Waxay ahayd inaan dhinto si aan u noolaado!

W eligey waan ogaa inaa ahay Queer (qof leh dareenka isku jinsiga ah)
laakiin waqti ayey igu qaadatay inaa ogaado in dareenkaygaan dhibaateyntayda
loo isticmaali karo. Markaa ogaadayna, waxaa go’aansaday inaa naftayda
badbaadsado.
Nolosha, markaa saqiir tahay aqoonsi iskuma lihid, qofkaa tahay bulshadaa ku
barta, haddii Waxay dadka naftaada kaa barayaan iyo waxay naftaada dareemayso
isla-hayn jahwareer ayey leedahay. laakiin markaa 13 ama 14 jir tahay waa
inaad samaysaa waxay bulshadaada kaa dooneyso, awood uma lihid, inaad bulshada
la hor tagto runtaada. Waxay kusoo bareen wax ka duwan oo la imaatid xasaasiyo
ayey ka qaadaan qofka xanuunka dareemayana waa adiga, sidaa darteed, waa inaad
naftaada badbaadisaa!
Markaan sidaas ogaaday ayaan is dilay!! Markaasaa Guugal (Google) weydiiyay
“sida nin cml loo fariisto!”, “ sida nin cml loo hadlo”, “ sida nin cml loo
socdo”, “sida nin cml loo qoslo” Markaasaa saaxiibadeey dhan qubay! Markaasaa
dadkoo dhan ka aamin baxay! Markaasaa bartay sida loo jilo qofaanan ahayn!
Dadka qaar, waa ka badbaaday laakiin kuwo ayaana ka badbaadin. Waxay dheheen
“sida gabdhihii baa gacmo yaryar tahay, sida gabdhahaa cod yaryar tahay iyo
sida gabdhahaa faruuryo gadgaduudan tahay” dadkaas sida looga badbaado weligey
ma baran, cidnana ima barin. Gacmaha miyaan jaraa? Faruuryaha maxaa ku smaeeya
si gaduudka uga ba’o? ma aamusaa si ay codkaygaba u maqlin? Ma iska qariyaa?
Guriga miyaan iskaga jiraa?
Laakiin kuwa guriga joogo iyagana waxbadan kama fiicna kuwa bannaanka, maxaa
yeelay, weligood imay dhihin “noormal ayaa tahay!” Laakiin waa jeclahay iyaga
marmarsiiyana waa u sameeyaa;- Lagayaaba iyaga xattaa in jiritaankayga dhib ku
qabeen, malaha wiil ay sadaqeen karaan waan ahaa, laga yaabaa ayaga xataa ceeb
inee dareemayeen iney dhaleen wiil gacmo yaryar, af gaduudan, codkiisana
jilicsanyahay, lagayaabaa iyaga xataa inay awoodin inay dhahaan “wax kaama
qaldana!” oo bulshada inteedaa kale ka baqayeen! Ugu yaraan ayaga afkay
xirteen- aamusna xal ma noqon!
Kuwa ayaa ilaa haatan quusan, markii hore waxay dheheen waa dookh, markay
ogaadeen inay dookh ahayn waxay dheheen waa imtixaan oo Ilaahay ayaa kugu
imtixaamayo. Aniga soo maaha;- Ma aaminsani in Ilaahay jiro, laakiin haduuba
Ilaahay jiro, waa hubaa inuu isagu gay iga dhigay, asagoo waxaanan dooran iga
dhigay haduuba sii fiirsaday waxa dhib iyo culeys iga soo gaaray— masugi karo
in lagaaro qayaamaha si aan ula kulmo oo wajiga uga candhuufo! Kuwana waxay ii
maleeyaan inay isii biiqsan karaan— ujeedada ma ahan inaa ibaratid laakiin
inaa igu wareertid!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida