Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Shaydaanku ma qubaystaa?!

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 1
7.4k
·

8/22/2003

Shaydaanku ma qubaystaa?!

H addii soomaalida la weydiin lahaa sababta ay dhibaatadu weligood u
haysatey, oo uu dalkoodu u degi waayey, waxaa laga yaabaa in ay qaarba meel
jawaabta la aadi lahaayeen.
Wadaaddada qaarkood waxay oran lahaayeen diintii Alle ayaa laga fogaadey oo
sidaas ayey nababgelyola’aanta, faqriga iyo caqlixumadu inooku habsadeen.
Waxaase su’aashaas ka hor imanaysa in soomaalida badankoodu ay tukadaan,
soomaan, oo sakoodaan, isla markaas aan ummadda Jabbaan malaha qof muslim ah
oo tukada lagu arag ayna nabadgelyo iyo dhaqaale fiican haystaan.

Haddii in diinta islaamka laga fogaado colaad, gaajo iyo caaqnimo laga dhaxlo
wuxuu malaha dalka adduunka ugu faqrisan oo ugu aqoon liitaa ahaan lahaa dalka
Jarmalka, isla markaas la iskuma hayo in ay labada dal oo ugu jimcooni ahaan
lahaayeen Afganistaan iyo Soomaaliya, waayo waa labo ummadood oo diinta Alle
aad u jecel. Angoola iyo Soomaaliya sababta halaagga ka sintay, isla markaas
Sucuudiga iyo Norway shidaalka ka sintay arrin diineed ma aha, oo qofkii
colaadda iyo rafaadka Soomaaliya diin ku macneeya afkiisa ayaa daloola ee
maskaxdiisu ma ay daloosho.

Jawaabtaas midda ku xigta waxaa la shir-iman lahaa dad badan, oo waa in uu
dhibta Soomaaliya baday madaxweynihii ugu danbeeyey mudane Maxame Siyaad
Barre. Jawaabtaani sidii tii hore iskahadal ma aha, waxaase laga yaabaa in
aysan run buuxda ahayn, hase yeesho ee baaritaan ayey u baahan tahay. Waxaa
suurtagal ah in ay 50% in ka badan wax ka jiraan jawaabtaan, laakiin waxaa aad
u adag in la helo dad bilow ilaa dhammaad si run ah oo aan eexasho lahayn u
soo bandhigi kara in uu cudurku ninkaas ka yimid.

Doodaha iman kara amaba taagan waxaa ka mid ah in la yiraahdo Itoobiya ayaa
Soomaaliya sidaas u gashay, waxaase laga yaabaa in qofka sidaas u doodayaa
uusan Soomaaliya iyo Itoobiya midna maskaxda ku hayn ee uu maqlay Cabdullaahi
Yuusuf baa xariir la leh Itoobiya, oo uusan dooddiisa ku salaynayn wax uu
qeexi karo, uuna yahay beelihii Carta taageersanaa ama shacabkii taageersanaa
wadaaddadii Itixaad oo ay Itoobiya iyo Cabdullaahi Yuusuf sida xun u
xasuuqeen.

Haddaba muran shakhsi gaar ah, sida Cabdullaahi Yuusuf, lagu ximinayo waxba
lagama soo qaadi karo markii dhibaato taagan si cilmiyaysan looga doodayo.
Haddii hadalka la soo koobo wax weyn baa ka jira in ay dhibaatada Soomaaliya
dalal shisheeye weligood lug ku lahaayeen, waxaanse kala caddayn inta ay la’eg
yihiin dhibaatooyinka ay Itoobiya inoo gaysatey iyo dibindaabyooyinka uu
Qaddaafi ina ku lعggooyey. Reer galbeed, siiba Talyaani, iyo dalal iyo
shakhsiyaad carab ah ayaa laftoodu lacago iyo waxyaalo kale muddo dheer
qubayey, Itoobiyana waa dalka xudduudda ugu dheer Soomaaliya la leh, oo dano
waaweyn bay inaka xurubsan kartaa, laakiin in ay beel kastaa dalkii ay lacag
iyo hub ka qaadato ma aha ee midkii kale oo Soomaaliya dano kale ka fushada
gaar u caydaa ma aha dood adag oo loo cuskan karo dhibaatooyinka Soomaaliya.

Arrimahaas aynu sheegnay iyo kuwo kale oo aad u badan ayey ku doodaan dadka
badankoodu. Haddaba mowduucyadaan iyo kuwa la midka ahi aad ayey u xiiso
beeleen, lagumana kala garqaato, laakiin waxaa jira meelo kale oo ay u
weecdaan dadka falsafadda lihi. Meelahaasi waa kuwo uusan qofka caadiga ah oo
caamayga ahi filan karin in loo aaneeyo dhibaatada Soomaaliya, laakiin waa
mowduucyo ka xiiso badan kuwa ay jabhadaha iyo beeluhu isku caayaan oo lagu
daaley, sida Itoobiya, Masar iyo Sucuudiga.

Dad badan oo fiilasoofiyiin ah baa waxay aragtiyahooda u dhiibteen si ka
macaan, kana soojiidasho weyn in lagu daalo Itoobiya iyo Masar, ama uu qabiil
kastaa midka kale eed dhabarka u saaro, oo la isku danbaabo.

Waxaa laga yaabaa in uu akhristuhu la yaabo ama uu argagaxo haddii uu qof
fiilasoof ahi sheego in ay dhibaatada dalkeenna rafaadisay ka timid gudniinka
gabdhaha! ”Haddii ay laabtu meel jirto indhuhu waxba ma arkaan” waa maahmaah
loo daliishan karo in ay laabta shacabku dagaal iyo qabyaalad la ciirciirayso
oo uusan falsafad boos uga bannaanayn, taasina waxay keeni kartaa in
fiilasoofkaaas dhibaatada ina haysata inoo sheegaya aynu ka jecel nahay nin
afgarooc ah oo idaacad been ka sheegaya. Haddaba arrintaas ah in gudniinka
dumarku uu dhibaatooyinka ina xanuujiyey inoo soo jiidey ayuu nin fiilasoof
ahi ku nuuxnuuxsaday, wuxuuna sheegay in gudniinka gabdhuhu uu qayb-libaax ka
qaatay dhibaatada Boorama iyo Baraawe ku habsatey.

Fiilasoofku, sida wadaaddada diinla’aanta cuskaday iyo beelaha Itoobiya iyo
Masar caaya, iskama uu hadlin ee wuxuu miiska soo saaray daliilo caddaynaya in
uu gudniinka gabdhuhu sababay in ay heshiin waayeen beelaha Soomaaliya, oo ay
dadka hubka ka dhigi waayeen. Hadalkii fiilasoofka oo kooban ayeynu sidiisii u
soo guurinaynaa, waxaana fiilasoofka magaciisa la yiraahdaa Dr Sabriye Dirir,
oo yiri:

Degganaanshaha bulshada waxaa saldhig weyn u ah dumarka, waxayna gabdhaha
soomaaliyeed yaraantooda ka walwalaan in uu gudniin xanuun badani sugayo, oo
habeenkii si fiican uma ay seexdaan. Arrintaasi waxay hor istaagtaa in ay
koraan qaybo badan oo maskaxda gabdhaha ka mid ahi, waxayna hanaqaadaan
ayaga oo qalbila’. Markii la gudo waxay waayaan dareenkii dadnimada oo waxay
noqdaan sidii lab xaniinyihii laga bixiyey. Weli ma aynu arag rag la
dhufaanay, laakiin xoolaha markii la xaniinyobixiyo waxay waayaan kartiyo
badan oo ay lahaayeen markii ay qoorta ahaayeen. Kartiyahaas waxaa ka mid ah
in uu jirkoodu dhaddig oo kale noqdo. Sidaas darteed dhaddiga laftiisa
haddii sida soomaalida loo gudo, oo naagnimada laga jaro, wuxuu jirkoodu u
dhawaanayaa jirka labka, oo dhaddignimadii baa ka guuraysa. Xagga muuqaalka
iyo xagga dareenkaba dumarka naagnimadii laga gooyey waxaa dhimanaysa
naagnimadoodii. Isla markaas waxay u fakarayaan sida raggii oo waa dad
sirgaxan, oo markii la guursado aan dabacsanayn oo qawaaban. Haddii lala
hadlo waxay u jawaabayaan sida nin oo kale, haddii la taabtana wax ay
dareemayaan lama arko. Maskaxda iyo jirkaba waxay dhibaato weyni kaga
dhacday subixii naagnimada laga xaabiyey, oo waa ay dhufaanan yihiin! Raggu
waxay u baahan yihiin sheeko dumar, oo dumarnimadii gabdhaha soomaalida waa
laga qaaday, oo sheeko xiiso uma ay hayaan! Waxay nimanku u baahan yihiin
raaxo oo weligiis qof dumar ah oo dhamaystiran raggeennu lama ay kulmin!
Sidaas awgeed ayey labadii soomaali ah oo isguursadaa weligood in ay wiilal
dhalaan keli ah uga fakaraayeen, maxaa yeelay wax kale kama ay dhexeeyaan.
Wiilashii la dhalay oo malaayiinta ahaa markii ay naago u raaxeeya waayeen
bay xanaaqeen, waxayna bilaabeen dagaal aan weligiis dhammaanayn. Ilaa ay
helaan dumar aan gudnayn oo u sheekeeya, una raaxeeya dagaalku waa uu sii
xoogoobayaa.

~Dr Sabriye Dirir

Ha ka xumaan fiilasoofka hadalkiisa cilmiga ku dhisan haddii aad dumar tahay,
ogowna in ay bulshada, hooyadaa iyo aabbahaa denbi kaa galeen, ee uusan
fiilasoofku waxba kuu dhimin, balse uu kaaga digey in aad carruurtaada denbi
ka gashid. Haddii aad rag tahay adiga noloshii raaxadu waa ay ku dhaaftay, ee
bal carruurtaada iyo carruurtooda ku dadaal in ay raaxaystaan, oo ay dagaalka
ka nastaan! Sida uu fiilasoofku caddeeyey nabadda Soomaaliya waxay ku xiran
tahay in aadan gabdhahaaga gudin.

Dastuurka qaranka waxaa lagu qoraa in uusan madaxweynuhu guursan xaas ajnebi
ah, waana arrin laga naxo! Haddii ninkii dalka hoggaamin lahaa loo diido in uu
gabar aan la gudin Kenya ama Uganda ka soo guursado si uu u raaxaysto, oo uu
naftiisa ololaysa u qaboojiyo maxaa la faa’iidey?!

Sida uu Dr Sabriye Dirir sheegay raggu waxay dagaalka joojin doonaan markii
gabdhaha gudniinka laga daayo oo ay koraan, oo ay ragga dejiyaan. Haddaba
maanta lama hayo gabdho aan gudnayn oo xildhibaannada, wasiirrada iyo
madaxweynaha dejiya si aysan colaadda u sii wadin oo aysan shacabka ceelasha
uga xabaalin sidii uu kacaankii ku sameeyey Soomaaliya, ama aysan dagaal
qabiil oo hor leh dalka uga oogin, sida Cabdiqaasim. Guddoomiyeyaasha
maxkamadaha iyo saraakiisha qudhoodu in ay dad xanaaqsan oo uu gurigoodu
ololayo noqdaan ma fiicna, oo waa in la qaboojiyaa! Yaase qaboojinaya haddii
uu dastuurku gabdhihii loo baahnaa madaxda ka mamnuucay?

Hadalka Dr Sabriye Dirir waxaa ka muuqda in sida aan caawimaadda midowga Yurub
iyo Ameerika looga maarmayn aan looga maarmayn in lala xidido dalal shisheeye
sida Itoobiya, waayo carabuhu inama ay rabaan oo ”Addoomo madmadow” bay inoo
yaqaanniin!

Sidee bay ku dhici kartaa in la mamnuuco xaasas ajnebi ah?! Sow taasi ma aha
in uusan dagaalku weligiis dhammaan?! Dadku markii ay dhaawac qabaan waa la
baantaa, waana in madaxda soomaalida lagu baantaa gabdho ajnebi ah si ay
nolosha u dhedhemiyaan oo dagaalka uga tanaasulaan. Xataa madaxda dhaqanka waa
in gabdho Afrikada aan gudnayn ama Tayland looga soo guuriyaa si ay inta u
qaboobaan gar caddaalad ah u gooyaan, oo ay eexda iyo qabyaaladda ummadda uga
daayaan.

Malaayiin nin oo aan weligood raaxaysan baa soomaaliya isku laynaya, oo waa in
marka hore madaxda loo guuriyaa, waxaase dhibaato ah in uu madaxda Soomaalida
midka ugu yari 50 sano dhaafay, oo cimrigii ay guursan lahaayeenba uu waa hore
ahaa. Ragga dalka isku laynaya badankoodu 70 sano ayey jiraan, oo gabdho cusub
oo Tanzanian ah tabar uma ay hayaan, hase yeeshoo ee waxay soo guursan karaan
habro ayaga gedohooda ah, oo aan gudnayn si ay u qaboobaan. Xasaskoodi hore
haddii ay masayraan loo hakan mayo, waayo arrinta loo socdo ayaa wax walba ka
weyn, oo dalka ayaa colaadda laga daminayaa.

Soomaalidu falsafo ayey u baahan yihiin, wuxuuna fiilasoof kale oo dalkeenna
ka faallooday sheegay in dhibaatada Soomaaliya iyo dalalka la midka ahi ay
salka ku hayso sida xun oo carruurta loo koriyo. Fiilasoofka magaciisa waxaa
la dhahaa Dr David Baldacci, wuxuuna u dhashay dalka New Zealand. Dadku
falsafada uma ay dhego nugla, hase yeesho ee falsafaddu waa ay ka qiimo badan
tahay dagaalka, kufsiga, qabyaaladda, beenta iyo kooxdii uu xilligeedu
dhammaaday ee Carta.

Hadalladii fiilasoofkaas kor ku xusan waxaa ka mid ahaa in aan carruurta
soomaalida marka ay yaryar yihiin lala hadlin ee canaan iyo dil keli ah lagu
koriyo. Isla markaas midkii wax barta aan la fahamsiin ee la xafidsiiyo asaga
oo aan waxaa uu xafiday macnahooda aqoon. Qofkii sidaas u koraa dadka waa uu
nebcaanayaa, waayo kuwii ugu dhawaa ayaaba yaraantiisii dili jirey oo aan si
xushmad leh ula hadli jirin, oo markii uu in uu hadlo damco ”Us!” ku oran
jirey. Wax barashada uusan qofku fahmayn ee khasabka lagu xafidsiiyaa waxay u
soo jiiddaa in uu nolosha oo dhan naco, waayo waxaa loo diidey in uu fakaro.

Sida uu Dr David Baldacci sheegay markii ciyaalka sidaas loo koriyey ay
hanaqaadaan waxay jeclaadaan in ay aarsadaan oo ay dadka cabburiyaan oo
laayaan. Ciilkii uu markii uu yaraa oo ”Aamus!” lagu oran jirey qabey iyo in
aan waxba la barin ee sida geelii la ulayn jirey ayuu qofka soomaaliga ahi
weli godobtoodii dabajoogaa, waana taas sababta ay Soomaaliya u xasili weydey.

Hadalkii fiilasoofkaas waxaa ka mid ahaa in bulshooyinka sidaas dhallaanka ku
koriya aysan dadkoodu xagga maskaxda horumar ka samayn, oo ay xagga jirka keli
ah ka koraan. Sidaas awgeed lama qiimeeyo qofkii qaabkaas loo soo koriyey
da’diisa, waayo kolley waa carruur xataa haddii uu 60 sano kor u dhaafay.
Wuxuu fiilasoofkaasi rumaysan yahay in uusan koritaanku ahayn in uu ruuxu
sanaddo badan soo noolaa, oo uu ka dheer yahay ama uu ka ballaaran yahay
carruurta.

Koritaanka wuxuu David Baldacci u haystaa in uu heerba heer ula jaanqaado xogo
isdabajoog ah, oo qofku inta uu yar yahay la siiyo, iyo weliba qaabka loo
siiyo. Xogahaas waxaa qofka siiya bay’adda iyo bulshada.

Haddaba ilmaha soomaaliga ah gurigooda haddii uu joogo inta cunto la siiyo
ayaa waxaa lagu yiraahdaa ”Waryaa/Naa bax meelahaas ku soo cayaar!” ama ”Bax
seexo!”, haddii uu su’aal keenana lagama dhegayso oo waxaa niyadda la iska
yiraahdaa ”Waa buuryaqab ee muxuu noo sheegi karaa!”. Qofka sidaas carruurta
ku leh qudhiisu waxba ma uu oga, waayo laftiisa ayaa sidaas yaraantiisii lagu
oran jirey, oo aysan maskaxdiisu midda carruurta dhaamin.

In ay bulshada soomaalidu dhammaantood carruur yihiin ayaa meeshaas ka
muuqata, waxaana daliil iyo tusaale ah sida ay dadkeenu wax u taageeraan ama
ay wax u mucaaradaan waa si aysan malaha jirin ummad la mid ahi.

Dadkeennu waxay xagga taageerada iyo mucaaradka ku dhaqmaan labo erey keli ah,
waana ”Hebel baan raacsanahay” iyo ”Hebel baan ka soo horjeedaa”. Qofka ama
kooxda la raacsan yahay haddii ay khalad galaan iyo haddii ay wax fiican
sameeyaan labadaba taageerayaashu wanaag bay u haystaan, oo waa in ay iska
ammaanaan oo difaacaan xataa haddii ay koox tuugo yihiin, sidii Carta! Qofka
laga soo horjeedo waxaa loo arkaa in uusan haba yaraato ee wanaag samayn
karin, oo tillaabo kasta oo uu qaadaa waa xumaan, waana in mar kasta la caayo.
Isla markaas dadka asaga taageersani waa cadow, waayo waxay raacsan yihiin qof
ama koox aan marna wanaag laga sugayn oo 100% xun.

Haddii qof laga soo horjeedo aad wax wanaagsan oo uu qabtay ku ammaantid
waxaad noqonaysaa qof xubin weyn ka ah dadka raacsan, sidaas oo kale haddii
aad dhaalliil uu leeyahay sheegdid waxaad xubin ka tahay mucaaradkiisa. Waxaa
laga yaabaa in ayba bulshadeennu qofkii sidaas wax u kala miiri kara ku
magacaabaan ”Qof aan mabda’ lahayn, oo hadba meel iska aada!” ama ”Khaa’in”,
waayo isku mar ayuu hal qof dhalliil iyo wanaag ku tilmaamay. Run ahaantii qof
kastaa dhalliil iyo wanaag buu leeyahay.

Carruurtu sida la og yahay waxay yaqaanniin labo erey oo kala ah ”Shaxshax”
iyo ”Uf”, maskaxdooduna ma ay gaarsiisna heer ay wax kasta dhinacyo badan ka
eegaan, oo ay hal qof xumaantiisa iyo samaantiisa kala miiraan. Wixii ”Uf” la
ah in la dilo raalli ayey carrurtu ka noqdaan, wixii ”Shaxshax” la ahna haddii
la xumeeyo waa ay ooyaan. Go’aanka noocaas ah marka ay dhallaanku qaadanayaan
kama ay jawaabi karaan sababo badan, ee maskaxdooda ayaa meel yar wax ka arki
karta, oo aan baaxad weyn lahayn.

Carruurta yaryari wax kasta go’aan degdeg ah ayey ka qaataan, haddana
go’aankaas mid ka duwan ayey dhaqso uga dabaqaataan, isla markaas wax walba oo
ay arkaan waxay kula boodaan ”Shaxshax” ama ”Uf”.

Dadka waaweyn oo soomaalida ah haddii arrin loo soo bandhigo jawaabtu waa ay
ka soo horraysaa, oo waxay oranayaan ”War nagala tag wax aad la wareegaysid!”
ama jawaab kale oo degdeg ah. Haddii uu qof wax ku soo dhibtoodo, oo markii uu
diyaariyo uu bulshada u soo bandhigo, waxay dadka ugu horreeya oo uu la kulmaa
dhiibanayaan aragtiyo aysan fakarayn oo riddin u badan.

In ay jawaabaha soomaalidu naqdin aan laga fakarin u badan yihiin waxay salka
ku haysaa in markii ay korayeen canaanta lagu badin jirey, dabadeedna ay
dagaallo ba’an muddo ku soo jireen. Gaajada badan lafteedu waxay keentaa in uu
qofku wax kasta dhibsado, oo uu dhaqso dadka u canaanto, oo la isxagxagto.

Fiilasoof kale oo muslim ahi wuxuu qabaa in ay dhibaatada Soomaaliya sabab u
tahay in aysan dadka Soomaalida ahi qubaysan! Waxaa fiilasoofka sidaas
aamminsan magaciisa la dhahaa Dr. Anwar Burhaan, wuxuuna u dhashay dalka
Masar.

Anwar Burhaan wuxuu aragtidiisa ku dhafay falsafooyin diini ah, wuxuuna ugu
horrayntii daliishadey xaddiis oranaya ”Nadaafaddu iimaanka ayey ka mid
tahay”. Wuxuuna halkaas ka ishaaray in ay soomaalidu imaan la’ yihiin! Intaas
ka gadaal ayuu galay qiso dheer oo shaydaanka ku saabsan, wuxuuna sheegay in
uusan shaydaanku qubaysan!

Wuxuu caddeeyey in uu shaydaanku waagii hore qubaysan jirey, ka dibna uu
Rabbigiisii abuuray ku gacansayray, oo uu Rabbi markaas dayriyey. Meelo dhawr
ah oo quraanka kariimka ah ka mid ah ayuu ka soo daliishadey in Rabbi
shaydaanka nacaladdiisa dusha ka saaray inta laga gaarayo yowmulqiyaama, isla
markaas uu u sheegay in uu asaga iyo taageerayaashiisa hadhow cadaabi doono.

Qarracan ayuu shaydaanku maalintaas la dhacay, wuxuuna go’aan buuxa ku gaarey
in uusan wax uu Rabbi raalli ka yahay samayn. Haddaba qubaysku waa wax uu
Rabbi raalli ka yahay, waxaana shaydaanka qubays ugu danbaysey maalintii uu
Rabbi dayriyey, oo nacaladda weyn korka kaga habbiyey.

Wuxuu fiilasoofku sheegay in uu shaydaanku waagii la dayriyey hal mid ahaa,
laakiin uu hadda bilyanno iyo bilyanno kor u dhaafay. Habka uu shaydaanku u
tarmo mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in wasakhda iyo jeermiska ay shaydaan
dhididkiis yihiin. Wuxuu caddeeyey in aysan bagteeriya iyo fayras jirin waagii
shaydaanka loo carooday, oo markii uu qubayskii muddo moogaa ay jirkiisa ka
soo buubeen welina ka soo buubaan waxa adduunka jeermis yaallaa.

Jeermis kasta oo adduunka ka jiraa waa carruurtii shaydaanka ayuu fiilasoofku
yiri, wuxuuna sheegay xaddiis oranaya shaydaanku dadka dhiiggooda ayuu xulaa,
oo wuxuu markaas tusaale u soo qaatay cudurka aydhiska.

Wuxuu sheegay in mar kasta oo ay dadku dhididaan ay ku habboon tahay in ay
qubaystaan ama maydhaan. Sababta dadka loogu waajibyey in ay markii la isu
galmoodo ay qubaystaan waa in ay shaydaan carruurtiis oogadooda ka qasaalaan
ayuu yiri, wuxuuna raaciyey istijada iyo weesadu xataa waa dagaal islaami ah
oo lagala hortegayo carruurta shaydaanka. Qofka qayila ama biyaha shaydaanka
cabba waxaa korkiisa ku bata carruurta shaydaanka ayuu fiilasoofku yiri.

Burhaan wuxuu sheegay in ay soomaalidu xagga taariikhda ahaayeen dad aan
qubaysan. Geeljiruhu biyaba indho ma ay saari jirin, beeraleyduna ilaa maanta
waa ay neceb yihiin in ay qubaystaan, oo ayaga oo webiga qarkiisa deggan
ayeysan dhawr bilood oogadooda biyo taabsiin!

Burhaan wuxuu kale sheegay in ay masaarida iyo soomaalidu aad isu yaqaanniin!
Xilligii ay dawladihii hore jireen ayuu, sida uu sheegay, Soomaaliya tegey,
wuxuuna dadkii madaxda iyo reermagaalka ahaa oo uu la kulmay ku sheegay labo
arrimood oo yaab leh.

Wuxuu sheegay in ay ahaayeen dad rumayga aad u jecel, oo xafiisyada dhexdooda
ku cadayda, oo weliba miiska xafiiska uu mid kasta rumay dheeri u saarnaa,
inta badanse uu afkooda caday ka soo taagnaa!

Sida uu fiilasoofku sheegay soomaalida ilkahoodu aad bay u cabcaddaayeen,
laakiin jirkoodu aad buu shiirayey. Waxay ahaayeen dad aan qubaysan, oo uu mid
kastaa shaatiga kulleetigiisa dawaad midda awrta u eg ku lahaa. Markii la
salaamo oo ay qoslayaan afkoodu nadiif ayuu ahaa buu yiri, hase yeesho ee
waxaa ka soo haadayey shuxuur aan loo soo dhawaan karin.

Fiilasoofkaas carabka ahi wuxuu sheegay in ay soomaalidu ka mid yihiin
taageerayaasha shaydaanka. Wuxuu caddeeyey in ay qoloba si shaydaanka u
taageeraan, oo ay soomaalidu xagga qubayska shaydaanka kala mid yihiin!

Xagga dagaallada sokeeye mar uu ka hadlayey ayuu sheegay in ay ku badan yihiin
meelaha uu qubaysku aad ugu yar yahay, oo wuxuu rumaysan yahay haddii ay
soomaalidu qubayska badsan lahaayeen in uu dagaalku gebi ahaanba soo afjarmi
lahaa.

Meelaha uu kufsigu ku badan yahay waxaaba laga yaabaa in laga helo boqollaal
nin oo aan ka qubaysan boqollaal hablood oo ay bilihii la soo dhaafay
googaradaha ka siibeen.

Wuxuu Dr. Anwar Burhaan sheegay in ay dadka Masar aad ugu dhuundalooleen
arrimaha Soomaaliya muddadii ay dagaalladu socdeen, siiba dhulka ay dagaalladu
aad u saameeyeen. Shirkii Qaahira oo sannadihii sagaashanaadka dhammaadkoodii
soomaalida loo qabtay wuxuu sheegay in ay waftiga ku yaraayeen wax qubaystey
muddadii uu shirku socdey, isla markaas wafti sanad danbe Masar yimid oo Carta
ka socdey dadku gebi ahaanba ma ay qubaysan jirin ayuu yiri Dr Anwar Burhaan,
wuxuuna hadalkiisii u soo gunaanadey shaydaanka iyo soomaalida midna ma
qubaysto!

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxeexan

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...