diidaan waxaa bilaabanaya jihaad islaami ah, waana la
qabsanayaa dhulkii ay gaaladu haysteen, maalkooduna waa xalaal. Maxaabbiis
haddii jihaadka lagu qabto waa addoomo, oo dumarkooda in loo galmoodaa waa
mubaax”.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida