Soofaynta maskaxda bulshada soomaalida

M uhiim ma tahay inaan fekerno bulsho ahaan iyo shakhsi ahaanba? Haddii
aan fekerka iska dayno sida xoolaha u noolaano soo nafis iyo nasteexo maaha?
Waxaa hubaal ah in suaalahaas dadka badankooda jawaab “HAA” ah bixin doonaan
waayo bulsho kasta waa inay fekertaa si ay u noolaato. Haddii aan maanta
caagad shanlay caano ah suuqa geeyo oo 5 galaan midba siiyo 8 kun oo shillin
iyo haddii aan Masaajidka Cali Mataan u guureeyo salaadda subax oo digriga
halkaas ka wado maxaa farqiya oo noloshayda ku imanaya? Hagaag, waan hubaa in
qofka masjidka fadhiistay lacagta kaliya ee soo gali kartaa tahay tuugsi iyo
sadaqo, halka qofkaas caanaha suuqa la meerayay uu nafsad ahaan ku
qanacsanyahay go´aan qaadasho fiican inuu sameeyay oo isagu soo shaqaystay
shilimaadka uu helay. Waa tusaale tani, ujeedkuna waxuu yahay in qofku mar
walba is waydiiyo Sabab? Maxay? Sidee? Goorma?. Waxaan uga jeedaa haddii aan
ku noqdo tusaalaha caanaha maxaa laga faaidayaa iibkooda? goorma ayay
habboontahay iibkoodu? Sideen u iibiyaa miyaan la fadhiistaa mise waan la
wareegaa aniga oo “caano- caano-caano” leh! Halkee ayaan geeyaa ma suuqa wayn
mise dukaamada ayaan ka gadaa? Waxaas oo suaalo basiid ah ayaa nolosha macno u
yeela ee meeshan la iswaydiin maayo buuro iyo samada oo sallaan la’aan lagu
koro.
Dhinacyo badan ayaa la rabaa inaan ka fekerno; dhaqaale, dawladoobid, maamul
wanaag, Ixtiraamka dadka, caafimaadka, wadanka oo la casriyeeyo, waxbarashada
oo la xoojiyo, waxsoosaarka oo la dhiirrigaliyo, akhriska iyo Falsafadda oo
Iskuullada lagu dhigto, wadaniyadda iyo danta guud oo laga shaqeeyo. Kow qofku
waa inuu ogaado inuu xaq u leeyahay inuu nolol fiican ku noolaado isaga oo aan
wakhtigiisa ku lumin maalaayacni iyo xaglo-laabasho qaddar ah ee uu la
xisaabtamo noloshiisa wixii ka qaldamana saxo, wixii u hagaagana isu
hambalyeeyo ama hambalyayso. Qofka soomaaliga ah ee moodaya in digri iyo
burdayn wax lagu helo ha ka baxo riyada iyo ismaaweelinta dhalanteedka ah. Ha
ogaado in masuuliyad ka saarantahay ubadkiisa oo haddii uu afar dhalay ay
tahay inuu caafimaadkooda, waxbarashadooda, arradkooda, damiirkooda,
fekerkooda u diyaarinta iskufilnaashaha mustaqbalka iyo ku barbaarinta
wanaagga, ixtiraamka, wada noolaanshaha, ilbaxnimada, iyo waxkasta oo uu
ubadku ubaahanyihiin isagu ka masuulyahay ee aanay ahayn wax shaqaale meel
taagan hore ugu qoray. Tan qofka aamina in Ilaahay u qoray qof walba wixii uu
quudan lahaa waa xummad-jabin lagaga gabanayo masuuliyad, waayo haddii ay run
ahaan lahayd qof walba akoonka lacagta loogu qoray ayuu meel uu ku ogyahay u
doonan lahaa se waa marin habaabin aan la macnayn karin ujeedkeeda gurracan.
Qofka Soomaaliga ah ee la nacsiinayo adduunyadan ha ogaado inuu nasiib badan
yahay oo uu ka abuurmay isbarmatosiyaad malyuumaad ah oo uxgaanta hooyada ku
legdamay. Waa inuu ogaadaa ama maanka ku hayaa in dadkiisa iyo dalkiisuba ay
isaga u baahanyihiin haddii ay noqoto dhakhtarnimo caafimaad, macalimiin
tacliinta habboon ku barbaariya ubadka, Saynisyahano bidhaamiya xaqiiqooyinka
nolosha, faylasuufyo iyo mufakiriin abuura waydiimo ka sifeeya dadka haraadiga
sheeko xariirooyinka quruumihii hore, ciidan waardiyeeya dalka, farsamayaqaano
waddooyin iyo fooqaq dhaadheer taaga, iyo madax qabyaalad diid ah oo siyaasad
huffan oo adduunyo jacayl ah ku hoggaamiya wadankood. Soomaali haddaan nahay
waa inaan diidnaa inaan noqonno dad caafimaadkoodu hooseeyo, musuq badan,
akhriska neceb oo dunida ka xidhxidhan, baryootan badan, caadifad badan,
Qabwayni jaahilnimo leh, aragti yar oo aan dood iyo kala duwanaasho aqbali
karin, qabyaaliya iyo quuste nolosha naca dabadeedna qaraxyo ismiidaamin ah ku
qudhbaxa. Wax kasta oo aad aragto ama laguu sheego waa inaad suaal godan
galisaa, ilaa dhayda laga caddeeyana aanad ka hadhin ama ku qanac ama tuur
markaas ka dib.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida