Xeerashii Newton qaybtii u danbaysay

Kawnku waxa uu ku dhisan yahay “xeerar” aynu baadhi karno, heli karno walibana
fahmi karno, arrintaasi waa muhiim waana arrin ah in qof walba niyadda ku
hayo.
Tusaale, haddii Kuuriyada Woqooyi ay mid ka mid ah gantaalladeeda qaaradaha
iskaga goosha(ICBMs) ku riddo Maraykanka taasi waxay caddayn utahay in
injineerrada Kim Jong Un ugu yaraan fahmeen xeerasha cuf-isjiidadka iyo kuwa
socdaalka(laws of motion), xeerashaasna waa kuwo uu newton dajiyay, xeerashaas
laftooda ayay adeegsadaan injineerrada NASA, ESA iyo kuwa la midka ah markay
dayaxa iyo meerayaasha kale gantaalo dhulka laga ganay ku tooganayaan si’ay
halkaasi ugu diraan dad ama aalado.
Isla xeerashaasi ayaa sidoo kale kuu suuro galinaya inaad si jaan go’an
uxisaabiso kubbad/banooni kasta oo aad laagto halka ay ku dhici doonto, waa
haddii aad ogtahay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin, xawaaraheeda,
xagasha(angle) iyada iyo oogada dhulka, iwm.
Si kooban haddii loo dhigo xeerasha iyo qaaciidooyinka Newton waxa ay
sharaxaayaan wax walba oo dhaqaaqa (marka laga reebo noolayaasha) waxa ayna
qaaciidooyinkaasi kuu suuro galinayaan inaad xisaabiso mustaqbalka iyo
taariikhda walxahaasi socda,
Tusaale taariikhda iyo mustaqbalka dayax-gacmeed amaba dhagax(asteroid) dhulka
ku wareega, haddii aad hadda ogtahay halka uu joogo iyo xawaarihiisa waxad
ogaankartaa halkii uu 8 bilood ka hor joogay iyo halka uu 900 oo sano/gu’
kadib uu joogi doono!
Newton iyo qaaciidooyinkiisii waxa ay ina tuseen in dunidu xeerar ku
dhisantahay, waliba kuwo xisaabeed, arintaasi waxa ay ku qancisay jiilkii
Newton ka dambeeyay oo uu saynisyahankii Pierre-Simon Laplace ka mid
ahaa inay intoodii badnaydi qaateen aragti/mawqif sayniseed lagu magacaabo
Scientific Determinism oo odhanaya waxwalba oo dunida dusheeda yaala oo ay
noolayaashu ku jiraa iyo xattaa dunida Dhanbad mustaqbalkeeda iyo
tariikhdeedaba waa la xisaabin karaa waana la ogaan karaa, waa haddii aynu
ognahay xawaaraha iyo meesha ay joogaan waxyaabaha ilimaqabatayda (Atomyada
ama kuwa ka sii yar ee particleska ah ) ee ay walxaha dunidan oo dhan oo ay
noolayaashu ku jiraani ka samaysan yihiin!
Si kale haddaan udhigo waxa ay ragaasi ku doodeen in aan mustqabalka ogaan
karno
Balse markii la isku dayay in la cabiro xawaaraha iyo meesha ay joogaan
atomyadii ama particles -kii waxa soo baxday arrin amakaag iyo afkala qaad
ku riday saynisyahannadii, waxay ogaadeen in xeerasha iyo hab-dhaqanka
particles -ku si toos ah lid ugu yihiin xaqiiqada iyo sawirka dhan ee
maskaxda biniaadamku kawnka ka haysto, halkaasna waxa ka dhashay cilmi dhan oo
lagu magacaabo Quantum Physics oo aan isku dayi doono inaan wax ka dhaho
qoraalada dambe.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida