Wahaabiyada ma la carbin karaa?

F irqada Wahaabiya ee uu shiikh Umal ka midka yahay wadaaddadooda ugu
waaweyn waa in jiritaankooda la aqbalaa haddii ay dhowr arrimood ka
tanaasulaan. Marka kowaad waa in ay qiraan in ay ka mid yihiin bulshada ama
shacabka oo aysan gaar ahaan isu bahaysan ee ay dadka ku milmaan. Midda labaad
waa in ay joojiyaan xukunka ay qoriga ku doonayaan oo ay dad nabadeed noqdaan.
Midda saddexaad waa in ay joojiyaan gaalaysiinta dadka iyo dilalka qorshaysan
oo aysan ku mashquulin in qof ama kooxi ay gaalo yihiin oo qofkii gaal ah ay
isaga iyo Ilaahay isu daayaan. Midda afaraad waa in ay qiraan in ay soomaalidu
tahay ummad af iyo dhaqan leh oo ay ka tanaasulaan carabaynta soomaalida iyo
in afka carabiga laga sarraysiiyo af soomaaliga. Dastuurka Soomaaliya waxaa ku
qoran in afka dalku uu yahay soomaali iyo carabi, waana been ee afka
soomaalidu waa soomaali keli ah oo carabida dad aad u yar oo bartay baa
garanaya, sidaas darteedna waa in faqraddaas hkaldan laga saaro dastuurka oo
carabta iyo afkooda loo arko ajnebi soomaalida iyo afkooda weerar ku haya.
Haddii ay arrimahaas kor ku qoran Umal iyo kooxdiisa xagjirka ahi oggolaadaan
waxaa la la furi karaa doodo ummadeed, waxa ayna ka mid noqon karaan bulshada
soomaalida oo danaha dadkooda ka fakara. Wahaabiyadu inta ay xukun
raadinayaan, inta ay dadka gaalaysiinayaan ama kuwa gaaloobey ay laynayaan,
inta ay koox gaar ah oo bulshada ka duwan yihiin, inta ay afka iyo dhaqanka
carabta soomaalida u dullaynayaan, inta ay dhiig macne darro ah u haliilayaan
waa in ay ummaddu iska qabtaan oo maskaxdooda wasakhaysan sida kaadida la
isaga duwaa. Ma dhici karto in uu ummadda wadaad u ahaado qof aamminsan in dad
soomaali ah la laayo ama diinta xukun ku doonaya oo aamminsan in 2020 diin
dhowr iyo toban qarni jirta la isku xukumi karo. Waa in edeb la baraa dadka
noocaas ah oo ay ugu horrayn bulshadu edbisaa oo ay noqdaan dad caadi ah oo
shaqaysta, haddii ay rabaanna masaajidda dhexdooda wacdi aakhiro ku saabsan ku
la dhuunta. Dadka qooqan oo noocaas ah waa in la dhufaanaa oo ay salka dhulka
dhigaan, bulshadana waa in ay dad aqoon lihi wacyi geliyaan oo afkooda iyo
dhaqankooda la horemariyaa. Run ahaantii nin xaddiis iyo qur’aan keli ah
garanaya oo aan aqoon kale lahayni waa jaahil aan mudnayn in culimo lagu
tiriyo. Dadku aqoon iyo wacyi ay ku horemaraan bay u baahan yihiin ee carabi
gaboobey oo khuraafaad ah in lagu dhex faafiyo oo ay isgumaadaan u ma ay
baahna.
Maammullada iyo dowladnimada waxaa ka dhex muuqda jileec ay u calool dabcayaan
dadka leh tilmaamaha aynu soo sheegnay oo ay ka dhigaan wadaaddo fiican mar
haddii aysan sida Ashabaab isqarxinayn, laakiin waa aragti gafsan oo kuwa
isqarxinaya iyo kuwa kale waa ay ka siman yihiin in ay rabaan waxyaalaha aynu
soo sheegnay, ma na jiro farqi weyn oo u dhexeeyaa. Tusaale ahaan kuwa
dowladda ku milan oo hadba magac la baxaa waxa ay iftoodaan in qofkii soomaali
ah oo diinta naca lagu dirqiyo in uu khasab ku toobad keeno haddii kale la
dilo oo ma ay oga qofku in uusan masuul ka ahayn waxa uu rumaynayo ee ay tahay
maskaxda qofka waxyaalo iskood ugu jira in uu rumeeyo ama beeniyo. Maskaxda
dadku mu’minnimo iyo mulxidnimo midna ma kasban karto oo qof wax uusan
rumaysnayn khasab ku ma rumayn karo sida uusan qof wax uu rumaysan yahay
khasab ugu beenin karin.
Qofka sheegaya in ay dad khasab ku toobad keenaan caqligiisu aad buu u
hooseeyaa, ma na uu aha qof masuul ah ama qof dadnimo wax laga weydiin karo.
Sida ugu fiican oo ay bulsho u fakartaa waa in dadka loo daayo Ilaaha lagu
khasbayo oo ay si xor ah u rumaystaan ama u beeniyaan iyaga oo aan dad kale ka
baqayn ama istustusayn. Waa in uu qof kastaa sidii uu rabo u fakaro isaga oo
aan baqdin uu dad kale ka qabaa saamayn ku lahayn. Ha dhowaato ama ha
dheeraato ee aayaha ama mustaqbalka aragtidaas aan sheegay baa la qaadan
doonaa, waayo waa sida saxda ah oo lagu wada noolaan karo.
Wahaabiyadu waxa ay waayadaan wadwadaan aragti gurracan oo ay ka soo xigteen
nin la oran jirey ibnu Taymiya oo sheegaysa in qofkii nebiga wax ka sheega aan
toobad laga aqbalayn oo la dilayo haddii uu toobad keeno. Firqadani qur’aanka
waxa ay ka jecel yihiin aragtiyaha ibnu Taymiya iyo ina Cabdiwahaab, waayo
qur’aanku aad buu uga hadlay toobadda, waxa uuna meelo badan ku sheegay in wax
kasta laga toobad keeni karo, in nebiga wax laga sheegaana denbi weyn ma aha,
waayo nebigu waxa uu sheegay ujeeddada uu u socdaa in aysan isaga dantiisa
ahayn ee uu isku xirayo dadka iyo Ilaahay, sidaas darteedna nebigu muhiim ma
aha oo waa makarafoon uu Eebbe ku hadlay. Qofka sheega in ujeeddada diintu ay
tahay in nebiga la weyneeyaa waxa uu u baahan yahay in laga saxo caqiidada
islaamka oo ah in uu nebigu ahaa codbaahiyaha Eebbe oo in isaga muhiim laga
dhigaa ay shirki tahay.
Nebigu waxa keli ah oo uu dadka kaga duwan yahay in uu fartiin dadka soo
gaarsiiyey ee sidiisa kale waa qof caadi ah, in wax laga sheegaana waxa ay la
mid tahay in qof kale wax laga sheego oo marna ma fiicna in qof la caayo.
Waxyaalaha aan Eebbe lagu weyneynayn oo uu nebigu sameeyey oo dhan haddii
nebiga lagu dhaleeceeyo waxa ay la mid tahay in qof caadi ah la dhalliilay, oo
tusaale ahaan in uu 9 dumar ah isku mar qabey iyo in uu Yuhuud wax ka deyman
jirey oo uu cadowgiisa baryi jirey ma aha fartiin diimeed oo Eebbe lagu
weyneynayo ee waa dabeecaddii nebiga qof ahaan u gaarka ahayd, qofkii
dhalliila nolosha caadiga ah ee nebigu uu dadka ka la mid yahay oo wax ka
sheegayna diin denbi ka ma uu gelin ee qof buu ka hadlay.
Anigu waxa aan rumays nahay in nebigu uusan awoodin in uu 9 dumar ah wada
qanciyo ee ay dumarku wakhtigaas addoomo ahaayeen oo in ay qancaan aan dan
laga lahayn. Haddii ay sida dumarka maanta ee xorta ah ahaan lahaayeen ma uu
qabi kareen, waxaana intaas dheer in uu nebigu 60 jir ka weynaa oo raggu marka
ay da’daas gaaraan ay adag tahay in ay hal haweeney qanciyaan. In uu nebigu
cadowgiisa oo Yuhuud ah oo la og yahay nacaybka carab iyo Yuhuud ka dhexeeya
deyn weydiisan jirey waa wax aanan kolley anigu isu quureen oo soomaalidu waxa
ay ku maahmaahaan ”Nacabkaaga dhuux sagaaro ayaa loogu dhaashadaa”.
Waxa aan uga socdaa in nebiga dhalliilihiisu ay la mid yihiin qof muslim ah
dhalliilihiis marka laga reebo waxyaalaha Eebbe ku xiran oo tusaale ahaan qof
muslim ah u ma bannaana in uu yiraahdo ”Nebiga qur’aanku ku ma soo degin ee
isaga ayaa allifey” oo taasi waa denbi kabaa’ir xagga diinta. Qofkii aan
muslim ahayni wixii uu rabo ayuu nebiga ka sheegi karaa, waayo ma uu
aamminsana diin u diidaysa in uu sheego in qur’aanku uu yahay maanso ay nebiga
iyo saaxiibbadiis tiriyeen, waxaana fahmo darro ah in qof gaal ah loo dilo in
uu nebiga wax ka sheegay oo gaalada loo adeegsado waxyaalo muslimiinta xaaraan
ka ah oo aan iyaga khusayn.
Qur’aanka waxaa ku jirta in ay niman dhowr ah oo ciidankii nebiga ka mid ahi
nebiga ku sheegeen in uu fule cirweyn oo nacas ah yahay, qur’aankuna waxa uu
amray in uu nebigu ku yiraahdo ”Ma Eebbe, aayadihiisa, iyo rasuulka ayaad
xifaalayseen? Ha marmarsiinyoonnina waa aad kufrideene!”, la ma sheegin in uu
nebigu amray in nimankaas la laayo iyada oo uu qur’aanku caddeeyey in ay
riddoobeen. Sidaas darteed Wahaabiya laga ma xukumo qur’aanka iyo nebigii
keenay ee waxaa maskaxdooda ka guuxaya ibnu Taymiya iyo ina Cabdiwahaab, waayo
waa lagu kari waayey in ay qur’aanka iyo nebiga ku qancaan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida