Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Xiriirka ka dhexeeya diinta Hinduuska iyo diimaha Ibraahiimiyada

W/Q: Abshir Garaad Cumar
Diimaha 1
5.6k
·

7/28/2018

Xiriirka ka dhexeeya diinta Hinduuska iyo diimaha Ibraahiimiyada

Diinta Yuhuudda (Judaism) waxaa la sheegaa in ay tahay tan ugu facaweyn
saddexda diimood ee sheegtay in meel sare oo cirka ka mid ah ay ka yimaaddeen.

Sidaas oo kale diinta Hinduusku waa tan ugu facaweyn diimaha dunida ka jira
oo dhan marka la isku daro kuwa cirka ka soo dhacay iyo kuwa dhulka ka soo
foocay. Haddaba xiriir intee le’eg baa ka dhexeeye Yuhuudiyadda iyo Hinduuska,
sidoo kale xiriir intee le’eg baa ka dhexeeya Hinduuska iyo diimaha kale?

Yuhuudiyadda waxaa la yimid nin la yiraahdo Muuse oo bariga dhexe u dhashay,
Muusa wuxuu ku soo koray guriga cadowgiisa Boqor Fircoon. Diinta Hinduuska
waxaa la yimid Kirishnaa oo ah nin bariga fog ee Aasiya u dhashay, Kirishnaa
wuxuu ku soo koray guriga cadowgiisa Boqor Singaadhuutraa.

Muuse hooyadii markii ay dhashay ayay sanduuq ku ridday oo badda raacsiisay,
Kirishnaa hooyadii markii ay dhashay aabbe la’aan ayay ceebtii ka baqday oo
webiga raacsiisay.

Muuse wuxuu la yimid mucjiso af-kala qaad noqotay oo ka facweyn aqoontii
sixirka ee ay markaa bulshada reer Masar ku falnayd oo iyaga ula muuqatay
sixir kooda ka weyn, Muusena waxay u aqoonsadeen sixiroole xariif ah, sidoo
kale Kirishnaa wuxuu la yimid mucjisooyin ay bulshadiisii sixirka ku falnayd
sixir ku sheegeen oo ahayd mas Kobra ah, marna dameer uu fuulo ah, halka
Muusena si lamida Kirishnaa uu la yimid mas marna ul uu ku tukubo ah, marna
adhiga uu manka, qabcada iyo dhimbiisha ugu lusho.

Muuse dhawaaqa hadalkiisu wuu adkaa in la fahmo oo wuu carrab la’aa ama sida
la sheego dab uu afka ku qabsaday baa carrabka naafeeyey, waxaana u hiiliyey
walaalkii Haaruun oo isagu ka af miishaarsanaa kana hadal oran ogaa. Kirishnaa
ibtilo ayaa dhanka hadalka ka haysatay oo af-garooc buu ahaa, illaa uu u gar-
gaaray saaxiibkii Raaj Behaabtum.

Muuse oo jooga buurta Siinaay

Muuse waa ka buurta Siinaay tegaya dabkuna u iftiimayo ee isaga oo raba in uu
dab ka qaato la farayo in uu kabaha bixiyo oo loo sheegayo in uu joogo tog
barakaysn oo ku yaal buuraha Siinaay sida ay qabaan diimaha Ibraahiimiyadu,
kadibna loo waxyoonayo. Kirishnaa wuxuu tegayaa buurta Saanjaadhatruu isaga oo
kaah weyn arkay oo raba in uu ka war doono, waxaa loo sheegayaa in uu kabaha
siibo oo uu joogo buuraleyda barakaysan.

Bulshada Yuhuuddu waxay rumaysan yihiin in ay aadanaha kale ka fadli badan
yihiin, Bulshada Hinduuskuna waxay rumaysan yihiin in uu Alle ka doortay
Aadanaha kale.

Labadan diimood waxay kala horreeyeen wax ku dhaw dhawr kun oo sano, maxay
tahay is le’ekaanta taariikheed ee intaas le’eg?

DIINTA MASIIXIYADDA/KIRISTANKA

Waxaynu soo aragnay xiriirka wayn ee ka dhexeeya labada nin ee dhagax dhigay
diimaha Hinduuska iyo Yuhuudiyadda, Immikanu aynu eegno xiriirka ka dhexeeya
diinta labaad ee Ibraahiimiyada iyo Hinduuska.

Ciise ama masiixu wuxuu dhashay aabbo la’aan, Kirishnaa wuxuu dhashay aabbo
la’aan. Masiixa waxaa dhashay gabar bikro ah oo aan la fara-saarin, Kirishnaa
waxaa dhashay gabar bikro ah oo aan habeenna loo dhididin, Kirishnaa hooyadii
waxay ahayd saddex iyo toban jir markii ay dhalaysay, waxayna u doonnaneyd nin
nijaar ah, Marry ama Maryam oo Ciise hooyadii ahaydna waxay ahayd saddex iyo
toban jir markii ay Masiixa dhashay, waxayna u doonnanayd nin nijaar
ah.Kirishnaa wuxuu ka dhashay bulsho sabool ah, Masiixu wuxuu ka dhashay qoys
sabool ah oo aan beerkood beer ka xigin, Kirishaa isaga oo gogosha saaran buu
hadaaqay, Masiixna isaga oo gogoshii lagu dhalay saaran buu hadaaqay oo
sheegay in uu yahay ruuxdii Alle (sida Islaamku qabo).

Kirishnaa wuxuu ku geeriyooday da’ yar oo soddon iyo saddex sano ah,
Masiixuna wuxuu ku geeriyooday ama samada loo la buubay isaga oo soddon iyo
saddex sano jira.

Kirishnaa wuxuu ahaa sabool aad u dhibban oo aan lahayn hoy uu u hoydo oo
halkii ay cad-ceeddu ugu dhacdo ayuu u hoyan jiray, Jesus ama Ciisana sidoo
kale.

Magaca Kirishnaa iyo magaca masiixa ee Chirst isku ekaa! Waxaa xusid mudan in
diinta Hinduuska ay illaa afar kun oo sano ka horraysay masiixiyadda, haddana
waa maxay isku ekaanshaga heerkaa gaarsiisan?

DIINTA ISLAAMKA

Muslim ka barakaysanaya dhagaxa madaw.

Diinta saddexaad ee diimaha Ibraahimiyada loogu yeero waa Islaamka, Maxammed
nin la yiraahdo oo ahaa ganacsade dal-mareen ah oo ku noolaa qarnigii lixaad
lama dagaanka carbeed ayaa aasaasay. Muxammed wuxuu sheegtay in uu yahay kii
ugu dambeeyey nebiyada sida Kirshnaaba sheegtay, Maxammed wuxuu ka soo qaxay
deegaankiisi, Kirishnaa wuxuu ka soo qaxay gobalkiisii oo meel kale ayuu
baroosinka dhigtay, Maxammed waxaa hiil badan iyo hoo ba u galay saaxiibkii
Abu-Bakar, Kirishnaa sidoo kale saaxiibkii Raaj Behaabtuun ayaa dhuuxa u
shubay.

Muxammed wuxuu guursaday xaasas badan oo la gaarsiiyo tiradooda 13 kadib
dhimashada xaaskiisii ugu horraysay ee Khadiija Bint Khuwaylad oo ahayd
haweenay in badan isaga ka da’ waynayd, sidoo kale Kirishnaa wuxuu guursaday
haweeney isaga in badan ka da’ weyn iyo tiro toban dumar ah oo uu guursaday
geerideeda ka dib (markay dhimatay xaaskiisii weyneyd).

Maxammed wuxuu guursaday gabar sagaal jir ah oo Caasha la yiraahdo isaga oo
50 sano dhaafay, markii uu Maxammed hoysanayay cunugta Caasha waxay gacanta ku
wadatay caruusad (alaabaha yar-yar ee ay caruurtu ku ciyaaraan), Kirishnaana
isagna waxa uu guursaday canug yar oo aan qaan-gaarin.

Maxammed wuxuu sheegay in cirka loo la buubay (Dhacdada Israa’ wal micraaj),
Kirishnaa wuxuu sheegay in cirka loo la buubay si loogu soo waxyoodo, Maxammed
wuxuu aakhirkii diintiisii ka dhigayaa dawlad cago adag ku taagan oo marka uu
geeriyoodo ay ka dhaxlayaan saaxiibbadiisii afarta ahaa, Kirishnaa wuxuu
diintiisii ka dhigayaa dawlad adag oo ay ka dhaxlayaan afartiisii saaxiib.

Waxay wadaagaan Islaamka iyo Hinduusku dhacdooyin, dhigaallo iyo caadooyin
badan. Haddaba maxay tahay saameeynta intaas le’eg ee ay Hinduusku ku leedahay
diimahaan cirka ka yimid ee iska soo daba dhac-dhacayey? Ma dhici kartaa in
Hinduusku tahay diintii ugu horraysay diimaha oo ay ka wada dheegteen
dhaqannada iyo dhacdooyinka? Kirishnaa ma ahaa macallinkii nebiyada?

DIINTA BUUDIISAMKA

Budhaa

Buudismka waa diinta afraad ee ugu wayn diimaha ka jira maanta adduunka,
dadkan diintan haysta waxa lagu qiyaasaa 520 Milyan, Buudha oo ah dadka raacay
ay ugu yeeraan Macallinka ayaa aasaasay diintan 2500 sano kahor.

Buudhaa iyo iyo Kirishnaa isku deegaan bay ka soo bexeen, waxayna
Hinduusiyaddu diintaas ku leedahay saamayn weyn oo muuqata dhinacyo badan.

]DIINTA MAANIYADA

Nabi Maani

Diinta Maaniyadda waxaa la yimid [Maani bin Futk](https://kaashomaanka.com/ma-
maqashay-nabi-maani/) oo Baabil ka soo baxay qarnigii saddexaad. Maani wuxuu
ahaa kan nebiyada ugu xarfaansan wuxuu isku darsaday af-miishaarnimo, qoraa,
farshaxanimo, sidoo kale Kirishnaa wuxuu ahaa gabyaa, qoraa iyo farshaxaniiste
laakiin sidii Maani ma jeedin jirin khudbado madaxa loo ruxo qoortana loo
laad-laadiyo.

Maani wuxuu sheegtay inuu yahay nebigii u dambeeyey, Kirishnaa sidoo kale.

Kirishnaa iyo Hinduusiyaddu xiriir intee le’eg bay ku yeesheen xitaa diimaha
aanay kuwa cirka sheegtaa u aqoonsaneyn in sidooda oo kale cirka laga soo
ganay?

DIINTA ZARAADISHTIYADA/ZOROASTRIANISM

Zaraadishta oo ahaa Nebiga diinta Zaraadiishtiyada iyo Maxammedka Islaamka
waxaa ka dhexeeya saameeyn weyn iyo isku ekaanta ugu xooggan ee labo diimood
dhex mara, isku ekaan shaqsiyadeed, taariikheed, caadooyin. Maxay tahay
saameeynta ay diimuhu isku leeyihiin iyo kala dheegashada intaa le’eg?

Qormadan Maxaad ka taqaan Diinta Zoroastrianism, Maxayse wadaagaan
Islaamka?
ayaa si faah-
faahsan uga hadlaysa xiriirka ka dhexeeya Islaamka iyo Zaraadishtiyada.

Islaamka iyo Masiixiyadda waxaa ka dhexeeya isku ekaan aad u weyn iyo is
shabbahaadda Buugga Baybalka iyo Buugga Quraanka. Ma is tiri diimaha oo dhan
dadka ayaa tumay oo ka maarmi waayey in ay kala dheegtaan? Haddii diimaha oo
dhami ay Kirishnaa iyo xariifnimadiisii ka faa’iideysteen, Kirishnaa isna
xaggee buu ka keenay oo kuma ayuu ka dheegtay?

Diimuhu waa sida badaha dunida, waa kala magacyo laakiin waa isku mid oo
waxay leeyihiin xuduud furan, waa kala magac laakiin waa isku dhadhan
dhankaad ka darsataaba.
Diimaha oo dhami waxay u soo degeen in ay u adeegaan dadkii ay u soo degeen
oo ay jideeyaan noloshooda balse markii ay dhinteen kuwii la yimid ayay
goobtii barakaysnayd ku falaadeen kuwii rumaysnaa oo ciyaalkii baa cago
dhiiqo leh la galay masaajiddii, kasiinadihii, macaabiddii barakaysnaa oo
way fadareeyeen carruurtii cagaha dhiiqada ku lahayd.

Ma dhici kartaa in muddooyin ka dib ay dunida timaaddo diin sida kuwaas u fac
weyn oo u og? Xiriir intee le’eg bay iyana la yeelaynaysaa Hinduuska oo ah
aabbohood iyo diimaha kale? Ma saadaalin karnaa diimaha soo socda? Diimo
dhaqameedyadeenna Afrikaanku maxay la wadaagaan Hinduuska? Maxay sida kuwa
bariga dhexe sidaa ugu faafi waayeen oo maxaa qoqobka ku xiray? Asalkaba maxaa
innageenna mad-madow meel walba inaga reebay?

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...