Xifdinta iyo fahanku waa labo

M uslimiinta iyo dadka kale markii ay taariikh akhrinayaan waxa ay ku ka
la duwan yihiin in ay muslimiintu sadarrada qoran akhriyaan oo xafidaan, halka
dadka kale ay akhriyaan sadarrada dhexdooda. In sadarrada keli ah la isku
koobo iyo sadarrada dhexdooda khabaar laga soo saaraa waxa ay ku ka la duwan
yihiin in qofka sadarrada dhexdooda wax aan qornayn ka fahmayaa uusan khad
xafidin ee uu aragti ku leeyahay dhacdooyinka laga hadlayo.
Tusaale ahaan haddii aad akhridid sidan ”Gaalo badan baa nin mucjisooyin ama
karaamooyin leh cayrsadey si ay u dilaan, markaas ayaa midkii gaalada ugu soo
horreeyey faraskii uu saarnaa labada jeeni ka jabay, waxa uuna jabitaankaasi
ahaa mucjiso ninkaas la siiyey” waa in aad is oran kartaa ”Haddii uu mucjiso
difaaci karta Eebbe siiyey maxaa mucjisadiisa ku koobay faras jeenyihiis muu
nimanka cayrsanayey oo dhan wadnuhu wada istaago?”. In ay mucjisadaasi been la
falkiyey tahay baa sadarrada dhexdooda ka muuqata.
Xagga qoraalka markii uu qof muslim ahi taariikh qorayo waxa uu muujiyaa in
dadka uu wax ka qorayo uu qaar neceb yahay, qaarna uu jecel yahay. Dadka kale
sidaas dareenkooda u ma muujiyaan ee waxa ay iska dhigaan in aysan dadka ay
taariikhaynayaani ka la xigin oo waxa loo baahan yahay ay yihiin in la helo
sooyaalkii dhacay ee aysan ahayn in uu qoraagu dadka qaar ku salliyo, qaarna
uu nacalado. Waxa ay dadka badankoodu aamminsan yihiin in uusan qof qaadi
karin masuuliyad uu taariikh ku qoro haddii ay caaddifaddiisa ka muuqato in
dadka uu qorayo uu ka la jecel yahay.
Guud ahaan dhaqanka muslimiinta waxaa maanta ka muuqata fahmo darro iyo
masuuliyad darro, waxaana laga yaabaa in ay ugu wacan tahay in uu muslimku
aamminsan yahay in uu 100% xaq ku taagan yahay, dadka kalena ay 100% baaddil
ku socdaan. Dadyowga kale ee dhulka ku la nool waa ay yar tahay in uu qof
maanta aammino in uu xaq haysto, inta kalena ay xaqa bannaanka ka joogaan.
Aragtidaas yaabka badani wax weyn bay yeeshaa qofka muslimka ah, waxa ayna ka
mid tahay waxyaalaha dib u ridey ummadaha islaamka sheegta. Dad laga aqoon
badan yahay oo laga xoog badan yahay oo iska aamminsan in ay dadka kale ka
saxan yihiin waxa ay la mid yihiin qowmiyadda Masay oo isla fiican iyaga aan
wax adduunyo ah faro ku hayn.
Waddamada warshadaha ku horemaray waa ay ku faraxsan yihiin sida ay
muslimiintu yihiin, waxa ayna jeclaan lahaayeen in ay weligood sidaas
ahaadaan. Sababtu waa dalalka wax iib geeyaa in ay mar kasta yaraadaan, halka
kuwa aan wax soo saarin oo wax iibsadaa ay badnaan ku fiican yihiin.
Muslimiintu waa dalal badan oo aan qayb weyn ku lahayn wax soo saarka, haddii
ay ilbaxaanna waxaa yaraanaya wax iibsigooda, waxa ayna ku tartamayaan in ay
wax soo saaraan oo dhoofiyaan. Muslimiintu dalalka horemaray dheef bay u
yihiin ee dhib ku ma hayaan, shiddo weyna loo ma arko in qaraxyo la dhigdhigo
meelo u badan caalamka islaamka. Waxaa wax weyn ah in qof kasta oo muslim ahi
uu u baahan yahay qalab badan oo uu iibsado isaga oo aan lahayn maskax uu wax
ku soo saaro.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida