Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Waayeel

W/Q: Cawil Cabdille
Arrimaha Bulshada 0
2.3k
·

2/5/2020

Waayeel

W aayeelku waa qof wakhti badan noolaa, cimrigiisuna gabogabo ku dhaw
yahay. Waa qof soo dhadhamiyay dhadhan kasta oo ay nolosho lahayd. Waxa uu soo
jibaaxay nolol boqollaal jeer qofkeeda ku kalifta in uu isagu is dilo, markii
uu cid nafta ka qaaddo waayo. Meeshatan (Waayeelnimada) nasiib iyo karti is-
biirsaday ayaa lagu soo gaaraa.

Waayeelnimadu waa wahsi awoodda iyo caqligaba ah. Qofka wayni mar waliba waa
si-xun-wax-u-sheeg, oo waxa waliba waa uu ku rajo xun yahay, waxa uuna
oranayaa “Waxa ay ila tahay”. Noloshu waxa qura ee ay bartay waa in uu wax
waliba belo ka fisho. Wax uu ku uursamaadaana aysan jiraan.

Waayeelku intaas waxa ay shubaan wax talo la yiraahdo oo ah in wax waliba laga
weeciyo wadada ay ku socdaan iyo sida ay u socdaan, haddii aan laga weecinna
aan caano laga dhamayn. Wax kasta dhinacooda xun ayaa u muuqda oo waxaa la
oran karaa wanaagga oo dhan ayay ka indho-saaban yihiin. Haddii ay arkaan wiil
timaha si qurux badan u jartay waxa ay orayanaan “Belo ayaa ka soo socota oo
arlada ayuu fasahaadinayaa”. Sidee ayay adduunka u fasahaadin kartaa sida uu
kuray timihiisa u xiirto? Haddii ay gabari tafteeda ama timaheeda bannayso waa
aakhiri-samaan. Haddii uu nin reer baadiye ahi guri dhagax ah magaalada ka
dhisto waa aakhri-samaan. Haddii la arko gabar aan qaangaarin oo garoob ah waa
aakhrisi-samaan. Adduunka in la roggaa waxyaabahaas ayay ku shiran tahay.
Sidaas ayuu waayeelku aaminsan yahay.

Waayeelku ma deeq badna, ma na naxariis badna. Ma deeq badna oo waxa uu si
sad-dhaaf ah u jecelyahay xoolaha, waayo waxa waxa ay waayo’aragnimada noloshu
bartay sida lacagta lagu helaa in ay adag tahay, balse sida lagu lumiyaa in ay
sahlan tahay. Noloshaada oo dhan hal milyan in aad hesho waa ay adagtahay,
balse hal hamayn ah hal milyan waa aad ku khasiri kartaa. Ma na naxariis
badna, oo waayo’argnimada noloshu waxa ay bartay wax dhib laga la kulmaa oo
aan dadka ahayni in aysan jirin. Waxa wax dila, wax curyaamiya, wax burburiya,
wax cadaaba waa dadka. Belo iyo baas aan dadka ahayni ma jiraan. Qofkii aan
weligiis belo la kulmin dadka un buu ka nabad galay. Sidaas awgeed, in dadka
loo turo ama loo naxariisto waa caqli xumo.

Waayeelku naftooda aad bay bay u jecelyihiin, waana sababta ay dhallinyarada
uga fulaysan yihiin. Marna naftooda ma biimeeyaan mana halligaan, waaayo waxa
ay garanayaan qiimaha ay noloshu leedahay iyo xanuunka ay geeridu leedahay.
Aad bay fulayo u yihiin dadka waawayni.

Waayeelka shahwadooda iyo kacsigoodu aad ayuu u yar yahay oo si dabiici ah
ayay Rabbi uga cabsaan rasuulkana u adeecaan. Marka aan leeyahay, ‘si dabiici
ah’ waxa aan uga jeedaa, ma ay lahan awood ay ku dambaabaan oo ay naago kula
tuntaan ama khamri ku cabbaan ama wax ku laayaan, waxyaabahaas ayayna Rabbi
iyo Rasuul ku sheegeen ‘Dunuubta waawayn’. Maadaama aysan lahayn awood ay ku
galaan dunuubta waawayna, sidaas awgeed ayay Eebbe si dabiica ah uga
cabsadaaan.

Qofku marka uu waynaado waxaa ka buuxsama cuqdad iyo nacayb uu cid waliba u
qaado. Dhallinyarada waa uu neceb yahay waayo, waxa ay haystaan wax uu berri
haysan jiray. Haweenka waa uu neceb yahay waayo wax ba kama tiri karo. Waxa uu
jecelyahay in aan adduun ka sii dambayn oo maalinta uu dhinto maalinta ku
xigta adduunka la rogo.

Waayeelkana intaas aynnu ku daysanno maanta.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...