Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Tuug khamiis xidhay!

W/Q: Rashiid Ismaaciil (Gaballaax)
Sheeko Faneed 2
15.3k
·

5/22/2021

Tuug khamiis xidhay!

Wakhti iyo jawi dagan ayaanu wada qaadanay aniga iyo asxaabtaydu. Si
fiicanna waanu u wada cawaynay. 10;00 habeenimo ayay noqotay waanu kala
hoyanay Habeen-kaa kaligay ayaan ku ahaa xaafadda cidi ilamay joogin. Gurigii
soo galay qol-kaygiina iska hagaajistay. Waanan jiif-saday Waa Habeen saqdhexe
iyo gudcur madaw waliba roob jiro.

Afaaf-ka ayaa La igu soo garaacay waan toosay, waa ayo? waa ayo? ayaan dhawr
jeer ku celceliyay anoo aad u baqanaya, wax jawaaba waan waayay. Kadib waan
iska jiif-saday. Inyar dabadeed ayaa markale la igu soo garaacay waan soo
kacay, haddana waan su’aalay wax ii jawaabana waan waayay.

Markan baqashadii ayaa igu siyaaday. Anoo aad u yaaban roobkiina i hayo, ayuu
moobeelki igu soo dhacay, waan isla sara booday anoo moodaya in qol-kii la
iigu soo galayba. Waaba lambar aanan hore u arag waan ka qabtay. “Heloow”
markaan idhiba waxa la i su’aalay ma hebel-baa? Haa ayaan ku jawaabay, waa la
igu jarayba. Waan ku celiyay, waabu xidhan yahay. Hurdadii way iga haadday
habeen-kiina wuu igu batay.

Waan soo kacay toosh iyo budh ayaan soo qaatay kidin-kana waan ag fadhiistay
anoo sugaya in markale la garaaco. Cabbaar markaan fadhiyay wax garaacana aan
waayay ayaan sanqadh gudaha kabaxaysa maqlay. Waan soo dhaaqaaqay, anoo kaan
tifaya, gacanna budh ku sita gacanta kalana tooshkii ku sita. wax aan soo
socdaba sanqadhii waxay noqotay kijin-ka. Hortiisa ayaan istaagay anoo
naftayda kule “meesha iskaga carar oo qol-kii hoosta ka soo xidho”, marna
iskule “waar nin-buu ilaahay kaa dhigee waxan meesha ku jira kaw kasii caawa”.
Daf ayaan kijin-kii idhi mise toosh-kiiba wuu iga dhacay. Waan ka soo booday
ilaa qol-kii ayaan cararay. Waaba la i daba cararayaa.

Markaan qol-ka ag marayo Ayaan gas siiyay xaggaa iyo qol-kale ayaan u cararay.
Wali la igama hadhinba. Sul-daaro ayaaba la ii dhigay, afka ayaan marmar-kii
ka jaray. Hadana waan isla booday oo suuligii oo ii dhawaa ayaan galay,
afaafka xidh ayaan is idhi. Waaba la igu soo rii xayaa. Halkaa markay marayso
ayaan baraarugay illeen wuxuba riyo ayay ahaayeen.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...