Shiil maskaxda oo ka digtoonow halista khuraafaadka

D adka ka ma ay dhexayso markii ay dhintaan waxa ay mudanayaan iyo in ay
sanab dhuumanaya wada caabudaan. Khuraafaadka ay dadkeenna badankoodu riman
yihiin waxaa in uu xaq yahay uga marag ah dad dhintay oo lafo ah iyo sanab aan
muuqan oo cadow ciilqaba ah. Waa meesha ay maahmaahdu tahay “Beenlow nin
dhintay iyo nin dheer buu marag gashadaa”. Wax kale oo markhaati ah ma ay
hayaan dadka ku dheggan khuraafaadka duugga ah oo lagu baadiyoobey.
Waxaa dadka ka dhexeeya in ay istixgeliyaan oo aan qof la caayin, qof la
dhicin oo qofna la dilin iyo in ay aragtiyo xalaal iyo fagrado saxan isku
darsadaan si ay halganka adag ee nolosha uga jibo keenaan. Khuraafaadka la
isku qufuley waxa uu dullaynayaa qofnimada waddaniga oo waxa uu ka dhigayaa
qof aan daliil caqli ah keeni karin ee sida xoolaha ku ciya wax uu maqlay oo
laga soo minguuriyey dad hore oo joogey xilli ay dadka badankoodu khuraafaad
ku noolaayeen.
Waxaa dadka ka dhexeeya in ay isu kaashadaan sidii ay nolosha liidata oo aan
fakarka ku salaysnayn uga bixi lahaayeen oo ay ugu gudbi lahaayeen in ay
maskaxdooda ku shiilaan aqoon adduunyo oo khuraafaad ka maran iyo aragtiyo fog
oo ay danahooda ku gaari karaan. Khuraafaadku waa been lagu curyaamiyo
qofnimada madaxbannaanideeda iyo aqoonta nuxurka leh, waxaana dhab iyo run ah
aysan khuraafaadka duugga ah waxba ka jirin ee uu yahay dhibaato ummadda ka
dabraysa in ay awooddooda maskaxeed iyo quwaddooda muruq si habboon uga
faa’iidaan.
Ma uu jiro wax ka qaalisan maskaxda iyo dhugmada in laga la soo baxo
hannaankii looga bixi lahaa saboolnimada jeebka iyo in la soofeeyo hodannimada
shakhsiyadda waddaniga ah. Ma ay jiraan dad dibdhac ka guurey oo hore u socday
oo aan adeegsan awoodaha aqoonta saxan iyo tabarta murqaha. Diimuhu waa ay ka
la khuraafaad badan yihiin oo qaar buu waddanigu marmar khuraafaad sameeyaa,
inta wakhtigiisa ka soo hartayna uu xor yahay. Qaar diimaha ka mid ah qofku
wakhtigiisa oo dhan ama in aad u badan buu khuraafaad ku jiraa. Diinniba midda
ay qofka aad ugu mashquuliso khuraafaadkeeda ayey kuwa kale ka shar badan
tahay. Waxa ay diimuhu u ka la xun yihiin sida ay qofka wakhtigiisa ugu ka la
lumin badan yihiin oo haddii wakhtigaaga badankiisa aad khuraafaad ku lumisid
waxa aad aamminsan tahay diin aad u khayr daran.
Maskaxdaada sunta khuraafaadka waxa aad ugu beddeshaa in aad ku nadiifisid
aqoon ku dhisan garaad saliim ah iyo in aad danaha adduunyo ku eegtid caqli
suubban oo aayo u leh adiga iyo ummaddaada. Ka xorow xargaha khuraafaadka
hooseeya oo lagugu khiyaamay!
Khuraafaadka diimuhu waa dad khaa’imiin ah oo xilli hore dhintay wax ay dadka
ku qufuleen oo ay uga dhinteen, mana laha daliil caqli ah oo qoddo dheer.
Maskaxdaada weyn ee qaaliga ah yuu ku ciyaarin qof dhintay oo khaa’in ahaa, oo
aan dadka uga tegin wax aan ahayn in ay iyaga oo aan fakarayn meel cidlo ah
khayr ka raadiyaan.
Hadal ay ka muuqato in uu yahay wax xilli fog jirey oo aan xilli kale ku
habboonayn. Hadal ay ka muuqato maangaabnimo iyo jaahilnimo oo la isaga
digriyo inta la isku qufulo. Hadal ay ka muuqato in uu isburinayo oo aan isku
toosnayn. Hadal ay ka muuqato in dadkii sameeyey aysan dadnimada xushmo iyo
mustaqbal u hayn ee ay rabeen in ay ereyo yaryar maskaxda ku dabraan. Hadalka
uu badankiisu caqliga suubban ka soo hor jeedo, oo baqdin iyo cadaadis badan
xanbaarsan. Hadal duruufo iyo taariikh dad xilli joogey ku saabsan oo qaarkiis
la moodo in qosol loo la jeedo. Hadal lagu faafiyo oo lagu haysto cabsigelin
iyo cagojuglayn, oo aan carruurta loo oggolayn in ay iyaga oo aan baqayn
fakaraan. Hadal dadyowga nacayb iyo cuqdado dhex dhigaya oo diradire ah.
Hadal, hadal, hadal weligaaba wad oo khuraafaadku waa wax riqiis ah oo qiimo
jaban oo dadka wakhtigooda lagu lumiyo, garaadkoodana lagu dulleeyo, markii
aad dhimatid iyo inta aad nooshahayna wax uu ku tarayaa ma jiraan. Maskaxdaadu
meesha in la dhigo la rabo waa ay ka sharaf badan tahay ee xaqeeda sii!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida