Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Soomaalida iyo Diinta Bariga dhexe.

W/Q: Ahmed suudi
Diimaha 0
5.5k
ยท

1/10/2022

Soomaalida iyo Diinta Bariga dhexe.

Soomaalidu waxay ka mid tahay isirrada dunida ugu fac weyn oo Geesta
Afrika ku nool. Dhawr boqol oo kun oo gu'aad ka hor ayaa aadmigii ugu
horreeyay ka faafay Geeska Afrika waxaa se ilbaxnimada aadmigu hanaqaadday
tobankii kun ee gu'aad ee u dambeeyay. Soomaalidu tobankaas kun ee gu'aad ayey
xiriir la soo yeelatay guud ahaantood isirrada dunida. Tusaale ahaan xiriirkii
ay la lahayd Masaaridii Hore shan kun oo gu'aad ka hor ayaa waxaa uu
sooyaallay in ka badan afar kun oo gu'aad. Waxay Soomaaliya ku magac dheerayd
"Dhulkii Gabayda." Wax lagu faano baa ka buuxa sooyaalka Soomaaliyeed, wax
laga yalaalugoodo se waa ay ku jiraan, siijireenka na lahaan doonaa.

Ilbaxnimadii waayihii hore, ka hor farsamada iyo aqoonta cusub, aqoonwadaaggii
aadmiga waxaa kaalin weyn ku lahaa badmaaxeyaal qaaradaha u kala goosha.
Qaabkaas ayaa dadka dega xeebaha u qaabbili jiray shisheeye waageeni ah oo ay
dadka gudaha sii jira haleelin. Halkaan waxaa ka dhalan jiray saamayn kala
duwan oo dhaqameed, diimeed, afeed, iwm. Sidaas ayaa qolo ba qolo u saan duwi
jirtay. Saamaysanuhu dookh ma lahayn badanaa, inta loo yimaado ayaa loo loogi
jiray isbeddel buuxa haddii isbeddelku dheehan yahay xumaan iyo waxyeello ama
uu ballaysimay wanaag iyo samaan inta ba. Arrintaan ayaa daaha ka rogaysa
waxyaalo badan oo Soomaalida ku saabsan oo laga gorfayn karaa waxa ka qaldan
iyo waxa u suubban ee ku aaddan baxdadii hore, joogtada maantoole iyo
timaaddada berritoole.

Iskaashigii Soomaaliya la yeelatay Turkigii, Shiinihii, Boortoqiiskii,
Hindidii, Baarshiyaankii, Carabtii, Yurubiyaankii iyo Afrikada kale ba, ayaa
waxaa ugu waayo dheera ama ugu saamayn ballaarnaa kii Carbeed. Kaas oo
hanaqaaday wixii ka dambeeyey faafkii diinta Islaamka. Waxaa loogu yeeri karaa
isbeddel Soomaali soo mara kii ugu weynaa maadaama uu gebi ahaan saan-duway oo
teer iyo maanta aawan yahay. Tusaale ahaan waxbarashada ugu horraysa ee
Soomaaligu la kowsado dugsi quraanka ayey ka bilaabataa, waxa uu kala kulmaa
maskax xal dheellitiran oo qaabeeyay aragtidiisa nolosha adduunka.
Isbeddelkaanu waxa uu saaqay wadnaha iyo dhiigwadeennada qofeed iyo bulsheed
ee dadka Soomaaliyeed. Meel kasta oo uu qof Soomaaliyeed ku nool yahay waxaa
hubaal ah in uu astaan Carbeed xambaarsan yahay oo mid Soomaaliyeed waa' hore
ka suulay. Waa culays tan weyn. Saamayntii Carbeed waxay ku sawiran tahay
tobanka qodob ee kala ah;

  1. Waa in Soomaaligu barto ereyo Carbeed si uu ula xiriiro eebbaha Carbeed ee
    Allah.

  2. In uu u lebbisto sida Carabta, qaato magac Carbeed oo si kasta isugu
    ekaysiiyo oo isugu dhoweeyo dadka Carbeed ee uu u afduuban yahay, u maskax
    doorsan yahay oo uu hoosyimaado asaga oo ku jira addoonsiga dunida maanta ugu
    daran ee maskaxeed.

  3. U sujuudo dhagax madoow oo Sucuudiga ku yaal inta nolosha ka dhimman, ma
    ayidi karo aragti kale, nolol kale, aqoon kale iyo adduun kale mid na.
    Soomaaligu ma rumayn karo qaab nololeed kale ama u noolaanshe Soomaalinnimo
    ahaaneed oo u janjeera dhalad-isirnimo iyo kaalinta-nasfadeed ee ku lammaan
    sugnaanta [maan, garasho, isqiimayn iyo geesinnimada] ay leedahay. Cabsida
    carruurnimo ee dugsi Quraanka ayaa mooroduugtay.

  4. Nacayb wixii Carabtu neceb tahay, gaar ahaan dalka iyo dadka Israa'iil oo
    ay Carabta xidid wadaag yihiin, asii cadaawad soojireen dhextaallay muddo
    dheer.

  5. Ku dhaqanka xeerarka Carabtii Saxaraha ee qarnigii lixaad ee la diimeeyay
    ee ay diinta Carbeed ku salaysan tahay, kaas oo la jaanqaadi waayey waayaha
    iyo waxa ay sidaan ee nolosha la halmaala, iyo qaaddacaadda ilbaxnimada dunidu
    taabsatay (maadaama ay Carabiya ka imaan).

  6. Dhallaanka oo maskaxda laga dilo si ay ugu hanuunsanaadaan maskax-xalkii
    dugsi Quraanka ee lagu beeray Carab-jacaylka ama dhalanteed iyo isdiiddooyin
    aan suurogali karin, dadka Soomaaliyeed na nolosha ku dhibay.

  7. Hab-dhaqan, hab-feker iyo hab-nololeed takooray Soomaalinnimada oo
    sarraysiiya Carabaysiga, kaas oo burburiyay garashadii iyo dareenkii
    waddannimo ee Soomaaliyeed.

8.) Diidmo hoosta ka xariiqaysa in la falanqeeyo diinta Carbeed oo runta laga
sheego, ayada oo kasmadu tusmayso laamo isdiiddan oo diintaas ka dhex unkay
is-gowrac, is-qarxin iyo ficillo kale oo aan Soomaaliyi ab iyo isir u lahayn.

  1. Qaabka Soomaalidu ugu talaxtagtay diinta Carbeed dunida ma jiraan qoon la
    mid ah oo sida ay ugu dheggan yihiin dhoy la'aan ka yaabisay Carabtii u
    keentay iyo dadka kale ee dunida ku nool, hayeeshee Soomaalidu qiil u raadisaa
    marka ay dareento in lagu dhaato.

  2. Soomaalinnimo waxay gebi ahaan, carruurnimo teer cirrool, ku saabsan tahay
    diinta Carbeed, nolosha oo dhan halkaan ayey ugu eg tahay oo dunida sidaas uga
    dhaadhaca, taas oo ku timid sida loogu nugul yahay wixii Bariga Dhexe ka soo
    burqa iyo cabsi xad-dhaaftay.

Idil ahaan qodobbada ayaa ku salaysan maskax-xal keli ah. Wax kale oo ay ku
dhisaalan yihiin haba yaraatee ma jiraan. Ma jiro Soomaali ilmogaleenka kala
soo baxay tobanka qodob mid ka mid ah. Waa se huboonto in uu iilka la beegsan
doono gunaanadka nolosha. Geeska Afrika ayaa sidaan u dhalanrogantay ka dib
markii ay dad Bariga Dhexe ka soo xawileen dhiganeyaal loogu talogalay
si'aynta ummadda geyigaan ku nool. Soomaaligii si kale u fekera oo iskiis
agaamisa qaab aragtiyeed wuxuu mudnaan doonaa dagaal ba'an, haa, waa
caadooyinka dadka gumaysi u qoolan. Dunida maanta qolo aan si kasta
[gobannimo] u fekeri karin oo sheegan karta madaxbannaani ma jirto sababta oo
ah waa gunnimada ugu liidata.

Soomaalidu waa isir ahaanshiheedu ku saabsan yahay minguurinta diin/dhaqan
shisheeyeed. Markaas lagama filan karo iniino waddaniyeed iyo garasho
hagaagsan in ay tiigsato. Lagama filan karo dheehashada isbeddelka waayaha
adduunyada iyo hirgelinta dhaqan xeeran jaanqaadka socodata wakhtiyeed.
Xaajadaan gurracan kuma koobna keli ah qufulane aan wax gala ama ka baxa
lahayn ee waa ummad maanku dhagaxoobay dhammaanteed. Maangaabnimadu na ma aha
aqoonyari keli ah ee waa feker-wadareed silloon oo ku lifaaqan iyo hab-dhaqan.

Suul-arag waxa uu arkaa keli ah inta suulku isha u jiro, soof-arag se waa
fogaan-arag. Suul-arag waa nagaan ku kalsoon barta uu saldhigtay, oo cabsi u
ba'ay, oo aan u fekeri karin si kale, oo saluugay wixii goofka yar ee uu ku
oodmay beri ka ah. Soof-arag waa geeddi u heellan wax wal oo dantu ku jirto si
uu nolosha ugu guulaysto. Dal kasta oo dunida ku yaal ayaa uunku saas u kala
qaybmaan. Qayb baa caqliga tashi la wadaagta qayb kale na ku xooggan ogaan
la'aan. Hubsiiso dhanka aad gacal la tahay.

Labada qaybood baa suul-araggu waxa uu oggol yahay carruur Soomaaliyeed oo
buugaag Bariga Dhexe laga keenay maskaxda looga xalay; marka ay warshadda
maskax-xalka (dugsiga) galaan maankoodu waa saafi noqon kara dhowaan-arag ama
fogaan-arag. Marka ay waaxda maandoorriga ka qalin-jebiyaan ayey, 1) haatan ku
hadlaan ereyo qalaad (Carabi), 2) waxay cabbeen Carabaysi buuxa oo gardheere
gebi ahaan mooggan qaabka dunidu u shaqeyso ku qufulay inta ay caqliyeysan ka
hor, 3) Soomaalinnimo iyo aqoonta dunida oo ay sedkooda ku dhacsan lahaayeen
ayey geesmareen. Buugaagta caynkaas wax u baseeyey guri kasta oo Soomaali ah
waa yaalaan oo ankee Soomaaliga miyiga ee wax akhrin karin wuu sitaa buug
afqalaad ku qoran oo uu rumayeeyey xaqiiq ahaan.

Godobta ka dhalata dhallaanta cabsida lagu barbaarshay qoys iyo qaran waa ay
dumisaa sababta oo ah waxay dishaa kalsoonida, taagta iyo curriska maanka.
Waxay deyrisaa aqoonta oo dhaawacdaa maanka dhan walba. Cabsidu hufnaanta
qofeed ayey la dirirtaa oo asaagga ka reebtaa, han iyo hodantinnimo ma leh,
waa tilmaan suul-araggu gooni u leeyahay. Waxyeellada ay leedahay awgeed ayaa
maanta dunida horumartay ka curiyey garasho leh carruur diin ha laga ilaaliyo
oo qofku marka uu qaangaaro iskiis ha u baaro oo ha qaato middii la roon.

Soof-araggu waxa uu ku dooday malaha sidaanu si ma aha. Malaha waxaan
dhallaanta lagu maandoorriyey in la xaqiijiyo run ama been ayaa mudan oo halka
ay ka yimaadeen, sida ay ku yimaadeen iyo waxa ay dheef leeyihiin oo la taaban
karo run laga sheego cabsi la'aan. Malaha sidii sheeko baraleey looga
dhursugayey ayey adduunyadii dhaaftay Soomaali oo waxaa gudboon gobannimo
maskaxeed iyo maanfur. Aragtida maanta, nolosha maanta, geesinnimada iyo
garashada maanta ayaa waxay qof iyo qoon dul hagoogaan su'aasha ah; ma suul-
arag baad tihiin mise soof-arag? Jawaabtu su'aasha qofkii yaqaan baa ay u
taallaa.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...