Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Taariikh kooban (Evolution)

W/Q: Aadan Cali
Saynis 2
14.3k
·

7/28/2018

Taariikh kooban (Evolution)

TAXANAHA: Ibo Furka iyo Fahanka guud ee Aragtida Horumarka Noolayaasha
(Evolution)

Ibo Furka iyo Fahanka guud ee Aragtida Horumarka Noolayaasha (Evolution) waa
silisilad qormooyin taxane ah oo Aadan Cali kaga jawaabayo waydiimo la
xiriira aragti cilmiyeedka Horumarka Noolayaasha (Evolution).

Eeg Qormooyinka Taxanahan

1. Taariikh kooban
[2. Waa kuma Daarwiin](https://kaashomaanka.com/ibo-furka-iyo-fahanka-guud-
ee-aragtida-horumarka-noolayaasha-
evolution/?preview_id=1443&preview_nonce=457da0784c&_thumbnail_id=1445&preview=true)
[3. Luqadda Nolosha (DNA) iyo Habqoraalka Hidde Sidayaasha
(Genes)](https://kaashomaanka.com/luqadda-nolosha-dna-iyo-hab-qoraalka-hidde-
sidayaasha-genes/)

TAARIIKH KOOBAN

Fikradda ah in noolayaasha noocyadooda kala duwani is bedeli karaan, kuwa
hadda jiraaana kasoo farcameen kuwa hortood noolaa waa mid aad u da’weyn. Waa
fikrad xididadeedu daadsan yihiin laga soo bilaabo Giriigii hore,
Roomaniyiintii, Jayniiskii hore iyo weliba sayniska Islaamkii dhexe (medieval
Islamic science).

Aragtidan ah in nooc kasta oo noolayaasha kamida walow ay aadanaha ku tahay ay
kasoo farcami karaan kuwo hortood jiray, waa mid laga soo heli karo fikradaha
falaasifadii reer giriig ee Suqraad ka horreeyey (pre-Socratic Greek
philosophers).

Faylasuufkii la odhan jiray Anaximander of Miletus oo noolaa intii u
dhaxaysey (c. 610 – 546 BC), wuxuu qabay in xayawaanadii ugu horreeyay noloshu
ay dhammaan biyo ku-nool ahaayeen waqtigii uu dhulku qoyanaa. Faylasuufkani
wuxuu qabay in Aadanaha aan hadda aragnaa uu mar ahaa noole kale khaasatan uu
ahaa kalluun, inkasta oon hadda laysku raacsanayn sifooyinka aragtidii
Anaximander hadana waxa ilaa hadda lagu amaanaa inuu ahaa Darwin yahankii u
horreeyay “First Darwinist”.
Sidoo kale Heraclitus oo noolaa (c. 500 B.C.E), waxuu qabay in isbedelku
yahay sifaha asalka ah ee kownkeena wax suganina aanay suuregal ka ahayn.
Faylasuufkii isaga dhaxlay oo la odhan jiray Empedocles waxuu qabay in
noolayaasha hada jira dhir iyo xayawaanba ay yihiin hadhaagii kuwo hortood
noolaa waana isla halkaa meesha ay ka bilaabantay in la arko cid qabta wax u
eg fikradda horumarka iyo isbedelka noolayaasha ee haatan jirta.

Faylasuufyadii kale ee saamaynta badan ku yeeshay aragtida asalka noolayaasha
waxaa ka mid ahaa Plato iyo aradaygiisii Aristotle.

Plato oo marmarka qaar loogu yeedho aasasaha iyo aabaha aragtida abuurka
tooska (special creation) ama Darwin diidkii abid taariikhda ugu waynaa waxuu
qabay fikradda (essentialism) aragtidani waxay sheegaysaa in nooc kasta oo
noolayaasha kamid ahi uu leeyahay sifooyin aan la doorin karin dabcigiisana
kamid ah.
Plato waxuu qabay in noocyada wax walba oo jira oo ay ka mid yihiin naflaydu
uu jirtaankooda si khaasa Eebbe u farsameeyay.
Waxyaabaha plato laga xasuusto waxa kamida inuu horumariyay aragtida
Foomamka ama (theory of Forms) taas oo ah inuu shay walbaa oo koonka yaallaa
uu yahay tilmaan iyo tayo aan dhamaystirnayn oo laga soo dheegtay foomkii
asalka ahaa “ideal form” , taariikhyahanno iyo diin baadhayaal badanina
waxaabay qabaan inay isla fikraddaa Foomamka ay ka dhalatay aragtida nafta ma
dhimatada ah ee inagu dhex jirta, asalkana u ah ka fikiridda inay nolol danbe
jiri karto.

Aristotle oo ah faylasuufka ugu saamaynta badan falasifadii reer giriig
wuxuu wax ka qoray Biology-ga waxaana buugtiisa ina soo gaadhay kamida De
anima (On the Soul), Historia animalium (History of Animals), De generatione
animalium (Generation of Animals), and De partibus animalium (On the Parts of
Animals)
. Buugtan afarta ah waxuu Aristootal ku falkiyay aragti odhanaysa
kownka waa mid sugan oon socod ku jirin ama (static universe).
Aristotle waxuu dadaal badan ku bixiyey dersidda noolayaasha waxaanu isku
deyay inuu muujiyo xidhiidhada ka dhexeeya noolayaasha iyo derejooyinkooda,
buuggiisa (Historia animalium) , wuxuu noolayaasha u qaybiyay isagoo u
fiirinaya halka ay kaga jiraan waxuu ugu yeedhay sallaanka abuurka ama
(ladder of creation).
Aristotle wuxuu si cad oo qayaxan u diiday aragtidii Empedocles ee ahayd
in noolayaashu is bedeli karaan.

Mufakiriinta jayniiskii hore sida Zhuang Zhou (c. 369 – 286 BC), waxuu qabay
in ay noocyada noolaayshu is bedelaan, sidoo kale guud ahaan falsafadda
Taoism- ku waxay si cad uga soo horjeeddaa aragtida sugnaanta noocyada
noolayaasha waxaanay aaminsanyihiin in noocyada noolayaashu ay yeeshaan
astaamo kala duwan kuwii hore kolka dabeecaddu is bedesho.

Arrinka xiisaha leh waxuu yahay markii ay duntay boqortooyadii Roomanku
yurubna mugdiga ku jirtay aqoontii iyo aragtiyihii adduunka kolkaas yaalayba
waxay soo magan galeen islaamka, kolkanina waa waqtiga loo yaqaan casrigii
dahabiga ahaa ee islaamka (golden age of islam) waana intii u dhexaysay
qarnigii 8aad ilaa qarnigii 13aad. Aqoonyahannadii islaamka ee xilligaa noolaa
waxa kamid ahaa qoraagii waynaa ee muctasiliga ahaa Abu Cuthmaan Camar Bin
Baxr Al-Kanaani (أبو عثمان عمرو بن بحر الكناني البصري) oo loo garan og yahay
Jaaxid (الجاحظ), aqoon-yahankan waxaa kutubtiisa kamida kitaabka (كتاب
الحيوان)
, taariikhyahankii waynaa ee sayniska (Conway Zirkle) mar uu wax
ka qoray taariikhda aragtida Xulashada dabeecada (Natural selection)
buuggiisa ( “Natural Selection before the “Origin of Species””) wuxuu soo
xiganayaa hadalkan jaaxid;

يخرج الجرذ من مخبأه باحثاً عن طعامٍ له، وهو حاذقٌ في الحصول عليه، فهو يفترس
جميع الحيوانات الأضعف منه، والأصغر، وكذلك الطيور الصغيرة والبيوض، والمولودة
حديثاً… فإن جميع الحيوانات لا تستطيع العيش بلا غِذاء، فالحيوانات المُفَترسَة
ليس لها المقدرة أن تتفادى إفتراسها، فالحيوان الضعيف يفترس الحيوان الأكثر منه
ضُعفاً ا
“Jiirku wuxuu godkiisa kasoo baxaa isagoo raadinaya wuxuu quuto, waxaanu
quutaa dhammaan xayawaanada ka yar-yar kana itaalka liita… Ma jiro noole
noolaan kara bilaa cunto, xayawaannada ugaadhsadaana nasiib ayay u yeesheen
inay wax ugaadhsadaan, waayo xayawaanka itaalka daranina waxuu sii
ugaadhsanayaa ka kasii itaalka daran”

Sida qoraalkan ka muuqata Jaaxid wuxuu tilmaamayaa fahamka fikradda u
halgamida ku haritaanka nolosha (struggle for survival) ee noolayaasha
deegaan kuwada nool ka dhaxeeya, kaas oo ah hab kamida hababka dabeecaddu u
kala xulato noolayaasha.

Conway Zirkle wuxuu ku doodayaa kolkaas inaanay jirin taariikhda cid
aragtida xulashada dabeecada (natural selection) uga hadashay qaab ka faah-
faahsan qaabka jaaxid uga hadlay.

Sidoo kale taariikh yahankii waynaa ee islaamka Ibn-Khalduun (ابن خلدون),
kitaabkiisa caanka ah ee (مقدّمة) cutubkiisa lixaad wuxuu ku sheegay;
( مخلوقات على هيئة من الترتيب والإحكام وربط الأسباب بالمسببات … وعالم التكوين
ابتدأ من المعادن ثم النبات ثم الحيوان بحيث يتصل آخر أفق المعادن بأول أفق
النبات ويتصل آخر أفق النبات بأول أفق الحيوان).
“Makhluuqaadku waxay u habaysan yihiin qaab tartiibsan sidoo kale leh asal iyo
farac, waxaa u horreeyay macdanaha, waxaa ku soo xigtay dhirta, kadibna
xayawaannada…”

(واتسع عالم الحيوان وتعددت أنواعه حتى انتهى إلى الإنسان صاحب الفكر والروية،
ترتفع إليه من عالم القردة الذي اجتمع فيه الحس والإدراك ولكنه لم ينته إلى
الروية والفكر أول أفق الإنسان من بعده)
“Kadib badashada iyo isbedbedelka noocyada xayawaanku waxay ku dhamaadeen
dadka oo ah mid leh firkad iyo aragti waxaana kusoo xiga daanyeerka oo
kulansaday dareenkii iyo iska warqabkii balse aan yeelan fikrad iyo aragti”
Ibn-khalduun waxuu si cad u qeexaya aragtida horumarka iyo dabeecadda
(والوجود كله في عوالمه البسيطة والمركبة على ترتيب طبيعي).

FG. Kelmada (عالم القردة) way ka maqan tahay dhammaan daabacaadaha danbe ee
muqadimada waxaana loo bedelay (عالم القدرة). Laakiin waxay sida hore ugu
qoran tahay buugga faransiiska lagu turjumey, kaas oo ah koobiga ugu dhamayska
tiran muqddimada Ibn-Khalduun.

Hadaba ka gadaal seexashadii muslimiinta iyo dib u soo tooskii Yurub iyo
bilowgii iftiinka ee yurub (Enlightenment) waxaa dib u soo xoogaystay
aragtidii ahayd in noolayaashu is bedeli karaan, waxaana la daah-furay culuum
cusub oo Geology- gu ka mid yahay kuwaas oo tusiyay in qalfooftu (fossils)
ay yihiin noolayaal hadda ka hor noolaa.
Dabeecad baadhihii weynaa ee reer faransiis Comte de Buffon (Count Buffon,
1707–1788)
, ayuu ahaa ruuxii ugu horreeyay ee su’aal geliyay sugnaanshaha
iyo is bedel la’aanta noolayaasha, walow aan cidi ka hoos qaadin wuxuu soo
jeediyay suuragalnimada aragti u dhow tan hadda ee Daarwiin.

Ugu danbayntii ruuxii ugu horreeyay ee soo jeediyay aragti la fahmi karo oo
sharraxay sida noocyada xayawaanku isu bedeli karaan waxaa la odhan jiray
(Jean-Baptiste Lamarck). Lamarck waxuu muhiimad badan siiyay qabatinka
noolayaasha iyo dabeecadda ka dhexeeya, waxaanu sheegay in isticmaalka ama
isticmaal la’aanta xubnaha jidhka xayawaanku ay saamayso isbedelna jidhkooda
ku keeni karto mustaqbalka, tusaalaha caanka ah ee Lamarck waa qoorta geriga
taas oo uu ku tilmaamay inay ka dhalatay tiigsashadii faraha badnayd ee garigu
dhirta tiigsanayey kadibna uu dhashiisa saa ugu gudbiyay, walow hada la
beeniyay aragtida Lamarck aanayna suura gal ahayn kala dhaxlida astaamaha
nooluhu kasbaday ama (inheritance of acquired characters). Hadana Lamarck
waxaa ilaa hadda lagu amaanaa inuu yahay ka sokow ka fekeridda inay
noolayaashu is bedeli karaan, ruuxii ugu horreeyay ee isku dayey inuu si
maangal ah u sharraxo arrinkaas iyo waxa sababi karaba.

Halkaa waxaa ku dhan taariikh kooban oo ku saabsan asalka aragtida, intaa
waxii ka danbeeyana waxaynu guda geli doona sharaxaada aragtida.

Qaybta xigta:Waa kuma Daarwin?

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...