Soomaaliyeey Axaadiista Ma Iska Baandhaynaa?

"Nin baa riyo ku arkay Yasiid bin Haaruun geeridiisii kadib, wuxuuna
weydiiyey: War Rabbigaa maxaad kala kulantay? Wuxuu yiri: Jannada ayuu igu
fasaxay. Wuxuu yiri: Ma quraanka darti baad jannada ku gashay? Wuxuu ku
jawaabay: Maya, wuxuu yiri: Oo haddaas maxaad ku mutaysatay? Wuxuu yiri:
Xaddiiska ayaan ku helay." (al-Khaddiib al-Baqdaadi, Sharaf Asxaab al-
Xadiith).
Dhaxalsugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan waraysi Talaadadii la soo
dhaafay ee taariikhdu ahayd 27/04/2021 uu siiyey kanaalka "al-Carabiya", oo
lagu beegay munaasabadda sannad-guurada shanaad ee ka soo wareegtay qorshaha
dalkaas ee loo yaqaan 'Higsiga 2030', waxyaabihii uu ku sheegay waxaa ka mid
ah in dowladda Sacuudigu aysan hadda ka dib ku dhaqmayn axaadiista nebiga ee
aaxaadka ama keli warinta ah. Amiirka oo qodobkaan ka hadlayaana waxa uu yiri:
"Quraanka ayaa dastuur noo ahaa, haddana noo ah, abidkeedna noo ahaan
doona... Annaga oo xukuumadda ah, golaha shuurada (=la tashiga) oo sharci
dejinta ah iyo boqorka oo marjac u ah saddexda awoodoodba waxaan laasimaynaa
in si uun aan ugu dhaqanno quraanka. Laakiin axkaamta sida cad ugu xusan
quraanka oo keli ah baan ka haysanaynaa kolka la joogo arrimaha bulshada iyo
qofka. Si kale haddii loo dhigo, fulin mayno cuquubaadka aan ku caddayn
quranka iyo sunnada nebiga ee saxda ah... Waxaan qaadanaynaa axaadiista
mutuwaatirka ah oo keliya, waana tiro aad u yar, laakiin runnimadooda waa la
isku hallayn karaa... Intaa waxaa dheer, in macnaynta axaadiista aan la
kaashan doonno waxa ku habboon sebanka dadku ay ku nool yihiin iyo
baahidooda... Halkii aan durba iska qaadan lahayn axaadiista dadka yari
wariyeen, runnimadooda waa iska hubinaynaa, oo waxaan qaadanaynaa wixii
waafaqsan shareecada iyo baahida dadka. Xadiis aan mutawaatir ahayn kuma
khasbanin in aan qaadanno, mana fulinayno..."
Xadiiska aaxaadka ahi waa xadiiska dad aan badnayn ay kala wariyeen ilaa laga
gaarayo nebiga ama ugu yaraan meel sanadkiisa/silsiladdiisa ka mid ah ay dad
yari kala wariyeen, kan mutawaatirka ahina waa midka dad faro badani ay ka
wariyeen dad kale oo fara badan ilaa laga gaarayo nebiga, ayna adagtahay in
dadkaasi ay been isku raacaan .
Xadiiska dadka yari ay kala wariyaan la iskuma hallayn karo runnimadiisa taa
awgeedna aalaaba keligiis caqiidada iyo cuquubaadka laguma saleeyo, laakiin si
taa ka duwan midka dadka badani ay wariyaan ilaa xad waa lagu kalsoonaan
karaa. Waxaana xusid mudan, in axaadiista mutawaatirka ah ee dadka badani ay
nebiga ka wariyaan ay tiradoodu aad u yar tahay oo qiyaas ahaan aysan boqol
xadiis ka badnayn, badankooduna ay yihiin axaadiista ka hadla cibaadaadka
dadka badani ay arkeen nebiga oo samaynaya, sida kuwa ka hadla salaadda iyo
xajka.
Shiikh Maxamuud Shaltuut (1893-1963) oo madax ka ahaa jaamacadda al-As'har
wuxuu ku dooday in xadiiska qura ee si weyn la isugu raaci karo in uu
mutawaatir yahay uu yahay xadiiska nebigu uu ku yiri: "Ruuxii si ulakac ah
iigu been abuurtaa, naarta booskiisa ha ka diyaarsado /من كذب علي متعمدا
فليتبوأ مقعده من النار". Sidaa darteedna, nuxurka hadalka amiirku waxa weeye
in dowladda Sacuudigu aysan ku dhaqmi doonin axaadiis nebiga laga wariyo balse
ay ku dhaqmayaan hadba wixii danta adduunyo ee bulshadoodu ay ku jirto.
Run ahaantii, hadalka amiirku aad buu uga baaxad weynaa qodobka ku saabsan
diididda ku dhaqanka axaadiista nebiga ee keli-wariga ah, wuxuuna daarranaa
nuxur ah in dowladda sacuudigu ay ka noqonayso dhinacyo badan oo la xiriira ku
dhaqanka shareecada islaamka. Tusaale ahaan, wuxuu sheegay in aysan ku
khasbanayn fulinta axaadiista keli-wariga ah ee ku qoran buugta Bukhaari,
Muslim iyo buugta kale ee xadiiska. Waxaana la ogyahay in culumada Sacuudiga
-iyo guud ahaan culumada islaamku- ay aad u qaddariyaan labada buug ee
'Bukhaari' iyo 'Muslim', ayna ku doodaan in ay yihiin kuwo si buuxda la isugu
hallayn karo saxnimadooda. Dowladda Sacuudiguna iyada oo ka duulaysa buugtaan
bay waxay jidaysay cuquubaadka loo yaqaan "Xudduudda" ee ay ka midka yihiin in
la karbaasho dadka khamrada cabba iyo in la dilo dadka diinta ka baxa, iyada
oo la ogyahay in quraanku uusan sheegin labadaan ciqaabood middoodna, isla
markaana aan la hayn axaadiis mutuwaatir ah oo ku soo arooray.
Amiirku si dadban wuxuu u xusay ciqaabta dilka ah ee dowladda Sacuudigu ay ku
fuliso dadka lagu eedeeyo in ay gogol dhaaf sameeyeen iyaga oo guursaday, taas
oo aan lagu sheegin quraanka iyo axaadiista nebiga ee mutuwaatirka ah
midkoodna. Hadalkaas oo dad badan ay u fasirteen in dowladda Sacuudigu ay
qorshaynayso joojinta fulinta cuquubaadka loo yaqaan xuduudda oo dhagax ku
dilku uu ka midka yahay.
Sida dadka qaarkood ay ka warhayaan, shir sannadkii 1972 lagu qabtay magaalada
al-Beydaa ee dalka Liibiya, oo wadaaddo badan oo muslimiin ahi ay ka qayb-
galeen, shiikh la oran jirey Maxamed Abuu Sahra (1898-1974) oo xilligaas
culumada islaamka ugu magac dheeraa baa wuxuu ka sheegay in diinta islaamku
aysan jideyn xukunka dhagax ku dilka, balse xukunkaasi uu yahay mid Yahuuddu
taqiin, nebiguna bilowgii islaamka uu iyaga kaga dayday, laakiin markii ay soo
dageen aayadaha ku jira suuradda al-Nuur ee sheegaya in boqol jeedal lagu
dhufto dadka sinaysa uu nebigu iska daayey dhagax ku dilka. Shiikh Abuu Sahra
fikraddaas waa lagu dhaleeceeyey, laakiin gadaashiis waxaa taageeray culumo
badan oo uu ka mid yahay Shiikh Yuusuf al-Qardaawi. Dhawaanna wadaad ka mid ah
madaxda ururka Ikhwaanu Muslimiinka, isla markaana mas'uul ka ah xafiiska
Shiikh Qardaawi oo lagu magacaabo Cisaam Taliima ayaa wuxuu soo saaray buug
weyn oo cinwaankiisu yahay "Islaamku Dhagax Ku Dil Ma Qabo /لا رجم في
الإسلام".
Docda kale, amiirku wuxuu xusay in Sacuudigu uu ka tagayo afkaartii Shiikh
Maxamed Cabdiwahaab iyo dugsiga Wahaabiyada ama Salafiga, oo dowladda
Sacuudigu ay ku tiirsanayd tan iyo markii la aasaasay, oo sida la ogyahay
dowladda Sacuudiga ee hadda jirta waxaa lagu dhisay isbahaysi dhex maray
Cabdicasiis al-Sacuud iyo Shiikh Maxamed Cabdiwahaab. Isaga oo qodobkaan
faallo ka bixinayana wuxuu yiri:
"Haddii aan ku dheggenaanno hal dugsi oo diini ah ama hal wadaad, waxaan
noqonaynaa sidii in aan dadka ilaahyo ka dhigayno, Eebbana isaga iyo dadka
dhexdooda wax kala teeda ma uusan dhigin. Quraankiisa ayuu soo dejiyey,
rasuulkuna waa hirgeliyey, ijtihaadkuna weligi waa furan yahay. Haddii
Shiikh Maxamed bin Cabdiwahaab uu qabrigiisa ka soo bixi lahaa, uuna na arki
lahaa annaga oo nusuustiisa ku dheggan, caqligayagana hawlgab ka dhignay, oo
isaga Ilaah ka dhigayna oo weynaynayna, wuxuu noqon lahaa kan ugu horreeya
ee arrinkaas diida. Ma jiro hal dugsi oo joogto ahi, mana jiro hal shiikh oo
joogto ahi, quraankana si joogto ah baan garaadkayaga u la kaashanaynaa,
sunnada nebigana fahankayga ayaan la kaashanaynaa, fatwaduna waxay ku xiran
tahay hadba waqtiga iyo meesha la joogo."
Amiirku wuxuu kaloo sheegay in dowladdiisu ay la dagaallamayso fikirka
xagjirka ah. Wuxuuna ku andacooday in xagjirnimadu ay mar walba denbi tahay
xataa haddii qofku uusan fal denbiyeed ku dhaqaaqin (=أي شخص يتبنى منهجاً
متطرفاً حتى لو لم يكن إرهابياً فهو مجرم). Weedhaan oo dad badan welwel ku
abuuray. Waayo, weedha waxaa laga fahmay in labada eray ee mucaarad iyo
argagixiso isku macne qura la siinayo, dowladduna ay dad u ciqaabi karto
fikradaha ay qabaan oo keli ah.
Amiirku wuxuu adeegsaday erayo aan wax nuxur ah lahayn, laakiin looga
danleeyahay in lagu damiyo carada dadweynuhu ay ka qaadi karaan hadalkiisa.
Tusaale ahaan, wuxuu yiri: "Quraanka ayaa dastuur noo ahaa, haddana noo ah,
timaaddadana noo ahaan doona." Su'aash isweydiinta mudanna waxay tahay:
Quraanku ma dastuur dowladeed baa mase waa kitaab hanuun oo muslimiinta oo
dhammi ay wadaagaan? Doodda oranaysa quraankaa dastuur noo ah, ma xanbaarsana
duluc aan ka ahayn in dowladda Sacuudigu aysan dastuur u baahnayn, ee lagu
dhaqayo hadba wixii qoyska reer boqor ay dan moodaan.
Guud ahaan, biyo dhaca hadalka ina Salmaan wuxuu ahaa in dib-u-eegid lagu
samaynayo xiriirka ka dhaxeeya diinta iyo dowladda, wadaaddaduna aysan sii
yeelan doonin galaangalkii ay horay dowladda ugu lahaayeen. Fikradda amiirku
ma aha mid cusub, balse waa mid in muddo ah soo jiitamaysay, laakiin la iska
ilaalin jirey in fagaarayaasha laga sheego. Tusaale ahaan, boqorka dalkaas
xukuma ee Salmaan bin Cabdicasiis dabshidkii 2017, wuxuu ku dhawaaqay in la
samaynayo xarun shaqadeedu tahay kala hufidda axaadiista nebiga laga wariyo,
isla markaana dowladda Sacuudigu waxay baabi'isay hey'addii la oran jirey
"Hey'adda faridda samaha iyo reebidda xumaha /هيئة الأمر بالمعروف والنهي عن
المنكر" oo dalkaas saamayn weyn ku lahayd.
Boqorrada Sacuudigu muddo dheer waxay si hoose u oran jireen: "diintu siyaasad
ma aha", "Dacwadu dowlad ma ah" iyo erayo kale oo la macne ah. Sida muuqatase,
hadda waxay bilaabeen in ay makarafoon ku sheegaan erayadii sirta ahaa ee
horay dhegta la isugu sheegi jirey.
Muddo toddobaatan sano ka badan ayaa dalka Sacuudigu isaga oo ka
faa'iideysanaya lacagta faraha badan ee uu batroolka ka helo, wuxuu dunida
-gaar ahaan dalalka saboolka ah ee aan cadaadiskiisa iska caabbin karin sida
Soomaaliya- ku dhex faafinayey afkaar xagjirnimo oo waalli ah, taas oo
dhibkeedu uu dunida wada gaaray.
Hayeeshee, ugu danbayntii waxyeellada afkaarta xagjirka ahi waxay dib ugu
noqotay dalka Sacuudiga oo dhibkeeda dareemay. Soomaaliduna waa tii horay ugu
maahmaahday: "Dab aan kulaylkiisa la arag dambaskiisa lagama leexdo!"
Si kastaba ha ahaatee, doodda ku saabsan axaadiista nebigu ma aha mid ugub ah
oo Amiir Maxamed uu hadda bilaabayo, balse muddo dheer bay taagnayd. Waxa qura
ee cusubi waa in ninka hadalka yiri uu yahay boqor awood badan, oo wadaaddo
badani aysan ku dhicin in ay ka hor yimaadaan. Xaalkuna wuxuu noqday "Lama
canaantaa caanihii daadshay." Durbana, wadaaddo badan oo kuwa Sacuudiga iyo
madaxda jaamacadda As'har ay ka mid yihiin baa si toos ah iyo si dadban
labadaba u taageeray. Waana hubaal in wadaaddadaas badankoodu ay gaalaysiin
lahaayeen haddii wadaad kale ama ruux aqoonyahan ahi uu sheegi lahaa isla
warka amiirku uu sheegay. Sida muuqatase, wadaaddadu waxay ku dhaqmayaan
xikmadda reer magaalka ee tiraahda: "Gacantii aadan goyn karin waa la
dhunkadaa!"
Muranka ku saabsan axaadiista aaxaadka -ama dadka tirada yari ay kala
wariyeen- heerar kala duwan wuxuu u taagnaa tan iyo markii la bilaabay
diiwaangelinta axaadiista nebiga iyo weliba ka hor. Had iyo goorna waxaa jirey
Muslimiin diida qayb ka mid ah axaadiista nebiga loogu abtiriyo. Sababta
keenta diidmada axaadiista axaadkuna waa in axaadiista noocaan ahi aysan
yaqiin faa'iideyn, balse ay male ku dhisan yihiin. Tusaale ahaan, haweenay
saxaabiyad ahayd oo la oran jirey Faadumo bint Qeys baa waxay warisay in
sebankii nebiga uu ninkeedu saddex ku furay, nebiguna uu u sheegay in maadaama
saddex lagu furay aysan saygeed wax xuquuq ah ku lahayn. Sida la sheego, warka
haweenaydaani sheegtay rag badan buu wuxuu ku dhiirigeliyey in ay xaasaskooda
saddex ku furaan iyaga oo iska dhaadhiciyey in falkaasi uu ka cafinayo in
haweenku ay masruuf iyo marasho ku yeeshaan. Hase ahaatee, xadiiska Faadumo
nebiga ka warisay waxaa ku ganacsayray khaliifkii Cumar bin Khaddaab oo
sheegay in kitaabka ilaahay iyo sunnada nebiga uusan uga tagayn hadal ay
sheegtay haweenay ay dhici karto in ay been sheegayso ama ay wax hilmaantay
(=لا ندع كتاب الله ولا سنة نبينا عليه الصلاة والسلام لقول امرأة لا ندري أصدقت
أم كذبت أو لعلها نسيت).
Tan iyo waqtigaas muranka axaadiista ku saabsani waa uu soo taxnaa. Tusaale
ahaan, Abuu Xaniifa wuxuu diiday axaadiis badan oo uu ka mid yahay kan
sheegaya in haddii qof muslim ahi uu dilo qof aan muslim ahayn aan loo
qisaasayn ama loo dilayn (=لا يقتل المسلم للكافر), wuxuuna daliishaday in
quraanku uusan nafta aadamiga kala farqin ee uu si guud u jideeyay in dadka la
isu qisaaso (=النفس بالنفس). Waxaana la sheegaa in Abuu Xaniifa uu axaadiista
nebiga ka qaatay 18 xadiis oo qura.
Sidoo kale, Imaam Maalik wuxuu diiday axaadiis badan oo uu ka mid yahay midka
sheegaya in candhuufta eeydu ay nijaaso tahay, wuxuuna isweydiiyey: "Haddii ay
bannaantahay in la cuno ugaarta ay eeydu soo qabato, sidee baa candhuuftoodu
karaahiyo ku noqonaysaa?! /يؤكل صيده، فكيف يكره لعابة؟!". Waxaana la ogyahay,
in Imaam Maalik uu dhaqanka reer Madiino ka doorbidi jirey axaadiista nebiga
laga wariyo. Sababta oo ah wuxu rumaysnaa in ay adagtahay in dadka magaalada
Madiino ay isku raacaan wax khilaafsan wixii nebiga ka sugnaaday. Si taa la
mid ah, Imaam Shaafici iyo Imaam Axmed bin Xanbal oo labadaba lagu tiriyo in
ay ka mid yihiin culumada axaadiista nebiga aadka ugu dheggan ayaa diiday qaar
ka mid ah axaadiista nebiga laga wariyo.
Sagaashanaadkii qarnigii tagayna, Shiikh Maxamed al-Gasaali (1917-1996) baa
wuxuu qoray buug yar oo cinwaankiisu yahay "Sunnada Nebiga oo u Dhaxaysa
Fuqahada iyo Ehlu Xadiiska /السنة النبوية بين أهل الفقه وأهل الحديث", kaas oo
uu uga faallooday sida ay tahay in Muslimiintu ay u la dhaqmaan sunnada
nebiga. Buuggu markii uu soo baxay buuq iyo bulaan badan buu kiciyey, Shiikh
Maxamed Gasaalina waxaa lagu sifeeyey tilmaan kasta oo xun, dalka Sacuudiga oo
keliyana waxaa lagu daabacay 12 buug oo dhaleecaynaya buuggaan Gasaali.
Dabadeed, kolkii qayladu ay demi weyday ayaa machadka lagu magagaacbo
"Machadka Caalamiga Ee Fikirka Islaamka /International Institute of Islamic
Thought", oo xaruntiisu tahay magaalada Washington ee carriga Maraykanka oo
horay u lahaa fikradda Shiikh Maxamed al-Gasaali uu buugga ku qoray, wuxuu
Shiikh Yuusuf al-Qardaawi ka codsaday in uu qoro buug uu uga warramayo sida uu
u arko buugga Shiikh Maxmed al-Gasaali. Kolkaasna Qardaawi wuxuu qoray buug uu
u bixiyey "Sideen Ula Mucaamilaynaa Sunnada Nebiga /كيف نتعامل مع السنة
النبوية: معالم و ضوابط". Marka isbarbardhig lagu sameeyo labada buugna waxaa
soo baxaya in uusan jirin farqi la sheego oo u dhaxeeya. Waxaa qura ee cusubi
waa in Qardaawi uu si deggen u hogatusaaleeyey wadaaddadii Salafiga ahaa ee
Shiikh Maxamed carada iyo aflagaaddada kala dul dhacay.
Marka qumaati loogu kuurgalo axaadiista nebiga loogu abtiriyo, waxaa la
ogaanayaa in ay ka buuxaan qaar diinta oo dhan burburinaya sida kuwo sheegaya
in nebiga la sixray ama sheydaan wax u sheegay (=xadiis Garaaniiq tusaale
/حديث الغرانيق), iyo kuwo ka hor imaanaya nusuus kale oo ka xoog badan oo
quraanka kariimku uu ka mid yahay sida kuwa ka hor imaanaya aayadaha quraanka
ah ee ka hadlaya xorriyadda caqiidada (=لاَ إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ), iyo qaar
kale oo caqliga iyo cilmiga ku lid ah sida kuwa sheegaya in diqsigu baal daawo
ku sito iyo in dhulku uu taagan yahay iyo in Xabbad Sowdadu ay cudur kasta
daawo u tahay [=Haddii Xabbad Sowdadu ay jirro walba daawo u tahay maxaa looga
baahan yahay dhakhaatiirta iyo sheybaarrada?], iyo kuwo cunsuriyad iyo liidid
xanbaarsan sida kan sheega in carabtu ay ka fadli badan tahay cajamta iyo kan
ku warramaya in salaadda ay gooyaan dumarka, dameerka iyo eeyga madoobi.
Caa'isho ina Abuu Bakar Asadiiq oo ka mid ahayd dumarkii nebiga u dhaxay
kolkii ay maqashay rag ku warramaya in dumarka, dameerka iyo eeyga madoobi ay
salaadda jebiyaan, qoladii ay warka ka maqashay waxay ku tiri: "War ma
dameerro iyo eey baad nagu matasheen! /شبهتمونا بالحمير والكلاب". Intaas waxay
sii raacisay in warkaasi uu yahay been aan sal iyo raad toona lahayn, maxaa
yeelay iyada qudheeda ayaa seexan jirtey meel ku beegan sujuudda nebiga,
salaad ka jabtaana ma ay jirin ugu yaraan waxaa jira 35 xadiis oo nebiga
carrabka loogu tiro, oo loo daliishado liididda haweenka).
Sebankii saxaabada axaadiista nebiga laga hayo ee la kala warin jirey aad bay
u koobnayd, waxaana lagu qiyaasay hilaaddii 500 (shan boqol) oo xadiis.
Tusaale ahaan, waxaa la soo wariyey in xilligii Khaliifkii Cumar bin Khaddaab
uu talada hayey uu dadweynaha ku wargeliyey in la soo ururiyo wixii axaadiis
ah ee nebiga laga hayo. Muddo ka dib waxaa la isu keenay axaadiis tiradoodu ay
shan boqol gaarayso. Goortaasna Cumar wuxuu gubay walxihii axaadiistaasi ay ku
qornayd. Falka Cumar mid la mid ahna waxaa laga wariyaa Abuu Bakar Asadiiq.
Sababta Abuu Bakar, Cumar iyo Cusmaan ay u diideen qoridda axaadiista nebiga,
walxihii lagu qorayna ay u gubeen waxay ahayd in ay fulinayeen amar nebiga
qudhiisu uu ku mamnuucay in laga qoro hadal aan quraanka ka ahayn, oo nebiga
waxaa laga wariyaa in uu yiri: "Waxba ha iga qorina, ruuxii wax aan quraanka
ka ahayn iga qorayna ha tirtirto /لا تَكْتُبُوا عَنِّي وَمَنْ كَتَبَ عَنِّي
غَيْرَ الْقُرْآنِ فَلْيَمْحُهُ". Cumarna saxaabada wuxuu kula talin jirey in
ay yareeyaan axaadiista ay nebiga ka wariyaan, saxaabigii Abuu Hureyrana wuxuu
ugu gooddiyey in magaalada Madiino uu ka cayrinayo haddii uusan dhimin wararka
uu nebiga ugu abtirinayo.
Hase ahaatee, muslimiinta qaarkood baan joojin qoridda axaadiista nebiga loogu
abtiriyo. Labo boqol oo sano ka dib geeridii nebigana Imaam Axmed bin Xanbal
(780-855) wuxuu sheegay in uu uruuriyey axaadiis tiradoodu ay gaarayso kun
kumaad ama kun kun lagu dhuftay hal malyan oo xadiis). Haddaba, weydiintu
waxay tahay: haddii Abuu Bakar iyo saxaabadii nebiga ugu dhawaa ee khusuusida
u ahaa ay ogaayeen axaadiis shan boqol lagu qiyaasay, halkee baa laga keenay
axaadiista dheeraadka ah ee tiradoodu ay malyanka ku dhowdahay (1,000,000-500
= 999,500)?
Jawaabta su'aashaas waxaa si fudud loogala bixi karaa hadal Imaam Bukhaari
(810-870) uu ku xusay buuggiisa caanka ah ee "Saxiix al-Bukhaari", oo uu ku
sheegay in uu aruuriyey 600,000 (lix boqol oo kun) oo xadiis, laakiin ugu
danbayntii uu kala baxay wax ka yar 6,000 (lix kun) oo xadiis oo uu ku
kalsoonaaday suurogalnimada in ay nebiga ka sugnaadeen. Hadalkaas oo
macnihiisu uu yahay in Bukhaari uu iska qubay axaadiis tiradoodu ka badan
tahay shan boqol iyo afar iyo sagaal kun oo uu ku qanci waayey in dhab ahaan
uu nebigu u yiri (600,000- 6000 =594,000). Taas oo ka dhigan in celcelis ahaan
Bukhaari boqolkii xadiis ee nebiga looga sheegaba uu mid qura ka qaatay.
Sida dhabta ah, culumada islaamku muddo kun sano ka badan ayay ammaanayeen
Imaam Bukhaari iyo dadaalka uu bixiyey, laakiin taasi kama dhigna in culumada
islaamku ay isku raaceen in axaadiista ku jira buugga Bukhaari oo dhammi ay
wada sax yihiin. Culumo aan yarayn baa waxay qabaan in axaadiista xulka ah ee
Bukhaari uu buuggiisa ku aruuriyey aysan kulligood sax wada ahayn, oo ay ku
jiri karaan qaar aan saxnimadooda la isku halayn karin. Tusaale ahaan, culumo
ay ka mid yihiin Abuu Xaniifa, Maalik, Shaafici iyo Axmed bin Xanbal ayaa
horay u diiday qaar ka mid ah axaadiista ku qoran buugga Bukhaari. Wadaadkii
Shaaficiga ahaa ee Imaam Taajudiin al-Subkina (1327-1370) buuggiisa "Dabaqaad
al-Shaaficiya al-Kubraa /طبقات الشافعية الكبرى", wuxuu ku daray cutub uu ku
jiro cinwaan oranaya "Ismoodsiiska Bukhaari Waxaa Ka Mid Ah /ومن أوهام
البخاري", kaas oo uu ku xusay tiro ka mid ah axaadiista ku jira buugga
Bukhaari oo uu saluug ka muujiyey. Culumada kale ee axaadiista Bukhaari
qaarkood wax ka sheegay waxaa ka mid ah Daar al-Qudni, Abuu Bakar al-
Baaqilaani, Ibnu Taymiya, al-Baani iyo kuwo kale.
Docda kale, Abuu Bakar Asadiiq oo ahaa kan dadka oo dhan nebiga ugu dhow,
muddo aad u dheerna ay saaxiib ahaayeen tirada axaadiista uu nebiga ka maqlay
waxaa lagu sheegaa in aysan ka badnayn 120 (boqol iyo labaatan) xadiis, halka
Abuu Hureyr oo nebiga yaqiin muddo afar sano ka yar uu nebiga ka wariyo
axaadiis tiradoodu ay 5,000 (shan kun) gaarayso. Sidoo kale, Cabdullaahi bin
Cabbaas oo carruur ahaa markii nebigu geeriyooday baa isna kumanyaal xadiis
nebiga ka wariya. Su'aasha meesha ku jirtaana waxay tahay: Abuu Hureyra,
Cabdullaahi bin Cabbaas iyo dadka la midka ahi halkee bay ka keeneen
axaadiistaan faraha badan ee Abuu Bakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali aysan
ogayn???
Axaadiista nebiga waxaa la qoray 150 sano ka dib geeridii nebiga, xusuusta
aadamiguna muddada intaas le'eg hadalku siduu ahaa uma kaydin karto, mana jiro
qaab si buuxda loogu hubin karo in nebigu uu yiri hadallada loo tiirinayo ama
sida loo warinayo uu u yiri. Taana waxaa dheer, in goorta la bilaabay diiwan
gelinta axaadiista nebigu ay ahayd goor ay xijaabteen saxaabada iyo ubadkii ay
dhaleen, tafiirtoodii danbana ay daafaha dunida ku kala faafeen.
Islaamku muddo gaaban oo boqol sano ka yar ayuu wuxuu ku faafay dhul aad u
baaxad ballaaran oo u dhaxeeya Isbeyn iyo Shiinaha, ayna ku dhaqnaayeen
boqolllaal ummadadood oo kala af, aqoon, dhaqan iyo dhaqaale duwani, quraanka
kariimka iyo axaadiistii koobnaydn ee nebiga laga maqlayna ma haqabtiri karin
baahida bulshooyinkaas faraha badan, jeerkaasna dad qaarkood ay niyad
wanaagsanaayeen (=الوضاع الصالحون) baa waxay bilaabeen in ay curiyaan axaadiis
ay nebiga carrabka ugu tireen. Kolkii raggaas qaarkood loo soo jeediyey eed ah
in ay nebiga been ka sheegeenna waxay ku andacoodeen in ay yiraahdeen: "Nebiga
been kama sheegin, ee isaga dartiis baan been u sheegnay /نحن نكذب له لا
عليه". Sheekooyinka la xusana waxaa ka mid ah in Khaliifkii Mucaawiye bin Abii
Sufyaan uu wadaadkii la oran jirey Kacab al-Axbaar uu masjid u dhiibay, uuna
ku qaybiyey in uu u falkiyo axaadiista uu u baahan yahay, isla markaana uu
cillad u yeelo axaadiista inta aan Mucaawiye u bogin, sidaasna Kacab uu ku
allifay axaadiis tiro badan oo nebiga carrabka loogu tiray. Taabicigii Ibnu
Shihaab al-Suhri (671-741) waxaa laga hayaa in uu yiri: xadiisku dhulka Xijaas
wuxuu ka tagaa isaga oo taako le'eg, laakiin Ciraaq markuu tago dhudhun buu
le'ekaadaa (=يخرج الحديث من عندنا شبرا فيعود فى العراق ذراعا).
Culumada islaamka ee cilmiga xadiiska isku hawlay waxay xoogga saareen ragga
ama dadka warka sheegay (=asanad /السند), laakiin dadaal kaa u dhigma iskama
saarin nuxurka warka la warinayo (=al-matni /المتن). Culumadaani waa dadaaleen
marka loo eego aqoontii iyo duruufihii ay ku noolaayeen, laakiin haddii lagu
qiimeeyo garaadka aadamiga maanta nool iyo aqoonta casriga ah cilmigaas
xooggiisu wuxuu noqonayaa sheeko-baraleey aan cago ku taagnayn.
Sida runta ahna, axaadiista faraha badan ee hadda nebiga loogu abtiriyo tiro
aan yarayn oo ka mid ahi waa hadal nebiga carrabka loogu tiray, oo nebiga iyo
saxaabadu aysan ogayn. Wadaadkii Daar al-Qudnina (918-995) waxaa laga hayaa in
uu yiri: "Xadiiska runta ahi marka la barbardhigo kan beenta ah wuxuu la mid
noqonayaa sida tin cad oo ku taal dibi madow /إن الحديث الصحيح في الحديث الكذب
كالشعرة البيضاء في جلد الثور الأسود". Waxaana jira sababo ciiddaa ka badan oo
keena in axaadiis la been abuuro, oo isugu jira aydaloojiyad, dhaqaale,
dhaqan, siyaasad iyo qaar kale oo badan. Sidaas oo ay tahay, waagii hore
muslimiintu waxay xaq u lahaayeen in ay iska diidaan axaadiista ay ku qanci
waayaan sugnaantooda. Laakiin boqolkii sano ee ugu danbeeyey waxaa abuurmay
dhaqan ah in diinta laga saaro qofkii laga maqlo in uusan ku qancin hal xadiis
oo nebiga loo tiiriyo. Si joogto ahna, waxaan u aragnaa dad lagu gaalaysiinayo
in ay diideen xadiis nebiga loogu abtiriyo. Arrinkaas oo tusinaya in
facyaashii hore ee muslimiintu ay ka wacyi iyo dulqaad badnaayeen kuwa hadda
jooga.
Bilmasal, qaybtii hore ee qarnigii la soo dhaafay taariihyahankii reer Masar
ee Dr. Axmed Amiin (1886-1954) oo dhigaallo badan ka qoray taariikhda iyo
dhaqanka muslimiinta ayaa wuxuu shaki ka muujiyey saxnimada xadiiska nebiga
loo tiiriyo ee oranaya: "Ruuxii ku waabariista (=aroorta hore cuna) toddobo
xabbo oo ka mid ah timirta nooca cajwada loo yaqaan, maalinkaas sun iyo sixir
toona wax uma dhimaan /من تصبح سبع تمرات عجوة لم يضره سم ولا سحر". Axmed wuxuu
ku dooday in aysan habboonayn in hadal noocaan oo kale ah nebiga loogu
abtiriyo. Maxaa yeelay, shaki weyn baa ku jira in timir -nooca ay doonto ha
ahaatee- lagula tacaali karo noocyada sunta ee kala geddisan. Axmed eraygaas
wuxuu ku mutay cay iyo colaad badan.
Akhristow, aan isweydiinnee wadaaddada xadiiskaan faafiyaa ma ku dhacaan in ay
naftoodu ku tijaabiyaan runnimada xadiiskaan, oo ay timirta cajwada cunaan, ka
dibna ay sun kabbadaan? Sanooyinkaan dambe Soomaali badan ayaa xadiis ku
sheeggaan laga dhaadhiciyey oo timirtaan aad u iibsada. Weliba soomaalida
nooca cajwada ugu liidata ayaa lacag qaali ah looga iibiyaa (=Timirta cajwadu
waa saddex nooc oo kala waaweyn, waxayna u kala qaalisan tahay sida ay u kala
waaweyn tahay. Ogaantay, qiimaha kiilada nooca waaweyn ahi wuxuu u dhigmaa
inta u dhaxaysa 10-15 kiilo oo nooca yaryar ah). Timirtu waxay ka mid tahay
dalagyada fara ku tiriska ah ee jasiiradda carabta iyo ciraaq aadka uga baxa.
Taa awgeedna, carabtu aad bay u ammaantaan timirta, waxaana jira axaadiis xayn
ah oo ka hadla waxtarka timirta. Waxaase habboon in aan la isku khaldin labo
arrimood oo aad u kala duwan, oo kala ah in timirtu ay waxtar badan leedahay
iyo in ay sun kasta daawo u tahay. Manfacada timirta la iskuma hayo, laakiin
waxaa la isku hayaa in ay tahay daawo sun lagula tacaalo iyo in kale.
Sidaan kor ku soo xusnay, waxaa jira ulajeeddooyin badan oo keena falkinta
axaadiista soo seexiska ah, kuwaas oo isugu jira aydaloojiyad, cibaado,
siyaasad, dhaqaale, dhaqan, madadaallo iyo qaar kale. Tusaale ahaan,
axaadiista danaha siyaasadeed loo allifay waxaa ka mid ah kan oranaya:
"Madaxdu Qureesh bay noqonayaan /الأئمة من قريش" iyo weliba kuwa ka hadla
fadliga Mucaawiye iyo Cabbaasida.
Dhanka kale, waxaa jira axaadiis tiro badan oo dano dhaqaale loo sameeyey.
Sida xadiis ku sheegga yiraahda "Baadijaanku waa wixii cuniddiisa loola
niyoodo /البادجان لما أكل له" iyo kan kale ee yiraahda: "Hariisadu dhabarka
ayay taagtaa /الهريسة تشد الظهر".
Dhulka jasiiradda carabtu wuxuu u badan yahay dhul oomasoore ah oo baadka iyo
biyuhu ay ku yar yihiin. Sidaa awgeedna, carabta jasiiradda badankoodu waa
liidi jireen beeraha iyo dhaqashada duunyada inteeda nugul oo lo'du ay ugu
horrayso. Arrinkaas oo keenay in la allifo axaadiis nebiga carrabka loogu
tiray oo dhaleecaynaya qodaalka dhulka iyo dhaqashada lo'da. Tusaale ahaan,
waxaa la wariyey in nebigu uu mar galay guri ka mid ahaa guryihii Ansaarta ee
magaalada Madiino, uuna ku arkay aalad qodaalka beeraha loo adeegsado,
markaana uu yiri: "Tani ma gasho reero aqalkood, haddii ay gashase Eebbe wuxuu
geliyaa dulli /لا يدخل هذا بيت قوم إلا ادخله الله الذل", Waxay kaloo wariyeen
xadiis ku sheeg oranaya: "Hilibka lo'du waa cudur /لحم البقر داء". Si taa ku
lid ahna, waxaa la buunbuuniyey waxtarka caanaha iyo hilibka geela, maadaama
geelu uu yahay noole ku dhaqmi kara dhulka carabta ee saxaraha ama lama-
degaanka ah. Xaalna wuxuu gaaray in lagu doodo in kaadida geelu ay daawo
tahay!
Si taa ku lid ah, ummadaha noloshoodu ku tiirsan tahay qodaalka dhulku waxay
ammaanaan beeraha oo ay ku sheegaan in ay tahay tan meheradaha oo dhan ugu
sidata. Tusaale ahaan, muslimiinta dalka Bangaladeesh xooggoodu waa beeraleey,
diinta islaamkana waxaa ku dhex faafiyey wadaaddo suufiyo ahaa oo dharaartii
waqtigooda ku qaadan jirey qodaalka dhulka, habeenkiina digri iyo shalaad.
Sidaa darteed, Bangaladeeshida iyo guud ahaan muslimiinta qaarad u-egta
Hindiya waxay rumaysan yihiin in beeridda dalaggu ay tahay tan xirfadaha oo
dhan ugu fiican, iyaguna ay muslimiinta ugu iimaan iyo taqwo badan yihiin.
Buugta diiniga ah ee Bangaladeeshidu ugu akhriska badan yihiin waxaa ka mid ah
buug lagu magacaabo "Nabi Bansa ama Nabivamsa", oo ah buug ka sheekeeya
siirada nebiyada, siiba siirada nebi Muxamed (scw). Sheekooyinka ku qoranna
waxaa ka mid ah mid ka warramaysa nebi Aadan oo sidaan u dhigan:
Kolkii Aadan jannada laga cayriyey waxaa lagu xooray Sarandiib (=Siri Laank),
Dabadeed wuxuu ku safray dhulka Hindiya ilaa uu ka gaaray Maka oo uu kula
midoobay Xaawo oo iyadana halkaas lagu halgaaday. Markii ay is heleen waxay
bilaabeen in ay dhisaan Kacbada, oo kolkii ay ebyeen ay Eebbe ku caabudeen.
Iyaga oo Alle baryayana waxaa u yimid Malag Jibriil oo baray sida loo noqdo
afo iyo saygeed, sida loo dhiso guryaha, iyo sida dhulka loo qodo ee dalagga
loogu beero.
Halkaan waxaa nooga caddaanaya raadka nidaamka dhaqan-dhaqaale uu ku leeyahay
fahanka iyo ku dhaqanka nusuusta diinta. Diimuhu meel cidlo ah kama abuurmaan,
ee bulsho ayay ka dhex curtaan, inta diintu ay bulshada saamayso in le'eg
baana bulshadu diinta saamaysaa. Islaamka carabtu aad buu uga duwan yahay kan
Indooniisida, kan Soomaaliduna dhinacyo badan buu uga geddisan yahay kan
Hindida. Taana waxaa ugu wacan kala duwanaanta duruufaha dhaqan-dhaqaale ee
ummadaha.
Axaadiista soo seexiska ah ee nebiga lagu hafro waxaa ku jira qaar gef ku ah
Alle iyo rasuulka, qaar ka hor imaanaya waxa quraanku uu sheegayo iyo qaar
caqabad ku ah nolosha iyo horumarka bulshada. Waa axaadiis u daran Alle,
Rasuulka iyo Ummadda intaba, lamana hayo sabab maangal ah oo loogu sii
dheggenaan karo. Sidaa awgeed, waa lama huraan in kala hufid iyo kala haadin
lagu sameeyo. Guud ahaan, Muslimiintu maanta waxay baahi weyn u qabaan in ay
helaan fahan cusub oo diini ah oo la socon kara waaqica aadamigu ay hadda ku
noolyihiin. Fahan diimeed la saanqaadi kara fikradda muwaadinnimada ee
dowladda la wadaago iyo dunidaan tuulada yar noqotay.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida