Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Wahaabiyada iyo aqoonta casriga ah

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 0
7.8k
·

3/25/2019

Wahaabiyada iyo aqoonta casriga ah

W adaaddada wahaabiyada ahi waxa ay aqoonta casriga ah u haystaan wax uu
cadow leeyahay oo duullaan ku ah diinta islaamka. Waxa ay u arkaan in uu
cilmigu xaqirayo diintooda oo ay cadowga diintu maleegayaan dhagar dadka
diinta laga jeedinayo oo lagu jeedinayo adduunyo. Si ay cilmiga isaga
difaacaan bay marmar tartan la galaan oo waxa ay sheegtaan waxyaalo yaryar oo
waayo hore caalamka islaamka laga hindisey iyo nusuus aan cilmi maaddi ah loo
la jeedin oo ay iyagu khasab ku waafajiyaan waxyaalo cilmi ah. Aragtida ah in
aqoonta casriga ah loo arko wax ay qolo leedahay wahaabiyada ku ma koobna oo
caalamka islaamka oo dhan baa dareenkaas wax ka haysta, laakiin wahaabiyadu
walwal dheeraad ah bay ka muujiyaan aqoonta oo marmar waxa ay caayaan dalalka
ay aqoontu ka soo jeeddo si ay u sheegaan in ay aqoonta diintu ka fiican
tahay, marmarna waxa ay sheegaan aqoonta maanta la wadwado in iyaga loo
sheegay 1400 oo sano ka hor, waana been ee aqoonta wax kasta oo ka mid ah
xilligii la helay iyo dadkii helay waa ay qoran yihiin, ninka ay ku
taariikhaynayaanna wax weyn ka ma uu ciyaarin.

Labo arrimood baa in la sheego u baahan. Midda kowaad aqoontu cid duullaan ku
ma aha oo waa wanaag dadka oo dhan u soo hoydey, waxaana baran kara oo ka
faa’iidi kara dadka oo dhan diin iyo diin la’aanba. Aqoontu dad gaar ah oo ay
xaqirayso iyo dad kale oo ku qaraabtaa ma jiraan ee waa loo siman yahay,
haddii ay heliddeeda dad gaar ahi u badnaayeenna ma aha in ay dadkaasi in ay
qaarado kale ku duulaan u samaysteen oo dad lagu bahdilayo. Midda labaad
xilligii gumaysiga dad badan oo muslimiin ahi waxa ay u arkeen haddii
carruurta waxbarasho la geeyo in diinta laga saarayo, aragtidaasina xiilli
dheer bay socotey ilaa la yare ogaadey in aqoontu ay fiican tahay diin iyo
diin la’aanba. Fakarkii noocaas ahaa weli wax baa wahaabiyada kaga danbeeya,
waayo waxa ay shaqo ka dhigteen in ay caayaan waddamada aqoonta si buuxda uga
faa’iidey ee horemaray iyaga oo sheegaya hadal uu nuxurkiisu yahay in ay
diintu ka fiican tahay aqoonta. Waddamada ay dhaleeceeyaan in ay aqoonta ka
faa’iideen waa ay muuqataa, isla markaas la ma hayo dal ay diintu horemar
gaarsiisey.

Wahaabiyada soomaalidu waxa ay hayaan labo arrimood oo ka la ah in ay
soomaalida cuqdado ay la fiigsanaadaan ku beeraan iyo in ay carabaynta
soomaalida ku dadaalaan oo ay wax kasta oo soomaalida carbayn kara tiigsadaan.
Horta carabtu ma ku faraxsan yihiin carabnimadooda inta aan dad kale carabnimo
loogu yeerin? Ina Cabdulle Xasan oo ahaa xagjir diineed 100 sano ka hor waxa
uu ogaa in aysan soomaalidu carab marti u ahayn oo sida wahaabiyada maanta af
carbeed soomaalida ku la ma uu hadli jirin. Afka soomaaliga ayuu ku maansoon
jirey, isla markaas dhaqanka soomaalida ka ma uu baxsanayn sida wahaabiyada ee
sidii soomaali caadi ah buu dadka u la xaajaysan jirey. Wahaabiyadu waa firqo
aan soomaalida wax maslaxad ah u lahayn, waxaana la hubaa haddii aysan ummadda
saamayn xun ku lahayn in la dowladoobi lahaa, waayo 1960 dadka oo intan ka
aqoon yar baa dhaqso loo dowladeeyey. Wahaabiyada sharkooda iyo dhibtooda ayaa
aad uga badan wanaagga ay isku hafraan, waxaana la moodaa in iyaga iyo
shiikhoodii ina Cabdiwahaab naarta laga soo saaray.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...