Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Waa maxay Evolution?

W/Q: Bille Samatar
Saynis 0
10.7k
·

1/19/2017

Waa maxay Evolution?

Waa maxay Evolution? Maxay se tahay Aragtida Horumarka Noolaha (The theory of
Evolution)?!
Erayga Evolution oo loogu dhawaaqo E-fa-luu-shin, macnihiisa xarfiga ah waa
horumar, ama hor u socod. Wax horay uga dhaqaaqay halkii ay joogeen.

E volution ama The theory of evolution waa qeyb ka mida Cilmiga Noolaha
(Biology). Waa mowduuc gorfeeya xiriirka hidde (genetic), muuqaal, iyo askun
ee ka dhexeeya dhammaan noolaha dunida ku nool. Cilmiga Evolution-ku ma aha
mid gorfeeya sida ay nolosha (life) ku askuntay ama u ku timid, balse waa
cilmi isku howla inuu muujiyo xiriirka ka dhaxeeya dhammaan noolaha dunida ku
nool.

Evolution-ku wuxuu qaataa wakhti dheer si saamayntiisu uga muuqato noolaha,
sidoo kale wuxuu qaadan karaa wakhti kooban, balse inta badan wuxuu qaataa
wakhti aad u dheer. Tusaale horumarka iyo isbadelka ku dhaca Bakteeriyada
qaarkeed wuxuu qaadan karaa maalmo kooban si ay Bakteriyadaas u noqoto noole
ka duwan kii hore. Balse horumarka iyo isbadelka ku dhaca dhirta ama dadka
wuxuu qaadan karaa boqolaal kun oo sano si loo dareemo inuu isbadel ku dhacay
noolahaas.

Evolution-ka waxaa sababay dhowr walxood, waxaa se ugu muhiimsan inta hoos ku
xusan:

  • Kala duwanaasho (Variation)
    kala duwanaanta aynu ka hadlayno waa midda u dhexaysa hal noole sida dadka (la
    soco isma bar-bar dhigayno Labo noole ee waxaynu tilmaamaynaa oo qura kala
    duwanaanshaha hal noole).
    Kala duwanaashahaas waa mid joogta ah sida kala duwanaanta dadku ku kala
    duwanyihiin dhererka iyo culayska, midna waa kala duwanaan aan joogta ahayn
    sida Labka iyo dheddigga.
    Waxaa sababa kala duwananshaha hidde (genetic), tusaale; kala duwanaanta ay
    dadku ku kala duwanyihiin Dherarka waxaa sababay hidde ( Genetic factor).
    Sidoo kale kala duwanaanta waxaa sababa deegaanka (Environment), tusaale;
    culayska qofka waxaa saamayn ku yeelan kara cunnada uu cuno iyo hab nololeedka
    uu qofkaa ku nool yahay taasoo ah saamayn Deegaan (Environmental factor).

  • La qabsashada (Adaptation)
    Dhammaan kala duwanaan walba oo ka dhex jirta hal noole ,haddii ay ahaan
    lahayd, dherer, midab, culays…iwm waxay ku khasabtaa noolahaasi inuu sameeyo
    la qabsi uu la qabsanayo deegaanka (Environment) si uu u bad-baado isaga iyo
    dhashiisa.
    La qabsashadaas waxay noqon kartaa mid ah la qabsasho hab-dhaqameed
    (Behavioural adaptation) tusaale; Lo’da duur joogta ah waxay u nooshahay koox-
    koox, halkii koox waxay kor u dhaaftaa 100. Lo’daas duurjoogta ah uma noola
    hal-hal gooniya. Maxay tahay haddaba sababta ay lo’daas ugu nooshahay koox
    gaaraysa 100? Sababtu waxaa weeye haddii uu libaax soo weeraro kooxdaas waxaa
    yaraanaya halista libaaxaas.
    Si aad u fahamto habka ay u yaraanayso halista libaaxa, waxaad is weydiisaa
    fursadda bad-baado ee ay hasato hal lo’ haddii uu libaax soo weeraro ? Waxaa
    hubaal ah in fursaddeeda bad-baado ay tahay 50% oo ka dhigan in libaaxu ayaa
    cunayo ama ay ka bad-baadayso. Balse haddii ay lo’daas ku dhex jirto 99 lo’ood
    fursaddeeda bad baado aad ayay u badanaysaa taasoo xisaab ahaan noqonaysa 99%,
    sidoo kale halista in la cuno aad ayay isku dhimaysaa oo waxay noqonaysaa 1% ,
    sababtoo ah halistii in la cuno waxaa la qaybsaday 99 lo’ood. Tani waxaa la
    yiraahdaa Behaviour adaptatio n ama la qabsasho hab-dhaqameed.Laqabshadu
    waxa kale oo ay noqon kartaa mid ku timaadda jirka noolaha gudahiisa
    (Physiological and anatomical adaptations), tusaale; nibiriga wuxuu leeyahay
    baruur adag (fat) oo ka celisa in dhaxan uu u dhinto marka uu Badaha qabow
    gaaro.

Horumarka Nooluhu wuxuu qaataa wakhti dheer, sidoo kale wakhti gaaban ayuu
qaadan karaa. Noolaha qaar ka mida isbadel degdeg ah hadduu ku dhaco
deegaankiisa, waa uu dabar go’aa, balse qaar kale sida bakteeriyada qaar
kamida oo la yiraahdo Staphylococcus aureus waxaa ku dhaca isbadel hidde.
Isabadelka Hidde ee ku dhaca waxaa sababa isbadel ku yimaadda Deegaanka ay ku
nooshahay.
Staphylococcus aureus waxay ku nooshahay gudaha noolaha dhiigga kulul sida
Dadka, Lo’ da…iwm. Badanaa Staphylococcus aureus dadka wax dhibaato ah uma
gaysato, balse sida aan horay u xusay deegaank eeda waa gudaha noole kale
sida dadka.

Isticmaalka baahidu aysan keenin ee ay dadku isticmaalaan Anti-biotics ayaa
isbadel u geystay Deegaankii Staphylococcus aureus ee ahaa gudaha dadka,
kadibna waxaa ku dhacay isbadel hidde si ay ula qabsato isbadalka ku dhacay
deegaankeedi.
Waagii hore qofku hadduu hargab ku dhaco dhaqaatiirtu waxay u qori jireen
Anti-biotics , balse hadda dhaqaatiirtu siiba kuwa reer galbeedku qofka ilaa
ay ogaadaan inuu u baahanyahay Anti-biotic uma qoraan, waxayna ku
dadaalayaan inay yareeyaan isbadelka deegaan iyo midka hidde ee ku dhacaya
Staphylococcus aureus , taasoo keeni karta in Staphylococcus ay noqoto mid
la qabsata Anti-biotic kada, kadibna ay halis noqoto oo wax lagu daaweeyo la
waayo mar haddii ay la qabsatay antibiotics kadii.

Tusaalahaas kore wuxuu caddayn u yahay in horumarka noolahu uu yahay mid dhaba
oo la dareemi karo muddo kooban.
Kala duwanaanta uu halka noole kala duwanyahay (Variation) iyo La qabsashada
uu nooluhu la qabsanayo deegaankiisa haddii ay socoto malaayiin sano, waxaa
soo askuma noole cusub oo ka duwan kii hore.

Haddaba Dadku sidee bay u horumareen (evolution)?
Dadku se ma daanyeer bay ka yimaadeen?
Dadku waxay ka soo askumeen sida ay leedahay aragtida Horumarka Noolaha
(Theory of Evolution) noole ka bad-baaday dabar go’ii ku dhacay noolihii
noolaa xiligii Diinaasuur-ka (Dinosaurs), noolahaas oo ahaa naaslay (mammal)
yar. Naasalaydaas yar ayaa waxaa ku bilowday kala duwanaansho (variation ) iyo
La qabsasho (Adaptation) socday malaayiin sano, ilaa ay samaysmeen noolaayaal
cusub.

Noolayaashaa cusub sidoo kala waxaa ku socday Variation iyo Adaptation
socday malaayiin sano ilaa ay qaar kamid ah noqdeen noole cusub. Noolahaas
cusub waxaa ka bad-baaday inta awooday inay la qabsato isbadalka joogtada ah
ee ku socday deegaankiisa.
Inta badan dadka aan fahamsanayn waxa uu Evolution ku yahay, waxay la soo
boodaan inuu yahay ”Dadku daanyeer bay ka yimaadeen!” Waxayna daliilsadaan
muuqalka hoos ka muuqda. Muuqaalka hoose waxaa loogu talo galay kaliya in lagu
muujiyo xiriirka hidde (genes), muuqaal, iyo hab dhismeedka jirka ee ka
dhaxeeya dhamaan kooxda loo yaqaan Primates. Muuqaalku wuxuu muujinayaa
kaliya in noole walba oo ka muuqda muuqaalka uu xiriir la leeyahay kan kale oo
labadii isku dhowba xiriirkoodu uu yahay mid iskaga dhow kuwa kale ee ka fog.
Muuqaalka loolama jeedo in mid ba midka kale ka farcamay, ee kaliya waxaa lagu
muujinayaa xiriirka ka dhexeeya iyo sida ay iskugu dhowyihiin.

Afka Soomaaliga waa af la dayacay oo aan lahayn eray bixin badan, tusaale
Primates- ka waxaa ay u kala baxaa boqolaal nooc, balse Soomaalida wax walba
oo muuqaal dad leh balse aan ahayn dad waa u daanyeer. Taasina waa nasiib
xumo.
Dunida islaam-ka waa meelaha wali Evolution-ka laga dafiro oo dadka intooda
badan aysan fahamsanayn.

1970s waxaa ku batay dunida islaamka rag culimo isku sheegay oo dadka marin
habaabiyay oo been ka sheegay Evolution-ka. Balse tobankii sano ee u dambaysay
waxaa soo baxay rag dhalinyaro ah oo wadaado ah oo dadka fahamsiiyay waxa uu
evolution-ku yahay iyo waxa ay ku diidan yihiin. Isku soo duub Evolution-ku ma
aha wax lagu soo koobi karo maqaal, balse waa moduuc aad u ballaaran. Waxaan
kula talin lahaa qof walba oo taageersan ama diidan Evolution-ka inuu marka
hore baaro, oo uu akhriyo, iskuna dayo inuu fahmo, kadibna uu la doodo kuwa
taageersan ama kuwa diidan.

Staphylococcus
aureus

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...