Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Shareecada Islaamka iyo dareenka Insaanka

W/Q: Mustafe Cali
Diimaha 1
9.1k
·

11/19/2017

Shareecada Islaamka iyo dareenka Insaanka

M arkii laga soo tago waajibaadka akhlaaqiga ah ee insaan walba
ilaalintiisa laga rabo, waxaa jira waajibaad kale oo badan oo shareecada
islaamka ay fartay dadka aaminsan iney sameeyaan iyo kuwo kale oo ey ka
reebtay iney ku kacaan.

Taas oo marka qofka muslimka ahi uu sameyo uu dareemo gudasho masuuliyad marki
uu ka tagana ku dhalisa ka gaabis masuuliyad. Hadaba sidee ayey saameyn ugu
yeelatay shareecadu dareenkii dambiga ee dabiiciga ahaa?

Si aad ufahamto saameyntaas waxaan u baahanahay inaan dambiga u kala saarno
mid dabiici ah iyo mid aan dabiici aheyn. Dambiga dabiiciga ah waakan
taabanaayo insaaniyada qofka, dambigaas oo markii uu qofka sameeyo uu
dareemayo xumaan taas oo u keento inuu ka qoomameeyo wixii uu sameeyay sida
beenta, khiyaanada, tuugnimada, iyo ku xadgubidda dad kale. Dareenka noocaas
ah waa dareen dabiici ah waayo xitaa waxa dareemo dad aan muslim aheyn amaba
aan diin aaminsaneyn.

Waxaa kale oo jira dambi aan dabiici aheyn, waa kan ka dhasha ka tegidda
waxyaabihii shareecadu amartay sida salaadda Iyo soomka ama sameynta
waxyaabihii lagaa reebay sida cunista hilibka doofaarka ama cabista khamriga.
Waxaad arkeysaa qof muslim ah oo khiyaano sameynaya ama been sheegaya, laakiin
aanan cuneynin hilibka doofaarka.

Haddaba saameyntaas waxaan ku soo koobi karnaa dhowr qodob:

  • In qofka uu dareemo dambi shareecada darteed (tusaale wuxuu katagay salaad) waxey dabooleysaa dareenkii dambiga dabiiciga ahaa ee qofka, ama ayadoo gaaban; in qof ka dareemo danbi aan dabiici aheen, waxaay dabooleysa dareenka danbiga dabiiciga ah.
    Tusaale; inuu isdhaho marba haddaad ilaah amarkiisa fulin weysay maxaa wax
    kale kaa galay.

  • In badan oo shareecada kamid ah waxey ka hor imaaneysaa waajibaatkii akhlaaqiga ahaa sida jaceylkii waalidka.
    Tusaale qof waalidkiis uu gaal yahay ma jeclaan karo sida aayaddan ku cad
    (لاتجد قوما يؤمنون بالله واليوم الآخر يوادون من حادالله ورسوله ولوكانو آباءهم
    ) “ma arkeysid qoom ilaah iyo aakhiro rumeeyay oo jeclaanayo qof ilaah iyo
    rasuulkiisa la colloobay”.

  • Sameynta qofka uu u sameeyo wanaag shareecada oo amartay darteed wuxuu dilayaa dareenkii insaanka ee dabiiciga ahaa, tusaale qofka muslimka ah marka uu dhiibayo zakada uma dhiibayo insaannimo darteed laakiin wuxuu u dhiibayaa cabsi uu ka qabo naar, Sidaas ayeyna shareecadu uriixday dareenkii dabiiciga ahaa ee qofka muslimka ahaa.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...