Waanu diidnay in nala carebeeyo, Soomaali baanu nahay

M adaariista waxaa laga faafiyaa asal doorin iyo carabayn, kaliya cilmi
laguma barto balse waxa laga fidiyaa gumaysi maldahan mudadii ay inala joogeen
tabliiqa carabnimada fidiyaa waxay ku guulaysteen inay dhammaanteen inaga
badalaan magacyadeenii asalka ahaa oo maanta waynagaa Cumar Cali cismaan iyo
caasha miidhan la baxayna iyadoo la inoogu sheegay inay ka fadli badan yihiin
magacyadeenii astaanta inoo ahaa ee la inagu garanayay inaynu soomaali nahay.
Maanta qofka soomaaliga ahi marku uu magac carbeed sheegto cidda aan aqoonta u
lahayn ugama duwanaan doono carab madow inuu yahay sawriciisiina waxa dooriyay
waa ka badalidda laga badalay magacii awoowyaashii loona dooray inuu soo
ergisto wax aanu dhaxalkooda lahayn.
Wax kasta oo aynu lahayn waa la inoo uriyay waxkastoo carabi leedahayna taash
baa la inoo saaray, waxaynu aaminnay in carabnimadu barakaysan tahay ilaa ay
gaadheen badhkeen in lagu yidhaa luuqaddiina koobaad waa afka carabiga.
Waxaas oo sun ah waxaa laga faafiyaa madaariista aynu ubadka gaysano inagoon
hubin manaahijta la baraayo iyo waxa loogu dhigaayo toona hadhowna waxa ay
inoo soo saarayaan ilmo doorsamay asal ahaan, caqli ahaan iyo caqiido ahaanba
ilmo jecel kana barakaysta duulalka carbeed iyo deegaannadooda kuwiisana u
haysta meel allihii lahaaba nacay.
Goobaha wax barashada iyo xarumaha loogu adeego bulshada waxay inagu qasbaan
inaynu ku qorno magacyo carbeed iyo hal-doorro carabtu lahayd oo dhulkooda
macno ka lahaa wakhtigay noolaayeen sida Ibnu-Hebel iyo Abuu hebel miidhan
iyadoo halyeeyadeennu ciiddaa ka badan yihiin balse aanay ogalayn in la xuso
hal meelna loogu magac daro.
Waxay la dagaalamaan afka iyo dhaqanka soomaliyeed iyagoo gabayada iyo
nashiidooyinka carabta kusoo hal-qabsada teennana u yaqaana xaaraan maqdaca
iyo wax afku ka xishoodo.
Khamiiska iyo cimaamadda ayaad mooda in loogu ballan qaaday in ay jannada ku
galayaan garo oo hadda waa dhaqan carbeed oo xataa goobaha ragga iyo dumarku
ku caweeyaan (Night Clubs) ayaa lagaga khalaaweeyaa iyana waxay inooga
dhigayaan astaan diimeed oo dharka kale ka sharaf badan.
Dhammaan intaa aan kor kusoo xusay wuu dhamaaday xilligii la isku harowsan
jiray cadaadifad iyo qiiro been ahna laysugu quusin jiray, ma dhici doonto
inaad cadaabka alle igu baqo galiso carabayna aad hoosta iiga raaciso.
Soomaali baannu nahay waanan ahaan doonnaa mana aqbali doonno in dib naloogu
yeedhiyo habka aan wax u cuni lahayn iyo xataa habka aanu suuliga ugu xaajo
gudan lahayn.
Anoo curdinoo ciyaala
Maxay i bareen caqiido
Tiir loo cuskadaba lahaynoo
Caddaynteedii la aasay
maxaan sheekooyin caana
Sidiiyoon ahay cammoole
Ku liqay iyagoo cammaysa
Kaskaygoo wali caruura
Muxuu carrabkaygu beenta
Sidii ceeshkii cantuugay
Caadiyo dhaqan soo jireena
Intii cilmi laygu sheegay
Car iyo qasab iyo muquunin
Maxaan Casharada ku qaatay
Markaan caawa u bislaaday
Wixii cindigayga deeqa
Inaan cugashada ku doorto
Ninkii taa igu canaantee
Canbaareeyoow yaqiinso
Haddaad bari caamo jiifta
Culayskaad cudud ku beertay
Iyaga ku cawaansanaysay
Dadkii camalkaaga diidyoo
Kasmaa u cusayba maanta
Dhaaxaad maskaxdooda caydoo
Ceelkaaga waraabinaysee
Wuxuu caqligoodu hiifay
Caynaanka habkaad u haysoo
Calankoodaa xorooboo
Xiskaad caro-guur ka yeeshaa
Hadana dib usoo cagaaray
Cirbaa u da’oo u hooray
Caleentoodaa magooshay
Cidhiidhiga aad ku soortay
Cawiyo mahad buu ka sheegtay
Markay taladaadu ciirtay
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida