Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Soomaalida iyo isku-rumaynta

W/Q: Gallad Gurxan
Aragtiyo 0
16.0k
·

10/17/2019

Soomaalida iyo isku-rumaynta

Alfred Mutua oo ahaa afhayeenka dawladda Kenya xilliyadii 2004 illaa 2012 ayaa
waxaa halqabsi u ahayd oo uu ku furan jiray hadalkiisa marka uu saxaafadda la
hadlayo oo uu ku hadlayo magaca dawladda, oraah ahayd sidatan; “ Najivunia
kwa Mkenya
” oo macnaheedu yahay “Waan ku faanayaa kiiniyaanimada”.
Ujeedkiisu waxa uu ahaa in quluubta iyo dareenka hoose ee dadka Kiiniyaanka
ahiba ay degto isla-weynida ay iskula weynyihiin Kiiniyaanimadda. Waxa laga
arkayo bulshaduna ay noqdaan wax ku salaysan ama kasoo burqanaya macnaha
oraahdaasi.

Waxaa jira wax loo yaqaano “ Self-fulfilling Prophecy” taas oo noqonaysa
“isku-rumayn” oo ah in wax la odoroso, sida loo odorosayna ay u degto midka
ama kooxda laga odorosay quluubtooda illaa dhaqankiisu/dhaqankooda uu waafaqo
waxii lagu odorosay sidaasina ay ugu rumowdo wixii lagu sheegay markii hore.
Tusaale in qof ama koox dad ahi lagu sheego in ay yihiin kuwo dhib badan, mar
walba oo la arkana la yiraahdo kooxdiinu waa ay dhib badan tahay, waxaa hubaal
ah in ugu dambayn ay kooxdaasi noqonayso mid dhib badan waayo waxa lagu
sheegay ayaa saamaynaya dhaqankooda ugu dambayn waa ay ku rumoobaysaa wixii
lagu sheegay oo dhibka ahaa.

Haddii aynu Soomali nahay waxaan afkeena barnay in aan isku calaamadino in
aynu nahay bulsho xun. Dhagaheenu kama daalaan maqalka oraahda in aynu nahay
dad xun oo aan loo talin karin. Arrintani ayaa sababi karta in aynu isku
rumayno xumaanta oo aan ugu dambayn noqono bulsho wada xun. Haddaba aynu iska
dayno in aan isku sheegno in aynu dad xun nahay, taas badalkeedana waa in aan
ku faraxsanaanaa in aynu Soomaali nahay. Ku faan Soomaalinimada.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...