Tadawurku waa xaqiiqo cilmiya

W axaad arkaysaa dad si fudud u yasaya aragtidii Daarwiin ee Tadawurka.
Waxa qurux badan qofku markuu wax durayo inuu aqoon u lahaado. Iyadoon meel
fog laga eegin cadaymaha Tadawurka, adiga akhristaha ah ayaa tusaale nool u
ah. Haddaad u fiirsato jidhkaaga waxa laga helayaa xubno aanad u baahnayn oo
aan faa’ido buuran kuu lahayn laakin awoowyaashii aad ka soo tafiirantay
muhiim u ahaa.
VESTIGIAL ORGANS (XUBANAHA JIDHKEENA AAN FAA’IDADA LAHAYN)
Dhudhumada iyo baabacadu meesha ay iska galaan u fiirso adoo suulka iyo far-
yarada is taabsiinaya waxa laga yaabaa inaad aragto muruq yar oo la yidhaa
(palmaris longus). Muruqan dadka qaarkii malahan wax dhibaato ah oo ay kala
kulmeena ma jirto. Muruqani noolaha aynu asal-wadaagta nahay sida daayeerka oo
kale aad buu muhiim ugu yahay, waayo waxay si aasaasiya u adeegsadaan gacmaha,
iyagoo ku soconaya ama dhirta ku fuulaya.
Jidhkeenu wuxuu leeyahay timo gaagaaban (xaad). Marka aad dareento qabow,
muruqyo aad u yaryar oo maqaarka hoostiisa ku jira ayaa kor u taaga timahaa.
Xaaladaa waxaynu u naqaana “Jidhidhico – Goosebumps – “. Noolaha aynu asal-
wadaagta nahay sida shimbiraha iyo xayawanada dhulka qaboobaha ku nooli
timahaa duleed noloshooda qayb muhiim ayay ka qaataan, iyagoo dhaxantana ka
celiya kulka jidhkana u xajinaya.
Dhagtaada waxa ku xeeran saddex muruq oo aan faa’ido kuu lahayn. Ka hor
intuuna Tadawurka heerkan soo gaarin, muruqyadaasi waxay dhaq-dhaqaajin jiren
dhagaha iyagoo la doonanaya goobta jabaqdu ka imanayso – dabcan dhagahu intan
waa ka waynaayen – . Noolaha in badanoo ka mid ah muruqyadaasi badbaadooda
ayay ka qayb qaataan, waxayna awood u leeyihin inay dhagahooda dhan walba u
jeediyaan.
Ujeedada aan uga socdaa waxay tahay, Waxa jirtay xilli xubnahaasi muhiim inoo
ahaayeen. Laakiin tadawur inagu dhacay awgii ayay la hawl gabeen.
CADAYMO KALE +
Nibirigu wuxu ka mid yahay naaslayda ku nool badaha, haddii aynu u fiirsano
Gacmaha uu ku dabaasho sida ka muuqata sawirka waxay u dhawyihiin kuweena oo
kale, waxay ka kooban yihiin faro, dhudhumo iyo gacan dambeed. Saynis-yahanada
faqa noolaha dhulka hoos maray (paleontologists) waxay heleen lafo – Fossils –
markii la isku habeeyey qaab ahaan aad ugu dhaw kuwa nibiriga. Taas waxay
cadayn u tahay noolaha barriga ku nooli inuu asal ahaan kasoo jeedo biyaha.
DNA-du waxay cadaynaysaa dhaamaan nooluhu inay qaraabo wax wadaagta yihiin.
Saynisku wuxu inoo suurta galiyay inaan is bar-bar dhigi karno Qaabka ay u
habaysantahay DNA-da noolayaashu, halkaa waxan kala soo dhex bixi karnaa intee
in le’eg ayay isku jiraan noolayaashu. (How related they are). Tusaale: 99%
daayeerka chimpanzee la dhaho DNA diisa waxa la barbar dhigi karaa ta dadka.
Dareemaha loo yaqaano – Left recurrent laryngeal nerve – ee kasoo farcama
dareemaha 10aad ee maskaxda “Vagus”, wuxu aadaa cunaha. Waxad ogtahay maskaxda
iyo cuneheenu inay isku dhaw yihiin, Markaa waxay ahayd inaanu marin masaafo
dheer ee uu si toos ah cunaha u aado.
Hadaba toos ma u aadaa?
Marka uu kasoo baxo maskaxda wuxu hoos ugu dhaadhacaa wadnaha isagoo hoosta ka
maraya halbowlaha, markaasuu kor u laabta oo uu cunihii ku noqdaa. Waxa laga
yaabaa inaad is waydiiso muxuu masaafada intaa le’eg u soo maray. Saynis
yahanka reer ingiriis Richard dawkins ayaa wuxuu yidhi mar uu masaladan ka
hadlaayay “waa khalad aanu injineer ku dhici Karin”. Arrintan dhadhan ma
samaynayso haddii aan ku dabaqno aragtida ah Ilaahbaa sameeyey noolaha.
Laakiin hadaan u eegno tadawurka macno balaadhan ayay samaynaysaa.
Asal-ahaan waxaan ka soo jeednaa biyaha, xayawaanada biyaha ku nooli ma lahan
qoor, dareemahaasi marka uu maskaxda ka yimaado wuxu sii ag maraa wadnaha si
uu cunaha u tago. Marxalada badda marka laga soo gudbo ee noolihii isu badalo
barri ku nool, dareemihii dhararkiisii waa dheeraanayaa laakin wadadii u
marayay is badali mayso.
Gunaanadkii nooluhu waa taarikh socota, qaabka aynu u samysanahay ayaa
tadawurka u markhaati furaya. Cadaymo aan tiro lahayn ayaa ku xardhan dhammaan
qaybaha biology-ga iyo sayniska la xidhiidha noolaha.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida