Soomaalidii hore

W axa ay soomaalida qaarkood sheegaan in ay soomaalidii hore ahaayeen dad
doodaha iyo xubinta hadalka hela oo garaha iyo arrimaha geed hoostiis ku
dhammaysta, laakiin ay ummaddu gadaal ka soo xumaadeen. Sidaas in ay ahaan
jirtey shaki weyn baa ku jira oo in ay dadka wax u kordheen mooyi ee wax in ay
ka lumeen i la ma aha. Anigu waxa aan ahay reer miyi, baadiyahana in sidii ay
dadku ahaan jireen ay wax weyni iska beddeleen u malayn maayo. Bal i la eega
sida ay soomaalida oo dhammi u doodaan tusaale ku saabsan. Metelan saddex nin
baa isu yimid, mid baana yiri;
“Soomaalidu waxa ay u baahan yihiin in ay nabad helaan, ka dibna aqoonta
xoogga la saaro si dadka wacyigooda kor loogu qaado”.Mid labaad baa la soo
boodey;
“Maxaannu kaa la hadlaynaa qaad/jaad ayaad cuntaaye? Midda kale gabadhaada
gabdhaha ugu weyni suuqa ayey ku jirtaa oo niman baa iska wadwata”.
Midkii hore ayaa hadalkii ku soo laabtay oo yiri
“Aniga iyo qoyskayga ha ka hadlin ee arrinta aynu ka doodayney hadalkaaga ku
koob oo mawduuca ha ka bixin!”.
Midkii saddexaad baa hadalkii soo galay isaga oo kaas u jawaabaya, waxa uuna
yiri;
“Waa runtiis ee qaadka iska daa, midda kale gabadhaada cesho! Ninkani waa uu
kuu nasteexeeyey”.
Midkii doodda soomaalida ku saabsan bilaabay xoogaa xanaaq ah baa wajigiisa
laga dareemay, waxa uuna yiri;
”Nimanyohow shakhsiyaddayda iyo carruurtayda maxaa idin ka galay maad ka
dooddaan arrinta guud oo ina wada khusaysa?”.
Labadii kale mid ka mid ah baa la soo boodey
”Alla muxuu Ilaahay i noo nimceeyey! Mar kasta oo aan taraawiix tukado ajarka
ka sokow caafimaad baan dareemaa”.
Mid kale ayaa isaga oo in uu jawaabaya isu arka yiri;
”Mid walaalkay ahi waa uu labaystay, aniguna naagtii hore ayaan weli ku koob
nahay”.
Midkii arrimaha soomaalida ka dooday maskax wareer buu dareemay, waxaana isaga
oo sida uu hadalku u ka la daatay ka xun su’aal weydiiyey mid kale oo yiri;
”Waryaa bal noo warran adiga ayaa idaacadaha gaalada dhegaystee!”.
Waxa uu damcay in uu jawaabo, laakiin nasiib darro midkii su’aasha weydiiyey
waa uu iska dhaqaaqay isaga oo aan is ogeyn in uu nin wax weydiiyey. Waxa uu
sii socdey meel toban tillaabo jirta.
Tusaalahaas waxa aan u soo qaatay sida ay soomaalidu u doodaan iyo sida ay u
sheekaystaan. Kow qofka soomaaliyeed ma uu fahmi karo in uu isku koobo waxa ay
doodda ama sheekadu ku saabsan tahay. Labo markii arrin guud laga hadlayo
iyaga ayaa is caaya oo qofku waxa uu dabaashaa qofka uu la hadlayo
duruufihiisa iyo arrimaha u gaarka ah. Saddex xusuusta qofka soomaaliyeed uu
wax isku xiraa aad bay u liidataa oo waxaa laga yaabaa inta uu su’aal keeno
markii loo jawaabi lahaa in uu tago ama uu sheeko saddexaad oo hor leh furo.
Meesha waxaa ku jirta in ay soomaalida cawaannimo ku jirto oo aysan degganayn,
hadalna wadaagi karin. Marka ay sheekaysayaan ixtiraam isu ma hayaan oo qofka
soomaaliga ahi ma uu awoodo in qofka uu la hadlayaa uu ka nabad galo. Xadka ay
shakhsiyaadku ka la leeyihiin oo dhan baa dunsan dhaqanka soomaalida. Rabbi
jannada waxa ugu muhiimsan oo uu ka sheegay waa in ay dadka joogaa is
xushmeeyaan, oo aysan hadallo laqwi ah ku haasaawin. Xushmadda waxaa ugu weyn
in aad qofka ku la hadlaya dhegaysatid, ka dibna aad hadalkiisa tixraacdid ee
aadan meel kale u boodin.
Shirarkii dibuheshiisiinta ee soomaalida qaar baa labo sano socdey, wax kalena
ma aha sababtu ee soomaalidu waysan hadli aqoon. Waa been in ay soomaalidu dad
hadal nuxur leh ku dooda ahaan jireen, ee waxaa run ah in ay jiri jireen
qofqof maansooda. Taariikh been ah yaan lagu faanin meesha dad ku ma haynee!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida