Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Xukun

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 0
12.1k
·

8/2/2004

Xukun

S u’aaluhu waa waxa ugu daran oo dadka isku dira, waxaana taas sabab u ah
in ay jawaabo u baahan yihiin. Dadka keligood in ay taliyaan jeceli waxay
dadka baraan in ay su’aalaha badani xun yihiin, oo waxay rabaan in hadafkooda
keli ah loo maleeyo in uu xaq yahay, taasina waa khiyaano ay dad gaar ahi
rabaan in ay mulkiyaan dadka intooda kale oo ay ka dhigtaan xoolo ay ayagu
leeyihiin.

Wadaaddadii hore qaarkood waxay dabeecadda noocaan ah gaarsiiyeen heer aad u
sarreeya, oo waxayba allifeen xaddiisyo ay ku been-abuureen mudane nebi
Maxamed, waxaana xaddiisyada beenta ah ka mid ah mid sheegaya in su’aalaha
badan lagu halaagsamo! Waa been nebiga laga sameeyey, oo ay allifeen dad aan
isku kalsoonayn oo aan karti u lahayn in ay dadka ka qanciyaan su’aalaha
maskaxaha kala duwan ku wareegaya.

Waxaa la wada og yahay in uu nebigu isku kalsoonaa, oo uusan u baahnayn in uu
dadka cabburiyo, laakiin waxaa hadal aan ka suurtoobin ka sameeyey kuwo haawey
ahaa oo rabey in aan ujeeddadooda laga dabo hadlin, oo ay dadku weligood iyo
weligood ugu xeraysnaadaan moorada saboolnimada iyo maangaabnimada.

Qoraalkaani aad buu u gaaban yahay, wuxuuna ku saabsan yahay in su’aalo badan
loo baahan yahay si looga baxo in qof gaar ah loo maleeyo in uu xaq aysan
dadku la ogayn ku taagan yahay, oo ay dadku ka liitaan xoolo uu qof leeyahay.
Ereyada qoraalku waxay ka nixinayaan qofkii aan ku kalsoonayn naftiisa ee been
loo dhiibey ku kalsoon iyo qofkii dadka sira.

Kuwa kharriban oo xukunka u qooqan haddii la weydiiyo ”Maxaad xukunka ku
falaysaan?” waxaa hubaal ah in ay xoogaa xanaaqayaan, oo ay qalbiyada ku
qarsanayaan ”Waxaannu rabnaa in nala qaddariyo!”. Qaddarin maxaa la dhahaa? Oo
yaa la qaddariyey? Madaxdii ayaga ka horraysey maanta qoraal kasta iyo maxfal
walba waxaa ku xusan cay laga daba dirayo ayaga oo qabriyadooda ku sugaya
naartii Jahannama oo laga dayrinayey, taas oo ay ku mudan doonaan metelan
dadkii ay laayeen iyo guryihii iyo baraagihii ay dumiyeen.

Su’aasha labaad waa ”Maxay ku taraysaa in lagu qaddariyo?”. Bal su’aalaha
badi. Haddii aan qofka la qaddarin muxuu waayayaa? Dadku in ay ku yaqaanniin
ama ku ay jecel yihiin oo ay ku hadalhayaan maxay ku taraysaa? Ka soo qaad
haddii ay 10 malyan ku bartaan oo ay maalin bannaanka isugu soo baxaan ayaga
oo cagocad oo kuu heesaya maxaad heshay oo aadan awal hesheen? Wax aan la
sheegi karin oo la fahmi karin miyuu qofku dareemayaa, oo waxaa asaga ku jira
danac aan la fasiri karin nuxurka lagu gaarayo? Qofka magaciisa dadka yaqaani
in ay 10 ruux yihiin iyo in ay 10 malyan yihiin maxay ku kala duwan tahay? Ugu
danbayn muxuu qofku helayaa? Caqli iyo cilmi midna uma uu badanayo! Wax jawaab
ah uma uu hayo in uu faa’iido helay! Haddii ay faa’iido meesha ku jirto ha la
sheego! Haddii la sheegi waayo ha la shaqaysto oo yaan dadka la dhibin.

Haddii ay meesha dano dhaqaale ku jiraan oo uu qofku rabo in uu helo awood uu
xoolo ku helo waa la ogaanayaa in uu maalkii dadka u dhexeeyey gaar u qaatay!
Xaggee buu xoolaha ku isticmaalayaa markii ay dadku xanaaqaan oo la islaayo?
Muxuu qofku ku diiddan yahay in uu iska nasto oo aysan dadku magaciisa iyo
muuqaalkiisa ka fakarin, oo uu ku noolaado xoolo aysan dadku la wadaagin? Sida
uu u fakarayaa jawaabo badan bay u baahan tahay.

Dhadhanka ”dhanaan” haddii laga sheekaysto waxaa la isula fahmaa in la isla
dareemay, laakiin qofkii uusan dhanaanku u dhadhami karin sow in la qanciyo ma
aha? Qofka xukunka ku ordaa in uu nacas yahay wax shaki ahi kuma ay jiraan,
nacasna waxaa ah qofkii aan su’aalaha badan jeclayn, oo aan waxa uu rabo
jawaabo u hayn. Qofkii aan su’aalaha badan jeclayni nacas keli ah ma uu aha ee
waa fuley. Xukun! Xukun! Maxaad helaysaa?

Midkaas nacaska ah haddii aan intaas uga baxno waxaa ka sii liita qabiilkiisa!
Maxay helayaan haddii uu mid qoladooda ahi ”xukun” ku ordo? Dadka kale ayaa
ayaga necbaanaya! Asaga iyo ayaga midna waxba ma uu helayo. Eed aysan gelin
iyo mid ay galeen baa suuqa loo gelinayaa, waxaana eedoobayaa qof aan eed
lahayn.

Waxaynu ku soo koobaynaa sida ugu fiican. Sida ugu fiicani waa in ay bulshada
wax u kala socdaan. Boolis daacad ah oo aqoon leh, hay’ad caymis, hay’ad
canshuuraha qaadda iyo hay’ado kale oo si sharciyaysan u shaqeeya. Waxaa kuu
fiican in madaxda hay’adaha iyo madaxda dalka uusan midka qabiilkaaga ahayn si
aan laguugu tuhmin in laguu eexday, oo aad xaqaaga heshid adiga oo aan lagaa
shakiyin. In aad wax aadan aqoon ku oroddid waxaa kaaga fiican in wax aad
taqaannid aad jeclaatid. Waxa aad taqaan waa nabad, shaqo, caddaalad iyo
hay’ado danahaaga u taagan. Maxaad ku falaysaa in aad xukun ku oroddid? Maxaad
ku falaysaa in uu qof qabiilkaaga ahi jago hayo? Haddii uu jago hayo maxaad
dareemaysaa? Waxba kama ay jiraan waxa aad dareemaysid! Waa been, laakiin
shaqada iyo caddaaladdu waa run.

Su’aal kasta su’aal kale ku xiji oo raadi jawaab aan nacasnimo ahayn oo xukun
ku saabsan. Qof kasta oo in uu dad xukumo ku ordaa waa nacas aan nolosha
fahmin! Xataa haddii uu yiraahdo Rabbi baa i soo diray waa nacas! Imisa shaqo
oo xukun ka fiican baa adduunka ka jirta? Maxaa shaqooyinka midda ugu liidata
ku salladay haddii uusan caaq ahayn? Bulshoba midda ay ka wacyi liidato waxaa
ku sii bata kuwa xukunka jecel!

Shaqo iyo caddaalad waxaa ka sii fiican in uu qofku ka fogaado in uu caan
noqdo. Waxa ugu xun oo uu qof noqdaa waa ”caannimo”! Haddii uu nacas yahay
wuxuu moodaa in ay caannimadu khayr leedahay, laakiin haddii uusan jaahil
ahayn wuxuu ku raaxaystaa in aysan cidina ogayn in uu jiro. Sawirkaaga in uu
qof kastaa arkay waa musiibo, waxaase ka sii xun in magacaaga ay yaqaanniin
dad aadan adigu aqoon. In aad noolaatid bay dadku kuu diidayaan haddii ay
ogaadaan in aad jirtid. Haddii uu qof magacaaga maqlay ammaan kuula yimaado
hadalka ku xumee! Tus in uu kugu soo qaldamay si uu shaqo u raadsado, hana ku
farxin in ay dadku ku ammaanaan! Uma aad baahnid ammaan haddii aad shaqo
heshid. Ogow baahidaadu waa in aan lagaa eexan laguuna eexan iyo in aad
shaqaysid, ee ma aha in hoteel aad huruddid ay kugu soo booqdaan dhawr qof oo
nacasyo ahi ama dad aan fakarayni kugu salliyaan. Adigu shaqo ha noqon ee
shaqee! Madaxweyne ha isu soo sharraxin ee shaqo ka fiican raadi! Shaqo waxaa
ugu xun midda qofkii haya la waardiyeeyo. Markii aad dhalatay waardiye kulama
uu socon ee adigu naftaada ciriir ha gelin!

Xukun! Xukun! Ha na xukumin! Haddii aad madax tahay waxaannu isku deyaynaa in
aannaan magacaaga xasuusan ee aannu shaqaysanno.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...