Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Shanqadh waliba waa shabeel

W/Q: Saacid Kaahiye
Falsafad 0
7.7k
·

8/3/2020

Shanqadh waliba waa shabeel

S uurayso bal akhristow aniga iyo adiga oo maanta ku laabanay kumannaan
sano kahor iyo waqtigii awoowayaasheen ay ugaarsatada ahaayeen. Maalin
maalmaha kamid ah anaka oo kaynta dhex soconna haddaan maqalno shanqar geedaha
ka dhex yeeraysa iyo cawska oo lulanaya

Kadib adigu aad tiraahdid war meesha Shabeel baa inoogu dhuumanaya si uu inoo
kala gooyo ee inaga dhaqaaji, anigana aan kuugu jawaabo war saaxiib dhib
malahan waxa meesha luxaya waa iska dabeelo ee caadi iska dhig.

Kawarran waxa meesha ka shanqaraya haddii ay dabeelo iska noqdaan oo meesha
uuna bahal ku jirin? Dabcan waxba dhici maayaan labadeenabane caawa si nabad
baan ku hoyanaynaa dhacdadana waan iska illoobaynaa.

Laakiin bal kawarran haddii waxa meesha ka shanqaraya ay noqdaan Shabeel noo
dhuumanaya? Waxay u badantahay in uu aniga i kala goynayo maadaama aan waxba
iska filayn, meesha aad adiga badbaadaysid maadaamaad taxadar meesha ka
muujinaysay oo digtoonayd.

Haddaad badbaadid ood sii tafiirmatid waxay u badantahay in aad ilmahaaga ama
ay kaa dhaxlaan taxaddar saa’id ah amaa aadba ku barbaarisid in meeshii
shanqadhaba uu Shabeel ku jiro.

Markaa is waydii akhristow maxaa ka dhalan kara dad wada dhiifoon oo digtooni
saa’id ah ku jira oo wixii shanqadhaba xumaan ku soo socota moodaya oo ayaka
oona waxba hubsan didaya?

Dabcan dadka sidaa ah hadafkooda ugu horreeya noqon maayo in ay runta iyo
beenta kala saaraan ama ay cilmi wax u yeeshaan ee wuxuu noqonayaa uun sidee
baad u badbaadaa.

Midda xigta, waxa ka dhalanaya in ayna dadkaasi dabeecaddoodii ahayd shanqadh
walba shabeel baa ka dambeeya ayna kaynta ugaga soo tagin oo ay baladka
keenaan adduunka dhanna ay sharcigaas ku xukumaan.

Gugac marka uu soo yeero oran maayaan war waxaan maxay ahaayeen ma naqaano ee
bal aan ka gun gaarno ee waxay leeyihiin waxbaa caadka ku dhex jira oo meesha
dube la dhacaya oo anaka xumo nala raba.

Folkaano ama dhul-gariir hadday dhacaan waxan wax iska dabiici ah oo aana
anaka naloola dan lahayn amee yihiin is waydiin maayaan oo run raadin u maryo
qaadan maayaan ee waxay leeyihiin waxaan la arkayn baa meesha ku jira oo
gabigeen ama qaarkeen ay ka xanaajiyeen oo xume nala doonaya!

Intaas bas kuma ekaanayaan dadka noocaas ah ee xattaa dhexdooda ayee ka
bilaabanee oo midkood hadduu kakale ugaga istaago lugta si ka’ma ah, ka kale
wuxuu suuraysanaa in kas loogu istaagay oo dhagar loo maldahayo. Runtana
raadin maayo ee walaalkiis buu warmaha u qaadan.

Bini’aadamka maanta nool wuxuu kasoo tafiirmay ninkii shanqarta ka diday ee
wixii dhaqaaqaba Shabeel iyo wax xuma la doonaya moodayay, marka sidaa darteed
la yaab malahan in uu diimo iyo hab dhaqameedyo u jeedkoodu uuna ahayn run
raadin balse uu yahay sideen ku badbaadnaa uu samaysto.

Dhiifoonaada ma xumo laakiin amaa naloo qaatay in aan fulaynimadaan iska dayno
oo anakoo taxadar muujinayna qayladii soo yeertaba aan ka gun gaarno oo
hadafkeenu noqdo run raadin intaan oran lahayn wax aana la arkayn baa meesha
ku dhuumanaya!?

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...