Wahaabiyada iyo Alshabaab waa shilin labadiisa dhinac

G uud ahaan wahaabiyada iyo gaar ahaan kooxaha hubaysan ee ay Ashabaab ka
mid yihiin waxa ay bulshada soomaaliyeed ee 100% muslimiinta lagu sheegaa u
hayaan su’aalo badan, waa se haddii ay su’aalo in ay ka jawaabaan diyaar u
yihiin. Weydiimaha maskaxda qofka soomaaliga ah ku jira waxaa keentay in ay
wahaabiyadu yihiin arrin dalka ku cusub oo isbeddelkeeda aan faa’iidooyin
badan laga gaarin oo ka shiddo badan dhibaatadii qabyaaladda oo dhaqanka
soomaalida ahayd. Haddii aysan kooxahaasi weydiimo diyaar u ahayn oo ay isu
arkaan dad laga amarqaato oo aan waxba la weydiin waa in ay dadka su’aalaha
qabaa xaqiiqsadaan in aysan wahaabiyadu wax wanaag ah soo wadin oo ay yihiin
dad qufulan oo aan ummadda u oggolayn in aragtiyo la isweydaarsado.
Wahaabiyada soomaaliyeed waa isku ujeeddo oo yoolka ay u socdaan waa mid qur
ah, waana in ay ummadda ku xukumaan diin ah ra’yiga wahaabiyada oo aan la
oggolayn aragtiyaha wadaaddada kale. Ashabaab iyo wahaabiyada qunyarsocodka
iska dhigaa isku ma diiddana aragtida ah in ummadda lagu soo rogo xukun
wahaabiyo ah ee waxa ay isku khilaafsan yihiin waddadii loo mari lahaa
xukunkaas, waxa ayna Ashabaab iyo kuwa la midka ahi qabaan in dadka qori
caaraddiis iyo qaraxyo lagu khasbo si ay u oggolaadaan shareecada wahaabiyada,
halka ay kuwa kale ku andacoonayaan in ummadda laga maro xagga in
wahaabinimada si nabad ah lagu baro oo lagu dhex jiro xagga tacliinta, xagga
siyaasadda, xagga maamulka, xagga ganacsiga iwm. Ogow oo marka ay kooxahaasi
sidaas isu khilaafayeen waxa ay wada aamminsanaayeen in ay dhammaantood yihiin
dad ka duwan soomaalida inteeda kale oo wata ujeeddo aysan ummaddu la
wadaagin, waxaana halkaas ku sii qarsoon in ay wahaabiyada oo dhammi ummadda
inteeda kale beri ka yihiin, taas oo uu macneheedu yahay in aysan diinta dadka
u la sinnayn oo uu macneheedu sii yahay in ay soomaalida inteeda kale gaalo
yihiin.
Waxa aynu aragnay in wahaabiyada qaraxyada iyo qoryaha aamminey ay kuwa
qunyarsocodka sheegtay gaaleeyeen oo ay iyaga ka neceb yihiin ummadda inteeda
kale, waayo waxa ay soomaalida kale u haystaan gaalo asliyiin ah oo hore gaalo
u ahaa, halka wahaabiyada qoryaha iska dhigay ay u haystaan murtaddiin diinta
ka baxay maaddaama iyaga oo og in uu jihaadku xaq yahay ay diinta
dhabarjebiyeen. Kuwo badan oo wahaabiyo ah baa mabda’aas lagu laayey, waxaa se
ka sii daran in Ashabaab iyo kuwa la midka ahi ay habeen iyo maalin
isxasuuqaan oo la wada laayey raggii ugu cuslaa kooxahaas iyada oo loo
cuskanayo in ay kooxda dhexdeeda ku riddoobeen. Riddadu sida ay u dhacdo iyo
cidda xukunta la ma garan karo ee waxaa lagu warhelaa dhiig qulqulaya. Inta
aan la gaarin laynta iyo xukumidda ummadweynta gaalada loo arko sow ma ahayn
in ay wahaabiyadu iyagu ka la badbaadaan oo maaddaama ay yihiin firqo si gaar
ah loo soo carbiyey oo isku yool u socda aysan dhexdooda iska layn? Haddii ay
xaaladdooda ah daadinta dhiigga iyo la dagaallanka aragtiyaha dadku sidaas
tahay maxay samayn lahaayeen haddii ay ku guulaystaan xukunka ummadda? Iyagu
wahaabiyo ahaan ma noqon lahaayeen koox dhexdooda aan islayn oo u midaysan
sidii ay gaalada ay qabsadeen u xukumi lahaayeen? Ashabaab iyo kuwa la midka
ah waxaa maanta dil ugu xukuman ama ay hore u laayeen kuwa ugu tabobar
sarreeya wahaabiyada ee haddii ay Ashabaab dalka qabsadaan yaa wahaabinimada
wax ku xukumaya haddii ay laayaan kuwii wahaabiyada ugu af dheeraa? Dadweynaha
sidee bay u la dhaqmi lahaayeen wahaabiyadu haddii ay ku guulaystaan in ay
ummadda qabsadaan? Hiddaha, dhaqanka, taariikhda, fanka, afka iyo qaab
nololeedka guud ee soomaaliyeed maxaa uga qorshaysan wahaabiyada kooda surka
taagaya iyo kooda isgaabinaya?
Wahaabiya ama Ashabaab aragtidooda ugu culusi waa in ay isu arkaan in ay iyaga
keli ahi diinta masuul ka yihiin oo aysan ummadda inteeda kale diin haysan
ilaa ay iyaga soo raacaan ama ku biiraan, aragtidaasina waxa ay ka soo
maaxatey in ay wahaabiyadu asal ahaan ummadaha ay ka mid yihiin gaalo u
haystaan. Waxa ay isu arkaan firqo gaalnimo ka badbaaddey oo uu nebigu ku
tilmaamay kuwo badbaadey oo ku sugan jidkii nebiga iyo qarniyo uu xaddiis
sheegay in la faddilay. Kaalintaas ay iyagu isu magacaabeen oo aan la la ogeyn
in ay buuxiyeen maxaa lagu caddaynayaa? Yaa u doortay oo u garawsan in ay
keligood muslimiin yihiin? Haddii ay iyagu isdoorteen qofkii isagu madaxnimo
isu doorta xukunkiisu muxuu yahay? Ashabaab waxa ay aamminsan yihiin in ay
yihiin koox si gaar ah xaqa u fahmey oo Eebbe dartiis uga dhiidhiyey gumaysi
gaalo, dadkoodiina uu yahay murtaddiin gaalada raacay oo aysan xaqa uu Eebbe
ku gooni yeelay uga tanaasulin murtaddiin diintoodii laga saaray. Yaa ku
raacsan in ay fahmeen xaq aysan ummadda inteeda kale fahmin? Intii aysan
wahaabiyadu dhulkeenna iman sow dadku muslimiin ma ay ahayn oo ummaddu
gumaysiyadii reer galbeed iyadu iska ma xorayn? Soomaaliya waa dal
madaxbannaani qaatay lixdankii oo calan iyo xudduud leh, mana uu jiro waddan
mid kale qabsan karaa qaynuunka caalamiga ah, dadka shisheeyaha ah ee dalka
yimaadaana waa qayb ka faa’iidaysa dagaallada sokeeye iyo kuwo soomaalida
caawinaya, dhammaantoodna dalalkoodii bay ku laaban doonaan marka uu waddanku
xasilo. Ashabaab iyaga ayaa maanta sabab u ah in ay ciidan shisheeye dalka ku
raagaan oo dagaalladooda iyo qaraxyadooda ayaa keenaya in ay ciidamo afrikaan
ah sii joogaan. Ciidanka ay gaalada ku sheegayaani meelaha ay joogaan ma ku
laayaan soomaali tiro la’eg kuwa ay Ashabaab laayaan? Sow la ma hubo in
soomaalida dhimata ay badankooda Ashabaab laayaan? Gaal aan ku dilayn iyo
muslim ku dilaya kee baad jeclaan lahayd? Waraabe xataa su’aashaas waa uu
fahmi lahaa, waayo qofka usha in laga daayo sheega ayuu dhankiisa isu buriyaa
sida ay soomaalidu sheegeen.
Waxaa la sheegaa in ay muslimiintu tiro ahaan yihiin shan meelood oo meel
dadka oo dhan, waxa ayna noqonaysaa bilyan iyo dheeraad. Haddaba wahaabiyada
su’aasha la weydiinayaa waa tiradaas intee baad muslimiin u aragtaan, intee se
gaalo ah? Kolley waxaa cad in aydnaan dadka caalamka idin ku la nool ku
waafaqsanayn in ay dadka oo dhan gaaladu tahay shan meelood oo afar oo waxa
aad shan meelood oo meesha ku la dhex jirtaan layn iyo gaalayn xadka ka
baxsan. Waxaa la hubaa wahaabiyadu in aysan dadka muslimiinta lagu sheego
boqolkiiba hal dhammayn, laakiin ay yihiin dad caraysan oo hubaysan oo uu aad
ugu fudud yahay dhiigga dadku, waana sababtaas midda ay gaaladu ugu
shaabbadeeyeen in ay argagixiso yihiin, muslimiinta badankooduna ay ugu
raaceen, waayo wahaabiyadu dadkooda muslimiinta ah gacan qabow ma ay tusin oo
shar bay indhaha caalamku u arkeen.
Diinta islaamka waxaa hindisey nebi Maxamed jannadii Alle ha ka waraabiyee,
waxaana la wada og yahay in uusan dagaalka nebigu ahayn laablakac oo uusan wax
rabshad ah samayn ilaa uu hubiyey in uu haysto ciidan iyo hub u dhigma kuwa
gaalada. Wahaabiyadu sidii nebiga ma u hubiyeen in ay hayaan awood u dhiganta
midda gaalada? Nin aan su’aashaas weydiiyey baa iigu jawaabey ”Maxamed
arrimaha uu sameeyey waa uu u madaxbannaanaa oo isaga ayaa wax hindisayey,
laakiin wahaabiyadu waxyaalaha ay ku kacayaan u ma ay madaxbannaana oo
wahaabiyadu aragti ku ma ay laha waayaha iyo duruufaha ah ku dhex nool
yihiin”. Sida aynu og nahay gaalada maanta jirta waxaa hoggaan u ah caddaanka
ee waxa aad isweydiisaa inta gaal caddaan ah ay Ashabaab dileen xilligii ay
dagaallamayeen! Qoryaha ay haystaan tiiradoodu intee bay gaartaa, iyagu se
qori ma samayn karaan? Caddaanka dalalkooda immisa qof baa lagu dilaa
sanadkii? Caddaanka ciilka loo qabo ma lagaga baxayaa in habro soomaali ah
maalin kasta bunbo la isku la qarxiyo? Waabiyada waxaa la moodaa in ay
kaftamayaan, kaftankana waxaa ugu macaan midka isyeelyeelka iyo caqli yaraanta
lagu metelo, waayo kaftanka fiican waxaa shardi u ah in uusan dhab ahayn.
Masalada ugu danbaysaa waa horta diin ma la isku waafaqi karaa oo macquul ma
tahay in ay wadaaddo isku raacaan arrimo diineed? Nin caalim ah oo aan
su’aashaas weydiiyey waxa uu iigu jawaabey ”Diinta waxaa qofka uga horreeya
waxa uu rabo oo markii uu waxa uu rabo dareemo ayuu diinta waxaas daliil uga
raadiyaa, taasina waxa ay keentay in ay aragtiyaha diiniga ahi iska soo wada
hor jeedaan, waayo dadkii aragtiyaha lahaa baa ka la dano duwanaa. Ninkii
wahaabi ah marka hore go’aankiisu waa in uu ummadda xoog ku xukumo, ka dibna
diinta ka ma uu waayayo xaddiis uu daliishado”. Diinta in ay dad badani isku
aragti ka noqdaan iska daa ee hal qof baan naftiisa isku aragti ka qaadan
karin oo wadaaddada waxaa la moodaa in ay dadka caqliga yar wareeriyaan in loo
abuuray. Nin aan weligiis ciid tukan oo ogaa in salaadda hal takbiir lagu
xirto ayaa maqlay salaad iideed oo takbiiro badan, waxa uuna yiri ”Agah! war
salaaddii xirmi weydey ee wixii reer hebel ahaw isaga baxa!”. War wixii caqli
lahaw isaga baxa!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida