Taariikh nololeedka Baruch Spinoza

S pinoza wuxuu ku dhashay magaalad Ameseterdam ee wadanka Netherland
sanadkii 1634tii asaga oo ka dhashay reer ka soo jeeda bulshada yahuudda ee ka
soo qaxay qarnigii 16-aad bilawgiisii dalka Purtugal kadib makii cadaadis
dhanka diintaa ay saartay xukuumaddii Kaatooligga.
Spinoza aabihiis wuxuu ahaa nin ganacsiga ku fiican halka asaga oo lix sano
jir ah ayay hooyadii dhimatay. Hayeeshee yaraantii wuxuu ku barbaaray
korriimada dhaqanka yahuudda wuxuuna galay dugsiga Yashiva oo ah dugsi lagu
barto dhaqanka iyo diinta yahuudda. Balse sanaddihii 1654-1655 markaas oo uu
ahaa Spinoza 20 jir ayaa isbadal ku yimid xagga aqoonta ah asaga oo la kulmay
aqoonyahankii waynaa iyo faylasuufkii xorta ahaa ee reer Faransiis Franciscus
van den Enden oo ahaa macalinkiisa afka Laatiinka. Van den Enden wuxuu haa
aqoon-yahanan xor ah (Freethinker) wuxuuna ahaa mucaaradka kaniisadda iyo
dawladda ku dhisan kaligi-taliska boqoradda asaga oo ahaa dadka ku adag in
habka dimuquraadiga laysku xukumo. Hase-ahaatee kaniisadda Kaatooliga ayaa
waxay ka hortimid fikradihiisa ayada oo diiday ama mamnuucday buugaagtiisa
kuna dartay buugaagta aan la daabici karin lana akhrisan Karin, dhaqnkaas oo
caan ahaa xilligii kaniisaddu ku lug-lahayd xukunka.
Baruch Spinoza
Hadaba markaas kadib wuxuu Spinoza ka qayb galay doodo u dhaxeeyay ardadii ka
socotay kooxaha masiixiyiinta ee kala duwan, doodahaas oo ku saabsanaa
dabiicadda kaniisadda iyo kaalinta diinta iyo dawladda iyo dhab-ahaantii waxa
ay tahay diintu ama jiritaanka awoodda kaniisadda taas oo qasab kaga dhigtay
Spnoza in uu asaga naftiisu wax iska waydiyo diintiisa taas oo markii danbe uu
kaga tagay rumaynta diinta yahuudda.
Sanaddii1654 waxaa geeriyooday aabhiis oo kaga tagay ganacsi iyo hanti isaga
iyo walaakiis ka yar hayeeshee hantida oo dayn badan lagu lahaa wuxuu goostay
in uu walaalkiis ku wareejyo asna wuxuu bilaabay barashada maadada falsafadda.
Sanadadkii 1656 waxaa Spinoza laga saaray bulsha yahuudda ee daganayd
magaalada Amesterdam taas oo sabab looga dhigay in uu ka baxay diinta yahuudda
waxaan loo cuskaday xeerka loo yaqaan (Herem) kaas oo mamuucaya in wax xiriir
ah lala yeesho Spinoza taas ayaa waxay keentay in la isku dayo in la dilo
asaga oo ka badbaaday iskuday dil nin yahuudda oo xagjir ah iyo in loo diido
dhaxalkii uu ka helay xoolihii hooyadii yo aabihii. Kadib markii laga saaray
bulshada yahuudda waxaa xigay in dawladda Amesterdam ay ka cayriso magaalada
Amesterdam.
Sannadkii 1660 wuxuu ka tagay magaalada Amesterdam asaga oo u hayaaymay
magaalada Leiden ee koofurta waddanka Netherland halkaas ay ku noolaayeen
aqoonyahanka iyo dadka hor-usocadka ah asaga oo ku biiray dadkii doonayay in
la dhiso dawlad dimuquraadi ah, dadkaas oo uu ka mid ahaa siyaasiga caanka
ahaa Johan de Witt kadib markii uu qoray buuggiisa caanka ah (Theological
Political Treatise) sannadkii 1670. Buuggaas oo uu ku difaacay dawladda
diinta ka madax bannaan iyo xukunka dimuquraadiga taas oo keentay in uu helo
saaxiibo xagga siyaasadda iyo xagga fikradda ah. Sanadk 1670 ayuu Spinoza u
guuray magaalada The Hugue asaga oo bilaabay in u qoro cilmiga falsafadda
iyo fikrka. Sanadkii1677 ayuu Spinoza geeriooday asaga oo la filayo in uu ahaa
44 sano jir.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida