Waa kuma Diiriye Cusmaan?

Si saaniya ayuu cagaha dhulka ugu heystaa. Waa qoraa, farshaxaniiste iyo
sheekeeye. Wuxuu dadka uga sheekeeyaa in soomaaliyaddiisa la bacriminsantahay
taariikh: wuxuu ku dhashay Muqdisho. Wuxuu dhashay siddeed sano kahor kaba
kacararkii. Kabakacararkii, Kenya ayey ka dheceen, asoo 18 jir ahna waxa uu
cagaha dhigtay Koonfurta London. Waa soomaali, waa Biritish, waa Diiriye
Osman.
Diriye Osman | photographed by Jaroslav Scholtz
D iiriye Osman yaraantiisii waxa uu jahwareer badan ku qabi jiray
dareenkiisa Isku jinsisnimada. Waxa uu jahwareerkiisii ku daaweyn jiray inuu
sawiro iyo inuu halabuuro faashiyoonka. Waxa uuna hormuud ka dhigan jiray
farshaxamiistayaasha iyo faashiyooniistayaasha ugu casrisan. Wuxuuna hamuun ku
qabi jiray in maalinuun cago dhigan doono dhul xorriyad iyo aqbalaad ku aadan
dareenkiisa ka heli doono. Marwalba hiwaayaddiisa ayuu isku maaweelin jiray
iskuna dhaafin jiray jahwareerka uuka dhaxlay dareenkiisa.
Markuu jirsaday 18, Diiriye waxa la jiifiyay isbitaalka dhimirka sababo
maskaxdiisii oo fikir iyo welwel ka tan weyn uu qaadsiiyay darteed. Markuu
isbitaalkii ka soo baxay, lix bilood ma hadlin, dhaqaatiirtiisiina waxa ay
kula taliyeen maamadiisa inay kaar maktabadeed u raadiso. Kadib, Diiriye waxa
uu si joogto ah u aadi jiray maktabadda una aqrisan jiray sheekooyinka kuwooda
gaagaabam iyo kuwooda dhaadheer. Waxa uuna la dhacay qoraalka.
Jaamacaddiisa waxa uu bartay hab-qoraalka halabuureed iyo cilmiga afafka iyo
farshaxanka wanaagsan. Diiriye, waxa uu qoray sheekooyin baaldahab ah ka galay
sheekooyinka gaagaaban sida sheekadiisa “Earthing” oo aad ula dhaceen
aqristayaasha sheekooyinka. Iyo sheekadiisa kale ee “ If I were a
dance” ee ku
guuleesatay biladda sheekooyinka lagu daabaco mareegta “Guardian”.
Diiriye waxa uu sidoo kale qoray buug lagu magacaabo “[Fairytales for lost
Children](https://www.amazon.com/Fairytales-Lost-Children-Diriye-
Osman/dp/0956971946/ref=asap_bc?ie=UTF8)” waa buug ku saabsan sheekooyin
quseeya Soomaali nooc walba leh oo dareenka isku jinsinimada leh.
Akhristihiisa ugu weyn wuxuu buugan ku macneeyay inuu yhay dhambaal jaceyl.
Dhambaal jaceyl oo ku socda qoyska Diiriye. Dhambaal jaceyl oo ku socda
asxaabtiisa. Dhambaal jaceyl oo ku socda dhammaan dhallaanka soomaaliyeed ee
ku jahwareersan dareenkooda. Iyo inuu yahay buug mugweyn oo run badan u
sawiray si layaab leh. Waxa uuna noqday Afrikaankii ugu horreeyay ee hela
abaalmarinta Polari First book prize.
Diiriye sidoo kale waxa uu halabuurkiisa qoraal iyo farahaxan ku soo bandhigaa
mareegtiisa (diriyeosman.com). Mareegtiisa waa
mid ashqaraarineyso indhaha, maskaxda shideyso, qalbigana xasillooni ku
shakaalineyso. Qormooyin tolmoon iyo farshaxan faxan ayaa ku dhaansan.
Ugu danbayn, mar aan la xiriirnay Diiriye oo warsannay waxa uu kula talin
lahaa qof soomaaliiyeed oo ku jahwareersan dareenkiisa naceybna isku qabo waxa
uu ku jawaabay;
Talooyinkayga ku aaddan dadka dareenkooda-galmeed aad ayaan uga fikiraa,
waxa keliya een awooda waxa waaye naxariis. Balse, khibraddeyda, weligey ma
jecleesan ma iska jecleen dareenkayga. Ma jecleen isku-jinsinimadeeda,
weliba aniga waa is dhibaateyn jiray oo dhaawac is gaarsiin jiray. Saas ayaa
nala baray oo nalagu barbaarshay laakiinse waqtiga ayaa fududeynaya,
marwalba way fiicantahay inaad naftaada ula dhaqantid si naxariis, roonaan
iyo wadajir leh. Si la mid ah sida aad ula dhaqmi leheed uguna kalsoonaan
leheed saaxiibkaaga kuugu fiican. Inaa naftaada saaxiib u noqotid. Intaas
ayaa icaawisay, waxaana rajeynayaa inay iyana caawiso, Jacaylku ha
noolaado.Diriye Osman
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida