Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Waa maxay fikradaha horay loo qabay (Preconceived Ideas)?

W/Q: De Mooge
Cilmu-nafsiga 2
13.6k
ยท

5/21/2020

Waa maxay fikradaha horay loo qabay (Preconceived Ideas)?

Waa adigoo iska raaca oo iska daba gala fikrado horey loo qabay, waxna iska
weydiinin sax iyo qalad fikirkaas kaa horreeyay oo horay loo soo qaatay,
kaasoo ay fikireen dad kaa horreeyay Kuna jaan-gooyeen habkii xilligaas ay u
fikirayeen, ugu dambeyn ay dhaqan galiyeen bulsho joogtay goob gaar ah iyo
waqti gaar ah.

Dadka Soomaaliyeed midda ugu daran ee heeysato ayaa ah in waxkasto iska
qaataan xitaa kuwa tagay ee ku nool dalalka dibadda ee la kulmay bulsho leh
dhaqamo kala duwan. Qofka Soomaaliga meel kasto uu joogo wuxuu ku adkeeystaa
inuu yahay qofka ugu fiican ee leh dhaqanka ugu wanaagsan adduunka. Iyadoo
taas jirto ayaa waligiisa uu waxba iska weydiinin dhaqankaan uu xambaarsan
yahay, ma mid sumeeysan baa mise waa dhaqan caafimaad leh?

Tusaale, dadkii naga horeeyay ee Soomaaliyeed waxay sheegi jireen ilaa haddana
ay ku hadaaqaan in dhaqanka Soomaalida uu yahay mid suuban dadkana ay yihiin
kuwa leh qab.

Hadaba preconceived ideas waa marka aadan waxbo iska weydiinin wax kasto
laguu sheego oo xambaarsan aragti la rabo inaad dhaqan galiso sax iyo qalad
labada. Sida aan kor kusoo sheegnay ee dhaqanka suuban Soomaalida iyo inaan
nahay dad qab leh, bal ma is weydiisay arrintaas maxaa ka run ah?

Adigoo is ogeyn ayaa wax iska naceeysaa, sababta waa inaad iska daba gashay oo
iska raacday hadal nin kaa horreeyay uu yiri, wuxuu naco waa la naceeysaa,
wuxuu jecel yahay waa la jeclaanaysaa.

Tusaale, dhaqanka Soomaalida wuxuu mowqif adag ka qaatay haweenka isagoo aad u
liido sababtana waxaa waaye in markii dhaqankaan sumeeysan (toxic culture) la
sameenayay ay sameeyeen niman joogay waqti adduunka dhan aad looga necbaa
dumarka. iyadoo
rumeeysnaa in naagaha aysan lahayn karti ay ugu qeyb qaataan howlaha kala
duwan bulshada. Balse maanta la arkay kartida dheddiga ay u leeyihiin inay
qabtaan howlaha nimanka qaban jireen taas oo ugu horeeyso inay noqoto
madaxweyne islamarkaasna si hufan ugu soo baxdo wixii loo igmaday.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka adduunka ugu liita dhan kasto, sida
ammaanka, dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, ogoow soomaalida waa dad
odeyga ama raga taliyaan(patriarchal society) dhib kasto dalka ka dhacay
waxaa sababay niman, odey dhaqameed, wadaad iyo waranle oo dhammaan ah niman,
kuwaas oo markasto ay ku dhex jiraan shisheeye, ma yihiin nimanka soomaaliyeed
kuwo leh karti? hadana waxaa arkaysaa qof kasto inuu ku qeylinaayo waxaa nahay
bulsho sharaf leh ( honor society). Aqristoo aan ku weydiino ma nahay bulsho
sharaf leh mise fikir naloo meeriyay aan waxbo aanan iska weydiinin sax iyo
qalad oo odayaal naga horreeyay afka noo galiyay (Preconceived ideas) miyaa?

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...