Xiisaha Noloshada

N olosha dadka hal wax baa tayo u yeela, waxaasina waa in qofka laga
qariyey mustaqbalkiisa iyo waxa uu barri iyo saaddanbe mudan doono. Haddii qof
loo caddeeyo maalmihiisa soo socda oo tusaale ahaan loo sheego in uu 100 sano
ka dib dhiman doono uuna boqolkaas sano ahaan doono dadka qofka ugu hodansan
oo ugu magac dheer, isla markaas maalin kasta waxa uu samayn doono iyo meesha
uu joogi doono loo caddeeyo waxaa hubaal ah in uu jirranayo oo uu naxayo,
waayo qofku waxa uu rabaa in aan la caddayn goorta uu dhiman doono iyo
mustaqbalkiisa oo noloshiisu ma leh macne aan ahayn in uu ka horreeyo mugdi
aan waxba laga ogeyn oo la iska halgamo ilaa la dhinto. Waxa kale oo nolosha
lafdhabar u ah tartan aan la garanayn cid guulaysan doonta, waxaana tartankaas
iidaan iyo agab u ah xaasidnimada, xiqdiga, nacaybka, xanta, cayda, madaxnimo
jacaylka, caannimo jacaylka, magac jacaylka, ammaan jacaylka, faanka,
islaweynanka iyo waxyaalo badan oo ah tartan iyo halgan nolosha loogu jiro oo
la’aantood aysan nololi jirin. Halgan la’aan iyo mustaqbal mugdi ah la’aantiis
nolol adduun ma jiri karto, waxyaalaha ay xaasidnimada iyo xantu ka mid yihiin
oo aynu kor ku sheegnayna waa halgan dabiici ah oo dadka abuurtooda ka mid ah
oo aysan suurtagal ahayn in la noolaado la’aantood, isla markaas aan la deyn
karin xataa haddii diin lagu soo dejiyo in ay xun yihiin, waayo waa abuur
aadane ee ma aha wax laga fogaan karo oo dadka ka baxsan. Waxaa la hubaa
wadaadka xagga diimaha ugu taqwada badani in uu u halgamo sidii uu u noqon
lahaa shiikha ugu magac dheer oo ugu mudan wadaaddada dunida, halgankaasna uu
u maro xaasidnimo, xiqdi, xan iyo waxyaalaha dadka dabcigooda ah ee tartanka
nolosha ah.
Haddii ay dadka aynu adduunka ku aragnay noloshoodu sidaas tahay aakhiro maxaa
laga sheegay? Horta marka kowaad qofka aakhiro jooga mustaqbalkiisa ayaa
shaaca looga qaaday oo haddii uu naar joogo waxaa loo sheegay in uun dab lagu
shidayo weligiis oo dabkaas lagu celcelinayo, haddii la janneeyana waxaa loo
sheegay in uu jannada cunto, cabbitaan iyo galmo ku samaynayo weligiis isaga
oo aan halgan samayn oo cuntada iyo galmada aan dhib u marin ee loo sakhirayo.
Waxaa kale oo la sheegay in dadka jannada jooga maskaxdooda laga saaray
astaamihii halganka ee ay ka mid ahaayeen isnacaybka, xiqdiga iyo xanta oo
la’aantood aysan nolol adduun socoteen. Waxa aynu aragnay dabeecadda dadku in
aysan rabin in loo sheego mustaqbalkooda oo haddii laga dhigo mustaqbal si
kasta raaxo u leh uu sheegitaanku raaxadii ka dilayo oo in la sheegaa ay
bi’inayso hammiga iyo hiigsiga dadka, isla markaas ay abuurta dadku tahay in
ay halgamaan oo wax ka la riixdaan.
Haddii aynu naarta ku soo koobno in ay xumaan tahay maaddaama uusan jirka
dadku dab in lagu gubo jeclayn oo aynu fahanno in looga jeedo in dadka la
naarayo lagu sameeyo wax ay dabeecadda dadku neceb tahay si loo dhibo waxaa
isweydiin ah jannadu in ay tahay sidii ay dabeecadda dadku jeclayd? Dadka aynu
adduunka ku aragnay dabeecaddoodu sidii ay rabtey oo ay kow ka tahay in
mustaqbal aan la garanayn loo tartamaa jannada ka ma jiro.
Tartanka iyo halganka dadka haddii meesha laga saaro oo wixii la mudan lahaa
shaaca laga qaado waxaa hubaal ah in dadka oo dhammi ay maskax ahaan u jirran
lahaayeen adduunka. Cunto iyo galmo sakhiran oo qofka loo caddeeyey
mustaqbalkiisu ma noqon karaan tayo nololeed, waayo iyagu sida ay dadka
dabeecaddooda uga mid yihiin ma aha si ay iyagu yihiin yoolka nolosha, waxaana
dadka dabcigooda cuntada ka macaan xanta iyo xaasidnimada.
Cuntada waxaa xoogaa xiiso ah u yeelaa in lacagtii lagu soo iibin lahaa la
shaqeeyo iyo in la kariyo oo haddii uusan halgan ku jirin dabciga dadku waa uu
ku jirran lahaa, isla markaas galmada waxaa qiime u yeela halganka shukaansiga
ama xodxodada oo dadku waxa ay jecel yihiin qofba midka uu ka shukaansi adag
yahay ee qofka sakhiran la ma jeclaado. Waxaa la caddeeyey dadka wada nool
galmadoodu in aysan dadka xiiso weyn u lahayn oo dadku ay jeclaan lahaayeen
maalin kasta in ay helaan galmo cusub oo uu shukaansi adagi ka horreeyey, oo
dadka wada nool duruufo kale ayaa isu haya ee ma aha sidii ay dadku jeclaan
lahaayeen. Sidaas awgeed raaxada noloshu waa halganka aan meel uu ku
dhammaanayo la ogeyn iyo tartanka ee cuntada iyo galmadu iskood raaxo u ma aha
haddii la eego damaca dadka.
Waxaa laga yaabaa in ay dad ku doodaan in dadka jannada la geynayo loo yeelayo
abuur aan ahayn middoodii adduunka oo maskaxdooda iyo dareenkooda laga saarayo
halgalka iyo tartanka si ay u noqdaan dad ku qanca in cunto iyo galmo loo
sakhiro oo aysan fakarin, laakiin waxaa dooddaas burinaysa in dadka iyaga oo
dunida jooga la sheegay in loogu bishaareeyey waxyaalo ay maanta raaxo u
arkaan oo aan loo sheegin in abuurtooda la beddeli doono. Waxyaalo aan maanta
raaxo ahayn in loogu bishaareeyo ma ay fahmi karaan oo waa in dabcigooda laga
duulaa markii loo bishaaraynayo. Dadku halgan iyo tartan ul mugdi ku tuur ah
bay adduunka raaxo rasmi ah u yaqaanniin oo ay nashaad ka helaan, taas ayaana
ah dabeecadooda iyo rabitaankooda dhabta ah inta aynu og nahay, wixii aan
sidaas ahaynina waa falsafo ka la dhimman oo in dib loogu laabto u baahan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida