Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Soomaaliya soomaalida muslimiinta miyaa gooni u leh?

W/Q: Waris Diiriye
Aragtiyo 0
15.1k
·

1/14/2018

Soomaaliya soomaalida muslimiinta miyaa gooni u leh?

Soomaaliya yaa leh? Soomaaliya Soomalida Muslimiinta miyaa gooni u leh?
Soomaalimada iyo Islaamka yaa horreeyey?

1400 sano kahor xilli Soomaalidu ku tanaadaysay barwaaqada uu ku galladaystay
eebaha naxariista badan ee ay ugu yeeri jireen Waaq ayaa ganacsade Carbeed oo
deganaa jaziiradda Carabta dhidibada u taagay diin cusub uu isagu ka yahay
hogaamiye ruuxeed, kacaa kuf badan kadibna halgankiisii horumarinta jinsiga
Carabta wuxuu wadada cagta saaray markii gacmo badan iyo warmo badan uu isla
helay oo bilaabay duulaamo uu kula wareegayo dhulka iyo hantida cid walba oo
taliskiisa ku gacan saydha inay hoos timaado.

Dhimashadiisii kadib waxaa kala wareegay hawsha qaar kamida xigtadiisii oo
gumaadkii iyo gumaysigii dhulalka dadka kale sii ballaariyay, taasoo keentay
nimankii Carbeed ee lamadagaanka carabta maasaluglayda iyo shimbiraha
ugaadhsigooda oonku u dheeraa inay xoog ku qabsadaan ilbaxnimooyin waawayn oo
soo jireen ahaa, boqolaal milyan oo ay gurigooda ugu tageen ayay dhiigooda
daadiyeen iyaga oo ku andacoonaya in dadkani diideen tuurista dhaqamadoodii
iyo qaadashada dhaqanka reer baadiyihii jaziiradda Carbeed ee cinwaan
diimeedka la siiyay.

Soomaalidu qarniyo kadib markii dhaqamadan soo galootiga ahi la wareegeen
maamulka maskaxdooda kana dhaadhiciyeen in jinsiga Carbeed ka sarreeyo kooda
waxay dareemeen quudhsi, taas oo ku khasabtay inay door bidaan marin
habaabinta abtirsiinyahooda iyo isku nabidda dadkan laga dhaadhiciyay inay ka
buruud wayn yihiin halkii ay dhaqankooda ku dhaganaan lahaayeen.

Waxaana bilaaabantay in qabiiladii Soomaalidu bartaan is faquuqa ku salaysan
qabiilka oo ahaa dhaqan carbeed foolxun oo magaca diintan ku soo gabbaday,
waxaa dadkii loo kala saaray laan-dheere iyo laan-gaab lagu saleeyey cidda
xigta jinsiga carbeed ee awoodda badan, waxayna caruurtooda ku bar-baariyeen
jacaylka iyo qiimaynta dhaqamadan cusub.

Waxaa la yaab ah inaad aragto odayaal waawayn oo ku hadlaya afka urur
soomaaliyeed ama sheeganaya jagooyin sare oo bulshada ah inay indho tirto
dhaqamadan waqtiga dhaw soo galay kadibna inta ay is ilawsiiyaan sooyaalka iyo
jiritaanka soomalida bilaabaya inay isku xiraan jinsiga Soomaaliga iyo
Islaamka.. waxaad arkaysaa qof wayn oo fagaare ka sheegaya in qofka diinta
Islaamka ka baxaa uuna Soomaali ahayn! Runtii waa arrin yaab leh, odaygaasi
ama islaantaasi ma is waydiiysay waxa soomaalinimada qeexaya? Tusaale ahaan
qofka faransiiska ah ee diinta Islaamka soo galaa miyuu noqonayaaSoomaali?
Qabiilka Oromada ee soomaalida deriska la ah ee muslimiinta ah dhaqan iyo
dhalasho ahaana is xigaan maxaa u diiday inay jinsiyadda Soomaalinimada
qaataan?

Maah-maah soomaaliyeed ayaa odhanaysa “Baqal fardo la daaqday faras ayay is
moodaa”, Soomaalida maanta oo wadamada carbeed si cad ugu muujiyeen inayna ab
iyo isir wadaagin hadana waxaad moodaa in xaqiiqada ay iska indha tirayaan oo
khuraafaadkii lagu anqariyay yaraantoodii ku soo maaxanayo maskaxda
wadaadkooda iyo waranlahoodaba kaasoo xaqiiqada jirta ka indha saabaya.

Diintu waa shay aaminaad ah oo isku xira qofka iyo awoodda sare ee uu aaminsan
yahay oo kaliya, waana wax la bedeli karo xilligii la doona oo ku xiran
go’aanka qofka, Soomaali way jiri jirtay islaamka kahor wayna jirdoontaa
“soomaaliya soomaali baa leh”.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...