Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Xadarro!

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 2
13.3k
·

11/1/2003

Xadarro!

Carruurta dugsiyada qur’aanka dhigta midkii aan xafidaadda ku fiicnayn ama aan
jeclayn in uu subaca iyo qur’aanka ka qaybgalo waxaa lagu tilmaamaa in uu
yahay ”Ilmo uu shaydaan duufsaday!” Dadka uu la deggan yahay iyo wadaadka
dugsiga dhigaaba waxay ku heshiiyaan in uu ilmahaasi shaydaanka calaaqaad weyn
la leeyahay, oo in la dilo laga helayo ajar iyo xasanaad loo aayayo maalinta
Qiyaame.

Guriga waxaa carruurtaas uga horreeya canaan yasid ah iyo dil uu huruuf ku
dhafan yahay, isla markaas waxaa laga goostaa ama lagu canaadaa akalka iyo
arratirka. Dugsiga waxaa loo diraa asaga oo xoogaa dilan, oo sidii loo
caayayey wareeray, waxaana ka horreeya wadaad cadow ah oo rumaysan in uu
ilmahaas shaydaan duufsaday oo uu dilkiisu xaq yahay.

Macallinkaasi wuxuu leeyahay bakhaar ulo ah oo uu markii ay uli dhammaataba
mid la soo baxo. Ulaha waxaa sida badan soo gura ardada, waxaana toddobaad
kasta loo diraa labo ama saddex uu macallinku amar ku siiyo in ay ulo xoog
badan dhir gaar ah ka soo jaraan.

Qaynuunka ulaha waxaa ka mid ah in haddii ay carruurtaasi ulo liita keenaan
laftooda lala dhaco, oo markii ay sidii loola dhacayo uluhu jajabaan oo
dhammaadaan ay misana noqdaan, oo ulo macquul ah keenaan. Haddii aysan
ciqaabtaasi jirin waxay ardadu soo guri lahaayeen ulo aan jirdil ugu
habboonayn carruurta uu shaydaanku duufsado.

Carruurta uu shaydaanku duufsado guriga aad looguma garaaco, oo dharbaaxo iyo
marmar uu oday xanaaqsani matoobbo ku dhufto ayaa jirdilkooda ugu badan, hase
yeesho ee bakhaar ulo ah baa wuxuu uga horreeyaa meel aysan axsaan iyo
naxariisi ka jirin.

Carruurta caadiga ah oo uusan shaydaanku duufsan wuxuu macallinku dilaa markii
ay kalmad qur’aanka ka mid ah khaldaan iyo markii ay dugsiga ka soo daahaan.
Waxaa kale oo la garaacaa markii ay sheekaystaan ama ay cayaaraan, hase yeesho
ee waxaa laga yaabaa in marmar uu macallinku iska caraysan yahay uu ardada ul
saf kala maro, oo uusan u aabayeelin mid uu shaydaan duufsaday iyo mid
hanuunsan.

Kuwa uu shaydaanku duufsaday dilkoodu waa muqaddas, oo markii ay dugsiga soo
galaan wuxuu wadaadku kula dhacaa caradii uu shaydaanka u qabey iyo mid uu
ilmahaas u qabo, waayo wuxuu aamminsan yahay in ay ilmahaas iyo shaydaanku isu
xodxotaan.

Dhaqanka soomaalida qaarkeed waxaa ka mid ah in agoonta la caawiyo oo loo
turo, laakiin waa agoonta uusan shaydaanku duufsan, ee yatiinkii uu shaydaan
duufsado waxaa lagu fuliyaa qaynuunka dugsiyada.

Inta aynaan xaqdarrada albaabbadeeda waaweyn furfurin baynu sheegaynaa qiso
xariir la leh in qofkii aan xafidaadda ku fiicnayn loo maleeyo in uu
shaydaanka calaaqaad la leeyahay. Aniga oo todoba sano jira ayaan waxaan
dareemay in aan aad ugu fiicnahay xafidaadda maansooyinka, oo aan gabayga
markii la mariyo sidii uu ahaa ugu soo celin karey. Xeesha aan wax u xafidayey
aniga ayey igu abuurnayd, ee ma ahayn wax aan cid kale u gudbin karey, waxaana
jeclaa in habeen iyo maalin maanso cusub la ii mariyo iyo in aan anigu dadka
maanso u mariyo.

Sida macallimiinta dugsiyada dhiga ayaan waxaan samaystay ardo badan oo aan
gabayada xafidsiiyo. Ardada ma aan dili jirin, waayo waxay badankoodu ahaayeen
rag odayaal ah oo ogaadey in aanan ka daalayn in aan gabay kasta boqol goor
ugu soo celiyo, oo ay sida Qu’raankii iiga soo baxaan.

Qisada nuxurkeedu waa in aan u malayn jirey in odaygii qabashada gabayga ku
liitaa uu shaydaanka calaaqaad la leeyahay. Waxaan ka xumaa in aysan bulshadu
lahayn xeer ii banneeya in ragga uu shaydaanku maskaxdooda gabayga ka
moobeeyey aan garaaco. Midda kale tobannaan gabay baan bilaash ku baray kuwo
aan la yaabay sida ay maskaxdoodu uga janjeerto dhanka maansada.

Hab naxariis leh oo aan hagar lahayn baan dadka wixii maanso ah u bari jirey,
oo weliba mid kasta meesha uu joogo ayaan ugu tegi jirey, waayo ma aan haysan
bulsho igu caawisa in dadka meel dugsi ah la isu geeyo, oo ay wadajir maansada
u qaybaan.

Intaas waxaa dheeraa in aanan mushaar iyo abaalmarin midna ka rabin, ee aan
ajar iyo xasanaad hor ilaahay geysanayey. Runtii waagaas aad ayaan bulshada u
saluugsanaa, waayo lama eedayn jirin dadka uu shaydaanku gabayga ka
madoobeeyey, haddana la igama caawin in la mideeyo dadka jecel in ay maanso
xafidaan. Isla markaas in aan midkii madax adag garaaco fursad la iima siin.
Waxaa ka darnaa in ay dadku niman carruurtooda dilaya xoolo iyo ammaan isugu
darayeen, halka aniga oo saqiir iyo kabiir caawinaya aan la ii xilqabin.

Muddo ka dib markii aan 11 sano gaarey ayaan ogaadey in ay dadku kala duwan
yihiin xagga waxbarashada, oo uu qof kastaa wax gaar ah ku fiican yahay, isla
markaas in qofkii maaddo uusan ku fahmo badnayn baran waaya aan shaydaan lagu
xariirin karin.

Waxaa in aan sidaas aragtidayda u beddelo igu kallifay in aan arkay dad iga
caqli badan oo iga dadnimo badan, kuwaas oo aan gabay iyo Qur’aan midna xafidi
karin, ee talada iyo hawlaha kale aad u fahmayey, halka aan anigu shaqooyinka
ay qabanayaan necbaa, oo ay maskaxdaydu maanso, xifaalo iyo sheeko jacayl u
heellanayd.

Arrintaas markii aan fahmey oo sheegay aad baa la iigu xadgudbey, waayo waxaa
loo qabey in aan la oran karin ”Qofkii aan Qur’aanka xafidi karin in lagu
khasbaa waxay la mid tahay in qof gaaban la amro in uu dheeraado, oo markii uu
dheeraan waayo la dilo”. Waxaa la ii maleeyey in aan qareen u ahay carruurta
uu shaydaanku duufsaday, la igamana hoosqaadin arrintii aan fahmey.

Sida ay aniga ila tahay in arrintaan la fahmaa waa sahal, oo uma ay baahna in
uu qofka garanayaa caqli badan leeyahay, waayo markii uu qof kaa diricsani
labo mir oo gabay ah qaban waayo waa ay iska caddahay in aadan ka fiicnayn ee
aad kala duwan tihiin. Maansadu waaba wax uu qofku allifayo, oo in uu hibo
maskaxeed leeyahay caddayn u ah, laakiin waxaa jira kuwo xafidaadda Qur’aanka
aan ku saxan, haddana xagga caqliga aan tuludo geel ah wax weyn dhaamin, oo
dumar ay u galmoodaan iyo walanbaysi cunto keli ah ay garashadoodu ku kooban
tahay.

In uu Rabbi dadka kala duwey yaab ma leh, ee waxaa cajab ah in ay wadaaddada
dugsiyada dhigaa camal shaydaan ku macneeyaan abuurta Rabbi. Carruurta Rabbi
baa kala duwey ee shaydaan ma uu kala duwin, mana uu awoodo shaydaanku in uu
wax abuuro, oo fahmada iyo dadnimadu waa uun ama abuur Rabbi.

Dadka reerguuraaga ahi waxay sameeyaan hawlo yaryar oo ay ka mid tahay in
geela la raaco, waxayna ninkii aan geela in uu raaco jeclayn u yaqaanniin
”Waxmatare”. Geela raaciddiisu waxtar weyn ma aha, waayo waa in markii uu
aroortii soofo la iska dabagalo, oo inta barqadii caano laga maalo geed
hooskiis la seexdo ama shax la cayaaro, dabadeedna casarkii la isu soo
uruuriyo, oo ubadka laga sooco. Inta la sii dheelmayo waa in lagu heeso,
markii la xereeyana waa in gabay iyo cay xun la isku bilaabo, si aan loo
lulmoon!

Caydaasi waa mid aan xad lahayd oo ay ugu sahlan yihiin ”Nacallaa waalidkaa ku
yaal!” iyo ”Doofaaraddii ku dhashay ***!”. Markii caweysinka geela la gaaro
waxaa carruurta lala dhacaa dhenged, waxaana lagu yiraahdaa: ”U soo godol
geela eyohow eygu dhalay!”. Inta geela la maalayo caydii ugu darnayd baa
socota, laakiin waxaa qaynuunka ka mid ah in aan la isku xanaaqin, oo ninkii
xanaaqaa waa ”Buulkujire” oo uu macneheedu yahay ”Nin aan weligiis meel uu rag
joogo arag ee buulkii hooyadiis ka yimid”. Ninkii noloshaas soo maray labo
arrimood buu la yaabaa, waana in la isku xanaaqo iyo in aan sidii la doono loo
wada hadlin ee hadalka lala kala gabbado.

Haddaba waxaa jira rag aan nolosha sidaas ah ku qanci karin, oo qaab kale u
fakaraya, loomana oggolaado dabeecadohooda, ee waxaa loo arkaa in ay
dadnimadooda waxyaalo u dhimman yihiin, waana falfal midka macallimiinta
dugsiyada la mid ah, isla markaas waa aragtidii aan ka tanaasuley aniga oo 11
sano jira markii aan gabaygii ku soo kari waayey rag siyaalo kale iiga
firfircoon.

Waxaa laga yaabaa in ay dad cindigaab ahi moodaan in qisadaan weyn oo maansada
ku saabsan aan uga jeedo in ay Qur’aan iyo gabay isku mid yihiin, taasina waa
liidnimo xagga caqliga ah, waayo tacliintu laamo badan ayey leedahay oo
faracyadaas ayeynu qaarkood tusaale u soo qaadannay, ee Qu’aanka wax loo dhigo
lama arko.

Maqaalkaan yar waxaannu ugu talogalnay in aannu xaqdarrada ugu daran, oo
dadkeenna ku dhexbaaranaysa kaga wacdino. Waxaa laga yaabaa in dad badani
markii ay maqlaan ”Xaqdarrada ugu daran” ay moodaan caaneeyadii Carta ama
hooshkii koofurta Soomaaliya ka dhacay dhawr iyo tobankii sano oo ugu
danbeeyey. Kuwo kale waxaa laga yaabaa in ay u maleeyaan in looga digayo in ay
iska ilaaliyaan jaajuusyadii iyo awrtii uu Maxamed Siyaad ku guuri jirey in ay
dadnimo ka fishaan. Dad kale waxaa dhici karta in ay moodaan in uu maqaalku
Hargaysa ka waaninayo in ay dalka kala gooyaan, oo uu in ay shakiga iyo
walaaca iska saaraan ku boorrinayo.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan midna maqaalku kuma uu saabsana, ee wax ka
daran ayuu soo koobayaa, waana in uusan qofka soomaaliga ahi oggolaan karin in
uu jiro qof asaga ka duwani. Xagga caqiidada, xagga aragtida, xagga dhaqanka
iyo kumannaan dhinac oo lagu kala duwanaan karo ayuu ruuxa soomaaliyeed ka
gubtaa in uu nool yahay qof asaga kaga geddisani.

Haddii uu diinta u haysto sida ay dariiqada Saalixiya ugu dhaqmaan wuxuu
go’aan buuxa ku gaarayaa in ay baaddil yihiin dhammaan siyaalaha kale oo
diinta Islaamka loo rumaysan yahay ama loogu dhaqmaa. Waxaa Soomaalida keli ah
dhexdeeda ka jira tobannaan firqo oo diinta Islaamka wada jecel, laakiin uu
mid kastaa u xuurtaysan yahay waddo coobilnimo, oo ah in la necbaado dhammaan
ummadda inteeda kale iyo aragtiyaha ay qabaan!

Qofkii dariiqo ama koox gaar ah oo diineed ku dhex haftaa wuxuu ku jiraa qol
ciriir ah, oo ka daran midkii nebi Yuusuf lagu xiray muddada dheer ama midkii
uu Bardacad ku xirnaa 17 sano. Noloshiisa wuxuu ku dhammaysanayaa in uu dad
kale farta ku fiiqayo, oo uu leeyahay ”Kuwaas ha la iska ilaaliyo!”, wuxuuna
meesha ka saarayaa in ay suurtegal tahay in ay kuwa uu ishaarayaa hayaan
aragtiyo iyo cilmi uu u baahan yahay.

Darajada ugu liidata oo uu qofku gaaraa waa in uu u maleeyo in uu xaq ku
taagan yahay, oo aysan wax aragti ahi ka maqnayn, ayna asaga iyo kooxdiisu
yihiin ceel ma’wi ah oo ay dadku u ooman yihiin! Waa ra’yi ay qofka aamminsan
u dhaanto in uu dhinto, waayo wuxuu ku jiraa qabri uusan ogayn.

Dadka qof kastaa wuxuu u fakarayaa si ka weecsan si uu mid kale isleeyahay,
taasna nolosha ayaa ku dhisan oo waa wax macne weyn leh. Sidaas la’aanteed
lama noolaan kareen, oo bulsho ma ay dhisanteen.

Qof kastaa wuxuu u baahan yahay nabad ee colaad iyo xin uma uu baahna. Qof
kastaa wuxuu u baahan yahay in aragtidiisa la dhegaysto oo si anshax ah loola
doodo. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in aan la xaman oo aan lagu xadgudbin.
Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in aan bulshada laga xigsan ee uu ra’yigiisa
soo gudbiyo, oo intii rabtaa ay ku raacaan inta kalena ay si fiican ula
doodaan ama ka aamusaan. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in aan mabda’iisa iyo
dhaqankiisa lagu caayin, laguna dilin ee laga dhegaysto oo laga qaato ama aan
laga qaadan. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in ay wax u kordhaan oo uu
jahliga iyo maskaxda liidata ka horumaro.

Haddaba qofkii dariiqo ama firqo gooni ah ayaamo la jooga, oo maansooyin
nabiga iyo shiikh Cabdulqaaddir-Jiilaani lagu faaninayo ama buugaag yaryar oo
qabuuraha iyo lebbiska dumarka qodqodaysa lagu qiireeyo, oo markaas dadka kale
aragtiyohooda ku caaya ama kula diriraa wuxuu la mid yahay mashiin la daaray,
oo aan ilaa uu shidaalku ka dhammaado ama uu qofkii lahaa damiyo guuxa
joojinayn.

Xayawaanaadku waxay isu oggol yihiin in uu mid kastaa duurka ama badda
geeskiisa u daaqo, laakiin waxaa jira xayawaanaad markii ay baahdaan kuwo
kale, oo sida badan aan la jinsi ahayn, cuna. Haddaba marka ay sidaas isu
cunayaan waxaa isu geysey baahi uusan midka dugaagga ahi dhiig ka maarmayn.
Cunitaankaas ka sokow xayawaanaadku waxay sida badan kala helaan nabadgelyo,
oo dhaqankooda iyo noloshooda iskuma ay farageliyaan.

Waxaa yaab leh in ay soomaalida iyo dadyow kale maanta ka liitaan bahaayinta
birriga iyo badda ku dhaqan. Qofka soomaaliga ahi labo arrimood oo dan u ah
midna ma uu tixgeliyo. Midda kowaad waa in asagu xor yahay, oo uusan cidna
marti ugu ahayn habka uu u fakarayo iyo qaabka uu u noolaanayo. Midda labaad
waa in uu dadka kale u oggolaado sida ay jecel yihiin iyo aragtida ay
xiisaynayaan.

Haddii labadaas arrimood la waayo waxyaalo badan ayaa la waayayaa. Marka
kowaad waxaa lumaya aragtiyihii dadka oo qofku in uu fakaro waxaa kala
weynaanaya in uu wax uusan asagu ku hindisoon fuliyo, waxayna dadka oo dhami
noqonayaan alaabo la leeyahay, ee markaas dad ma ay aha.

Qofka soomaaliga ah haddii aynu tusaale u soo qaadanno waxaa soo baxaysa in uu
yahay addoon la leeyahay oo aan xaq u lahayn in uu fakaro iyo in noolaado
haddii uusan raacin waddo ay dad kale faleen oo horay loogu soo harraaday.

Dariiqooyinku wax yar ayey ka dhaawacaan maskaxda dadkeenna, ee sunta ugu weyn
ee ay soomaalidu ka dhergeen waa qabyaaladda. Arrinta qabyaaladda haddii aynu
dib u dhiganno, oo aynu firqooyinka diinta xoogaa ka taabanno waxaa waayadii
hore jirey wadaaddo sabool ah, oo baryo keli ah ku noolaa.

Diinta waxaa loo baran jirey in xoolo lagu noolaado dadka lagaga baryo oo uu
markaas wadaadku guursado si uu carruur u dhalo. ”Carruur” marka aynu leenahay
waxaa ku hoosjira in uu guurka soomaalidu carruur keli ah keeno ee uusan
waxtar kale lahayn.

Wadaaddadii hore waxay ahaayeen dad aan talada iyo maamulka waxba laga
weydiin, ee markii tahaliil, xirsi, yaasiin, subac, kunmayr, nikaax iyo
qaangudasho loo baahdo ayaa la soo xasuusan jirey. Markii sidaas loo soo
xasuusto waxay dareemi jireen in ay shaqo heleen, waayo cunto iyo hanti bay
waxaas ku heli jireen. Ardada ay Qur’aanka u dhigaan waxaa loo arkey in yihiin
mustaqbalkii tahaliisha, xirsiyada, nikaaxa iyo waxyaalo kale.

Haddaba markaas bulshadu qabyaalad keli ah bay haysteen, waxaase jirey arrimo
yaryar oo ay wadaaddada laftoodu dadka ku saamaynayeen. Arrimahaasi waa in wax
kasta oo ay wadaaddadu xoolo ku rabaan lagu raaci jirey. Tusaale ahaan haddii
ay wax khuraafaad ah oo ay dadka maskaxda kaga xadayaan keenaan lagulama doodi
jirin, ee waa lagu raaci jirey, waxaana sanad kasta dalka ku soo kordhi jirey
khuraafooyin ku bilawday xoolo jacayl, sida riyooyin iyo hab cusub wax la
isugu tufo.

Ayagu waxay dadka maskaxda kaga haysteen xagga caqiidada khuraafada ah, oo
waxaa dhankaas looga ahaa addoomo ayaga u hoggaansan, laakiin wax kale lama
waydiin jirin. Dabcan iyo dabcan waa ay jireen waxyaalo yaryar oo shareeco ah
in marmar laga soo xigan jirey, laakiin wax weyn ma ahayn.

Waayadii hore wadaaddada iyo awliyooyinka waxaa la rumaysnaa in ay dhanka
Itoobiya ka yimaadaan, laakiin intii shidaalka dalalka carbeed laga soo saaray
waxay wadaaddada iyo awliyadu ka soo gurmayeen dalka Sucuudiga iyo meelo kale
oo carab ah. Waxaa jirta qiso caan ah oo ku saabsan in ay Itoobiya ahayd meel
laga sugo in ay weliyo suubbani ka yimaadaan.

Sarkaal Itoobiyaan ah baa wuxuu ogaadey in ay soomaalidu sadaqo aan ujeeddo
lahayn wadaaddada la hoos-rooraan, wuxuuna ogaadey in uu ninkii weli loo
maleeyaa xoolo badan ka helayo soomaalida. Qorshe fiican oo uu dadkaas aan
fakarayn kaga xoolaysto ayuu cabbaar ka fakarey, wuxuuna helay arrin weyn oo
aan looga horrayn.

Waagaas soomaalidu karbuuno ama toosh ma ay aqoon, wuxuuna sarkaalkii soo
qaatay karbuuno weyn oo uu beteri cusub ku soo gurtay. Wuxuu soo galay safar
dheer, ka dibna wuxuu soomaalidii u sheegay in uu weli yahay oo uu habeenkii
nuur ka baxo. Markii uu fiidkii aasku madoobaado ayuu tooshkii daarayey,
wuxuuna qaadayey qasiidooyin iyo wardi.

Hadalka haddii la soo koobo wuxuu ninkaasi markii uu karbuunadii beterigu ka
dhammaaday haystey boqollaal geel ah iyo kumannaan lo’ iyo ari ah, wuxuuna
hantidaas xoogga leh ula gudbey dhanka Itoobiya.

Saraakiil Itoobiya iyo carabaha jawaasiis u ah ayaa weligood Soomaaliya gaaf-
wareegayey, waxayna dalka ku joogeen awliyanimo iyo daacinimo. Habeenkii uu
Maxamed Siyaad dalka inqilaabay ka hor ayaa Itoobiya laga ogaa in uu dalka
afgenbi ka dhacayo, waxaana sirahaas gudbiyey saraakiil tahaliil u tufi jirey
saraakiishii dalka inqilaabay. Haddaba iska ilaali in aad jaajuus gaamurey
daaci iyo weli u malaysid, oo yaan lagu dhagrin ee maskaxdaada keli ah kaasho.

Dalalka carabtu ma ay jecla in ay Soomaaliya dawladi ka dhalato, waxaana jira
sababo ay ka mid yihiin in uu dalkeenna shidaal badani ku jiro, oo suuqa
shidaalka lagu ciriiryayo iyo in ay rabaan in ay ina addoonsadaan, oo aynaan
weligeen ka xoroobin. Sidaas awgeed saraakiil soomaali ah, oo ducaad isku
sheega ayaa waxay Masar iyo Sucuudi u gudbiyeen in uu Cabdiqaasim haysto
maafiyo loo adeegsan karo in aysan Soomaaliya weligeed xasilin. Arrintaas ayaa
ugu weyn sababaha ay carabtu Cabdiqaasim lacagaha xad-dhaafka ugu qufaan. Waa
xaqiiq in ay Soomaaliya ka jirto tuugo haddii xagga dhaqaalaha aad looga
caawiyo diidi karta in uu dalkeennu xasilo, laakiin waxay maafiyadaasi moog
yihiin in ay lacagta carabta uga fiican tahay in uu dalkoodu xasilo, oo
shidaalkooda la soo saaro, halka ay tuugsiga iyo tuugnimada u xilanayaan.

Dalka Soomaaliya waxaa dumiyey saraakiil awliyo iyo ducaad ah, oo ka
khabiirsanaa kuwii waddanka haystey, sida Siyaad iyo Samatar. Xeraha iyo
firqooyinka ugu waaweyn Soomaaliya waxaa madax ka ah rag loo soo dirsaday in
ay gudbiyaan sidii uusan dalku weligiis u horumareen. Dadku waxay eedeeyaan
kuwa masaakiinta ah oo jabhadaha hoggaamiya, laakiin saraakiisha diinta ku soo
gabbanaya waxaa loo yaqaan ”Culumo ilaahay”!

Maskaxda dadku waxay dullowdaa markii meel laga haysto, oo ay qofka asaaggiis
qaar ama maskaxda oo dhan ka xadaan. Tusaale ahaan in uu qof weyni noloshiisa
ku xiro xirsi, tahaliil, kunmayr, toosh iyo wax uusan fahamsanayn, laakiin uu
khayr u malaynayo.

Horta qofku waa in uu qaataa ama sameeyaa wax uu fahmayo, ee wax uu dad ka
maqlay oo uusan fahmin in uu iska dabogalaa waa addoonnimo, oo faciis ayuu
maskaxdiisa ugu deeqay.

Waxaa ugu daran haddii uu qofku moodo in ay tahaliisha iyo marraha keli ahi
yihiin wax qofka lagu siri karo. Arrimaha noocaan ahi dhawrkii sanaba waxay
yeeshaan qaab hor leh, oo dadka loogu khatalo, oo kuwa qaabkii hore bannidaya
laftoodu waxay ku beddelayaan hannaan kale oo ay dadka maskaxda kaga xadaan,
xoolana kaga helaan.

Wax lagaa xado waxaa ugu daran maskaxdaada, waayo haddii alaab lagaala tago
mid kale ayaad tabcan kartaa, laakiin maskaxdu waa adigii oo dhan. Waxaa jira
dad muran badan oo aan ka duwanayn raadiye uu qof meel fog joogaa ka hadlayo.

Haddana markii adiga madaxa lagaa galo waxaa addoomo aadane noqonaya dadkii
aad mas’uulka ka ahayd oo dhan, sida xaaskaaga iyo agoon aad adeer u tahay.
Maskaxdu waa muhiim, waxaana lagu badbaadin karaa in uu qofku naftiisa
xurmeeyo, oo uu waxii asaga la toosan ku socdo, dadkana u soo bandhigo, ee
uusan raadiye noqon.

Xaqdarrada ugu weyn oo qof lagu sameeyaa waa in maxkasdiisa wax aan dan u
ahayn laga buuxiyo, dabadeedna bulshada lagu soo daayo asaga oo aan fakarayn
ee xuurtaysan, oo muran iyo qaylo badan.

Qofka soomaaliga ah maskadiisii waxaa la tegey qabiil iyo wadaad aan laftiisu
maskaxdiisa ku socon, ee dano xaaraan ah dalkiisa ka fulinaya. Ciriirkaas ayey
dadku ku jiraan oo aragtiyaha kala duwan ma ay xamili karaan.

Bogag badan oo internetka wax lagu baahiyo haddii aad furtid waxaad arki
kartaa in ay intooda badani ciriir ku jiraan, oo uu mid kasta qof maskaxda
laga haystaa leeyahay. Aragti yar oo qabiil ama kooxeed keli ah buu qof kastaa
u dulqaadan karaa, ee in uu maskaxda ummadda isticmaalo ma uu awoodo. Xataa
haddii uu qofka soomaaliga ahi arko aragti middiisa ka geddisan oo qof kale
bog ku daabacay waa uu dhibsanayaa, oo wuxuu ku dadaalayaa in uu qoraagii cay
u diro ama uu waraaq uu ku asaraarayo meel kale ku daabaco. Qofkaasi waa
aaddoon aadane oo daciif ah, oo aan marna oggolayn in la kala duwan yahay.

Isriddinta iyo aragtiyaha badani waxay keenaan horukac, laakiin waa in uu qof
kastaa oggolaado in uu khaldanaan karo, ee uusan u qabin in uu xaq ku taagan
yahay, dadka kalena ay baadiyaysan yihiin. Isla markaas waxaa muhiim ah in
uusan qof maskax furani la murmin qof ay dad asaaggiis ahi madaxa ka haystaan,
oo raadiye lagu hadlo ah. Waxaa intaas dheer in aysan dadku xagga fahamka iyo
xagga hadalka isku heer ahayn, oo ay intii isku tiiro ahi googgaalaystaan, si
uusan qofna naftiisa qaaliga ah xaqdarro ugu samayn.

Waxaa fiicnaan lahayd in si buuxda loo fasaxo aragtiyaha bulshada si looga
baaro bal in ay ku jiraan kuwa aan maskaxda laga haysan oo fakarayaa, laakiin
dadka taas garanayaa waa in ay laftoodu marka hore yihiin kuwo ayagu fakaraya,
ee aysan ahayn cawaan dhaqan kharaab ah iyo qabyaalad xin ah caabudaya, ama uu
nin xero ku ootay.

Qof kastaa haddii uu aragtida shiikhiisa iyo midda qabiilkiisa meel ku
uruursado, oo kuwa kale ka beri noqdo muxuu faa’iidayaa, muxuuse dad u kordhin
karaa? Qabiilku waa waxa ugu weyn oo maskaxda dila, waana bad moolkeed uusan
qof liitaa ka dabaalan karin. Haddii ay qofka maskaxdiisa qabyaaladi gasho ma
uu fakari karo, waxna ma uu fahmi karo. Xaqdarrada ugu daran oo carruurta
koraysa lagu sameeyaa waa in qabyaalad lagu ababiyo, oo aan in ay fakaraan la
barin, ee dhaqan dibdhacay iyo tacasub lagu barbaariyo.

Ereyga ”Mucjiso” macnihiisu waa wax laga caajisey oo aan la awoodin in la
sameeyo, oo ka baxsan awoodda caadiga ah ee qofka. Mucjisadu waa wax weyn oo
uu qofku u jeedo, laakiin uusan waxba ka oran karin, waxna ka qaban karin.
Haddaba anigu waa aan ka caajisey in aan faalleeyo sida ay mucjisada
qabyaaladdu u xaalufiso qofka soomaaliga ah maskaxdiisa.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...