Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Thomas Paine: Faylasuufkii kacaanka

W/Q: Warsame Jaamac
Falsafad 1
12.1k
·

6/21/2019

Thomas Paine: Faylasuufkii kacaanka

M alahayga ma akhrin faylasuuf ka saamayn wayn Thomas Paine marka ay
timaado fikiradda siyaasadda, xuquuqda dadka iyo madax-bannaanida dawladaha
hab is xukunka doorashada iyo mataaladda tooska ah ku dhisan. Suuragal maaha
inaan halkan ku soo koobo taariikhda iyo fikiraddii Thomas Paine balse
waxaan ku hakanaynaa oo si kooban uga hadli doonnaa laba qodob oo kala ah
kaalintii uu ku lahaa kacaankii Maraykanka iyo kacaankii labaad ee
Faransiiska.

WAA KUMA THOMAS PAINE?

Thomas Paine

Wuxu ku dhashay sannadii 1737kii magaalada Thetford ee waddanka Ingiriiska.
Thomas paine wuxuu ka dhashay qoys xoogsata ah. Sanaddii 1774tii wuxuu u
dhoofay waddanka maanta loo yaqaan USA oo markaas ahaa dhul ku hoos-jira
maamulkii boqortooyada Ingiriiska isaga oo gacan ka helay siyaasigii iyo
diblomaasigii aqoon-yahanka waynna ahaa ee Benjamin Franklin oo ka mid ahaa
dadkii dhidibada u taagay dalwaynaha USA ee aan maanta naqaan. Halkaas oo uu
ku biiray dhaq-dhqaaqii gobannimo-doonka ee looga soo horjeeday xukunkii
boqortooyada Ingiriiska. Pain ayaa qoray buugga [_Common
Sense_](https://ebooks.kaashomaanka.com/product/common-sense-rights-of-man-
and-other-essential-writings-of-thomas-paine/) oo ay taariikh-yahanku ku
sheegeen injiilkii kacaanka sannadkii 1776.

Buugaas wuxuu ku difaacay gobannimo-doonka iyo madax bannaanidu in ay tahay
xaq dabiici ah, dimuquraadiyadda iyo fikradda Jamhuuriyadda (Republicanism)
in ay saldhig u tahay dawladda runta ah. Buuggaas “[ _Common Sense_
“](https://ebooks.kaashomaanka.com/product/common-sense-rights-of-man-and-
other-essential-writings-of-thomas-paine/) ayaa wali waxaa la sheegaa in uu
kamid yahay buugta loogu gadashada badan yahay dhulka USA. Buugga kale ee asna
uu qoray intii lagu jiray kacaankii looga soo horjeeday xukunkii boqortooyada
Ingiriiska waxaa uu ku magacaabay “The American
Crisis

sannadkii 1776–1783.

Inkasta oo labada buug isku fikrad yihiin haddana way kala danbeeyeen. John
Adams
oo ahaa madax-waynihii labaad ee Maraykanka ama USA ayaa wuxuu leeyahay
hadii uusan jirin buuga “[ _Common
Sense_](https://ebooks.kaashomaanka.com/product/common-sense-rights-of-man-
and-other-essential-writings-of-thomas-paine/)” in uusan kacaanku dhasheen.
Dad badan ayaa waxay rumaysan yihiin in Thomas Paine uu dhisay oo dhidibada
u taagay dalka USA mar haddii asagu yahay maskaxdii ka danbaysay fikradda
Jamhuuriyadda ee Maraykanka, waxaanse muran ku jirin in uu yahay aabayaashii
dhisay dalka USA “ Founding fathers “. Paine waa qoraa faylasuuf iftiimiye
siyaasadeed fikiryahan iyo kacaan-wade.

THOMAS PAINE IYO KACAANKII FARANSIISKA

Kadib markii uu curtay kacaankii Faransiisku waxaa yurub ka bilawday cabsi ay
qabeen wadamadii yurub oo dhan sababta oo ah kacaanka oo watay figrado ka soo
horjeeda dawladihii markaas ka jiray qaaradda Yurub. Hadaba dawladda
Ingiriiska ayaa waxay bilawday in ay beegsato aqoon-yahankii taageersanaa
kacaanka, ayada oo baqdin wayn ka qabta in kacaanku ku faafo ama soo gaaro
dhulkeeda.

Markaas Paine oo horay loogu yaqaanay in uu ku doodo in dadku xaq u leeyahay
in ay ridaan dawladda aysan rabin ayaa waxaa uu noqday bartilmaameedka iyo
cadawga koobaad ee Dawlada Ingriiska. Hadaba 1782 xukuumaddii William Pitt
the Younger
oo ahaa wasiirkii koobaad ama Ra’isul-wasaaraha Ingiriiska waxay
soo saartay warqad lagu soo xirayo Thomas Paine taas oo qasab kaga dhigtay
in uu ka baxsado waddankiisa asaga oo u cararay waddanka Faransiiska halkaas
oo uu ku biiray xukuumaddii ugu horreysay ee kacaanka “ National Convention
“, inkasta oo uu ku jiray xukuumadda hadana Paine muusan aqoon afka
faransiiska taas waxaa uga sii daray markii uu ka soo horjeestay dilkii
boqorka Louis oo ahaa sida ay u arkeen qaar ka mid ah xukuumaddii kacaanku
cadawga kacaanka.
Labadii garab ee xukuumaddii kacaanka mid ka mid ah ayaa u arkay Thomas
Paine
saaxiib halka garabka kalana u arkay cadaw. Garabkii Girondins ayaa
soo dhaweeyay halka garabkii Montagnards ay u arkeen cadawga kacaanka.

December 1793 ayaa xabsiga Luxembourg ee magaalada Paris loo taxaabay
asaga oo lagu eedeeyay in uu yahay cadawga kacaanka. Halkaas oo uu ku qoray
buugga caanka ah ee “ The Age of
Reason
“,
buuggaas oo uu ku difaacay garaadka ama caqliga iyo damiirka asaga weerar ku
qaaday buugga muqadaska ah ama Bible-ka iyo fikradaha diinta oo dhan, wuxuu ku
dooday in Bible-ku ahayn buug cilmi ama mid bulsho ee uu noqon karo buug
suugaaneed oo kaliya. Wuxuu diiday oo ku gacan-sayray fikradda nabinimada
asaga oo ku tilmaamay diinta masiixiyadda diin caqli xumo badan isaga oo
difaacay xoriyadda fikirka.

Hayeeshee wuxuu ku adkaystay Paine oo loo yaqaanay waagaas aqoonyahankii
iftiiminta (Enlightenment) hab rumaynta falsafadeed ee loo yaqaan Deism oo
ah rumaynta jiritaanka awood sare oo wax walba abuurtay balse aanan fara-
gashan adduunka, habkaas oo ah hab ka duwan qaab-rumaynta diimaha.

Buuggaas “[ _The Age of Reason_](https://ebooks.kaashomaanka.com/product/the-
age-of-reason/)” wuxuu qoray intii uu xabsiga ku jiray sanadihii 1793–1794.
Wuxuuna buuggaasi noqday buugga aqoonyahanka, inkasta oo caro iyo nacayb uga
yimid kaniisadda iyo dadwaynaha caadiga ah.

Sanaddii 1794 ayuu Thomas paine xabsiga ka soo baxay kadib wada hadal
diblomaasiyadeed oo dhexmaray safiirkii Maraykanka ama USA u joogay
magaalada Paris markii danbana noqday madaxweynihii shanaad ee Maraykanka
James Monroe. Sanaddii 1802 ayuu ku noqday dalka Mareykanka isaga oo ku
dhintay magaalada Newyork sannadkii 1809. Taariikhyahannadu waxay sheegeen
aaskiisa in ay ka soo qayb gleen ilaa lix qof oo kaliya, sababtuna waxay ahayd
Paine oo ahaa qof aan ku jirin ama aan ka tirsanayn kaniisadaha masiixiyadda
oo dhan sida uu ku xusay buuggiisa “ The Age of
Reason
” iyo
asaga oo ahaa qof loo arkay cadawga masiixiyadda.

Thomas paine wuxuu wali ku jiraa aqooyahannada xorta ah kuwii ugu samaynta
badnaa uguna dhiirranaa, wuxuuna fikradihiisu raad kaga tageen sameeyay
aragtiyaha siyaasadeed ee adduunka oo dhan gaar ahaanna dalka Mareykanka.

Buugaagta ku xusan qormadan iyaga oo elektaroonik ah waxaad ka soo dejisan
kartaa eMaktabad.com

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...