Shaydaankii la xidhay

Waxaa inbadan dhegahayga kusoo dhaca gaar ahaan bisha Ramadaan ereyada
“Shaydaanki waa la xidhay” , inbadan oo Soomaali ah ama muslimiin ahina waa
maqashay, waxaan is waydiiyey shaydaanka la xidhay waa kee? yaase shaydaan ah?
ereyga shaydaan muxuu yahay? in wax la iswaydiiya waa muhiim waayo wax iska
qaadashadu waxay disha garashada.
Ereyga (الشيطان) af ahaan waxay ku qeexeen fogeyn, laakin saw ma odhan karno
ereyga Shaydaan waa sifo la mid ah sifooyinka lagu sifoobo sida fariidnimo,
dabbaalnimo ama bahalnimo oo kale. Markaad eegto diinta islaamka waxaa kuu
cadaanaysa in ereyga Shaydaan uu sifo yahay lagu sifoobo ayna been tahay
jiritaanka noole geesa leh oo shaydaan lagu magacaabo, ilaahay wuxuu ku
leeyahay Quraanka {وكذلك جعلنا لكل نبي عدوا شياطين الإنس والجن يوحي بعضهم إلى
بعض زخرف القول غرورا ولو شاء ربك ما فعلوه فذرهم وما يفترون
[1](https://kaashomaanka.com/shaydaankii-la-xidhay/#easy-footnote-
bottom-1-830), aayaddani waxay inoo sheegaysaa inay jiraan Shayaadiin ka mid
ah dadka iyo Jinka, taa micneheedu waxa weeye dadka waxa laga heleyaa qayb ku
sifoobeysa Shaydaannimo si la mid ah sida Jinka taasina waxay meesha ka
saaraysa jiritaanka noole laba gees leh oo shaydaan la dhaho.
Ereyadan af-carabiga ahi waxaa laftooda kaaga muuqanaya in shaydaannimadu
tahay wax cid lagu sifeeyo (إن النساء شياطين خلقن لنا * نعوذ بالله من شر
الشياطين), ninkan gabayaaga ahi haweenka ayuu shayaadiin ragga loo abuuray ku
sifaynayaa, aayadahani waxay iyana inoo sheegeyaan in Jinku leeyahay qayb
muslim ah(وَأَنَّا مِنَّا الْمُسْلِمُونَ وَمِنَّا الْقَاسِطُونَ فَمَنْ
أَسْلَمَ فَأُولَئِكَ تَحَرَّوْا رَشَدًا) ( يَهْدِي إِلَى الرُّشْدِ فَآمَنَّا
بِهِ وَلَن نُّشْرِكَ بِرَبِّنَا أَحَدًا ).
[2](https://kaashomaanka.com/shaydaankii-la-xidhay/#easy-footnote-
bottom-2-830)
Hadii ay qaar Iblays ku sheegaan aabaha shayaadiinta saw Jinka kama mid ahayn
ibliis sid ku cad aayaddan ( إِلَّا إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ
عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ أَفَتَتَّخِذُونَهُ وَذُرِّيَّتَهُ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِي
وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّ بِئْسَ لِلظَّالِمِينَ بَدَلًا
)[3](https://kaashomaanka.com/shaydaankii-la-xidhay/#easy-footnote-
bottom-3-830), gaalnimada uu gaaloobey saw kuma sifoobin shaydaannimo? Saw
ilaahay quraanka kuma odhan (وما خلقت الجن والانس الا ليعبدون
)[4](https://kaashomaanka.com/shaydaankii-la-xidhay/#easy-footnote-
bottom-4-830) ?
waxaan is waydiiyey hadii bisha Ramadaan shayaadiinta la silsiladeeyo waa kuwa
jinka ah ee kuwa aadanaha iyaga xaalkoodu muxuu noqonayaa? Haddii se la
xidhxidhay kuwa waaweyn kuwa yar yar maxaa loo xidhi waayey? ma xuquuqdooda
caruurnimaa la dhawrayaa? Xukunka shaydaanimadu miyaanu qaban kuwa dadka ah?
Ibliis markuu gaaloobey ayuu shaydaanimo ku sifoobey, shayaadiinta geesaha leh
ee la sheegana waa wax aan jirin laakiin sifada shaydaanimada waxa ku sifoobey
gaalada Jinka ee uu madhinte ibliis hogaamiyo, aadanaha shaydaan waxa ah qof
kasta oo aan islaam ahayn waa sida ay qabaan dadka haysta diinta islaamka.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida