Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Sidee u fikiraa Shaqsiga Wahaabiga ah ?

W/Q: Ahmed Suudi
Aragtiyo 1
13.8k
·

10/8/2021

Sidee u fikiraa Shaqsiga Wahaabiga ah ?

Qof kasta oo lagu tallaalo fikirka qaldan ee argagixisada wahaabiyada iyadoo
looga dhigayo Diintii saxda ahayd waxaa ku dhalanaya naftiisa isbedel
aragtiyeed,waxaana ka mid ah isbedelladaas kuwan soo socda:

1.Isla-toosnaan, wuxuu isu arkaa inuu yahay ka dadka ugu qumman ee ugu toosan
sidaas darteedna ma aqbalayo wada-hadal ku saabsan aaminaaddiisa, qofkii isku
daya inuu u caqli celiyo, wuxuu ugu jawaabi hadalo horay maskaxdiisa loogu
biroogiraamiyay kuwaasoo ay ka mid yihiin: “Diintu caqli ma’aha, caqlaani baad
tahay” isagoo aasaya garaadka Ilaahay kaga fadilay aadamaha uunka intiisa
kale.

2.wuxuu isu arkayaa isaga iyo kooxdiisu inay yihiin kuwo kaliya ee Ilaahay
yaqaana caalamkan inta ku nool.

3. Bulshada inteeda kale – taniyo waalidiintii dhalay- wuxuu u arkayaa inay
yihiin ahlu-dalaal baadi cad ku sugan ahna mushrikiin ka leexday Manhajka
Ilaahay.

4. wuxuu isu qaadanayaa inuu isagu wakiil Ilaahay uga yahay diinta iyo dadka,
islamarkaana masuul ka yahay hirgalinta manhaka Rabbi.

5.wuxuu u arkayaa bulshada aragtidiisa aan haysan ee macaaradsan inay yihiin
cadawga Ilaahay iyo Rasuulkiisa, ayna waajib ku tahay inuu ladagaallamo/la
jihaado cadawga Ilaahay iyo Rasuulkiisa.

6. waxaa qalbigiisa ku dhalanaya kolkaas Cuqdad iyo colaad wayn taasoo uu u
qabo bulshada uu la nool yahay isagoo u arka cuqdadan iyo colaaddan inay tahay
Ilaahay dartii ( fii sabiilillaah) ajarna ku helaayo.

7. kaddib wuxuu ku kacayaa inuu jaro xidhiidhkii bulshada, wuxuuna ugu
horraynba goynayaa xidhiidhintii qaraabada, gacalka, jaarka, tolka, macaarifta
iyo guud ahaanba aadamaha. sidaas darteed, wuxuu ka soo hojeedsanayaa oo uu
diidayaa wax u tarka iyo wanaag ugu fikirka aadamaha.

8. wuxuu ku tallaabsanayaa dadka aan aragtidiisa aaminsanayn inuu u gaysto
dhammaan noocyada xadgudubka, sida inuu ka saaro diinta, taasoo uga dhigan
wadada uu u marayo daadinta dhiigooda iyo dhaca maalkooda isagoo aamin inay
Ilaahy u xalaaleey xagiisana ugu dhawaanayo.

9. intaas dabadeed, wuxuu isu diyaarinayaa Jihaad isagoo ka damacsan labo
arrimood; midda koowaad inuu qaniimaysto hantidooda addoonsadana dumarkooda si
uu u buuxiyo baahiyihiisa dhanka caloosha iyo farjiga.

Wuxuuna ku biirayaa mid ka mid ah ururada wahaabiyada ee argagixisada ah sida
Alshabab, Daacish, boko xaraam iwm. Midda labaadna inuu ku janno tago
dhiigooda sida ay ugu fatwoodaan culimada wahaabiyiinta xubnaha ururadooda
hubaysan iyagoo ku dhaha: haddaad adduunyo rabto Jihaadka u kac, haddaad janno
rabtana Jihaadka u kac.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...