Waa maxay hanti wadaag?

I nkastoo uusan hanti-wadaagu lahayn micna qeexan oo laysla wada yaqaan
ama la isku wada raacsan yahay, hadana micnahiisa guud wuxuu noqon karaa in
bulshadu wada yeelato hantida iyo wax soosaarka guud. Sida ilaha wax
soosaarka, warshadaha, beeraha iyo khayraatka dabiicigaa. Hanti wadaaggu wuxuu
taariikh ahaan soo jiray muddo dheer laga soo bilaabo ilbaxnimadii Giriigga
iyo tii Peershiya hayeeshee wuxuu si fiican usoo ifbaxay ka gadaal kacaankii
warshadaha “Industrial evolution” qarnigii 18aad. Markaas oo dadka xoogsatada
warshadaha ka shaqeeya soo bateen, isla waqtigaas oo hadana saboolnimada dadka
xoogsatadaa sii korortay halka dadka warshadaha leh ay hodan sii noqdeen. Taas
oo keentay qaybtii hore ee qarnigii 19aad aqoonyahaniintii noolaa inay isku
dayeen inay xal u helaan dhibaatadii ka dhalatay kacaankii warshadaha.
Aqoonyahaniintaas waxaa kamid ahaa Roberto Owen , Henri de saint-simon ,
Charles Fourier iyo Karl Marks. Sikastaba ha ahaatee, aqoonyanadaas aan
kor ku xusay ayaa uga hadlay ama usoo bandhigay siyaabo kala duwan sida uu
noqon karo hanti wadaaggu. Taas oo keentay inay soo baxaan qaybo badan oo kala
duwan oo hanti wadaaga. Hayeeshee hanti wadaagga maanta layaqaan waxaa ugu
muhiimsan labo qaybood oo kala ah “Democratic Socialism” iyo “Communism
Socialism” ama Revolutionary Socialism.
Hadaba waa maxay “Democractic Socialism”?
Habkaan dhaqaale wuxuu ogolaanayaa in dadku yeeshaan hantidooda gaarka
hayeeshee waxsoosaarka guud iyo khayraadka dabiiciga waa hanti-wadaag bulshadu
wada leedahay waxaana maamulaysa dawlad ku timid hab dimuqraadi ah, iyadoo
kasoo horjeedda in xukunka lagula wareego awood. Taasoo ka dhigaysa in
bulshadii hanti-goosadka ahayd loo rogo bulsho hanti-wadaag iyadoo loo marayo
wado ama hab dimuqraadi ah. Hadaba hanti wadaagga noocaan ah wuxuu diidan
yahay in hanti goosadka awood lagu afganbiyo ama kacdoon.
Sidaa darteed waxaa caadiya wadamada dimuqrraadiga ah inay inta badan ka
jiraan xisbiyo ku abtirsada “Socialism” Hant-wadaag iyo kuwo ku abtirsada
“Capitalism” Hanti-goosad. Hadaba xisbiyada ku abtirsada Hanti-wadaagga waxaa
loo yaqaan “Social democracy”, “labour party” iyo wixii lamida. Axsaabtaan
waxa saldhig u ah mabaadiida guud ee hanti-wadaagga sida in la hormariyo
tayada nolosha dadka si loo helo sinnaan iyo caddaalad bulsho taasoo loo
marayo in dadka la siiyo caafimaad, guriyo, iyo waxbarasho tayo leh.
Dhaqaalaha lagu maal galinayo adeegyadaan waxaa laga bixinayaa canshuurta
dawladdu ay dadweynaha ka qaaddo. Waddamada xisbiyadaasi ka jiraan waxaa
kamida wadamada Yurubta galbeed, Kanada, Australia, New Zealand iyo koonfurta
America.
Communism Socialism ama Revolutionary Socialism. Habkaan dhaqaale wuxuu
diidanyahay hantida gaarka loo leeyahay “private property” iyadoo kadhigaysa
in hantidoo dhan ay tahay mid lawada leeyahay. Hantida waxaa maamulaya
dawladda iyadoo ku daboolaysa baahida bulshada sida cuntada, guryaha,
caafimaadka, iyo waxbarashada. Habkaan dhaqaale iyo bulsho wuxuu qabaa in
hanti-goosadka “Capitalism” lagu badalo qaab kacdoon oo ka yimid xoogsatada.
Wuxuu kaloo kasoo horjeedaa habka kala sarraynta bulshada. Hannaankaan
dhaqaale oo loo yaqaan Communism waxaa cilmiyeeyay ama iftiimiyey Karl Marks
oo ahaa falsafad-yaqaan Jaarmal ah.
Sanaddii 1917 waxaa waddanka Ruushka ka dhashay kacaan shuuci ah ama Communism
oo ahaa kii ugu horreeyay oo aduunka ka dhashay kaasoo hadana burburay 1991.
Hayeeshee waxaa maanta jira wadamo ku abtirsada ama isugu yeera communist .
Wadamadaas waxaa kamida China, Cuba, North Korea, laws iyo Vietnam. Inkastoo
wadamadaas isugu yeeraan inay yihiin wadamo shuuciya hadana waxaa ka jirta
hanti gaar loo leeyahay kaasoo meesha ka saaraysa sheegashada ina ay yihiin
Wadamo shuuci ah. Wadamada shuuciga ahi waxay caan ku yihiin nidaamka halka
xisbi, xisbigaas oo loo yaqaan xisbiga shaqaalaha ama shuuciga iyagoo kasoo
hor jeeda inuu wadanku yeesho xisbiyo badan oo tartami kara.
Isku soo wada duuboo guud ahaan fikarradaan dhaqaale ee hanti-wadaagga ma jiro
waddan si buuxda u wada hirgaliyey. Sababtoo ah mabaadiida uu ku dhisanyahay
qaarkood oon la hirgalin karin marka loo fiiriyo habdhaqanka dhaqaale ee
bulshooyinka qaar. Sidaas darteed dal walba iyo bulsho walba waxay hanti-
wadaaga u qaateen hab la jaan qaadi kara noloshooda bulsho iyo habkooda
dhaqaale. Socialism gaar ahaan Communism ka ayaa waxaa lagu ceebeeyaa inay
tahay fikrad aan socon karin. Isagoo markii danbe ka burburay bartamaha iyo
bariga Yurub dhamaadkii qanigii 20aad. Waxaa kaloo lagu dhaliilaa inuu hor
istaagayo hal abuurka gaarka ah. Sidoo kale guud aahaan hanti-wadaagga waxaa
lagu dhaliilaa canshuuraha badan kuwaas oo hor istaaga inuu koro dhaqaalahu.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida