Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Xijaabku waa astaan gumaysi

W/Q: Khaalid Xasan
Diimaha 5
15.6k
·

9/4/2018

Xijaabku waa astaan gumaysi

M arada wayn ee dumarku dhex galaan loona yaqaan xijaabka maxay tahay
ujeedka loo xidho? Yey diinta islaamku ku waajibisey? Ma diin baa mise waa
dhaqan carbeed? Dhaqanka carbeed iyo diintu maxay kala yihiin? Waydiimahan iyo
qaar badan oo kale si aan uga jawaabno waa inaan dul istaagno aayadaha iyo
axaadiista ka hadlaya jawaankaas haweenka lagu duubay iyo ujeedka laga lahaa.

Horta ereyga Xijaab waa erey af-carbeed ah oo afkeennana ku noqonaya xayndaab
ama daah, sida ku cad aayaddan quraanka ah (ﻭﻣﻦ ﺑﻴﻨﻨﺎ ﻭﺑﻴﻨﻚ ﺣﺠﺎﺏ) oo
micneheedu yahay “waxbaa inoo dhexeeya labadeenna”, xijaab waxa kale oo lagu
qeexaa teedka ama wax kasta oo laba shay kala qariya.
(كل ما حال بين شيئين فهو حجاب)

Aayadaha Quraanka ee ka hadlaya xijaabka ee dadka maanta nooli u daliishadaan
xirashadiisa iyo sababta ay usoo degeen iyo ujeedka ka danbeeyeyba aan isla
eegno.

Suurada Al-Axsaab aayada 59aad waxay leedahay;

(ﻳﺎ ﺃﻳﻬﺎ ﺍﻟﻨﺒﻲ ﻗﻞ ﻷﺯﻭﺍﺟﻚ ﻭﺑﻨﺎﺗﻚ ﻭﻧﺴﺎﺀ ﺍﻟﻤﺆﻣﻨﻴﻦ ﻳﺪﻧﻴﻦ ﻋﻠﻴﻬﻦ ﻣﻦ ﺟﻼﺑﻴﺒﻬﻦ ﺫﻟﻚ
ﺃﺩﻧﻰ ﺃﻥ ﻳﻌﺮﻓﻦ ﻓﻼ ﻳﺆﺫﻳﻦ ﻭﻛﺎﻥ ﺍﻟﻠﻪ ﻏﻔﻮﺭﺍ ﺭﺣﻴﻤﺎ)

Waxaa la sheegaa in aayaddani kusoo degtey haweenka nebiga oo bannaanka u aadi
jirey si ay xaajadooda u soo gutaan maadaama aanay jirin waqtigaas suuliyo.
Waxaase dhici jirtey rag magaalada joogey oo shaxaariyiin ahaa inay haweenka
dabo geli jireen ilaa bannaanka si ay u daawadaan jidhkooda qaawan ama mararka
qaar gacmahaba ula tagaan ogolaansho la’aanna taabtaan jirkooda taasoo ah waxa
aynu maanta ugu yeerno _Sexual Harassment. _Dhacdooyinka noocan ah oo markii
danbana dumarka nabiga saameeyey ayay aayaddani ku soo degtey oo amartay inay
wejiga qarsadaan dumarka kuwooda xorta ahi si loo kala garto ama loo kala
sooco haweenka xorta ah iyo kuwa addoomaha ah oo xadgudubyada jinsi ee aan
xusnayna ugu ekaadaan oo kaliya dumarka addoomaha ah. Islaamku addoomaha ma
farin inay xijaab xirtaan oo cawradoodu waxay lamid tahay ta ninka.

Aayadda 53aad ee suuradda Al-Axsaab waxaa ka mid ah ereyadan (ﻭﺇﺫﺍ ﺳﺄﻟﺘﻤﻮﻫﻦ
ﻣﺘﺎﻋﺎ ﻓﺎﺳﺄﻟﻮﻫﻦ ﻣﻦ ﻭﺭﺍﺀ ﺣﺠﺎﺏ)
oo ujeedkuna yahay in haweenka nebiga marka
asxaabtu wax ka rabaan aanay u gelin balse daaha ama marada teedka ah iyagoo
aan ka gudbin ay wax waydiiyaan, taasina waxay gaar u ahayd haweenka
rasuulka. Aayad kale ayuu Illaahay ku sheegay haweenka nebigu inaanay la mid
ahayn haween waynaha kale ee Muslimiinta (يا نساء النبي لستن كأحد من
النساء)
. Xukunka aayadda sare ku xusani waa xukun u gaar ah haweenka nebiga
laguna farayo inay ragga kala hadlaan maro ama daah gadaashiisa, taas
micneheedu maaha maro wayn oo sida ta hadda Xijaabka loo yaqaan ah balse waa
wax kala xadaynaya haweenka nebiga iyo qofka ugu yimaada cilmi kororsiga ee
su’aalaha waydiinaya.

Aayadda 31aad ee Suuradda Al-Nuur qaybo kamida waxa lagu farayaa haweenku inay
naasohooda qariyaan maadama ay caado ahayd inay naasohooda iyo qoortooda
muujiyaan haweenkii carbeed ee waagaa noola (ﻭﻟﻴﻀﺮﺑﻦ ﺑﺨﻤﺮﻫﻦ ﻋﻠﻰ ﺟﻴﻮﺑﻬﻦ).
Al-Qurdubi tafsiirkiisa aayaddan wuxuu ku leeyahay waa inay qariyaan
naasohooda
qaawaan “استدال الستار لتغطية صدر العاري” balse maradan wayn ee aynu maanta
naqaan aayaddu kamaba hadlayso.

Waxaa jira xadiis nebiga laga weriyey oo uu leeyahay gabadha qaan-gaadhka ah
lagama aqbalyo salaad haddii aanay khimaar saaran shafka. Taasoo micneheedu
yahay in markay tukanayso haweenaydu shafkeeda qariso (لا تقبل صلاة الحائض
(البالغ) الى الخمار).

Waxa kale oo la sheegaa in Saxaabigii cunsuriga ahaa ee Cumar Binu Khaddaab uu
daba geli jirey xaasaskii nebiga isagoo uga dan lahaa in xijaabka la waajibiyo
si ay ugu sahlanaato kala soocidda gabadha xorta ah iyo midda addoonta ah oo
ay soo sheegnay inay dhib la kulmi jireen marka ay xaajo gudasho u baxaan.

ﺭﻭﻯ ﻣﺴﻠﻢ ﻋﻦ ﻋﺎﺋﺸﺔ ﺃﻥ ﺃﺯﻭﺍﺝ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻛﻦ ﻳﺨﺮﺟﻦ ﺑﺎﻟﻠﻴﻞ ﺇﺫﺍ
ﺗﺒﺮﺯﻥ ﺇﻟﻰ ﺍﻟﻤﻨﺎﺻﻊ ﻭﻫﻮ ﺻﻌﻴﺪ ﺃﻓﻴﺢ ، ﻭﻛﺎﻥ ﻋﻤﺮ ﺑﻦ ﺍﻟﺨﻄﺎﺏ ﻳﻘﻮﻝ ﻟﺮﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ
ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﺍﺣﺠﺐ ﻧﺴﺎﺀﻙ ، ﻓﻠﻢ ﻳﻜﻦ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻳﻔﻌﻞ ، ﻓﺨﺮﺟﺖ ﺳﻮﺩﺓ
ﺑﻨﺖ ﺯﻣﻌﺔ ﺯﻭﺝ ﺍﻟﻨﺒﻲ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻟﻴﻠﺔ ﻣﻦ ﺍﻟﻠﻴﺎﻟﻲ ﻋﺸﺎﺀ ﻭﻛﺎﻧﺖ ﺍﻣﺮﺃﺓ ﻃﻮﻳﻠﺔ
ﻓﻨﺎﺩﺍﻫﺎ ﻋﻤﺮ : ﺃﻻ ﻗﺪ ﻋﺮﻓﻨﺎﻙ ﻳﺎ ﺳﻮﺩﺓ ، ﺣﺮﺻﺎ ﻋﻠﻰ ﺃﻥ ﻳﻨﺰﻝ ﺍﻟﺤﺠﺎﺏ ، ﻗﺎﻟﺖ ﻋﺎﺋﺸﺔ :
ﻓﺄﻧﺰﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﺰ ﻭﺟﻞ ﺍﻟﺤﺠﺎﺏ (صحيح البخاري).

Sida ku cad xadiiska sare Cumar Binu Khadaab wuxuu dabo geli jirey haweenka
nebiga ee bannaanka u baxa si ay xaajo u soo gutaan kadibna waa ku qaylin
jirey oo qaar ka mid ah magacyadooda ayuu ugu yeedhi jirey isaga oo ula
jeedkiisu yahay inuu Maxamed ku khasbo inuu dumarkiisa ka sooco dumarka kale
oo ay ka duwanaadaan si loo garto oo ayna uga badbaadaan daraabsiga
shaxaariyiinta uu cumar hormuudka ka ahaa.

Sidee u aragtaa akhristaha muslimka ahaw in Cumar daawado ama dabo galo
haweenka nebiga oo xaajoonaya?

Aayad kale waxay sheegeysaa haweenka aan guur sugeyn (Da’da wayn) inay iska
fudeedin karaan culayska maradan Maadaama aan haweenkaas looga baqayn in raggu
damaaciyaan (والقواعد من النساء اللاتي لا يرجون نكاحا فليس عليهن جناح ان
يضعن ثيابهن).

Nin Taliban ah oo garaacaya dumar

Sidaa aan kor ku soo sheegnay Cumar Binu Khadaab oo ahaa saxaabiga daba geli
jirey haweenka nebiga si xirashada xijaabka loo waajibiyo, wuxuu waqtigii uu
khilaafada hayay budh ama ul ku garaaci jirey dumarka addoomaha ah ee xijaabka
xidhan isagoo leh “Ma xorta ayaad isu ekaysiinaysaan?”

نصب الراي 4/250 . (ﻋﻦ ﺃﻧﺲ ﻗَﺎﻝَ : ﺭﺃﻯ ﻋُﻤﺮُ ﺃﻣﺔً ﻟﻨﺎ ﻣﺘﻘﻨﻌﺔ ﻓﻀﺮﺑﻬﺎ ﻭَﻗَﺎﻝَ :
ﻻ ﺗﺸﺒﻬﻲ ﺑﺎﻟﺤﺮﺍﺋﺮ)

Xadiiskan waxaan ka dheehan karnaa ama ka fahmeynaa in xijaabku yahay maro
takoor oo loogu talo galay in lagu kala garto haweenka xorta ah iyo kuwa
addoonta ah. Cumar wuxuu raalli ka ahaa in la daawado jidhka haweeneyda
addoonta ah ama si gaara xadgudubyada loola beegsado taasna nabigu waa ka
ogolaaday oo aayadaha xiaabka ayuu soo dejiyay, halkaas ayayna ku luntay
xuquuqdii gabadha addoonta iyada oo markii horeba aanan xaq haysan oo Ilaaha
iyo Maxammed raalli ka ahaayeen in la addoonsado.

Waxaa kale oo la sheegaa in Cumar Binu Khadaab uu lahaa addoomo kumanaan
dhaafaya oo weliba ay u adeegi jireen iyagoo qaawan oo timohoodu taabanayaan
naasohooda, maadaama cawrada addoontu tahay inta u dhaxaysa xudunta/xundhurta
ilaa ruugga/jilibka sida ragga.

** “عن أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ قَالَ : ” كُنَّ إِمَاءُ عُمَرَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ
يَخْدِمْنَنَا كَاشِفَاتٍ عَنْ شُعُورِهِنَّ تَضْرِبُ ثُدِيّهُنَّ”**
إرواء الغليل (6/ 204)

Ujeedka xijaabka ama marada xayndaabka loo sharciyeeyey waxay ahayd;

  • Inaan asxaabta nebiga u gelin haweenkiisa iyagoo qaawan, maadama ay guryahoodii joogaan.
  • Nebigu wuxuu ka baqay in haweenkiisa la damaaciyo oo nimankaas saaxiibaddii ay isku ceeboobaan, sidaa darteed ay habboon tahay in la kala qariyo iyaga iyo nimanka badan ee gurigiisa soo gali jiray.
  • In dumarka carbeed qariyaan horraadadooda maadaama ay caado u lahaayeen laab qaawinta.

UJEEDADA UGU WAYNSE WAXAY AHAYD ASTAAN CUNSURIYADEED OO LOOGA DAN LAHAA IN
LAGU KALA GARTO HAWEENKA XORTA AH IYO KUWA ADDOONTA AH.

Maanta addoonsi ma jiro, bannaankana looma xaajo tago sidii qarnigii
toddobaad. Ma jirto sabab ku qasbeysa haweenku inay xidhaan maro astaan
takooreed ah oo waqtigeedii iyo asbaabtii loo keenayba meesha ka baxeen.

Marada madaw ee xijaabka, niqaabka wejiga lagu xidho iyo waxyaabo badan oo
diinta islaamka ku jira waa dhaqan carbeed oo duuga sidaa darteed dhaqan
dooris in magaca diimeed la inoogu soo qariyo maaha mid la ogolaan karo.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...