Shimbiri Hal Baal Kuma Haaddo

"Haweenow waad noqon kartaan hooyo, abbaayo, afo iyo saaxiibad, laakiin
marna ha yeelina in aad noqotaan adeegto iyo lucbad ay raggu ku ciyaaraan.
Maxaa yeelay, raggu waxba idinma dheera ...Noqda bani'aadam jira, hana ku
qancina in aad noqotaan dumar xiran maryo birbirqaya, timo la firay, gibil
la dhalaaliyey, iyo luqun dahab iyo luul lagu hilay."~ Salama Muusa (1887-1957).
Qarniyadii 18-aad iyo 19-aad dadka reer Galbeedka ah ee dunida islaamka
yimaada waxa ugu horreeya ee ishoodu qabato waxa uu ahaa sida labka iyo
dheddigu ay soohdinta u kala leeyihiin. Dhanka kalena, Muslimiinta faro ku
tiriska ah ee booqda waddamada Yurub, waxa ugu horreeya ee ay la yaabaan waxa
uu ahaa sida ragga iyo haweenku ay isu dhex yaacayaan.
Ragga reer galbeedka ah ee booqda Bariga Dhexe waxay ka hadli jireen rag
faajiriin ah oo mid kasta tiro haween ahi ay guri ugu xeraysan yihiin(1).
Dhanka kalena, ragga reer bariga ah ee Yurub tagaa waxay ka warrami jireen
haween faasiqiin ah oo ka awood badan raggooda aan masayrka lagu ogayn.
Waxaana la isweydiiyey: Maxaa la filayaa in uu dhaco kolka ay kulmaan faajirka
bariga iyo faasiqadda galbeedku oo aan ka ahayn in ay bardoodamaan?!(2).
Maadaama Turkigu uu u dhow yahay Yurub, muslimiintii ugu horreeyey ee Yurub
tagay waxay ahaayeen Turki. Turkidaasina waxyaabihii tirada badnaa ee ay la
yaabi jireen waxaa ka mid ahaa sida ragga iyo haweenku ay isugu laban
yihiin(3). Tusaale ahaan, dabshidkii 1720-kii, dowladdii Cusmaanidu waxay
dalka Faransiiska u dirtay danjirihii ugu horreeyey ee Muslim ah ee dalkaas
taga. Danjirahaas waxaa la oran jirey Maxamed Jalabi Efendi (1670-1732).
Danjiruhu dabshidkii dambe waxa uu diyaariyey warbixin uu u bixiyey “Buugga
Safaaraddii Faransiiska /سفارة نامة فرنسا”. Laakiin goor danbe buugga waxaa
loo tarjumay afaf uu ka mid yahay Carabigu, waxaana loo bixiyey “Jannada
Haweenka iyo Gaalada /جنة النساء والكافرين".
Safiirku warbixintiisa arrimo badan oo dhaqan-dhaqaale buu uga hadlay. Sida
muuqatana dhan wuxuu la dhacsanaa horumarka Faransiisku uu ku tillaabsaday,
dhanka kalena wuxuu ka xumaa dib-u-dhaca Muslimiinta haysta. Waxyaabaha
safiirku uu warbixintiisa uga hadlay badankoodu waxay ahaayeen wax ku cusub oo
ka geddisan wixii uu ku arki jirey dhulka khilaafada Cusmaanida. Tusaale
ahaan, mar uu faallo ka bixiyey kala duwanaanta Turkidii Cusmaanida iyo
Faransiiska, wuxuu yiri:
“Cusmaanigu wuxuu socdaa isaga oo dumarku ay ka danbeeyaan, Faransigase
dumarkaa ka hor mara. Cusmaanigu goorta uu guriga galo wuxuu iska siibaa
kabaha, halka Faransigu uu koofiyadda iska saaro. Cusmaanigu wuxuu xiirtaa
timaha madaxa wuxuuna deystaa garka, laakiin Faransigu garka ayuu xiirtaa
madaxana waa la haraa… Faransigu waa Cusmaani madaxa ku taagan!"
Danjiruhu si gaar ah wuxuu u la yaabay xorriyadda haweenka Faransiiska iyo
kaalinnada kala duwan ee ay nolosha kaga jiraan. Wuxuu sheegay in haweenka
Faransiisku aysan maqabiyado ahayn, raggana aysan ka xijaaban, xafladahana ay
tagaan, laamaha nolosha oo dhanna ay ka qayb qaataan. Wuxuu yiri:
“Faransiiska…haweenku waxa ay damcaan bay sameeyaan, meeshii ay doonaanna waa
aadaan…Sidaa awgeed, Faransiisku waa jannada haweenka.” Intaa wuxuu sii
raaciyey, in uu isbarbardhig ku sameeyey labada caasimadood ee Baariis iyo
Istaanbuul, wuxuuna qoray: Baariis kama weyna Istaanbuul, laakiin dadka
waddooyinkeeda dhooban baa waxay u muujiyaan sidii in ay ka weyn tahay. Taana
waxaa ugu wacan, in haweenka Faransiisku aysan kari karin in ay aqallada ku
jiraan, ee ay u baxaan si ay uga qaybqaataan beeca iyo shiraha suuqa ka socda,
halka Istanbuul jidadka iyo suuqyadu ay ragga u gaar yihiin.
Danjirayaashii kale ee dowladdii Cusmaanidu ay Faransiiska u dirtay waxaa ka
mid ahaa labo nin oo lagu kala magacaabi jirey Muxib Efendi iyo Waxiid Efendi
oo Baariis joogay sanooyinkii u dhaxeeyey 1806-1811. Sidii caadada safaaraduhu
ay ahaayeen labada safiir mid waliba wuxuu qoray warbixin uu uga warramay
waxii uu la kulmay intii uu danjiraha ahaa iyo talooyinka uu siinayo
dowladdiisa. Labaduba warbixintooda waxay faallo kaga bixiyeen haweenka
Faransiiska, gaar ahaan kuwa magaalada Baariis.Tusaale ahaan, Muxib Efendi
wuxuu qoray: "ragga iyo haweenka Nasaarudu si xor ah bay u wada madadaashaan."
Waxiid Efendi isaguna wuxuu yiri:
"Waxaan ka qayb-galay xaflad ay lahaayeen dad yuribiyaan ahi, waxaa joogay
dumar badan. Dumarku waxay hor fadhiyeen miisaska raashinku uu saaran yahay,
ragguna gadaashooda ayay fadhiyeen iyaga oo u eegaya sida xayawaan baahan inta
ay raashinka cunayaan. Haddii ay u jiirnaxaan waxbay isaga tuuraan, haddii
kalena raggu gaajadooda ayay ku joogaan." Sida la qiyaasi karo sheekadaani run
ma aha, laakiin waxay ka tarjumaysaa is fahan la'aantii u dhaxaysay bariga iyo
galbeedka, oo qoloba tan kale ay dugaagga u arkaysay.
Dhanka kale, sannadkii 1826, dowladda Masar afartan wiil bay waxbarasho ugu
dirtay dalka Faransiiska. Wiilashaas ardayda ah waxaa lagu daray wadaad la
oran jirey Shiikh Rifaaca Raafic al-Tahtaawi (1801-1873), si uu salaadda u
tujiyo, una wacdiyo. Shiikh Tahtaawi wuxuu ahaa wadaad diinta ku bartay
jaamacadda As'har, laakiin aqoon iyo reer magaalnimo kale oo intaas
dhaafsiisan ma uusan lahayn, wuxuuse lahaa maanfurnaan dabiici ah oo uu ugu
kuurgalo wax allaale wixii dareemayaashiisa ku cusub.
Tahtaawi fagtii horeba wuxuu la yaabay agabka la isticmaalayo oo ay ka midka
yihiin kuraasta lagu fariisanayo, sariiraha lagu seexanayo iyo malgacadaha iyo
fargeetooyinka wax lagu cunayo oo intuba ay ku cusbaayeen. Waxyaabihii kale ee
faraha badnaa ee uu ku diimay waxaa ka mid ahaa haweenka Faransiiska iyo
gedahooda la yaabka leh.
Wadaadku wuxuu sheegay in markii ugu horraysay ee isaga iyo wiilashu ay galeen
maqaahi bunka lagu cabbo oo ku tiil magaalo xeebeedda Marseeliya ay ku
adkaatay in uu rumaysto in meeshu ay tahay dukaan bun lagu cabbo. Sababaha
ashqaraarka iyo u-qaadan-waaga ku ridayna waxay ahaayeen nadaafadda iyo
quruxda meesha ka muuqda, sawirradda derbiyada oo dhan ku sharraxan iyo weliba
in qof haween ahi ay maamulaysay, isla markaana ay afka ka joogeen dumar wada
ilwaad qurxooni.
Kolkii ay ka tageen magaalada Marseeliya ee ay Baariis gaareenna buuggiisa
xusuus qorka ah wuxuu ku qoray: "Dumarka tuulooyinka iyo magaalooyinka yaryari
waxay leeyihiin bilic dabiici ah oo u dhalasho iyo nadaafad ay ku hanteen,
laakiin kuwa Baariis baa is naashnaash badan." Intaa wuxuu sii raaciyey:
"Caadooyinka dumarka waddankaan waxaa ka mid ah in ay muujiyaan wejiga,
madaxa, luqunta, iyo waxa ka hooseeya, iyo qadaadka iyo waxa ka hooseeya, iyo
gacmaha ilaa garbaha laga gaarayo. Caadooyinkooda kale waxaa ka mid ah in
beeca iyo shirihu ay asal ahaan yihiin hawlaha haweenka, shaqooyinka kalese
ragga ayaa qabta, dukaammada, biibitooyinka iyo meelaha la midka ahna iyaga
iyo waxa ka buuxa ayaan u daawasho tegi jirnay."
Tahtaawi meel kale oo ka mid ah buuggiisa "Takhliis al-Ibriis" wuxuu ku
leeyahay: "Aalaaba dadku waxay wax iska weydiiyaan xaalka haweenka Faranjiga
iyo dhaqankooda ah in ay madaxa iyo meelo kaleba qaawiyaan, jawaabta oo
koobanna waa in dhowrsanaanta haweenku aysan ku xirnayn in ay xubnahooda
muujiyaan ama ay qariyaan, balse arrinku uu ku xiran yahay hadba tarbiyada la
siiyo samaan iyo xumaan." Hadalkaas oo macnihiisu yahay in xishoodka iyo
dhowrsanaanta dumarku aysan ku jirin qaabka ay maryaha u xirtaan, ee ay ku
jiraan garaadka ay u dhashaan iyo sida loo rabbeeyo.
Tahtaawi dabshidkii 1931 ayuu Masar dib ugu noqday isaga oo aan ahayn wadaad
xerow ah, balse ah waxgarad doonaya in uu ka qaybqaato horumarka dadkiisa iyo
dalkiisa. Bulshada reer Masar wuxuu ugu baaqay in ay hirgeliyaan mabaadida
caddaaladda, xorriyadda iyo sinnaanta -marka lagu daro sinnaanta ragga iyo
haweenka. Wuxuuna adeegsaday halkudheg oranaya "Waddanku ha noqdo meel aan
wadajir ugu liibaanno, aanna ku dhisno xorriyad, feker iyo farsamo /ليكن الوطن
محلا للسعادة المشتركة بيننا نبنيه بالحرية والفكر والمصنع".
Sannadkii 1941, wuxuu guursaday gabar abtigii dhalay, warqaddii heshiiska
guurkoodana (=warqadda nikaaxa) wuxuu ku qoray erayo nuxurkoodu uu yahay:
'Qofka erayadaan qoray oo ah Rifaaca Badawi Raafic inanta ay ilmo abtiga
yihiin ee sharafta badan oo uu dhalay Shiikh Maxamed al-Fargali al-Ansaari,
wuxuu u ballanqaadayaa in keligeed ay afo u noqonayso, dumar kalena uusan la
guursanayn, haweenay addoon ahna uusan yeelanayn, inta ay ballanta iyo
gacalada ku wada joogaan, gurigeeda iyo carruurteedana ay si wanaagsan u
dhaqanayso. Haddii ay dhacdo in uu haweenay kale guursadana waxay xaq u
yeelanaysaa in ay isla markiiba iska furto.' Erayadaas kooban ee warqadda lagu
qoray waxay abuureen qaylo badan, Tahtaawina waxay u soo jiideen in lagu
eedeeyo in uu ka tanaasulay xaq shareecada islaamku ay siisay iyo in uu dhaqan
xun horseed ka yahay (waagaan ragga inta awooddaa waxay qabeen xaasas ay
guursadeen iyo dumar addoon ah oo suuqa lagu kala iibsan jirey).
Sannadkii 1872kiina wuxuu soo saaray buug lagu magacaabo "Hagaha daacadda ah
ee waxbarashada gabdhaha iyo wiilasha /المرشد الأمين في تربية البنات والبنين".
Dulucda buugguna waa in wiilasha iyo gabdhaha labadaba wax la baro si ay u
noqdaan muwaadiniin wanaagsan oo garanaya xuquuqda ay leeyihiin iyo
waajibaadka saaran. Wuxuuna yiri: "Jarmalka in gabdhaha iyo wiilashu ay
iskuullada galaan waa waajib qaanuuni ah, Yurub oo idilna gabdhaha iyo
wiilashu waxbarashada waa u siman yihiin, taasina waa sirta ka danbaysa in
waddamadoodu ay hadda yihiin kuwa ugu awoodda badan."
Socdaalkii danjire Maxamed Jalabi Efendi uu Faransiiska ku tagay sannadkii
1721 iyo midkii Rifaaca Tahtaawi uu ku tagay sannadkii 1826, waxaa u dhaxeeyey
muddo hal qarni ah, laakiin muddadaas dhexdeeda Faransiiska waxaa ka dhacay
saddex kacdoon oo waaweyn, oo kala ah; kacaan xagga fekerka ah oo ah waxa loo
yaqaan 'maanfurka /enlightenment', kacaankii warshadaha oo ah markii la helay
tamarta uumiga oo qaabkii waxsoosaarka iyo xiriirradii waxsoosaarka si buuxda
u beddeshay iyo ugu danbayntii kacaan siyaasadeed oo nidaamkii boqortooyada ku
beddelay nidaam jamhuuri ah oo kaalin mug leh ka qaatay faafidda fikradaha
xorriyadda iyo xuquuqu insaanka -gudaha Faransiiska iyo debeddiisaba. Isla
xilligaan, muslimiinta Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika xooggoodu waxay ka
tirsanaayeen dowladdii Cusmaanida oo waayadaan loo bixiyey naynaasta "Ninka
jirran ee reer Yurub" (=the sick man of Europe /رجل أوربا المريض). Ninkaas oo
durba ku geeriyooday dagaalkii 1-aad ee adduunka.
Guud ahaan, markii la soo gaaray bartamihii qarnigii 19-aad, meelo ka mid ah
dunida islaamka waxaa ka taagnaa doodo ku saabsan sababaha keenay dib-u-dhaca
Muslimiinta haysta?
Doodahaas middood waxay sheegaysay in sababta ugu weyn ee dib-u-dhaca keentay
ay tahay in bulshada barkeed ay hawlgab yihiin. Barkaas oo laga waday
haweenka. Dhulalkii ugu horreeyey ee dooddaani ay ka bilaabatay waxay ahaayeen
Turkiga, Suuriya -(Suuriya iyo lubnaan oo dowladdii Cusmaanida hoos
imaanayey)- iyo dalka Masar.
Dalka Turkiga waxaa ka soo baxay aqoonyahanno badan oo ku doodaya in aysan
suurogal ahayn in aan horumar samayno inta haweenku iyaga oo aan aqoon lahayn
ay aqallada yuururaan. Aqoonyahannadii sidaa ku doodayna waxaa ka mid ahaa
abwaan la oran jirey Naamiq Kamaal.
Naamiq Kamaal (1840-1888) wuxuu ahaa gabyaa, qoraa iyo halgamaa. Turkidu waxay
ugu yeeraan naynaaso ay ka mid yihiin "Gabyaaga waddanka", "Gabyaaga
xorriyadda", "Rasuulka xorriyadda Turkiga" iyo qaar kale. Waxaa isku si loogu
tilmaamaa in uu yahay 'aabbaha islaamiyiinta Turkiga" iyo in uu yahay kan
turkida baray afkaarta reer Galbeedka. Taana waxa ugu wacan isaga oo afka
Turkiga u tarjumay qaar badan oo ka mid ah fikradihii aqoonyahannadii Yurub
-gaar ahaan kuwii Faransiiska- iyo isaga oo dadka ku waanin jirey in ay ku
mintidaan dhaqamada suubban ee Islaamka, una ololeyn jirey midaynta
Muslimiinta. Sidaa darteedna, waxaa isku si u jecel Turkida oo dhan -calmaani
iyo islaamiyiin labadaba. Erayada laga guntayna waxaa ka mid ah: "Xorriyaddu
waa deeq Eebbe uu bixiyo. Xaqa iyo waajibku ma aha in qofku uu noolaado oo
keliya, balse waa in uu xorriyad ku noolaadaa. Xorriyaddu waxay la mid tahay
hawada la neefsado iyo biyaha la cabbo. Ruux kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu
lahaado afkaartiisa iyo caqiidadiisa. Laakiin waxaa la gudboon in uu kala hufo
afkaartiisa iyo caqiidadiisa si uu uga haro xagjirnimada iyo khuraafaadka."
Carrabka iyo qalinkana wuxuu ku adkeeyey: Bulshadu xornimo ma sheegan kartaa,
iyada oo xubnaheeda oo dhammi aysan xor ahayn?
Naamiq wuxuu ka tirsanaa koox dhallinyaro waxbartay ah oo loo bixiyey
"Cusmaanida Cusub ama Cusmaanida Da'da Yar /The Young Ottomans".
Dhallinyaradaani waxay u ololayn jireen in la helo Turki aqoonsigooda iyo
islaamnimadooda ilaashada isla markaana casri ah, oo ummadaha galbeedka wax ka
barta laakiin aan ku milmin(4). Waxaana xusid mudan, in xilligaan Turkiga
-siiba magaalada Istanbuul- ay ka bilaabatay dood ku saabsan nooca uu yahay
xiriirka ka dhaxeeya diinta iyo cilmiga/sayniska. Barbaarta turkiduna waxay
akhrisan jireen dhigaallo uu ka mid yahay buugga uu qoray aqoonyahankii
Ingiriis-Maraykanka ahaa ee John William Draper ee cinwaankiisu yahay
"Taariikhda Khilaafka U Dhaxeeya Diinta iyo Cilmiga /History of the Conflict
Between Religion and Scien", oo sannadkii 1895 lagu daabacay magaalada
Istaanbuul isaga oo af Turki loo tarjumay.
Namiq Kaamil si gaar ah waxaa loogu xasuustaa kaalinkii uu ka qaatay u
halgamidda xuquuqda haweenka. Waxay la ahayd in jahliga iyo akhris-qorid
la'aantu ay mas'uul ka yihiin yasidda iyo duudsiga bulshadu ay haweenka kula
kacaan. Arrinkaas oo isaguna markiisa keena in bulshada ay u kacaan
dhallinyaro aan helin hooyooyin si wacan u barbaariya. Sidaa darteed, wuxuu ku
baaqay in dib-u-habayn lagu sameeyo nidaamka waxbarashada, si loo xoojiyo
gabdhaha dugsiyada dhigta, si gabdhuhu u helaan qaddarin iyo ixtiraam, suuqa
shaqada iyo horumarkana uga qayb-galaan, una guursadaan rag ay istikhyaarkooda
ku doorteen.
Wargeys uu tifaftire ka ahaa oo la oran jirey "Digniin /Ibret" ayuu wuxuu u
adeegsaday in uu bulshada ku baraarujiyo ahmiyadda ay leedahay in haweenku ay
helaan waxbarasho casri ah, iyo cawaaqib xumada ka dhalanaysa haddii haweenku
ay jahliga iyo aqoon la'aan ku sii jiraan.Tusaale ahaan maqaal uu qoray
sannadkii 1867, oo cinwaankiisu yahay "Waxbarashada Haweenka: Qoraal Qabyo Ah
/On the Education of Women: A Draft" wuxuu ku muujiyey hagrashada loo geysto
haweenka iyo kaalinka hoose ee ay uga jiraan nolosha bulshada, wuxuuna yiri:
"Soddonkii ama afartankii sano ee la soo dhaafay dumarku waa ka fariisteen in
ay ka qaybqaataan hawlaha guud, waxaana loo arkay sidii in ay yihiin wax lagu
raaxaysto oo keli ah, waxayna la mid noqdeen qalabka muusigga iyo luulka la
isku qurxiyo.. Marka laga reebo in ay ilmo dhalaan ma jirto waxtar kale oo ay
aadmiga u leeyihiin. Sida dhabta ahna, inkasta oo haweenku ay yihiin bulshada
barkeed haddana uma oggolaano in ay hawlaha ka qayb-qaataan, taasina waxay
keentay in bulshadu ay la mid noqoto sida ruux jirkiisa dhinac ka mid ah uu
qallal ku dhacay. Haweenku garaad ahaan iyo jir ahaan midna kagama liitaan
ragga. Gaar ahaan marka la ogaado in haweenaydu ay xilliyadii hore ragga kala
qayb-geli jirtey hawlaha oo dhan marka lagu daro dagaallada, haweenka
tuulooyinkuna waxay ka shaqeeyaan beeraha iyo ganacsiga ... Weydiinta meesha
ku jirtaana waxay tahay: Waa maxay sababta keentay in haweenayda sidaas loola
dhaqmo? Sababtu ma waxay tahay in ay xuquuqdeeda jaahil ka tahay
(=moogtahay)?".
Sidoo kale, Naamiq buuggiisa sheeko-fanaadka ah ee "Baraarug /Intibah" iyo
qoraallo kaleba wuxuu uga hadlay wax uu ugu yeeray addoonsiga dumarka, oo uu
ku tilmaamay in uu yahay kan ugu xun noocyada addoonsiga, waayo waa addoonsi
dadban, oo badiba aan lagu baraarugsanayn. Tusaale ahaan maqaal uu qoray
sannadkii 1872, oo cinwaankiisu Yahay "Qoyska /Aile", wuxuu sharraxaad kaga
bixiyey dib-u-dhaca haysta qoysaska Cusmaanida, iyo dulmiga iyo gacan ka
hadalka ka taagan aqallada dhexdooda. Wuxuuna ka warramay habraacyada ay
haweenaydu marto inta ay nooshahay oo dhan iyo qiyamka xukuma jiritaankeeda,
wuxuuna yiri:
"Haweenaydu marka ay lix jir ama toddob jir tahay weligeeda ayaa mas'uul ka ah
marashadeeda iyo quudinteeda. Kolka ay shan iyo toban jir ama lix iyo toban
jir gaarto weligu wuxuu ku wareejiyaa saygeeda, iyada oo aan la hubin in ay
xilkaas diyaar u tahay iyo in kale. Haweenayda oo lafteedu weli carruur ahi
waxay sidataa boombalo caruusad ah oo ay ku ciyaarto, guurkeeda ka dibse waxay
heshaa gabar. Sida boombalada caruusadda ahi ay ugu sugnaato meesha uu dhigo
qofka iska lihi ayuu noqdaa xaalka cunugta yari. Waxay ku qasban tahay in ay
guursato cidda waalidkeed uu u dooro."
Intaa ka dib Naamiq wuxuu la hadlayaa ragga gabdhaha guursanaya, oo uu ku
leeyahay:
"Adiga .. sayga ah! Maxaad afada guriga kuu joogto hawsha guriga oo dhan ugu
sii daysaa: waddamada kale [=galbeedka] waxaan ku aragnaa rag xaasaskooda u
arka in ay dhammaystir u yihiin, wax walba oo ay nolosha kala kulmaanna -dhib
iyo dheefba- la qaybsada."
Iyada oo kooban, Naamiq Kamaal iyo asxaabtii ay feker wadaagga ahaayeen waxay
rumaysnaayeen in aqoon la'aanta haweenku ay ka mid tahay sababaha keena in si
aayar-aayar ah ay u dumaan qoyska iyo qaranka labaduba. Taa awgeed, waxay
sameeyeen halkudheg oranaya: guusha iyo horumarku waxay ku xiran yihiin
"Gabadha Dibloomaha Sidata /Diplomalı Kız".
Dhallinyaradii Turkida ee Naamiq Kaamil uu saamaynta ku yeeshay waxaa ka mid
ahaa Mustafe Kamaal (1881-1935) oo gadaal danbe noqday madaxweynaha dalka
Turkiga, Turkiduna ay ugu yeeraan "Ataaturki /Aabbaha Turkida". Ataaturki
waxaa lagu qaddariyaa kaalinkii uu ka qaatay xorriyadda dalkaan oo dagaalkii
1-aad ee adduunka ay quwadihii reer Yurub cad-cad u kala goosteen, dad badan
oo Turki ahina waxay rumaysan yihiin in Ataaturki la'aantiis uusan maanta jiri
lahayn dal Turki la yiraahdo.
Ataaturki markii sannadkii 1923 uu noqday madaxweynaha JamhuuriyaddaTurkiga,
wuxuu kormeer ku gaalaa-bixiyey gobollada dalka oo dhan. Intii uu kormeerka ku
jireyna arrimaha ugu waaweyn ee uu dadka kala hadlayey waxaa ka mid ahaa wax
ka qabashada axwaasha haweenka, wuxuuna ku doodayey in dalku uusan hal baal ku
haadi karin, marar badanna wuxuu ku khudbeeyey: "Hawsha degdegga ah ee hadda
noo taallaa, waa in aan gaarno adduunka horumaray, adduunka horumarayna ma
gaari karno haddii bulshada barkeed oo keliya aan horumarinno."
Sannadkii 1926kiina dowladdu waxay ansaxisay qaanuun madani ah oo haweenka
siinaya xuquuq badan. Tusaale ahaan, qaanuunku haweenka wuxuu xaq u siinayaa
in ay iska furi karaan saygooda haddii wada noolaantu ay ku adkaato, sidoo
kale wuxuu simayaa markhaatiga labka iyo dheddiga, wuxuu kaloo simayaa
dhaxalka wiilasha iyo gabdhaha, wuxuu xadaynayaa da'da guurka, wuxuuna
mamnuucayaa in raggu ay dumar badan guursadaan. Xilligaas laga bilaabana
haweenka Turkidu kaalin muuqda bay ka qaataan nolosha dadweynaha.
Sida la wariyo, sannadkii 1923, habeen habeennada ka mid ah Madaxweyne Kamaal
Ataaturki wuxuu tagay guri ka mid ah guryaha filimaanta lagu dhigo oo ku yiil
magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga, si uu u daawado filin halkaas lagu soo
bandhigayey. Ataaturki markii uu gaaray aaggii uu ku yiil guriga filinka lagu
dhigayey waxaa isugu soo xoomay dad badan oo halkaas si xammaasad leh ugu soo
dhaweeyey, laakiin markii uu gudaha u galay daartii filinka lagu dhigayay,
waxaa u muuqday in dadka jooga oo dhammi ay yihiin rag soocan oo hal ruux oo
haween ahi aysan tarraxin. Kolkii uu dadka waraystayna waxaa loo sheegay in
haweenka muslimka ah aan loo oggolayn in ay yimaadaan meelaha filimaanta iyo
riwaayadaha lagu daawado oo is dhexgalka ragga iyo dumarku uu yahay arrin
dhaqanku uu diidayo.
Dabadeed, Ataaturki inta bannaanka u baxay ayuu haweenkii bannaaka joogay u
gacan haatiyey, markii ay isugu soo urureenna wuxuu u sheegay in ay filinka
fiirsan karaan haddii ay danaynayaan. Markii waagu baryeyna wuxuu soo saaray
wareegto mamnuucaysa in ragga iyo haweenka lagu kala farqiyo fagaarayaasha
dadweynaha ee shaneemooyinka iyo tiyaatarradu ay ka midka yihiin (4).
Sannadkii 1930-kiina dumarka Turkiga waxaa loo oggolaaday in ay ka qayb-qaadan
doorashooyinka, siiba doorashada dowladaha hoose. Sidaasna dumarka Turkidu
waxay ka mid noqdeen dumarka dunida kuwii ugu horreeyey ee xuquuq siyaasadeed
hela. Sidaas oo ay tahay, weli faannoole fari kama qodna, oo dumarka Turkidu
waxay ka cawdaan in ay dhinacyo badan ku dulman yihiin, xuquuqda qawaaniintu
siinaysana aysan si buuxda u helin.
Ugu danbayntii, sannadkii 2018, dowladda Tuunis waxay soo saartay go'aan
dhigaya in haweenka Tuunis ay xaq u leeyihiin in ay helaan dhaxal le'eg midka
ragga iyo in ay guursan karaan rag aan Muslimiin ahayn. Go'aanka xukuumadda
Tuunis waxaa taageertay hey'ada fatwada ee waddankaas oo daliishatay aayadda
quraanka ah ee oranaysa: "Waxay leeyihiin [=haweenku] wax la mid ah waxa lagu
leeyahay oo wanaag ah /ولهن مثل الذي عليهن بالمعروف". Laakiin, go'aankaas
waxaa dhaleecaysay hey'adda fatwada ee jaamacadda As'har oo iyaduna dhankeeda
cuskatay aayadda quraanka ah ee oranaysa: "Labku wuxuu leeyahay dheefta
(=saamiga) labo dheddig ah /للذكر مثل حظ الأنثيين".
Halkaana waxaa ka muuqanaya in fatwadu ay tahay aragti dad leeyihiin. Dadkuna
aragtida waa ku kala duwanaan karaan, oo maan dad waa mudacyo caaraddood.
Fatwada iyo guud ahaan aragtida dadka waxaa xukuma waqtiga, degelka iyo
duruufaha lagu sugan yahay. Goor ay noqotabase, waa hubaal in waddamada
islaamka ahi ay mari doonaan waddada Tuunis. Waayo, waxaa imaan doona waqti
wacyiga dadku uu koro, dumarkuna ay ragga yac iska oran doonaan.
Tixraacyo .....
1. Waxay tilmaamayaan xaasaska badan ee raggu guursadaan iyo dumarka
maqabiyaadka ah ee qolqolka ku jira (=حريم).
2. Sida la ogyahay, waxyaabaha diinta Islaamka iyo tan Masiixigu ay ku kala
duwan yihiin waxaa ka mid ah in diinta masiixigu aysan oggolayn in dumar la
isla guursado, halka Islaamka iyo ummado kaleba ay oggol yihiin guursiga
dumarka badan
3. Waagaan Turkidu dhulkooda uguma aysan yeeri jirin magaca Turki ee waxay
adeegsan jireen magaca Cusmaani, waxayna ka talin jireen dhul aad u ballaaran.
Dadka reer Yurub ayaa markii ugu horraysay dhulka hadda Turkiga loo yaqaan
magaca u bixiyey. Turkiduna adeegsiga magaca waxay bilaabeen sannadkii 1923
kolkii dalka loo bixiyey "Jamhuuriyadda Turkiga". Wixii intaa ka horreeyey
dadka dhulka deggeni waxay adeegsan jireen magaca Cusmaani.Erayga 'Turkina"
wuxuu ahaa eray muujiya qabiil iyo badownimo.
4. Kooxdaan oo markii hore lix nin ku bilowday, waxaa lagu sheegaa in ay
ahaayeen qoladii ugu horraysay ee isu abaabula si ay dowladda Cusmaanida ugu
cadaadiyaan in ay maqasho codka bulshada oo ay baahidooda ka jawaabto
(=Advocacy group). Xagga diinta waxay ahaayeen muxaafidiin, xagga siyaasaddana
liibiraali, waxayna la ahayd in waxyaabaha wanaagsan ee Yurub ka jiraa ay
yihiin wax diinta islaamku ay oggoshahay, dimoqoraadiyaddana waxay ku
macneeyeen in ay tahay shuurada oo la sii horumariyey).
5. Wixii maalinkaas ka horreeyey haweenka turkida ee muslimka ah midda rabta
in ay filin daawato waxay ku khasbanayd in ay qaadato aqoonsi been-abuur ah oo
sheegaya in aysan muslim ahayn. Caadi ahaanna, filimaanta dumarka loo oggol
yahay waxay ahaayeen kuwa lagu daawado guryaha gaarka loo leeyahay, ama lagu
soo bandhigo shaneemooyinka ku yaal xaafadaha ay ku dhaqan dadka aan muslimka
ahayn, isla markaana ay maamulaan dadka aan muslimka ahayni.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida