Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Sheeko dheer qor!

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 1
5.8k
·

4/3/2018

Sheeko dheer qor!

Maxaa dhacaya sheekada aad qoraysid dhexdeeda? Sidee bay dhacdooyinku isu daba
joogaan ama isugu xigaan? Sidee bay u qaybsan yihiin waxyaalaha dhacayaa?
Sidee yihiin shakhsiyaadka sheekada jilayaa muuqaal ahaan iyo dabci ahaan?
Meelaha ama fagaarayaasha sheekada lagu jilayaa sidee bay u sawiran yihiin?
Ujeeddooyinka ama danaha shakhsiyaadka jilaya sheekadu maxay yihiin? Maxaa
shakhsiyaadka ka hor imanaya oo ay xallinayaan? Habkee ama qaabkee baa looga
dabaalanayaa dhibaatooyinka sheekada ku jira?

Weydiimahaas iyo kuwo kale haddii aad maskaxda ku haysid waxa aad hindisi
kartaa sheeko fiican. In sheeko dheer la qoraa waa hawl adag oo u baahan
dadaal iyo in lagu tababarto qoraalka.

Ugu horrayn waa in uu qofku qorsheeyaa waxa uu sawiri doono sida dadka
sheekada jilaya, dhacdooyinka sheekada iyo fagaarayaasha ay wax ka dhacayaan.
Waa in uu akhristuhu sheekada ka dhex helaa dad uu u garanayo sidii dad caadi
ah oo uu yaqaan, waayo haddii shakhsiyaadka sheekadu aysan qeexnayn ku duxi
mayaan akhristaha. Waxaa la mid ah waxyaalaha dhacaya iyo meelaha ay ka
dhacayaan. Waa in uu qoraagu la yimaadaa dhacdooyin isku xiran oo wada macquul
ah iyo fagaarayaal uu akhristuhu u garanayo sidii meelo uu soo arkay.

Haddii aad jeceshahay in ay sheekada aad qortaa miigganaato waxaa lamahuraan
ah in aad akhridid dad kale sheekooyin ay qoreen oo badan. Sida aad dadka kale
ugu dayanaysaa ma aha in aad waxyaalihii ay qoreen soo guurisid ee waa in aad
ka baratid habka loo sawiro sheekooyinka. Markii uu akhriskaagu sii kobcaba
qoraalkaagu waa uu sii korayaa.

Wadahadalka ay dadka sheekada ku jiraa weydiin iyo afcelin sameeyaan ama ay
sheekaystaan aad buu jilitaanka sheekada ugu fiican yahay. Sheekaysiga ay
shakhsiyaadku sameeyaan waxa uu soo saaraa dadka shakhsiyaddooda, waxa uu
dhisaa dhacdooyinka sheekada, waxa uuna sawiraa fagaarayaasha wax lagu jilayo.

Waa in aad doorataa qaabka aad u sheekaynaysaa in uu yahay habka “Aniga”,
“Adiga” ama “Isaga/iyada/iyaga”! Habka “Aniga” waa in aad tusaale ahaan u
sheekaysid sidan “Baabuur baan inta ka boodey dhabarka ka jabay”, habka
“Adiga” tusaale ahaan waa “Baabuur baad inta ka booddey dhabarka ka jabtay”,
habka saddexaadna waa dadka aan ahayn labada qof oo wada hadlaya oo tusaale
ahaan waa “Baabuur buu inta ka boodey dhabarka ka jabay”.

Waxa aynu hore u soo sheegnay fagaaraha sheekada lagu jilayo ama bay’adda ay
wax ka dhacayaan in aad loo sawiraa in ay lamahuraan tahay. Guri, gaari, geed
iyo geel wixii fagaaraha sheekada soo galaa waa in ay u sawirmaan sidii wax
loo jeedo oo goobjoog loo yahay. Haddii uusan jawiga wax ka dhacayaan aad u
muuqan ama qeexnayn sheekadu waa naafo.

Ugu danbayn waa in ay sheekooyinkaagu yeeshaan hannaan adiga kuu gooni ah iyo
dhadhan aad gaar u leedahay. Waa in uu hal-abuurkaagu yeeshaa astaamo aysan
cid la wadaagtaa jirin oo lagu soo xusuusto. Haddii aad dad kale ku dayatid
ama aadan lahayn dareen muuqda weligaa qoraalkaagu saamayn weyn yeelan mayo.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...