Talada Quraysh ayaa leh

W axaa jira xaddiis oranaya ”Xukunka waxaa leh qabiilka Quraysh”, kaas oo
xaaraan ka dhigaya in uu qof aan qabiilka Quraysh ka dhalani madax noqdo.
Waayadii hore markii aan mad’habka Shaafici ku arko in qofka madaxda noqonayaa
uu Quraysh noqdo waxa aan u haystey in ay aragtidaasi ku kooban tahay wadaadka
cunsuriga ah ee Shaafici. Sida la og yahay wadaadkaasi waxa uu ahaa cunsuri
weyn oo waa ninka diinta islaamka ka dhex abuuray geyaanka oo ah dadku in
aysan ka la guursan karin oo ninkii carab ahi uusan gabadhiisa u guurin karin
nin aan carab ahayn, isla markaasna nin maalqabeen ah gabadhiis uusan geyin
nin sabool ahi. Wadaadkaas cunsuriga weyn ahaa ee quraysheed keli ah ku ma
koobna in Quraysh oo qur ah xukunka loo dhiibo oo wadaadka soomaaliga ah ee
xagjirka waalan ah ee la yiraahdo Xasaan Xuseen waxa uu sheegay in wadaaddada
islaamka oo dhammi ay ku ijmaaceen in ay Quraysh keli ahi xaq u leedahay xukun
oo aadanaha kale oo dhammi aysan waxba xukumi karin.
Waxaa kale oo jira xaddiis kale oo isaguna cunsuriyad ah oo oranaya “Madaxda
iska addeeca xataa haddii uu ninka madaxda ahi yahay nin madow!”. Xaddiiskii
hore waxa uu denbi ka galay dadka aan Quraysh ahayn oo dhan, laakiin midkani
waa midabtakoor si gaar ah loo liiday dadka uu midabkoodu madow yahay.
Labadaas xaddiis in uu nebigu yiri iska dhaaf ee xataa ma uu oran qof bar
caqli ah leh oo carab ahi ee waxaa labadaba sameeyey dad maangaab ah, waxa
ayna u badan tahay in madaxdii dhammaan Quraysh ahaa ee nebiga ka danbeeyey
xilligoodii ay dad caqli yari sameeyeen si ay u xoojiyaan xukunka nimankaas
qurayshta ahaa. Waddaadada xaddiisyadaas cunsuriyadda ah mad’habohooda u soo
qaatay caqli ma ay adeegsan, nebigana ma ay ixtiraamin oo nebiga in hadal
liita lagu masabbiday ka ma ay dhiidhiyin.
100% waa la hubaa in uusan wax sidaas u liita nebigu ku hadlin, laakiin haddii
uu ku hadlay ma lagu raaci karaa in waddan walba uu nin Quraysh ahi xukumo? Ma
se lagu raaci karaa in ay dadka uu dubkoodu madow yahay ka liitaan dadyowga
kale? Maya lagu ma raaci karo oo waa khalad in qof lagu raaco wax aan macquul
ahayn ha ahaado nebi ama ha ahaado qof kale. Khalad waa khalad! Nebiga
laftiisu waxa uu saxan yahay marka uu quraan akhrinayo ee marka uu aragtidiisa
dhiibanayo waa carab caadi ah. Xataa haddii ay xaddiisyadaasi noqdaan kuwa ugu
saxiixsan xagga sanadka waxaa waajib ah in la beeniyo si nebiga loogu ceeb
asturo isla markaas aan loo aflagaadhayn dadka aan Quraysh ahayn siiba dadka
madow. Nebigu haddii uu Quraysh u hayo jacayl gooni ah muxuu ugu xasuuqay
dagaalkii Badar? Muxuu Maka xoog ugaga qabsaday? Ma suurtogal baa in maanta
dalka Maraykanka loo raadiyo carab Quraysh ah oo xukuma? Aad bay u akhlaaq
xumaayeen dadkii allifey xaddiisyada sheegaya in ay Quraysh keli ahi madax
noqon karaan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida