Sooyaalka Sekularnimada Soomaaliyeed

Sida ay noo sheegayaan raadadka aarkiyoologiyeed (Archeology signs) eey
awoowayaasheen ka tageen, dulka maanta looyaaqaan soomaaliya waxay nolol ka
jirtay 9000 sano ka hor dhalashadii Ciise.
Dhigaalada sooyaal ee qoran, sidoo kale, waxay iyagane inoo sheegaayaan in
soomaaliya ay ka jirtay nolol ilbaxnimo ku dheehantahay afar kun sano ka hor
dhalashadii Ciise.
Soomaaliya waxay qeyb weyn oo muhiim ah ka eheed jid-ganacsigii caanka ahaay
ee la oran jiray ”Silk road” ee isaga kooshi jiray qaaradaha yurub, aasiya iyo
africa.
Ka hor inta aysan soomaalidu qaadan diintii biicmushtari-yadii carbeed ee
ganacsiga u imaan jiray geeska africa muddo hadda qiyaas ahaan laga joog
todoba ila sideed qarni, iyo imaanshaha ninka cad oo ay dhaqaajineysay dano
siyaasadeed iyo dhaqaale, soomaaliya waxaa ka jiray diin, hidde iyo dhanqan
aad u fac weynaa. Inkastoo badi sooyaalka diineed ee ka horreeyay islaamka ee
soomaalidu leheed uu lumay, se hiddihii iyo dhaqankii soomaalida nasiib wanag
muu lumin.
Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, ka hor imaatankii biicmushtariga
carbeed iyo diinta uu watay, sidey bay soomaalidu u nooleed, hab noocee ah
ayay soomaalidu u maareen jirtay nolosheeda adduun?
Sida uu ka warqabo qof walboo sooyaalka wax ka yaqaan, soomaalidu waxay
leheed xeer ay nolosheeda adduun ku maareyso, xeer-kaa oo lagu tilmaamo inuu
yahay mid ka mid ah xeerar-ka ugu faca weyn ee maanta dunida ka jira!
Waxyaabaha aad ka u xiisaha badan marka laga hadlaayo xeer soomaaliga ee aanay
dad badani ku baraarug saneen waxaa ka mid ah, in inkastoo soomaalidii hore ay
lahaan jireen diin ama diimo, hadane xeer-ka soomaaliga wuxuu ka marnaay
astaamo diimeed. Wuxuu ahaay xeer asalkiisu yahay dadka wax ay isku af-
gartaan, gun-tiisuna tahay danta guud ee reer-ka, taas oo ku tusineysa
sekularnimada xeerka soomaalida.
Halkaan marka aan marayo, waxaa xusid mudan in markii aan u istaagnay inaan
dhidibada u taagno dhaqdhaqaaqa Somali Sekulaar ay dad badani nagu
dhaliileen inaan waxba ka duwaneen dhaqdhaqaaqyada ku dhisan diinta ee ummada
usoo dhoofiyay aragtiyo laga keenay gacanka carbeed ee ka fog hiddaha iyo
dhaqan soomaaliyeed, innagune si taa la mid ah aan sidno uun aragtiyo kale oo
aan sal iyo raad ku leheen sooyaalka soomaaliyeed!
Balse sida muuqata, dhaliishaasi ma ahan mid sal adag ku taagan, waayoo sida
aan marar badanna sheegnay ujeedka ugu weyn ee dhaqdhaqa cilmaaniyaynta
Soomaaliya waxa uu yahay soocelinta iyo kobcinta xeerka sekulaarka ahaay ay
soomaalida waligeed iyo alleheed ku dhaqmi jirtay! Ka hor inta aysan
soomaalidu qaadan diinta islaamka xeer Somaaliga wuxuu ahaa mid ka barax la’
wax diin ah.
Balse qaadashadii diintaas ka dib, waxaa dhacday in xeerka uu qeybo (kuwaas oo
uu arkaayay inaanay waxba u dhibeen hab-nololeedka bulshada) ka mid ahaay
shareecada diintaasi waliba qeybteeda shaaficiyada ee eheed tan soomaalida soo
gaartay uu soo qaato, balse marnabna ma uusan lumin dabiicaddiisii
sekulaarnimo ee uu lahaay xeerkaas. Taasne waxaa caddeen u ah in ay wali ku
jiraan xeer-ka qodobo badanoo asaasi u ah oo ka hor imaanayo shariicadii la
socotay diinta islaamka.
Inkastoo ay jiri doonaan qormooyin badan oo aan ka soo diyaarin doono xeerkii
soomaalidu isku maamuli jirtay iyo waliba waxyabaha u baahan in la kobciyo
aragti ahaanteenna, hadase waxaan isku dayayaa inta ka hartay qormadaan inaan
ku soo bandhigo qodobadii uu xeerka uga horyimid shareecada la socotay
soogalitaanka diinta islaamka.
Dhammaan waxa loo yaqaan ‘ xuduudda ee shareecada islaamka/الحدود الشرعية’
xeer-ka soomaaliga dhinac buu iska dhigay, oo hal mid oo ka mid ah ma uu san
ka qaadan, isagoo u arkaayo in aaney ku habooneen hab-nololeedka bulshada.
Tusaale ahaan, Haddii nin dhallinyaro ah ee aan wali guursan ama nin xaas leh
midkuu doono ha ahaadee uu galmo xaaraan ah ama gogol dhaafba la sameeyo naag
nin u dhaxda, taas oo ay iyaduna raalli uga noqotay oo rabitaankeeda ku
dhacday, wax sharciga Islaamka waafaqsan laguma qaado, wax xeer soomaali ah oo
ka yaalla ama qodob xeerka soomaalida ka mid ah oo lagu qaado ma jiraan, waxa
ugu badan oo dhacaa waa in ninkii naagta gogol dhaaftay qabay uu iska furo
ninkii naagtiisa u gogol dhaafayna uu la dagaallamo ama dilo oo uu qudhaba ka
jaro iyo in ninka iyo naagta isu xaaraan galmooday dadku xantaan oo meelaha
laga sheegsheego.
Sidoo kale, tuugannimada, iyaduna waxay leedahay xeer lagu dhaqo oo aan diinta
wax lug ah ku lahayn,waxaana ugu muhiimsan in qofka tuugga ah la takoori jiray
oo bulshada soo dhex galkeeda ayaa laga go’doomin jiray, tolka oo dhan ayaana
isaga mid noqon jiray, waana halka ay ku baxday maahmaahda soomaaliga ah ee
oranaysa “Tuug tol ma leh” taas oo ku qasbi jirtay in uusan joogi karin oo ku
noolaan karin gobolkii uu wax ka xaday, kuna kallifi jirtay inuu meel kale oo
aan laga aqoon u qaxo, siiba inuu magaalo galo oo miyiga ka tago.
Si taas la mid ah, hadii nin kufsado inan waxay doontaba ha noqotee, xeerka
soomaaliga waxaa ka yaal qaanuun ka gadisan ka ay shareecadu qabto ee ah in la
karbaasho ninka wax kufsadaa, oo ah in reerka uu ka soo jeedo ninka inanta
fara-xumeeyay ay bixiyaan oo ay reerka gabadha ka dhalatay siiyaan.
Intani waa tusaalooyin yar yar oo ku tusinaayo in soomaalidii hore aktooda
xeerka iyo shareecada islaamka u kala soocnaayeen, wixii xeer ahna xeer uu
yahay, wixii diin ah ne ay diin tahay.
Hadaba, marka aan dadaal u galeeno inaan soomaaliya ay ka hanaqaado
sekulaarnimo, macneheedu ma ahan inaan bulshada aragtiyo shisheeye u soo
dhoofineyno sida ay sameeyaan kuwa diimaha ka ganacsada, se waxaan u soo cuno
waa in aan dib ugu noqonaaa dhaxalkii awoowayaasheen nooga tageen, deedna
halkaa tilaabta ka soo qaadnaa.
Hadaa nahay soomaali uguma horeeno ummadaha ka yara fogaaday sooyaalkooda,
balse waxaan cabsi weyn ka qabaa inaan noqon kuwii u laaban waayo.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida