Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Tijaabadii Aristotle

W/Q: Gallad Gurxan
Saynis 0
12.0k
ยท

10/20/2019

Tijaabadii Aristotle

Ku dhowaad seddex boqol iyo konton sano kahor dhalashadii Ciise (350 CH),
xilli hadda laga joogo laba kun seddex boqol iyo konton sano (2350) ayuu
Aristotle sameeyay tijaabadiisii caanka ahayd ee ukumaha ee uu ku ogaaday sida
uurjiifta digaaggu iskula badasho waqtiga iyo sida ay u samaysanto. Waxa uu ku
ogaaday tijaabadan in wadnuhu yahay xubinta ugu horaysa ee samaysanta. Waxa
uuna tuhmay in insaanku leeyahay ukun, balse aysan ayagu arki karayn. Waxa uu
yiri, uurjiifta digaagga waxa ay u egtahay uurjiifta insaanka oo bilaw ah.
Tijaabadan iyo kuwo kale oo uu ku sameeyay nooleyaal kale, waxa uu ku
gunaanaday, in dhammaan uurjiiftu isku hab raacaan oo ay bilawga horumarka
isku egyihiin, balse marxaladaha dambe ee horumarka uu mid walba yeesho
tilmaamihiisii u goonida ahaa ee ka dhigayay mid ka duwan kuwa kale sida
faras, kalluun, digaag iyo xattaa insaan.

Kun iyo afar boqol (1400) oo sano kahor ama si kale haddii loo yiraahdo, kun
sano kadib xilligii uu Aristotle tijaabadda sameeyay, Allaah oo doonaya in uu
bal insaanka wax baro, cilmina u sheego, ayaa yiri, waxaan idinka abuuray biyo
duulaya, kuwaas oo ka yimid kalxanta iyo feeraha. Ma jirto meel uu Allaah
innoogu sheegay in insaanku ukun leeyahay sidii uu Aristotle-ba tuhmayay, mar
dambena cilmigu xaqiijiyay. Arrinta ugu cajiibka badan, waa in uu Allaah inoo
sheegay in uurjiifta insaanka aysan noolayn illaa laga gaaro isbuuca lixaad,
kolkaas oo uu Allaah usoo diro malag ku afuufa nafta. Allaah waxa uu ilaaway
in uurjiifta ay marwalba nooshahay, haddii aysan nolol jirinna uusan korriin
jireen.

Allaah marka uu cilmi inoo sheegayo waxa uu innoogu sheegaa hab ilu-aragtay ah
kana fog in la isku sheego. Haddii aan ku iraahdo, kolka aad qubaysato waad
qoydaa, wax cusub kuuma aanan sheegin. Sidaas oo kale roob ayaa cirka ka
yimaada, buuraha waa ay waaweynyihiin IWM ma aha cilmi, balse cilmigu waxa uu
noqon lahaa in la inoo sheego sida roobku u samayso iyo waxa uu ka
samaysanyahay.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...