Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Sheeko Faneed

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 5
9.9k
·

10/13/2018

Sheeko Faneed

SH eeko faneeddu taariikh ahaan waa waxa ugu weyn oo dadka yurubiyaanka ah
ilbixiyey oo ka saaray mugdigii kaniisadaha oo jahliga iyo addoonsiga ku
salaysnaa, waxa ayna sheekadu soo martay marxalado ka la duwan oo magacyo ka
la geddisan leh. Halgamadii ay yurubiyaanku u soo mareen xornimada fakarka
qofka waxa ay sheeko faneeddu u ahayd hormoodka kowaad oo lagu baabi’inayey
awooddii boqorrada iyo kaniisadaha.

Sheeko faneeddu waxa ay akhristeyaasheeda maskaxdooda ka kobcisaa xagga
barashada akhriska oo qofku isaga oo sheekada ku raaxaysanaya ayuu waxa uu
akhrinayaa bogag badan oo waxaa u kordhaya dulqaadka wax akhrinta iyo la
qabsiga qoraallada dheerdheer. Waxa ay sheekadu dadka bartaa dhaqamada ka la
duwan oo qofku haddii uu labo sheeko oo bulsha ka fog laga qoray akhriyo
bulshadaas dhaqankooda iyo sida ay u fakaraani waxa ay ugu sawirantaa sida dad
uu ku soo dhex noolaaday.

Taariikhda caadiga ah ee bulsho laga qoro waxa ay sheekadu kaga xeeldheer
tahay in ay dadka sheekada jilayaa nafsad ahaan u cabbirto oo dareenkooda iyo
waxa maskaxdooda ku qarsoon ay bannaanka keento, isla markaas qof kastaa waxa
uu aamminsan yahay oo ku qarsoon iyo dhaqankiisa ayaa debedda loo soo saaraa,
waxa uuna akhristuhu la falgalaa dareen iyo hab fakar run ah oo laga soo
dhirindhiriyey sida dhabta ah ee ay dadku yihiin. Akhristuhu waxa uu ku
ilbaxayaa ka la duwanaanta bulshooyinka iyo heerarka dadweynaha oo nooc kasta
leh, waxa uuna helayaa xogo ballaaran oo hay’adaha iyo qaabdhismeedka bulshada
ku saabsan.

Haddii sheeko denbibaaris laga qoray la akhriyo waxaa la baranayaa sida ay
askaraha iyo maxkamadaha dadka ka shaqeeyaa dareemaan ama u fakaraan iyo
xaaladaha ay denbiileyaashu galaan, waxaana kobcaya akhristuhu aragtiyaha uu
ka haysto jawiga uu akhriyey oo cilmi nafsi ahaan buu uga dhergayaa meelo
badan oo uusan hore xogo uga haysan. Akhristaha waxa ay sheekadu ka korisaa
xagga afka ama luqadda oo sida badan jawiga iyo dadka lagu jilayo waxaa lagu
cabbiraa ereyo iyo tacbiiraad ka xeeldheer afka suuqa lagaga hadlo, waxaana
kor u kaca kalmadaha uu qofku xanbaarsan yahay tiradooda iyo tayadooda.

Fakarka akhristaha sheekadu waa ay beddeshaa oo waxaa laga yaabaa isaga oo
akhrinta ku madaddaalanaya in ay maskaxdiisa mabaadi’ iyo aragtiyo cusubi
galaan, kuwaas oo uu ka helayo shakhsiyaadka uu falalkooda iyo fakarkooda la
falgalay. Qofka aad sheekooyinka u akhriya maskaxdiisu caalam badan bay ka
haysaa sawirro, dareenno, taariikho, xogo iyo waxyaalo aan la soo koobi karin,
waxaana loo malayn karaa qofka fanka akhriyaa in uu ka aqoon badan yahay qofka
qoraallada runta ah sida cilmiga akhriya, waayo sheekadu dhinacyo badan bay
dadka ka sawirtaa oo waxaa ku jira aqoon hay’adood, taariikho hore,
waxbarashooyin, diimo, degaanno la qeexayo iyo dad ka la heerar iyo ka la
xirfado ah oo waxyaalihii maskaxdooda ku jirey bannaanka la keenayo.

Bulshadii ay ku badan tahay akhrinta sheekadu waxaa hubaal ah in uu dadkeedu
yeelanayo wacyi sare iyo aqoon baahsan oo ku saabsan indhaha ay ku eegayaan
dunida ku xeeran iyo dadyow ku ka la duwan waxyaalo badan. Halkii sheeko oo la
akhriyaa waa magaalooyin iyo ummado dhan oo guuraya oo maskaxda akhristaha
iyaga oo isku duuban galay, waxa ayna faa’iidooyinkaasi u kordhayaan isaga oo
ku raaxaysanaya luqad macaan iyo dhacdooyin xiiso leh. Akhristaha uu
dareenkiisa hal’abuurku ku jiro waxa ay akhrinta sheekadu dhistaa awooddiisa
qoraal iyo curintiisa hadal, waxa uuna sheekooyinka ka bartaa sidii uu isagu
wax xallad iyo xigmad ah u hindisi lahaa, waxaana hubaal ah qoraaba midka uu
ka akhris badan yahay in uu ka qoraal cuddoon yahay, waayo waxa uu haystaa
hiraallo badan iyo koboc baahsan. Akhristuhu mar kasta oo uu sheekooyin badan
akhriyo waxaa kordhaya xawaaraha uu wax ku akhriyo oo waxa ay maskaxdiisa iyo
indhihiisu la qabsanayaan boobsiinta qoraallada, waana lamahuraan in uu qofku
dhaqso u akhriyi karo curisyo dheerdheer.

Dadyowga qaarkood sida yurubiyaanka waxa ay aamminsan yihiin in ay sheeko
faneeddu tahay waxa ugu muhiimsan oo uu aadamigu haysto oo qaybta ugu weyn ka
soo qaatay halgankii lagaga baxayey mugdiga, waxaana yurubiyaanka kaga dayday
sheeko faneedda ummado badan oo uu halganka horemarkoodu maanta socdo oo
sheekada ku beddela wacyiga ummadohooda, laakiin galbeedka waayadan danbe
sheekada mabaadi’ loogu ma halgamo ee waxaa loo akhristaa in lagu madaddaasho
iyo in laga helo dhaqammo ka la duwan, waayo qofka reer galbeedka ah
wacyigiisa mabda’ ahaaneed waxa uu gaarey meel sare oo uu si xor ah u fakaro.

Soomaalidu waxa ay ku jiraan ummadaha ay aad ugu yar tahay wax akhrinta guud
oo weliba aan sheekada ka haysan aragti weyn, waxa ay se garanayaan fiirsiga
riwaayadaha oo aan ahayn in riwaayadda la qoro oo buug ahaan loo akhristo sida
sheekooyinka. In hadal ahaan wax loo dhegayso ama loo fiirsado qofka
soomaaliga ahi waa uu awoodaa, laakiin xagga akhriska aad baynu ugu liidannaa,
waxaana keenay in aynu ahayn reer miyi hadal ahaan wax isugu tebiya, markii la
magaaloobeyna waxaa yaraa qoraallada iyo qoreyaasha oo qofka magaalada joogaa
ma uu wacyi dhaamo midka miyiga jooga, waayo wax wacyigiisa dhisa ma uu helin
ee suuq buu iska taagnaa ama makhaayad buu ku fadhikudirirayey. Kol haddii ay
qoraalkeenna iyo akhrinteennu aad u liitaan sugi mayno in aynu bulsho bisil
helno jeer aynu wax ka doorinno dhaqankeenna qoraallada iyo la falgalka
curisyada buugaysan, waxaana lamahuraan ah faca soo korayaa in ay helaan jawi
ka duwan midka ay ku jiraan dadkeenna waaweyni oo ay la dhaqmaan caalamka
qoraallada.

Muddooyinkii danbe waxaa jira dad door ah oo soomaaliyeed oo isku deyey in ay
wax uun qoraan, laakiin waxaa laga yaabaa in qoraalladoodu ay xagga tayada aad
u hooseeyaan, maxaa yeelay afka soomaaligu weli waa luqad hadal ee mid qoraal
ma aha oo qoraalkiisu ma fadhiyo, isla markaas dadka wax qoraya badankoodu ma
leh bisayl weyn oo qoraal ama akhris.

Dhaqanka dunida inaga horraysa waxaa buugaagta ka ganacsada shirkado haysta
shaqaale khubaro ah oo u dhexeeya bulshada iyo buugaagta, waxa ayna
khubaradaasi ku takhasuseen tayada buugga u qalma in bulshada lagu sii dhex
daayo. Waxaa laga yaabaa in hal shirkad ay sanadkii soo gaaraan ama loo diro
kumanyaal qoraal oo ay shirkaddu sanadkaas oo dhan soo saarto toban buug, inta
kalena ay diidaan in ay faafiyaan. Waxa aad dunida inaga horraysa ku arkaysaa
dad badan oo uu mid kastaa qoray tobannaan buug oo aan weli helin shirkad hal
buug u suuq geysa, waayo shirkadaha noocaas ah khubarada u shaqaysaa waxa ay
ku takhasuseen qoraallada iyo bulshada, sidaas darteedna waxaa ummadahaas ka
reebban in uu faafo buug aan wax uun tayo ah lahayni.

Soomaalidu ma leh shirkado masuul ah oo dadka wax qora curisyadooda ka la
shaandheeya oo buuggii bulshada u qalma faafiyaa, midkii kalena miiska
hoostiisa geliya. Waxa ay u badan tahay in qoraaga soomaaliyeed uu isagu
buuggiisa madbacad geeyo iyada oo aysan jirin haba yaraato ee cid aqoon leh oo
baartay qoraalkiisa, ka dibna maktabadaha la dhigo buug sidaas u soo baxay.
Waxaa jira dad soomaali ah oo isku sheega in ay yihiin shirkado buugaageed,
laakiin aan lahayn aqoon iyo khibrad ay ku garan karaan tayada qoraallada,
kuwaas oo laga yaabo in uusan u shaqayn qof keli ah oo aqoontaas lihi.
Badankooda waxaa wada hal qof oo laftiisu aanba awoodin in uu wada akhriyo
qoraallada uu faafinayo bal in uu tayadooda derso iska daaye, waxaana suuqa
soomaalida soo galay buugaag badan oo uu ku yar yahay mid u qalma in bulshada
loo soo gudbiyaa, waxaana waddamada maktabadaha leh rugaha buugaagta yaalla af
soomaali door ah oo uu ku yar yahay wax akhris loo haweysan karaa. Ilaa iridda
ay buugaagtu uga soo baxdo bulshada soomaaliyeed ay fariistaan dad takhasus u
leh qoraallada iyo bulshada oo ay buugaagta soo baxayaa maraan baaritaanno
cilmiyaysan waxaa i na hor oollaanaya qoraallo iska yaacaya oo liita.

Soomaalidu dhinac kasta aad bay u danbeeyaan oo qofkii heerka ay joogaan u
fiirsadaa aad buu u calool xumaanayaa, waxa ayna u baahan yihiin xilli dheer
oo ay degaan magaalooyin xasilloon oo ay u kacaan dad dunida wax ka soo
korodsaday oo shaqooyinka iyo dhaqanka bulshada aqoon ku mila.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...