Xorriyadda iyo masuuliyadda

X oriyaddu waxay ku hoos jirtaa masuuliyadda, waxaa qaba aragtidaan ama
laga soo wariyey faylasuufkii Danish-ka ahaa “Soren kierkegaard”. Tan iyo
intii ay nolosha dadku jirtay xoriyadu waxay ka ahayd nolosha dadka qayb
muhiima iyadoo hadba heer soo joogtay. Hayeeshee waxaa loo qaybiyaa saddex
qaybood oo muhiima inay xoriyadda dadku soo martay sida laga soo wariyey
culumada taariikhda falsafadda uu kamid yahay faylasuufkii Jarmalka ahaa ee
“Friedrich Hegel”. Midda ugu horraysa oo ah xorriyad ku kooban dad yar ama
tirsan sida boqorrada, ragga diinta iyo wixii lamida. Tan labaad oo ah
xorriyad ku kooban qayb ka mida bulshada sida hantiilayaasha iyo dadka wax
hogaamiya ama siyaasiyiinta iyo wixii lamida. Tan ugu danbaysa oo ah in dadkoo
dhami ay xor ahaadaan taasoo ah tan hadda wadamo badan oo adduunka kamida ka
jirta gaar ahaan dunida galbeedka.
Inkastoo markasta xoriyaddu tahay muhiim, hadana waxaa jira in bulsho kastaa
ay leedahay hannaan ugooniya ay ku muujiyaan xoriyadda iyagoon marnaba ka dhex
baxayn xeerarka iyo anshaxa ugaarkaa ee qoran iyo kuwa aan qornayn “formal and
informal”. Sidaas darteed waxaa dhici karta wax waddan xorriyad ka ah inay
waddan kale danbi ka yihiin, waana hubaal inay jiraan tusaaleyaal badan oo
noocaas ah. Waxaa kamida tusaaleyaashaas sida hadda dunida islaamka iyo dunida
galbeedka loogu kala aragti duwan yahay marka ay timaado dhaliisha diinta.
Waana meesha ay xurriyaddu masuuliyad ku noqonayso sida uu sheegay faylasuuf
“Soren kierkegaard”, sababtoo ah xil ayaa qofkasta kaa saaran dhowrista iyo
ilaalinta sharciga iyo xeerarka u yaal dadka kaa duwan iyadoo laga yaabo inay
mararaka qaar ka soo horjeedo diintaada dhaqankaaga iyo fikirkaaga gaarkaa.
Sidaa darteed haday xoriyaddu tahay mid markasta la socotaa hab nololeedka iyo
fikirka bulshooyinku kala leeyihiin. Soo hadana taasi muhiim kama dhigayso
inuu jiro dulqaad iyo ogolaansho in loo yeesho fikradaha kaa soo horjeeda ama
kaa duwan. Si looga baaqsado in laba dhinac lakala istaago oo uu halkaas ka
dhasho iska hor imaad ama khilaaf wax u dhimi kara xiriirada u dhexeeya dadka
iyo bulshooyinka.
Ugu danbayn, waxaa oran karnaa in xoriyaddu mararka qaar noqon karto seef laba
af leh taasoo waxna lagu xumayn karo waxna lagu hagaajin karo. Taas oo ka
dhigaysa haddii xoriyadda la raaciyo masuuliyad in wax lagu hagaajin karo
haddii laga reebo masuuliyaddana in wax lagu xumayn karo.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida