Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Wahaabiya diin iyo dawlad!

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 1
1.7k
·

8/10/2016

Wahaabiya diin iyo dawlad!

Maxamed Cabdiwahaab waxa uu ku dhashay tuulada Cuyeyna ee aagga Najdi oo ka
tirsan dalka maanta loo yaqaan Sacuudi Carabiya taariikhdu markii ay ahayd
1703. Waxa uu diinta islaamka wax ka mid ah ku bartay tuuladaas uu ku dhashay,
ka dibna waxa uu waxbarashadiisa ka sii watay Maka iyo Madiina. Dabadeed waxa
uu aqoon-kororsi u aadey magaalada Basra ee dalka Ciraaq. Xilligii uu Ciraaq
joogey waxa uu la soo baxay aragtiyo xagjirnimo ah oo aan u cuntamin
muslimiintii dhulkaas ku dhaqnaa, aragtiyihiis diineedna waxa ay keeneen in
laga eryey Basra, waxa uuna ku laabtay dhulkii Najdi ee uu ka soo jeedey.
Isaga oo uu filkiisu afartan u dhawaadey buu tuulada Xureymala waxa uu ka
bilaabay halgan xagjirnimo oo uu ra’yigiisa ku baahinayey, sababtaas darteedna
waxa uu qarka u fuulay in la dilo. Waxa uu ku laabtay tuuladii uu ku dhashay
ee Cuyeyna, oo uu amiir ka ahaa nin la oran jirey Cismaan Xamad oo wadaadka
soo dhaweeyey.

Maxamed Cabdiwahaab waxa uu muddo ka dib isu arkay in uu yahay maxkamad
islaami ah oo Cuyeyna xukunta, waxaana amarkiisa lagu fuliyey dil arxan darro
ahaa oo qof dumar ah dhagax lagu medey. Haweeneyda la diley waxa uu Maxamed ku
andacoodey in ay dhillaysatay, oo ay qiratay in ay sino ku dhacday iyada oo
guur soo martay. Falkaas iyo aragtiyihiisa diineed ee bulshada la qalloocnaa
waxa ay sababeen in wadaadka laga saaray tuuladii uu ku dhashay, waxa uuna u
qaxay tuulada Dirciya. Waxa uu xulafo la noqday Maxamed Sacuud oo ahaa ninkii
ay boqortooyada Sacuudigu ka soo farcameen, oo aan markaas dhul weyn iyo
bulsho badan haysan.

Maxamed
Cabdiwahaav

Cabdiwahaab waxa uu bulshadii la degaanka iyo xilliga ahayd u arkey in ay
gaalo mushrikiin ah ahaayeen, waxa uuna wadaadku Maxamed Sacuud u iftooday in
mushrikiinta geyiga deggan lagu duuli karo oo xoolohooda la bililiqaysan karo.
Taasi waxa ay keentay in reer Sacuud ay dhul weyn boobeen, hanti badanna ay
dhaceen. Markii uu Maxamed Sacuud geeriyoodey waxaa amiirnimadii ama
boqornimadii reer Sacuud ka dhaxlay Cabdicasiis Maxamed Sacuud, oo qabey gabar
uu Maxamed Cabdiwahaab laftiisu dhalay. Waxa ay reer Sacuud iyo ina
Cabdiwahaab isku bahaysteen in diinta looga danbeeyo wadaadka iyo faraciisa,
amiirnimadana ay ka la dhaxlaan qoyska reer Sacuud.

1792 ayuu Maxamed Cabdiwahaab ku dhintay tuulada Dirciya, halkaas ayuuna ku
aasan yahay. Wadaadnimadii dadka lagu gaalaysiinayey waxaa ka dhaxlay
warasadiisii oo weli diinta qaabkii ama habkii gaalaysiinta ahaa ugu dheggan,
Maxamed Sacuudna waxaa dhaxlay dhashiisii oo maanta boqortooyada kelitaliska
ah ee Sacuudi Carabiya xoog ku haysta.

Maxamed Cabdiwahaab waxa uu xagga aragtiyaha aad ugu ekaa wadaad isaga qarniyo
ka horreeyey oo la oran jirey Axmed Cabdixaliin Taymiya. Axmed 1263 markii uu
miilaaddigu ahaa buu waxa uu ku dhashay meel Xarraan la yiraahdo oo ku taal
xadka Turkiya iyo Suuriya. Waxa uu ahaa nin hadallo cadcad oo marar badan
xabsiyo galay, waxa uuna qoray buugaag badan. Waxa uu aad u necbaa falsafadda
oo uu aad u riddiyi jirey, isla markaasna waxa uu aad u aamminsanaa in
dowladnimada iyo diinta aan la ka la saarin. Waxa uu dhab uga hadli jirey in
shirkiga iyo gaalnimada laga fogaado, oo sida Maxamed Cabdiwahaab buu dadka
muslimiinta ah qaarkood mushrikiin u haystey. Suuriya iyo Masarba Axmed waa uu
ka hawlgalay, waxa uuna ku dhintay xabsi 1328 markii uu miilaaddigu ahaa.

Maxamed Cabdiwahaab waxaa la hubaa in uu akhristay qoraalladii Axmed
Cabdixaliin Taymiyah oo ay ku reebeen saamayn weyn, maxaa yeelay sida uu
Maxamed hadalka u dhigi jirey waxa ay hayd sidii Axmed, waana qaab ka duwan
hababka ay wadaaddada kale u fakaraan. Waa qaab muslimiinta badankooda
caqiidadooda lagu durayo, oo towxiidku waxyaalo uu ku buro la buunbuuninayo.
Maxamed Cabdiwahaab waxa uu qoray buugaag dhawr ah oo uu ugu magac dheer yahay
kitaabka towxiidku, waxaana kitaabkaas sii faahfaahiyey nin faraciisa ka mid
ahaa.

Haddii towxiidka lagu saleeyo sida kitaabkaas iyo kutubta la midka ahi ay
qorayaan qof aan mushrig ahayni waa uu yaraanayaa, maxaa yeelay waxyaalaha ay
dadka badankoodu sameeyaan ama ay ka fakaraan shirki ayey ku sheegayaan.
Maxamed sidii Axmed Cabdixaliin u ma uu qoraallo badnayn, laakiin inta yar ee
uu qoray baa aad u dhiirran oo fidmo abuuri karta. Waxa kale oo ay labada
wadaad ee isku dayday ku ka la duwanaayeen in uu Maxamed amiirro ama madax la
xulafoobey halka uu Axmed iskiis u taagnaa.

Wadaaddada caadiga ahi dadka ashahaata oo dhan waxa ay u arkaan muslimiin oo
dadka ma ay gaalaysiiyaan. Waxa ay sheegaan in ay jiraan shan tiir oo ay
islaamka iyo hoggaansamidda diintu cuskan yihiin oo ka la ah ashahaadada,
tukashada, sakada, soonka iyo xajka. Waxa kale oo ay sheegaan lix tiir oo ay
rumaynta diintu ku taagan tahay, oo ka la ah in Ilaahay la rumeeyo, in
malaa’igta la rumeeyo, in kutubta samaawiga ah la rumeeyo, in rasuullada Eebbe
la rumeeyo, in qiyaamaha la rumeeyo iyo in qaddarka la rumeeyo. Wahaabiyadu
kow iyo tobankaas arrimood muhimmad ma siiyaan, ee waxa ay culayska saaraan
saddex waxyaalood oo ay sheegaan in ay towxiid yihiin, oo ka la ah in la qiro
in uu Eebbe wax kasta abuuray oo uu maamulo, in la qiro in Eebbe keligiis la
caabudi karo iyo in la qiro tilmaamo iyo magacyo uu Eebbe leeyahay.

Dadka Maxamed Cabdiwahaab ceelkiisa mintidnimada ah ka cabbey in ay
muslimiinta ku sheegaan mushrikiin waxaa u dheer xukunjacayl ay in diin la
isku xukumo u dhimanayaan. Waxaa yaab leh dalka Sacuudi Carabiya oo ay intooda
badani hargabka ka soo qaadaan waxaa haysata boqortooyo aan diin danayn ee
qori caaraddiis xukunka ummaddaas ku haysta, ka mana ay hadlaan Wahaabiyadu in
dalkaas diin lagu soo rogo. Waxa ay xukunka diinta ama siyaasadda diinaysan ku
la meeraystaan waddanno sabool ah oo caalamka islaamka ka mid ah. Dadkaas
mintidiinta ahi waxa ay geystaan khasaarooyin badan oo ay dad muslimiin ah
laayaan ama waxyeelleeyaan, oo cid aan muslimiin ahayn waxa u ma ay geystaan.

Marba marka ka danbaysa waxaa soo badanaya qaraxyo ay dad maankooda la
dooriyey naftooda qarxinayaan si ay dad u galaaftaan iyo shirqoollo dad aan
wax galabsan lagu khaarajinayo. Tuuladii ay wahaabiyadaasi qabsadaan waxaa ku
badan dad carrabka laga gooyo, dad addimada laga jaro, dad dhagxan lagu medo,
dad la jeedlo iyo dad rasaas lagu laayo. Waxa ay isu haystaan in uu Ilaahay
iyaga u doortay in ay muslimiinta ku soo rogaan xukun diineed oo sirgaxan, cid
doorataana ma ay jirto ee iyaga ayaa naftooda boqra.

Diinta iyo dowladdu waa labo arrimood oo aan isxanbaari karin, la mana arag
taariikhda dad diin isku xukumay ama diin siyaasadeeyey oo liibaaney. Cumar
Khidaab, Cismaan Cafaan iyo Cali Abuudaalib saddexdaba waa la diley, waxa ayna
taasi caddayn u tahay in ay nabadgelyadu liidatey oo aysan diintu ammaanka
sugi karin. Meel madax lagu laayey shacabku ku ma ay nabad gelayaan. Meel ay
dad addoonsadaan dad kale la ma oran karo caddaalad baa ka jirta. Midda kale
haddii ay diintu naxariis iyo khayr tahay maxaa ku badiyey dhibaatooyinka?
Qofka diinta riman oo siiba diinta wahaabiyada la kardhanayaa nafsad ahaan
ciriiri buu ku jiraa, dadka kalena waa uu dhibaa, waayo sida maskaxdiisu u
doorsoontay baa halis iyo halaag ah. Dawada keli ah oo ay dadka noocaas ahi
leeyihiin waa in la ciribtiro oo meeshii ay ka soo baxaanba laga dabargooyo,
maxaa yeelay waa kanser ama kaankaro.

Dal ay wahaabiya joogaan in uu degaa suurtegal ma aha, macquulna ma aha in
haddeer dad diin lagu xukumo. Diin la siyaasadeeyaa waxay la mid tahay dawo
dhacday oo lagu sumoonayo. Waxa ay qaarkood muujiyaan in ay qunyar-socod
yihiin oo aysan raalli ka ahayn gaalaysiinta, qaraxyada iyo dagaalka, ha
yeesho ee manhajkoodu waa isku mid Ashabaab iyo kuwooda kale, oo waxa ay wada
rumaysan yihiin in diin siyaasadda lagu barxo.

Waxyaalaha ay Wahaabiyadu sheegaan waxaa ka mid ah in la liibaanayo haddii
diin la qaato. Waxaa arrintaas beenin ugu filan in dalalka diimaha iyo
siyaasadda ka la fogeeyey ay liibaaneen, halka wadannada diin iyo dowlad la
isku walaaqaa ay guul-darraysteen. Wax la iska sheegsheego oo qarsoon waxaa ka
muhiimsan wax muuqda. Haddii uu xaddiis sheego in aan cudurrada la ka la
qaadin waa in la beeniyaa, waayo waxaa cad in cudurrada la ka la qaado. Waxa
kale oo ay xagjirku sheegaan in aysan liibaaneyn qoladii ay haweeney u
talisaa, sidaas darteedna waxa ay ku andacoodaan in haweenka laga dheereeyo
madaxninmada. Waxa aynu maanta aragnaa dalal ay dumar boqorro ka yihiin oo
liibaaney iyo waddanno ay ra’iisulwasaare haween ka yihiin oo liibaaney.
Sanaddadii danbe waxaa la sheegaa in Norway ay tahay dalka ugu horreeya
liibaanta nolosha, waxaana ra’iisulwasaare ka ah qof dumar ah.

Waxa ay wadaaddadu sheegaan in kitaabka Muslim uu ku qoran yahay xaddiis uu
nebigu sheegay in qoladii haweeney madax ka dhigtaa aysan liibaaneyn.
Xaddiiskaasi waxa uu ku yimid in nebiga oo duullaan ah loo sheegay in qoladii
uu ku duullanaa xukunkooda ay naagi qabsatay, ka dibna nebigu waxa uu sheegay
in qoladii ay naagi u taliso laga adkaado. Nebigu ciidankiisa ayuu niyadda u
dhisayey, xaddiiskuna dhacdadaas ayuu ku koobnaa oo innaga maanta i na ma uu
khuseeyo. In hadal xilli hore ay rag dagaal ku jirey oo ilmo adeer ahaa
niyadda isugu dhiseen 2016 soomaalida lagu la dhex meeraystaa waa
maangaabnimo.

Waxyaalaha ay wahaabiyada iyo culimadii soo jireenka ahaa ku ka la duwan
yihiin waxaa ka mid ah in ay wadaaddadii hore ku hadli jireen af Soomaali
barax la’ oo ay sida bulshadu u hadasho u hadli jireen. Wahaabiyadu waxa ay
barakaystaan afka carabiga oo tobankii erey ee uu Wahaabi ku hadlo shan baa
carabi ah. Ku hadalka ka sokow siyaalo kale ayey carabiga u barakaystaan. Nin
soomaali ah baa waxa uu buug ku qoray (Nebigu ma bililiqo ku nool buu
ahaa?), ka dibna qaar Wahaabiyo ah baa waxa ay qoraagaas u eedeeyeen in uu
qaniimo ku sheegay bililiqo. Run ahaantii ereyga carabiga ah ee qaniimo af
soomaali ahaan waa bililiqo ama boob ama dhac ama hoosh.

Waxaa afka ama codka wahaabiyada ku badan “Qofkii sidaas iyo sidaas yeela
naagtu waa ay ka furan tahay, qabuuraha muslimiinta lagu duugi mayo, meydkiisa
lagu tukan mayo, dhiiggiisu waa xalaal iwm”. Naag iyo nin isla deggan in la
ka la furo wax murti ahi ku ma ay jirto, waxna laga dheefi mayo.. Qofku haddii
uu dhinto meel lagu aasayo dan ka ma uu laha oo hadalkoodu waa laqwi aan macne
lahayn. Dad dhiiggood marna xalaal ma aha oo xataa qofkii qof dila waxaa
fiican in aan la dilin ee si kale loo ciqaabo.

Xilligii ay diintu timid dhaqanka xabsiyadu Xijaas ka ma uu jirin, oo taas
ayaa keentay qofkii la ciqaabayo in jirdil ama qurgooyo lagu samayn jirey.
Qisaastu in ay nabad keentaa waa been qayaxan, oo waddannada dunida ugu nabad
badani waa kuwa aan lahayn ciqaabta qurgooyada. In uu gaalo dhiiggood bannaan
yahay waa aragti gurracan oo aan xilligan ku habboonayn. Dadku waa isku mid,
waana isku dhaqan. In ay aadamigu isku dhaqan yihiin waxaa caddaynaya in ilmo
marka uu dhasho magac loo bixiyo iyo waxyaalo kale oo badan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...