Wadaadku waa bahal gadh leh

Meel kasta oo ay ku nool yihiin bulsho aaminsan diimaha waxaa laga heleyaa
koox ku xeel dheer diintaas oo wadaado ah kuwaas oo dadka bara ugana sheekeeya
wixii diintaas la xidhiidha bulshooyinka aduunkuna waa ku kala duwan yihiin
qaabkay ula dhaqmaan wadaadada.
Bulshada Soomaaliyeed qaadashadi diinta islaamka kadib wadaadku wuxu ka mid
ahaa bulshada mudnaan gaar ahna ma lahayn cidna ma ahayn maadama bulshada
Soomaaliyeed ahayd bulsho qabiil. Bulshadaas waxaa xukumeyey nabadoon ugaas
ama malaaq xoog difaacana waxaa u ahaa wiilasha reerka ku abtirsada ama u
dhashay waranley baana la odhan jirey.
Wadaadku wuxuu ahaa noole iska tamar liita kuna nool tuugsi iyo baryo weeso
iyo kitaab quraan ah oo harag xoolaad gal looga tolay ayuu sidan jirey
qabiilna kuma abtirsan jirin habeenba reer ayuu kusoo dul dhici jirey iyaguna
neef bay u qali jireen quraanka ayuu isna u akhriyi jirey maytida reerka,
subaxina waa ka huleeli jirey, wuxuu ahaa marti joogta ah.
Marka laba qabiil islaayaan oo loo baahdo cid u kala dabqaada waxay qolo
waliba u yeedhi jirtey kooxda wadaadada ah ee reerka ku jirta ama haweenka
waxaana loo diri jirey ergo ahaan, waxay ahaayeen dad tamar yar oo aan looga
baqayn in aargudasho loo dilo, reeraha waxaa qiime ugu fadhiyey ragga
waranleyda ah ee geela dhicin kara soona dhici kara, kuwaana ergo ahaan looma
diri jirin.
Bulshada Soomaaliyeed waxay ahayd bulsho aan isku qasin diinta iyo maamulka
waxaa lagu dhaqmi jirey Xeer isagaana ahaa waxa lagu kala baxo ninkii raba waa
tukan jirey laakin reeraha iyo reerka laftiisaba Xeerka ayaa ahaa sharciga
keliya ee lagu kala baxo, marka wax dhacaan waxa la odhan jirey war maxaa
hawshaa ama arinkaa xeer inooga yaaley?
Lakin mar walba waxa jirey koox yar oo wadaado ah kuwaaso fahansana in ay
diintu tahay wax lagu adeegto dadkana lagu kiciyo kooxdaas waxaa ka mid ahaa
Seyid Maxamed Cabdule Xasan iyo Axmed Gurey kuwaas oo ku guulaystey xaalado
jirey awgeed inay dumiyaan nidaamki bulsho ee kala saarayey diinta iyo
maamulka weliba mudooyin cayiman.
Burburkii dawladii kacaanka kadib dal iyo dadba waxaa bulshadii Soomaaliyeed
gacanta u gashay wadaad. Wadaadadu waa is dhaamaan weliba meelo aduunka ka mid
ah horumar dhaqaale iyo mid bulsho ayay keeneen, dalal badanna waa badbaadshen
waa maraky ogolaadeen oo aqbaleen inay ku shaqeeyaan qaybna ka noqdaan nidaam
dawladeed oo calmaani ah dadkana dhex u ah, waxaana ka mid ah Ghanushi oo reer
Tuunis ah Ordugaan iyo Arbikaan oo Turki ah Mahaatiir oo Malayshiya taladeeda
qabtay.
Wadaadka Soomaaliga ahi si kasta oo uu diinta u barto wuxu marti uga yahay
carab bisha ramadaan dhamaadkeeda ama bilawgeeda kuuma sheegi karo ilaa
sucuudiga laga soo xaqiijiyo.
Wuxu wadaad Soomaaligu aad u necebyahay dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,
dadka wuxuu habeeen iyo maalin la hor taagan yahay muslimiintu waa umad keliya
oo aan dalna kala lahayn hadana Makka iyo Madiina wuxuu raali ka yahay in laga
sheegto oo uu dal ku gal ku galo. Soomaaliya wuxu jecelyahay weligeed inay
dhibkaa ku jirto dal furana ahaaato oo aan cidna lahayn si ay hoy ugu noqoto
argagixisada aduunka isna magaca Soomaaliyeed uu ugu tuugsado, hableheenana uu
hadiyad ahaan u siiyo denbiile aragagixiso ah.
Hanka wadaadka Soomaaliyeed ma dhaafsiisna inuu furto dugsi quraan ama
masaajid uu soo tuugsaday oo uu dadka wax uga sheego ama meel waydiimo aad u
liita laga soo waydiiyo sida sheekhow xaaskayga ma bidixda ayaan ka geliya
mise midigta? Sheekhoow ducada suuliga lagu galo xili walba miyaa la akhriya?
Sheekhoow nikaygu niikadu jeclyahay ana ma niikinkare ma ku denbaabeya?
Sheekhoow xaaskyag naaska ma ka dhuuqi kara? Waxyaalahaas aadka u liita ayu
dadka wax qiima leh uga dhigaa, ma jecla mana rabo dadku inay diinta bartaan
waayo waa laga maarmaya.
Wadaadka fekerkiisu wuxuu dhaafi la’ayahay inuu habeen iyo maalin camal ka
dhigto ka shekeynta qaabka dumarka loogu galmoodo ama dheefta ku jirta xulbada
xabaasuda iyo habka saliid Saytuunta geedka ragga loogu masaajeeyo.
Malaayiin Soomaali ah oo gaajo iyo colaad ku dhinta waxaa kala xun gabadh
soomaaliyeed oo lugteedu muuqato ama timiheeda. Inuu dadkiisa la fadhiisto oo
la hadlo wuxuu ka jecelyahay nin argagixiso ah oo buuraha Toora-Boora kuu
dhuumalaysanya weliba kaas ayaa nashiido usoo duubaya markuu soo dhegystona
isagoo ooyeya ayuu boqolaal Soomaali ah oo masaakin isku qarxinaya.
Dadka wuxuu habeen iyo dharaar faraya inay nolosha aduunyo iska ilaawaan
aakhirona xoogga saaraan isaguna wuu ku raaxaysta nolosha aduunyo, haduu
xanuusto wuxuu aada cisbitaalada kuwa ugu qaalisan uguna tayada fiican dadkana
wuxuu fara inay Illaahay talo saartaan ama calyadiisa ayu usoo tufaa si ay
geerida xabaasha ugu dul sugaan.
Wadaadaada Soomaaliyeed waa gacansato arxan daran wax walbana ka ganacsada
dadkana aan u tudhin, wixii ay kusoo tuugsadeen magaca dadka Soomaaliyeed ayay
dib uga iibiyaan, way adag tahay inaad aragto wadaad dan yar ah hadana habeen
iyo maalin masaajidka kama kaco.
Dalalka gaalada iyagoo ku nool ayay hadana dadka faraan inaan la iman dalkiina
waxay leeyihiin maamulada ka jira waa gaalo ee ha la rido. Wadaniyadu waa
xaaraan dawlada o lala shaqeeyaana waa xaaraan, dhamaan kooxa diimdeyada
maanta Soomaaliya ka jira waxay si toos ah iyo si dadbanba ugu xidhan yihiin
laamaha wardoonka wadamada khaliijka waxayna fuliyaan ajandayaasha dalalkaas.
Wadaad Soomaaligu wuxuu la mid yahay ninkii madooba ee adoonka ahaa ee lagu
yidhi waxaad xor u tahay inaad adoonta kale ee walaalaha ah garaacdo ilaaliso
oo jidh disho siday tahayna aad u fuliso fariimaha gumaystaha ee hadana xorta
is moodey walaalihiina garaacay.
Dadka qofka ugu tamarta yari haduu awood yeesho waa cadaw aan arxan aqoon.
Wadaad Soomaligu wuxuu ahaa kan dadka ugu derejo liita uguna tamarta yar,
Waxaa lumay nidaamkii bulsho ee soomaalidu ku dhaqmi jirtey wadaadki yara ee
tuugsiga ku noola wuxuu noqday Waranlihi ugaaski macalinkii wadaadki
siyaasigii iyo ganacsadihi.
Maanta 90% dadka Soomaaliyeed wadaad bay wax ka dhegeystaan iyagay aaminaan,
tolow maxaa u diidey dadka iyo dalka inay barwaaqo iyo dawladnimo ku
hogaamiyaan? Ama ay dadka u sheeegaan in dawladaha lala shaqeeyo dalkana la
ilaashado?
Wadaad Soomaaligu waa bahal gadh leh waana xayawaan dilaa ah oo muuq dad leh
waajibna ay tahay in la iska qabto, waxaa lama huraan ah in lasoo celiyo
nidaamkii bulsho ee soomaalida ku dhaqmi jirtey si looga baxo dhibkan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida