Xeerka kufsiga ee Somaliland waa xeer noocee ah?

Waxaan arkay dad badan oo ka qaylinaya xeerka kufsiga ee ay ansixiyeen
golayaasha xeer dejinta Soomaalilaan, madaxawaynuhuna uu saxiixay. (Xeer. Lr
78/2018) Xeerkaas cid waliba waa ka hadashay mid akhriyey iyo mid aan
akhriyinba. Koox waliba waa qaylisay sabab la’aan iyo jaahlinmo darteed.
Xeerkaas waxaa diidey qolyaha diinta ka ganacsada ee culimada sheegta oo aan
ogolayn in la keeno xeer ama sharci ka mamnuucaya kufsiga ay kufsadaan ubadka
aan qaan gaadhka ahayn. Waxa kale oo iyana diidey kuwa raba inay wax kufsadaan
ama ubadkooda uga baqaya inay denbigaas ku dhacaan oo ciqaab adag mutaan.
Waxaa kaloo jira qayb saddexaad oo iyaguna iska dhex socda oo aan ujeedo
lahayn.
Xeerkaas aniga siday ila tahay ma jirto wax qiime ah oo uu leeyahay sababtoo
ah wuxuu siyaabo badan u dhiirrigelineyaa kufsiga. Si xaqiiqda ku qotontana
uma qeexayo kufsiga iyo waxa uu yahay.
Qodobka 4aad ee xeerkaasi wuxuu ku qeexay kufsi; “Qof kasta oo kula kaca qof
kale galmo aan sharci ahayn isagoo adeegsaneya xoog, qasab, iyo hanjabaad “.
Sidoo kale isla qodobka afraad farqadiisa (T) waxay leedahay; “Kufsi waxaa
weeye qof kasta oo kula kaca galmo aan sharcigu bannayn qof kale oo aan
awoodin bixinta raalli ahaansho “.
Xeerkaasi sida ku cad gaar ahaan qodobkiisa afraad, wuxuu kufsi ku qeexay fal
galmo aan sharci ahayn oo loo maray ama lagu helay kadib markii la adeegsadey
xoog iyo hanjabaad. Galmada aan sharciga ahayni hadaba maxay tahay? Galmada
aan sharciga ahayn waxaan u qaadanaynaa in looga jeedo Sino (الزنى). Sinada
lafteeda ayaa qeexid u baahan. Sino waxaan ku qeexi karnaa laba qof oo heshiis
ku ah raallina iskaga ah inay raaxaystaan kuna raaxaystaan meel iyaga mooye
aanay cid kale ogeyn.
Kufsigu maaha sida uu xeerkaasi u qeexay. Kufsigu waxaa weeye galmo qof lagu
sameeyey isagoo aan raalli ka ahayn ama aan ogolaansho bixin karin iyadoo la
adeegsaneyo awood, hanjabaad, iyo xeelad. Galmadaasi ha ahaato mid sharci ama
yaanay ahaan.
Hadii aan raacno qeexidda xeerkan ninku wuu qasbi karaa xoogna waa ugu galmoon
karaa xaaskiisa maadaama ay tahay galmo sharcigu banneeyey. Hadii ninka loo
ogol yahay inuu xaaskiisa kufsan karo maxay tahay sababta loo sameeyey xeerka
kufsiga? Hadii aanay raali ka ahayn naagtu in ninkeedu u galmoodo saw kufsi
maaha?
Galmadu waxay kufsi noqotaa sida aan kor kusoo sheegay marka loo maro waddo
xun iyadoo la adeegsaneyo awood, xeelad iyo hanjabaad. Adeegsiga awood,
hanjabaad iyo xeelad waxay imanaysaa oo keliya marka ay meesha ka baxdo raalli
ahaanshaha dhinac ka mid ah labada dhinac.
Xeerkaasi ma qeexeyo qaybta eray bixintana kuma jirto waxa looga jeedo ereyga
(qof kasta) mana qeexin xaaladaha lagu geli karo fal denbiyeedkaa. Dumarku
miyaanay kufsi samayn karin? Hadiise qof sakhraansan maandooriye uu
isticmaalay kadib xubintiisa taranka tusa caruur aan qaan gaadh ahayn maxay
tahay ciqaabta lagu qaadayaa? Si qofka loogu ciqaabo fal denbiyeed uu geystey
waa in la soo cadeeyo inuu si ku talo gal ah (intentionally) welibana
maankiisa iyo miyirkiisa isagoo qaba qofkaasi ku kacay denbigaas. Haddii
intaas la caddayn waayo qofkaasi denbiile maaha.
Waxaa iyana muhiim inaan ogaanno in kiisaska kufsiga ah ee ka dhaca
Soomaalilaan aan loo geysan haweenka oo qudha, isla markaana aanay gaysan
ragga oo keliya. Kufsigu waa denbi loo gaysan karo wiilasha yar yar, hablaha
yar yar iyo kuwooda qaan gaadhka ahba. waana denbi ay geysan karaan ragga iyo
dumarkuba.
Waa in aan qirno in shareecada islaamka aanay meelna kaga jirin xeer ama nas
ku saabsan denibga kufsiga. Kufsigu maaha galmo raali la iskaga yahay (الزنى).
Waxaa iyana lama huraan ah in aan ogaanno in diinta islaamka aanay meelna kaga
jirin aayad ama xadiis qeexeya una sheegeya si cad da’ cayiman oo lagu qaan
gaadho. sidaa darteed dawladda meesha ka talisa waxay odhan kartaa da’da lagu
qaan gaadho waa 20. Kadib marka dawladu qaadato oo ansixiso faafinta rasmiga
ah ee dawladaasna lagu soo saaro xeer qeexeya da’da lagu qaan gaadheyo waxaa
denbi iyo kufsi noqonaya guurka caruurta ka yar da’da xeerkaasi sheegay.
Kuwa ku doodeya awoodda xeer dejinta waxaa iska leh Illaahay, waxaan leeyahay
Jaalayaal waxaa jira waxyaabo Illaahay iyo Maxamed ilaaween, ama aanay
garanayn oo aanay ka hadlin, amba ay uga aamuseen si ku talo gal ah. Waxaa
jira waxyaabo badan oo innaga la inooga baahan inaan sharci u samaysanno sida
xeerarka waddo marista, xeerka caafimaadka, xeerka denbiyada lagu galo
tiknoolajiyadda. Wax badan oo jirey qarnigii todobaad maanta ma jiraan, sidoo
kale waxyaabo badan oo aan waagaa jirin ayaa maanta jira. Maxamed Dameer,
Faras, iyo Awr buu raaci jirey, halka maanta gaadhi, tareen, iyo diyaarad aan
raacno. Isku xeerna ma noqon karaan geela iyo tareenadu.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida