Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Sida aad doonto u feker, laakiin sidooda oo kale u dhaqan

W/Q: Aadan Cali
Falsafad 0
6.6k
·

11/10/2018

Sida aad doonto u feker, laakiin sidooda oo kale u dhaqan

D hamaadkii qarnigii Lix iyo tobnaad, waxa ka dilaacay talyaaniga
dhaqdhaqaaq xooggan oo ka soo hor jeeday dedaaladii Dib-u-habayntii diinta
kiristaanka ee Borotestanku hoggaaminayeen. Dhaqdhaqaayadan is bedel diidka ah
ee ka imanyey kiniisada waxaa ka qayb ahaa isku day la damacsanaa in
xidididaha loogu siibo murtadiinta iyo dadkii ay markaa kiniisadu u arkaysey
in ay diinta ka beexeen bidcona ku dhaceen.

Dhibanayaashii dhaqdhaqaaqan waxa ka mid ahaa Saynis yahankii weynaa ee
Galileo, Balse waxa jiray isla waqtigaa mufakir weynaa oo dhibka Galileo mid
ka daran la markiyay, waana qisiiskii iyo faylasuufkii weynaa ee Tommaso
Campanella, waxa aanu ahaa mid aaminsan aragtida maadiga ah ( materialist) ee
faylasuufkii Roomanka ahaa ee Epicurus, Campanella ma ahayn mid rumaysan
mucjisooyinka, janadda iyo naarta midna. Waxaana odhaahihiisii ka mid ahaa ”
Kiniisaddu khuraafdkan faafintooda waxa ay uga gol leedahay in ay ku
xamakamayso caamada, waayo caamadu badanaa waa dad cabsidu waxa ay tahay
yaqaan”. Fikradahan oo kale waxa ay xisaabsanaayeen ‘Alle koodnimo’ iyo diin
ka bax, sidaa darteed sanadku markuu ahaa 1593’dii Campanella waxaa loo
taxaabay jeelka.

Lix sanaddood ka bacdi Campanella waxa loo masaafuriyay (Naples), koonfurtii
talyaanigana xilliggaa waxaa xukumayey Isbaanishka, Campanella kolkaas waxuu
qayb ka noqday isku day la doonayey in Isbaanishka lagu afganbiyo, danta
Campanella ka lahaa ka qayb qaadashada kacdoonkuna waxa ay ahayd inuu doonayey
aas’aasida jamhuuriyad isagu ka taliyo aragtiyihiisana lagu maamulo. Nasiib
daro se isku daygii waa uu fashilmay, Campanella’na kol labaad baa jeelka loo
taxaabay, markan se waxa la marsiiyay ciqaabo iyo jidhdil aan la malayn karin.

Campanella isaga oo dhibkan dhexda uga jirta ayaa uu arin muhiim ah
garwaaqsaday, waxaanu beddelay qorshihiisii hore, si uu nolloshiisa u
badbaadiyo waxa uu goostay in aanu isla soo taagin aragtihiisa, waxa aanu iska
dhigay ruux aan maankiisu dhamayn oo waalan, waxaanu ku dedaalay in uu, u
tusiyo kuwii jidh-dilayey in waxan uu ku hadlayey ba ay ahaayeen hadaaq wareer
maskaxeed ka keenayey, walow aanay markii horeba rumaysan, haddana waxa ay
kolkii danbe ku qanceen in Campanella yahay ruux aan xiskiisu dhamayn,
sidaasna waxa lagaga sii daayey jeelkii, waxaa uu se mudo afar sano ah ku
xidhnaa gidaar dhulka hoostiisa ah, walow aanu hadda fikradihiisii hadda sidii
hore u dhigin, haddana waxa uu sii watay wax qoristii, waxa aanu qoray buug
boqaradii isbaanishka ugu baaqayey in ay yihiin madaxda adduunkan oo dhan,
waxa aanu buuggiisa ku qoray wax aad uga soo horjeeda wax kasta oo uu
Isbaanishka ka aaminsanaa, isku daygiisan uu ku muujinayey inuu aragtiyihiisii
hore dib uga soo laabtay way hirgaleen, mudo lix sano ah ka dibna, Popkii waxa
uu is tusay in Campanella si buuxda u toobad keenay xoriyad buuxda na waa la
siiyay.

Markii uu xorriyaddiisii dib u helay ba Campanella waxa uu qoray buuggii caan
ka baxay ee “Atheism Conquered’, ama “burburinta dooddaha Alle koodka”,
buuggana waxa uu aad ugu weeraray dadkii mufakriinta ahaa waxa uuna buuggu u
qoray qaab dood ah, waxa aanu soo qaadanayey su’aallaha mufakiriinta si uu uga
bixiyo jawaaabo diimaysan oo tusinaya xikmadda iyo wanaaga diinta Kiristaanka.

Dooddaha uu afka ugu ridayey Campanella mufakriintu waxa ay ahaayeen kuwo aan
hore loo arag sidii ugu haboonayd na loo soo bandhigay, isaga oo isu muujinya
mid u soo bandhigaya dhankooda si uu ugu jawaabo uun, haddana Campanella waxa
uu ku guulaysatay in uu si aan hore loo arag u soo bandhigo dooddii
mufakiriinta. Dooddaha dhanka mufakiriinta ka imanayaa waxa ay ahaayeen kuwo
habaysan oo habqancin toolmoon leh, halka kuwa kiristaanku ka ahaayeen kuwo
dhaadheer oo aan nuxur badan se lahayn.

Kiristaankii buugga akhriyey aad ayay u dhibsadeen ma aysan odhan karayn
Campanella waa uu kufriyay waayo dooddahan uu diinta ku difaacayey waa kuwa ay
iyaguba isticmaalaan. Buuggii Campanellana waxa uu noqday markii danbe
baybalkii mufakiriinta.

Sida qisadan ka muuqata haddii aad isu dhigto in aad waayaha la dirirto, unna
istaagto oogista fikraddahaaga aan caadiga ahayn. Dadku waxa ay kuu malayn
doonaan dareen raadis in aad tahay, iyagana aad yasayso, waxa ayna raadin
doonaan qaabka kasta oo ay kuu ciqaabi karaan. Kolkaas waxa habboon in aanad
bulshada isku taagin aragtiyahaagana aad la wadaagto asxaabtaada dusha u leh
qiimahoodana garan kara uun. “Inta yar la fikir ahaw, balse ku haddal afka
bulshada”.

Sidoo kale waa khatar in aad isku daydo in aad bulshada idilkeed waajahdo;
sidan waxa samayn karay uun Socrates.
Bulsho waliba khilaafida caadaadkeeda iyo aaminaadaheeda waxay u aragtaa
weerar, waayo waxa aad canbaaraynaysaa ahaanshahoodii.

Waxaa hubaal ah in badan oo aragtiyaha bulshada ka mid ah, aanay hadda wax
xadhiidha la lahayn ujeedooyinkoodii asalka ahaa, ayse noqdeen keligood
noolayaal muqadasaad ka ka mid ah sidaas na lamataabtaanka ku noqdeen, dadka
markaas isku daya in ay aragtiyaahaas la diriraan oo ay gurtaan midhaha
aragtiyo aan weli bulshudu u bislaan i, way is galaaftaan uun, mana jirto wax
faa’iido ah oo ku jirta in aad soo bandhigto aragtiyaahaaga halista ah, haddii
aad ku halaagsmay hilbahaagana lagu xalaashanayo. Naf hurnimada dani kuma
jirto, adiguna nebi Eebbe ma ahid, mana jirto abaal aad sugayso ka dib
dhimashadaada, waxa keliya ee aad haysataana waa noloshan adduun.

Ugu danbayntii waxa jira dad arinkan u arka fulaynimo iyo doqoniimo is
biirsaday, una ooman soo bandhigida aragtiyahooda togan, si ay muujiyaan
sarayntooda, in kasta oo dooddahoodu qanciyaan in yar oo dadka ka mid ah,
haddana inta badan waa ay ka cadhaysiiyaan, sababta aanay doodduhu dadka uga
daadegin na waa in dadka badan koodu aanay aminaaddooda aad ba uga fikirin,
waxa se jira dareen caadifadeed xoogan oo aaminaaddooda kala dhexeeya, mana
jecla dadku in ay waxa ka bedelaan hab-fikirkoodii hore, mar kasta ood aad
dareenkooda carisona aad bay kuugu cadhoon doonaan, dhibka ugu yar ee kaasoo
gaadhi karaana waa in lagu faquuqo, haddii aad doonayso in aad saamayn
bulshada ku yeelatana waa in aad bulshada ku dhex jirtaa.

Tix: Xeerka 38’aad ee buugga 48 laws of power.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...